Hanti-dhowraha Guud ee JFS oo kulan muhiim ah la qaatay dhiggiisa Dalka Masar

Hantidhowraha Guud ee JFS Mudane Axmed Ciise Guutaale ayaa kulan la xiriiray xoojintaย xiriirka iskaashi iyo wada shaqeyn laga yeesho arrimaha labada hayโ€™adood la qaatay Madaxa Hayโ€™adda Dhexe ee Hantidhowrka Masar ๐Œ๐ฎ๐๐š๐ง๐ž ๐Œ๐จ๐ก๐š๐ฆ๐ž๐ ๐€๐ฅ-๐…๐š๐ข๐ฌ๐š๐ฅ ๐˜๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐Ÿ

Kulankaasi labada dhinac waxaa xuddun u ahaa helidda wada-shaqayn joogta ah, iyada oo la xoojinayo awoodda, xirafadda iyo aqoonta shaqaalaha ee hantidhowrista Soomaaliya iyo Masar.

Intii uu kulankaasi socday Mudane Axmed Ciise Guutaale waxa uu carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay ka faaโ€™iideysiga waaya-aragnimada qotoda-dheer ee ay Masar u leedahay isla-xisaabtanka iyo ilaalinta maaliyadda dadweynaha.

Sidoo kale Mudane Mohamed Al-Faisal Yusuf ayaa isna is dul taagay sida ay Masar uga goโ€™an tahay in ay Soomaliya la yeelato xiriir iskaashi oo waara, kaas oo ku qotoma xoojinta baarista maaliyadda dadweynaha iyo dowladnimada.

Kulankaasi waxa ay madaxda heyโ€™adahaasi isku raaceen in si degdeg ah loo yagleelo qaab-dhismeed wada-shaqayneyd, kaas oo horseedaya kulamo kale oo diiradda lagu saarayo is-dhaafsiga khibradaha farsamo iyo horumarinta awoodaha aqooneyd ee labada hayโ€™adood.

Kulankaasi waxa uu gogol-xaar u yahay ย sahminta fursadaha iskaashi ee mustaqbalka, kaas oo gacan ka geysan doona mideynta dadaallada korjoogteynta, daah-furnaanta, isla xisaabtanka iyo dowladninada labada dal.

Madaxweynaha JFS oo xoojiyay baaqa Golaha Wasiirrada ee dagaalka ka dhanka ah Daacish

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sii xoojiyay baaqa Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan howlgalka ka dhanka ah argagixisada Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyey guulaha taariikhiga ah ee ay soo hooyeen ciidanka iyo shacabka Dowlad Goboleedka Puntland.

Madaxweynaha ayaa faray Xukuumadda in ay dardargeliso hirgelinta goโ€™aanka taageerada geesiyaasha Soomaaliyeed ee u istaagay xoreynta deegaannada ay argagixisada Daacish kaga sugan yihiin buuraleyda gobolka Bari. Waxa uu xusay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed oo isku duuban ay ka adkaanayaan argagixisada isa soo baheysatay, islamarkaana ay ka xoreynayaan taako kasta oo ka mid ah dhulka Soomaaliyeed.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa adkeeyay in Dowladda Federaalka ah ay ka goโ€™an tahay la dagaallanka iyo ciribtirka argagixisada caalamiga, iyadoo la xoojinayo awoodda ciidanka, korna loo qaadayo daryeelka caafimaad ee halyeeyada ku dhaawacmay xoreynta deegaannada lagu baacsanayo argagixisada.

๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐š๐๐š ๐จ๐จ ๐ฆ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐š๐ง๐ฌ๐ข๐ฑ๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ ๐ก๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ๐ฒ๐จ ๐š๐ฒ ๐ฐ๐š๐๐š ๐ ๐š๐ฅ๐ž๐ž๐ง ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐€๐ฌ๐ž๐ซ๐›๐š๐ฃ๐š๐š๐ง

Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa lagu ansixiyey laba heshiis oo ay wada gaareen dowladaha Soomaaliya iyo Aserbajaan, kuwaas oo ku saabsan dhinacyada Waxbarashada, Tababarrada iyo Tamarta.

Heshiisyada is-afgarad ee ay wada gaareen Soomaaliya iyo Aserbajaan, ayaa wax weyn ka tari doonaa horumarinta dhinacyada Waxbarashada, Tamarta iyo tayeynta xirfadaha.

Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoomiyey Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka, ahna Ku-simaha Raโ€™iisul Wasaaraha XJFS, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo la xiriirra dhinacyada amniga iyo shuruucda.

Guddoomiyaha Golaha shacabka oo shir guddoomiyey kulanka gudidda joogtada ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada oo ka dhacay xarunta Guddoonka iyo Guddiyadda ee Villa Hargeysa.

Kulanka oo looga hadlayay furitaanka kalfadhiga 6-aad ee Golaha Shacabka ayaa xubnaha joogtada looga dhageystay guddi walba qorshayaashiisa kalfadhiga lixaad iyo shuruucda uu gacanta ku haayo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in kalfadhiga lixaad oo dhowaan furmi doona Golaha Shacabka ay horyaalaan howlo muhiim ah iyo sidoo kale ka shaqeynta shuruuc kala duwan oo dowladnimada dalka muhiim u ah.

Golaha wasiiradda XFS oo bogaadiyey hawlgalka khawaarijta looga xoraynayo Cal-miskaad

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa bogaadiyey Ciidamada geesiyaasha ah ee Dowlad goboleedka Puntland, kuwaas oo guulo waaweyn ka gaaray jab xooggana gaarsiiyey kooxda Khawaarijta Daacisha ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

Golaha ayaa goโ€™aamiyey in heyโ€™addaha dowladda ay mid walba qaadato doorkeeda waxtarka ah ee kaga aaddan garab istaagga ciidamada iyo shacabka Puntland ee dagaalka kula jira cadowga.

Shirweynaha xeer ilaaliyeyaasha Soomaaliyeed oo galay maalintii labaad

-๐—ฆ๐—ต๐—ถ๐—ฟ๐˜„๐—ฒ๐˜†๐—ป๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐Ÿณ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ ๐—ฒ๐—ฒ x๐—ฒ๐—ฒ๐—ฟ i๐—น๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐˜†๐—ฒ๐˜†๐—ฎ๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ฎ ๐—ฆ๐—ผ๐—ผ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐˜†๐—ฒ๐—ฒ๐—ฑ ayaa maanta galay maalintii labaad kaas oo sanadkan diiradda lagu saarayo mowduuca muhiimka ah ee la dagaallanka maalgelinta iyo ilaha dhaqaalaha argagixisada.

Shirkan waxaa ka qeyb galaya madax sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya, xeer ilaaliyeyaasha heer federal iyo heer dowlad goboleed iyo wakiillo ka socda hayโ€™adaha amniga.

Shirkan ayaa maanta lagu soo bandhigayaa cilmi baarisyo muhiim ah oo ku saabsan sida looga hortagi karo maalgelinta argagixisada iyo curyaaminta dhaqaalaha u gudba.

ย ย ย ย ย ย ย ย ย 

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo casho sharafeed ku maamuusay wafdiga Azerbaijan

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Ahmed Moallim Fiqi, ayaa xalay casho sharaf ugu sameeyay Caasimadda Muqdisho wafdiga Azerbaijan ee booqashada ku jooga dalka oo uu hoggaaminayo Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda, Yalchin Rafiyev, tani oo caddayn u ah xiriirka diblomaasiyadeed ee kobaca samaynaya ee u dhexeeya labada dal.

Booqashada wafdiga Azerbaijan ayaa astaan u ah xiriirka horu-socodka leh ee u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah oo ka marqaati ah ka goโ€™naanshaha Soomaaliya iyo Azerbaijan taabagelinta iyo qoto-dheereynta iskaashi wadaag dhinac weliba leh.

Guddoomiyaha hayโ€™adda SoDMA oo la kulmay masuul ka tirsan UN Women

Guddoomiyaha hayโ€™adda maareynta musiibooyinka Soomaaliyeed mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa la kulmay Pia Weurlander, Ku-simaha Madaxa xafiiska haweenka Qaramada Midoobay (UN Women), si loo xoojiyo xiriirka adag ee u dhexeeya labada hayโ€™adood ee ka shaqeeya wax ka qabashada arrimaha muhiimka ah ee maareynta musiibooyinka ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray kor u qaadista ka-qaybgalka haweenka ee dadaallada yaraynta khataraha musiibooyinka (DRR), hubinta in codadka haweenka lagu daro geeddi-socodyada goโ€™aan-qaadashada iyo abuurista goobo ammaan ah oo loogu talagalay haweenka ku nool bulshooyinka ay musiibooyinku saameeyeen, iyadoo ay soo fool leeyihiin abaarihii ka dhashay La Niรฑa, haweenku waa kuwa ugu nugul, taasoo ka dhigaysa mid aad muhiim u ah in la xoojiyo adkaysigooda iyo in la hubiyo inay helaan taageerada iyo agabyada lagama maarmaanka ah.

SoDMA iyo UN Women waxay sii wadi doonaan inay ka shaqeeyaan sidii loo dhisi lahaa Soomaali adkeysi badan leh oo loo dhan yahay ayaa lagu yiri war saxaafaded ka soo baxay kulanka.

Ciidanka amniga oo ka hortagay koox amni darro ka fulin rabay degmada Baardheere

Wasaaradda amniga XFS ayaa sheegtay in ciidanka ammaanku ay ku guuleysteen ka hortagga koox qas-wadayaal ah oo qorshaynayey inay falal amni darro ah ka fuliyaan degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

 

Soomaaliya oo ka digay halista maarayn xumida biyaha ka gudba soohdimada

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Ahmed Moallim Fiqi, ayaa sheegay caqabadaha ka dhalan kara ku takri falka kheyraadka biyaha ee xuduuda isaga gudba, isagoo ka digay inay keeni karto amni darro iyo inuu xumaado xiriirka ka dhaxeeya dalalka.

Wasiirka oo hadal ka jeedinayay maanta aqoon isweydaarsi ku saabsan ku biirista Soomaaliya ee heshiiska caalamiga ee isticmaalka iyo ilaalinta biyaha iyo harooyinka xuduudaha ka gudba oo lagu qabtay Muqdisho ayaa caddeeyay kaalinta muhiimka ah ee biyaha ay u leeyihiin noolaha iyo baahida loo qabo iskaashi maamul si looga hortago khilaafyada, loona hubiyo in si siman biyuhu u gaaraan marinnada ay ku qulqulaan.

ย ย ย ย ย