Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Asad Xaajiyow oo dhibane u ah argagixisada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan soo dhaweyn ah ugu fidiyey Madaxtooyada Qaranka Hal-abuure Asad Xaajiyow ayaa ku dhiirri geliyey go’aanka geesinimada leh ee uu ku wajahay dhibaatada ay u geysteen argagixisada.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Asad Xaajiyow uu tusaale u yahay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee adkaysiga iyo geesinimada kaga gudbay dhibaatada iyo waxyeellada ay argagixisada u geysteen dadka Soomaaliyeed.

“Asad kuma niyad jabin weerarkii naxariis darrada ahaa ee argagixisada Al-Shabaab ay dhowr iyo toban sano ka hor isku dayeen in ay ku dilaan, kaas oo keenay in uu naafo noqdo. Inkastoo uu la kulmay dhaawac halis ah oo naafo ka dhigay haddana maanta waxa uu dalkiisa ku soo laabtay isagoo xambaarsan himilo iyo hiigsi ku aaddan horomurka dalkiisa iyo dadkiisa”.

Munaasabadda kaddib, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Mudane Cabdixakiim Maxamed Yuusuf ayaa guddoonsiiyey Asad Xaajiyow Billadda Adkaysiga Soomaaliyeed, taas oo ah abaalmarin la siinayo muwaadiniinta muujiyey geesinimo, dulqaad, iyo adeeg bulsho oo qiimo leh.

    

Wasiir Cali Xoosh oo qaabbilay safiirka dowladda Shiinaha u jooga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Danjiraha dowladda Shiinaha ee Soomaaliya mudane, Wang Yuu.

Kulanka ayaa looga hadlay iskaashiga labada dhinac, xoojinta wada shaqaynta gaar ahaan dedaallada wadajirka ah ee xasilinta iyo dib-u-heshiisiinta iyo arrimo kale.

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dowladood

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Miudane Danjire Ahmed Moallim Fiqi, ayaa maanta oo Arbaco ah ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda ee Azerbaijan, Yalchin Rafiyev.

Labada dhinac ayaa waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo ballaarinta dhinacyada iskaashi wadaagga labada dal ee walaalaha ah.

Wasiirrada ayaa isla eegay qoto-dheeraynta iskaashiga iyo xoojinta xiriirka labo geesoodka, iyadoo diiradda la saarrayo dhinacyada nacfi is-dhaafsiga iyo ka go’naanshaha barwaaqo wadaagga labada dal.

Agaasimaha hay’adda socdaalka oo kulan la qaatay Safiirka dowladda Sweden ee Soomaaliya

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustafa Sh, Cali Dhuxuloow, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ku qaabbilay safiirka dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya, Amb; Joachim Waern.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wadashaqeynta labada dhinac, gaar ahaan isku xirka hay’adaha socdaalka iyo jinsiyadda ee labada dal, wadaagista khibradaha iyo xogaha la xiriira socdaalka, iyo horumarinta aqoonta saraakiisha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

Wasiirka qorsheynta XFS oo qaabbilay Wasiir Ku-Xigeenka Arrimaha Dibadda dalka Azerbaijan

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabbilay Wasiir Ku-Xigeenka Arrimaha Dibadda dalka Azerbaijan , Mudane Yalchin Rafiyev iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhaqaale iyo maalgashiga, iyadoo si gaar ah loo faaqiday fursadaha maalgashi ee istiraatiijiga ah ee la jaanqaadaya qorshaha isbedelka Qaranka (QIQ) kuwaas oo dhiirrigelinaya kobac dhaqaale oo joogta ah.

Guddiga joogtada ah ee Aqalka sare oo meelmariyay ajandayaasha golaha

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo uu wehelliyo Guddoomiye ku xigeenka labaad Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde) ayaa shir Guddoomiyay kulanka koowaad ee Guddiga Joogtada Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad.

Ajandaha kulanka maanta ayaa ahaa ka doodista qorshe hawleedka Golaha iyo Guddiyada ee Kalfadhiga lixaad, waxaana Guddoomiyayaasha Guddiyadu ay soo bandhigeen qorshayaashooda shaqo ee hortebinta u leh guddi walba, ka shaqaynta shuruucda la horkeenayo golaha, metelaadda shacabka iyo dardar gelinta hannaanka isla xisaabtanka iyo kor-joogtaynta hay’adaha dowladda, iyadoo intaas ka dib la meel mariyay ajandaha golaha iyo qorshe hawleedka guddiyada ee kalfadhiga lixaad.

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo kulanka soo xiray ayaa xubnaha guddiga joogtada Aqalka Sare ku bogaadiyay howsha ay Qaranka u hayaan, isagoo faray in ay dardar geliyaan arrimaha korjoogtaynta iyo islaxisaabtanka hay’adaha dowladda, islamarkaana ay si dhow u wada-shaqeeyaan Guddiyada meelaha qaar shaqo wadaagga ka noqonaya.

Kulan looga hadlayo xaaladda bani’aadannimo ee dalka oo ka dhacay Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Amb. Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta guddoomiyay kulan looga hadlay xaaladda bani’aadannimo ee dalka, waxaana kulankaan goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macallin Cabdulle.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Wasaaradda ayaa diiradda lagu saaray warbixinta abaarta La-nina, saameynta taban ee durba ka dhalatay taageerada qaar ka mid ah hay’adaha ka shaqeeya howlaha gargaarka oo istaagtay iyo in wadajir looga howl-galo wax ka qabashada xaaladda bani’aadannimo ee waddanka.

Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa xusay in dadaallada diblomaasiyadeed iyo doorka hoggaamin ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda xogga lagu saari doono sidii indhaha caalamka loogu soo jeedin lahaa malxadda ban’aadanimo ee ka jirta Soomaaliya.

Wasiiru Dowlaha Beeraha XFS oo ka qeyb galay Shirka Horumarinta Beeraha ee Jaamacadda Carabta

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Asad Cabdirasaaq Maxamed, ayaa ka qeyb galay shir muhiim ah oo ka dhacay magaalada Qaahira ee Caasimadda Masar.

Shirkaan oo ay soo qabanqaabisay Ururka Carabta ee horumarinta Beeraha ee Jaamacadda Carabta ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dardargelin lahaa mashaariicda kor u qaadaya wax-soosaarka beeraleyda Carabta.

Wasiir Asad ayaa kulan doceedyo la yeeshay Wasiirrada Beeraha ee Masar iyo Ciraaq, isagoo kala hadlay Wasiirka Beeraha Masar xoojinta xiriirka labada wasaaradood, si kor loogu qaado aqoonta iyo khibradda beeraleyda Soomaaliyeed, isagoo sidoo kale wasiirka beeraha ee Ciraaq kala hadlay dib-u-soo celinta mashruucii hore ee Iraq-Som ee horumarinta beeraha.

Dhanka kale, Wasiir Asad iyo wafdigiisu waxay booqdeen xarumaha Wasaaradda Beeraha iyo Wasaaradda Sahayda iyo Ganacsiga Gudaha ee Masar.

Xuska maalinta Kansarka adduunka oo lagu qabtay Muqdisho

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐝𝐚𝐫𝐲𝐞𝐞𝐥𝐤𝐚 𝐛𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐅𝐞𝐝𝐞𝐫𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 ayaa maanta 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐚 M𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐛𝐚𝐭𝐞𝐲 𝐱𝐮𝐬𝐤𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐊𝐚𝐧𝐬𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐚d𝐝𝐮𝐮𝐧𝐤𝐚.

Munaasabaddan oo uu furey Agaasimaha Waaxada Caafimaadka guud ee Wasaaradda Caafimaadka mudane Mukhtaar Shube, waxaana kasoo qeyb galey agaasimayaal ka tirsan Wasaaradda Caafikaadka xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Hey’adaha ka shaqeeya arrimaha Caafimaadka ee ka howlgala Soomaaliya, wakiilo ka socdey Isbitaalada dalka, Dhakhaatiir, aqoon yahan iyo marti sharaf kale.

Yoolka maalintan ayaa ahaa in la dhiirri geliyo lana xasuusto dhibanayaasha cudurkan noocyada badan, waxaa kale oo looga dan leeyahay xuska maalintan in la sameeyo wacyi gelin la xiriirta khatarta cudurka, astaamaha lagu garto iyo sida ugu habboon ee ah in wakhti hore la oggaado, ku dhawaad 8 Milyan oo qofood ayaa u dhinta cudurkan sanad kasta, waana sababta abuureysa walaaca iyo walwalka ugu badan ee laga qabo xanuunkan, dhibanayaasha ugu badan ee cudurka waxaa la tilmaamaa inay yihiin dadka ku nool miyiga oo aan helin inta badan daryeel Caafimaad.

Goobta ayaa lagu soo bandhigey warbixinno ka looga hadlayey heerka xanuunkan iyo saameynta uu ku leeyahay bulshadeena iyadoo warbixinnadu ay barbar socdeen farriimo wacyi gelin ah oo ka qeyb qaadanaya ka hortagga iyo yareynta xanuunkan dunida oo dhami la daalaadhaceyso.

Khubarada iyo mas’uuliintii kasoo qeyb gashey munaasabadda xuska maalinta caalamiga ah ee cudurka Kansarka waxay ka wada dhawaajiyeen in si dhow ay bulshada ula socoto farriimaha ka imaanaya Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada XFS iyo sidoo kale hey’adaha ka shaqeeya arrimaha Caafimaadka, iyadoo la raacayo tilmaamaha si loo badbaadiyo bulshadeenna.

Duqa Muqdisho oo dhagax dhigay dhismaha waddada laami yaraha Soobe

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa dhagax dhigay dhismaha waddada laami yaraha Soobe ee degmada Wadajir.

Duqa Muqdisho ayaa boogaadiyay doorka iskaashi oo ay bulshada iyo maamulka degmada Wadajir ku dhisayaan waddadaan oo muhiim u ah isku socodka bulshada, isagoo xusay in maamulka gobolka Banaadir uu kaalin weyn ka qaadan doonno dhismahan si loo horumariyo kaabayaasha isku socodka bulshada.

Munaasabadda dhagax dhiga waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiyaha degmada Wadajir Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cali, agaasimeyaal, ganacsato, odayasha dhaqanka iyo qeybaha kala gedisan ee bulshada.