Dowladda Soomaaliya oo digniin ka soo saartay la macaamilka khawaarijta

Wasiiradda Wasaaraddaha Amniga Guddaha, Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, Wasiir kuxigeenka Warfaafinta iyo Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo maanta shir jaraa’id ku qabtay muqdisho ayaa bulshada Soomaaliyeed u soo bandhigay guullaha laga gaaray la dagaalanka khawaarijta.

Wasiiradda ayaa hambalyo u diray dhamaan geesiyaasha qaranka ee furimaha dagaalka ka soo hooyey guullaha, iyagoo sidoo kale shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeey garab istaagga ay u muujiyeen ciidanka qaranka.

Wasiiradda ayaa carabka ku adkeeyey in dowladda hadafka koowaad u yahay la dagaalanka khawaariju,iyadoo intii dagaalku socday dhamaan lagu jabiyey furimaha dagaalka kooxda khawaarijta.

Sidoo kale wasiiradda ayaa soo bandhigay in kooxaha Khawaarijta looga adkaaday dagaalka maaliyadda,dagaalka warbaahinta,dagaalka fikirka iyo furimaha dagaalkaba.

Wasiirka Wasaaradda Amniga XFS Cabdulaahi Fartaag oo ka hadlay shirka araa’id ayaa digniin u diray dadka lacagaha maalgalinta ah siiya Kooxaha argagixisada Sidoo kale wasiirka Amniga XFS ayaa shaaca ka qaaday in ay ka taageerayaan shacabka Puntland la dagaalanka kooxda khawaarijta.

Wasiirka Amniga XFS ayaa isticmaalay inta uu ku guday shirka Jaraa’id odhaah xigmad xambaarsan oo aheyd Maalkaada haku dilin Naftaada, isaga dhanka kale sheegay in laga xiray koontooyinki ay lacagta dhigan jireen khawaarijtu, haya’addaha amnigana ay u taagan yihiin jid kasta qof kasta oo isku dayo in uu la shaqeeyo khawaarijtu”

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Arrimaha Islaamka Sheekh Muqtaar Roobow ayaa isaguna dhankiisa adkeeyey in aan marnaba la aqbalayn in cid bixiso dhaqaale lagu haligayo shacabka Soomaaliyeed

“Meelaha ay dowladdu ka taliso sida Suuqa Bakaaraha qiil uma heli doonaan in ay yiraahdaan baad ayaa nagala rabaa.”ayuu yiri Wasiir Mukhtaar.

Wasiirka ku xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Cabdirixmaan Yuusuf Sheekh Al cadaala oo ka hadlay shirka jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen wasiiradda ka tirsan XFS ayaa sheegay in dowlada ay heyso xog dad si toos ah iyo si dadban umaalgaliya Kooxaha qawaarijta ah ee Al-shaabab iyo daacish.

Ugu dambayn wasiiradda ayaa shacabka uga digay in kooxda khawaarijta xiriir lala yeesho, iyagoo amray in qofkii ay la soo xiriiraan khawaarijtu uu la soo xiriiro laammaha amniga ee Dowladda.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo dadka deegaanka ayaa guud ahaan ggobollada dalka kawada guluf weyn oo kooxaha khawaarijta looga xoraynayo goobaha ay ku dhuumanayaan Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Hamas iyo Israel oo maanta mar kale isweydaarsanaya maxaabiis

Hamas iyo Israel ayaa maanta isweydaarsanaya saddex maxaabiis oo Yuhuud ah iyo 183 Falastiiniyiin ah,taas oo qeyb ka ah heshiiska xabbad joojintii ee Gaza ka dhaqangalay 19-kii Janaayo ee la soo dhaafay .

Xamaas ayaa magacawday saddex maxbuus oo kala ah Eli Sharabi, Ohad ben Ami iyo Or Levy,kuwaas oo maanta lagu wado in lagu badasho 183 maxbuus falastiiniyiin ah.

Tallaabadaan ayaa timid xilli uu dib u dhac ku yimid isdhaafsigii maxaabiista,kadib markii Xamaas ay ku eedaysay Israa’iil in ay jebisay xabbad joojinta iyada oo ka hortagtay ama hakisay gargaarka bini’aadanimo iyo sahayda kale ee galaya Gaza.

Saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in la isdhaafsado maxaabiista labada dhinac ,waana markii shanaad ee la isweydaarsanaayo dadka ay kala heystaan Israel iyo Hamas.

Illaa hadda 33 maxaabiis iyo in ka badan 2 kun oo Falastiiniyiin ah ayaa la isweydaarsaday lixdii isbuuc ee la soo dhaafay.

Guddoomiye Muuse Salaad: waxaan Maxaabiis ahaan u qabanay horjoogeyaal ka tirsan Khawaarijta

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Muuse Salaad Wehliye oo faah faahin ka bixiyey dagaallo jab xooggan lagu gaarsiiyey Khawaarijta oo ka dhacay qeybo ka tirsan gobolkaasi.

Guddoomiye Muuse ayaa Warbaahinta qaranka u sheegay in dhamaan goobihii dagaalku ka dhacay ee lagu jabiyey khawaarijta ay gacanta ku hayaan geesiyaasha qaranka.

Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa shacabka ugu hambalyeeyey in ay geesiyaasha qaranku dileen horjoogeyaashii dhagarta u maleegi jiray shacabka qaarkoodna la hayo iyagoo maxaabiis ah ” wax aan dilay in ka badan 30 Khawaarij ah sidoo kale wax aan qabanay 3 horjooge” ayuu yiri Guddoomiye Muuse.

Ugu dambayn Guddoomiye Muuse Salaad ayaa geesiyaasha Qaranka ugu hambalyeeyey guusha weyn ee ay ka gaareen dagaalka ay kula jiraan kooxaha Khawaarijta.

Wasiirka Petrolka XFS oo la kulmay dhigiisa dalka Turkiga

Ankara:-Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee XFS Mudane. Daahir Shire Maxamed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa la kulmay dhigiisa dalka Turkiga Mudane Alparslan Bayraktar.

Labada wasiir waxay ka wadahadleen daraasadaha Shidaalka seismic ee ka socda badda Soomaaliya.

Markabka Oruç Reis ayaa dhameeyay 50% daraasadaha seismic ee biyaha Soomaaliya.

Labada wasiirWaxay kale oo isla falanqeeyeen habka soo socda ee hawlaha sahaminta iyo iskaashiga cusub oo ay ka mid tahay dhinaca macdanta iyo sidii looga faa’iidaysan lahaa.

  

Guddoomiye Muuse Salaad: Khawaarijta waxaan ka dilay 3 horjooge iyo maleeshiyaadkii ay wateen

Hiiraan:-Guuddoomiyaha gobolka Hiiraan Muuse Salaad Wehliye oo goordhow Warbaahinta Qaranka kula hadlay furimaha dagaalka ee Aagga Jiciboow ayaa yiri” Argagixisada waxaan ka saarnay deegaanno badan, waxaa ka dilnay 3 Horjooge iyo maleeshiyaad, waxaana nolol ku qabanay xubno kale oo Argagixisada kamid ah”.

Intaas ayaa waxaa uu ku daray “Ciidanka Deegaanka ee Macawiisleyda iyo kuwa qalabka sida waxaan uga mahadcelin guusha taariikhiga ah ee maanta ka gaareen dagaaalka”.

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey guulaha ay soo hoyeen ciidanka iyo shacabka Dowlad Goboleedka Puntland, dagaalka lagula jiro Khawaarijta argagixisada Daacish, isagoo dhanka kale sii xoojiyay baaqa Golaha Wasiirrada ee lagu taageerayo hawlgalka ka dhanka ah argagixisada Daacish.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo saarey xeer darajada ciidannimo iyo xuquuqdii uu lahaa dib loogu soo celinayo Gaashaanle Sare Ibraahim Macallin Cabdullaahi oo ka tirsanaa Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee NISA.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay sharciga Xeerka Shaqada Soomaaliya oo horey ay u soo ansixiyeen labada golle ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan soo dhaweyn ah kula yeeshay Madaxtooyada Qaranka Hal-abuure Asad Xaajiyow oo ku naafoobay weerar isku day dil ah oo in ka badan 10 sanno ka hor ay ku qaadeen khawaariijta.

5- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ka qeyb-galay munaasabad lagu dhaarinayey cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumandooska Gorgor ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isagoo kula dardaarmey in looga fadhiyo sidii ay cadowga uga difaaci lahaayeen xudduudaha dalka dhan kasta.

6- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey Shirka Guddi-hoosaadka Golaha Wasiirrada ee Siyaasadda Loo Dhanyahay, kaas oo looga hadlayey dardargelinta taageeridda doorashada iyo dhammaystirka dastuurka.

7- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa u magacaabay Mudane Ismaaciil Siciid Aw-Muuse inuu noqdo Maareeye Ku-Xigeenka Dekadda Muqdisho.

8- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa tilmaamay in hirgelinta Hoteelka iyo Suuqa Ganacsiga casriga ah ee uu dhagax dhigay magaalada Muqdishi ay tusaale u yihiin soo kabashada dalka, isla markaana la gaaray waqtigii dalkeenna la maalgashan lahaa.

9- Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa qaabilay Danjiraha cusub ee Falastiin Rowaid Adil Maxamed, iyagoo ka wadahadley xoojinta xiriirka walaaltinimo ee labada dhinac.

10- Golaha Wasiirrada Soomaaliya, ayaa ansixiyey laba heshiis oo ay wada gaareen dowladaha Soomaaliya iyo Azerbaijan, kuwaas oo ku saabsan dhinacyada waxbarashada, tababarrada iyo tamarta.

11- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa kulan la yeeshay Wasiir Ku-Xigeenka Arrimaha Dibedda ee Azerbaijan Yalchin Rafiyev.

12- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa tababar ugu soo xiray xerada Balidoogle dufcaddii 11-aad ee kumaandooska Danab.

13- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac oo waqti la qaatay qaar ka mid ah shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Muqdisho, isagoo dhageystay aragtidooda iyo dareenkooda ku aaddan horumarka iyo amniga caasimadda.

14- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Ugaas Cabdidaahir Ugaas Nuur.

15- Shirweynaha 7aad ee Xeer Ilaaliyeyaasha Soomaaliya ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho, kaas oo sannadkan diiradda lagu saaray la dagaallanka maalgelinta iyo ilaha dhaqaalaha argagixisada.

16- Wasaaradda Amniga Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidanka ammaanku ay ku guuleysteen ka hortagga koox qas-wadayaal ah oo qorshaynayey inay falal amni darro ah ka fuliyaan degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

17- Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Ahmed Moallim Fiqi, ayaa casho sharaf ugu sameeyay Muqdisho Wasiir Ku-Xigeenka Arrimaha Dibedda ee Azerbaijan, Yalchin Rafiyev,

18- Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho ku tegay dalka Turkiga, isagoo halkaasi kulamo kala duwan kula yeeshay mas’uuliyiinka dalka Turkiga.

19- Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa kulan la yeeshay Ergeyga KMG ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr James Swan, iyagoo ka wada hadlay hawlgallada ka dhanka ah Khawaarijta iyo kaalinta ciidamada AUSSOM ee Midowga Afrika.

20- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Ahmed Moallim Fiqi, ayaa sheegay caqabadaha ka dhalan kara ku takri falka kheyraadka biyaha ee xuduudaha isaga gudba, isagoo ka digay inay keeni karto amni darro iyo inuu xumaado xiriirka ka dhexeeya waddamada kala duwan ee caalamka.

21- Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Suleyman Maxamed ayaa kormeer shaqo ku tegay Xarunta Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, isagoo kala hadley wax ka qabashada socdaalka sharci darada ah, tahriibinta iyo dembiyada socdaalka la xiriira.

22- Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa kulan ku saabsan xoojinta iskaashiga garsoorka la yeeshay wafdi sare oo ka socday Wasaaradda Cadaaladda ee Masar oo uu hoggaaminayo Mudane Haytham Hegazy.

23- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Sweden uga warbixiyay xaaladda dalka iyo ajendayaasha muhiimka u ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

24- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Yuusuf Maxamed Aadan ayaa kulan la yeeshay Sii-hayaha Safaaradda Norway ee Soomaaliya Mudane Carsten Carlsen.

25- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa dhagax dhigay Beerta Ummadda ee Gobolka Banaadir, oo qeyb ka ah qorshaha horumarinta caasimadda.

26- Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Axmed Xuseen Cilmi oo uu wehliyo Wakiilka Urur goboleedka IGAD ee Soomaaliya ayaa Muqdisho ka daah-furay shirweyne lagu taageerayo qaxootiga iyo barakaceyaasha.

27- Soomaaliya iyo Mareykanka oo iska kaashadey hawlgalo lagu beegsadey xubno sare oo ka tirsan argagixisada Daacish ee ku dhuumaaleysta Gobolka Bari ee Dowlad Goboleedka Puntland.

28- Wasiirka Gaashaandhiga Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay duqeymaha ay ciidamada Mareykanka ka fuliyeen buuraha Caalmiskaad ee gobolka Bari.

29- Ciidamada Qalabka Sida oo kaashanaya shacabka ayaa jab xooggan u geystay maleeshiyaadka Khawaarijta Al Shabab, kadib dagaal culus oo ka dhacay degaanno ka tirsan Dowlad Goboleedka HirShabeelle.

30- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta Mudane Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa kulan la yeeshay Danjiraha Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mudane Wang Yu.

31- Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustafa Sheekh Cali Dhuxuloow ayaa kulan la yeeshay Danjiraha Sweden u fadhiya Soomaaliya Joachim Waern.

32- Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga Mudane Axmed Xassan Aadan ayaa magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyey wafdi ka socday Turkiga oo doonaya inay maalgashi ku sameeyaan kheyraadka badda ee Soomaaliya.

33- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Baashe Yuusuf Axmed iyo wafdi ka socday Wasaaradda Caddaaladda iyo Garsoorka Masar, ayaa ka wadahadley sidii ay labada dal iskaashi uga yeelan lahaayeen dhinacyada tababarada, isdhaafsiga khibradaha iyo hannaanka casriyeynta garsoorka.

34- Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Axmed Xuseen Cilmi ayaa kulan la yeeshay Madaxa Hay’adda IOM Soomaaliya Mudane Manuel Marques Pereira.

35- Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Marwo Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa kulan la yeelatey Wakiilka KMG ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ambassador James Swan.

36- Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Mudane Faarax Cabdulqaadi ayaa qaabilay Wakiilka KMG ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ambassador James Swan.

37- Taliyaha Ciidanka Booliska Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa kulan la yeeshay Danjiraha Britain u fadhiya Soomaaliya Mike Nithavrianakis.

38- Taliyaha Ciidamada Militariga Turkiga S/Guud Metin Gurak ayaa booqasho ku yimid magaalada Muqdisho.

39- Wasiirka Arrimaha Dibadda Danjire Axmed Macallim Fiqi, ayaa kulan la yeeshay Mamadou Dian Balde oo ah Agaasime Goboleedka Bariga, Geeska Afrika iyo Harooyinka Waaweyn ee Hay`adda Qaramada Midoobay u qaabislan qaxootiga (UNHCR).

40- Madaxweynaha Dalka Namibia Dr.Nangolo Mbumba ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Ambassador Maxamed Isaaq Ibraahim oo Soomaaliya halkaasi wakil uga noqon doona.

41- Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dbedda Mudane Cali Maxamed Cumar ayaa Muqdisho ku soo dhoweeyay wafdi uu horkacayo Wasiir Ku-Xigeenka Arrimaha Dibedda ee Azerbaijan Yalchin Refiyev.

42- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa saxiixay sharciga naafadda ee maamulkaasi yeelanayo.

43- Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mustafa Yaasin Sheekh ayaa magaalada Cammaan ee dalka Urdun uga qeybgalay Shirweynaha Madasha Horumarinta Isgaarsiinta Dalalka Carabta (RDFARB), kaasoo loogu diyaar garoobayo Shirweynaha Horumarinta Isgaarsiinta Adduunka.

44- Ciidanka Daraawiishta Puntland ayaa ayaa soo bandhigay madaxii dilalka qorsheysan ee kooxda Daacisha Cabdiraxmaan Shirwac Aw-Saciid (Laahoor) oo dhowaan isku soo dhiibay laamaha amniga ee Puntland.

45- Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa la kulmay Danjiraha Indonesia u qaabilsan Soomaaliya Dr. Maxamad Hery Saripudin.

46- In ka badan 50 xubnood oo ka tirsanaa khawaarijta argagixisada Daacish ayaa lagu dilay, qaar kale oo badanna waa lagu dhaawacay kadib hawlgal xooggan oo Ciidanka Dowlad Goboleedka Puntland ka fuliyeen buuraleyda Cal-miskaad ee gobolka Bari.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qeybgalaya kulan hordhac u ah shir madaxeedka Tansania

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka qeybgalaya maanta kulan loogu gogol-xaarayo Shir madaxeedka wadaagga ah ee urur goboleedyada EAC-SADC

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Ahmed Moallim Fiqi, ayaa maanta ka qeybgalaya kulan heer wasiir ah oo loogu gogol-xaarayo Shir madaxeedka wadaagga ah ee ay iskugu imaanayaan Madaxda dowladaha xubnaha ka ah Urur goboleedka dhaqaalaha Bulshada Bariga Afrika (EAC) iyo Urur goboleedka Horumarinta Koonfurta Afrika (SADC) oo la qorsheeyay inuu ku qabsoomo magaalada Dar es Salaam ee dalka Tanzania , soconna doonana muddo labo cisho ah 07-08 Febraayo.

Shirkan ayaa ujeedadiisu daaran tahay in la soo saaro talooyin, go’aanno iyo war-murtiyeed qabyo ah oo madaxda dowladuhu falanqayn doonaan inta aan la faafin, iyadoo diiradda lagu saarayo daminta xiisadda, joojinta colaadda, iyo xaqiijinta bedqabka dadka rayidka ah.

Soomaaliya oo ah xubin aan joogto ka ahayn Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxaa ka go’an in ay ku baaqdo xal diblomaasiyadeed oo ku qotoma nabad iyo wadahadal in lagu maareeyo qalalaasaha taagan.

Wasiir Axmed Fiqi ayaa la filayaa in inta shirku socdo uu kulamo doceedyo la yeesho qaar ka mid ah Wasiirrada Arrimaha Dibadda dalalka xubnaha ka ah Urur goboleedyada EAC iyo SADC.

Ciidanka Dowladda oo cagta mariyay koox khawaarij ah oo ku sugnaa Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa nabad-sugidda ayaa maanta jab xoogan gaarsiiyay kooxaha Khawaarijta ee ku dhuumaaleysanaayey deegaada buuraleyda ah ee dhaca agagaarka wabiga Shabeelle ee Gobolka Hiiraan.

Howlgalkaan oo ahaa mid si aad ah loo qorsheeyay waxaa cagta lagu mariyay fariisimo Khawaarijta ay ku lahaayeen deegaanka Jicibow oo ka tirsan Gobalka Hiiraan.

Sida ay soo sheegayaan Wariyaasha Warbaahinta Qaranka ee la socda ciidamada waxaa howlgalka inta uu socday la dilay qaar ka mid ah maleeshiyaadka Khawaarijta,iyadoo sidoo kale gacanta lagu dhigay maleeshiyaad badan oo ka tirsan Cadowga nabad-diidka ah.

wixii faah-faahin ah la soco goor dhow.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO LA KULMAY DHIGGIISA UGANDA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Kambaala ee caasimadda dalka Ugaandha, halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyay.

Madaxweynaha ayaa la kulmay dhiggiisa Madaxweynaha Dalka Ugaandha Mudane Yoweri Museveni oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta u amba-bixi doona magaalada Daarusalaam ee dalka Tansaaniya, si uu uga qayb galo shir aan caadi ahayn oo looga arrinsanayo colaadda ka aloosan Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo.

Shirka Daarusalaam ayaa lagu xoojinayaa dadaallada lagu daminayo xiisadda colaadeed ee ka taagan gobolka, iyadoo Soomaaliya ay mar walba diyaar u tahay iskaashi buuxa iyo taageero ku aaddan nabadda iyo horumarka mandiqadda.

Maamulka Cisbitaalka Banaadir oo u dabbaaldegay xuska sanadguurada 48-aad

Masuuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka iyo maamulka Cisbitaalka Banaadir ayaa ka qeyb galay xaflad lagu maamuusaayey waxqabadka iyo xuska sanadguurada 48-aad ee ka soo wareegatay aasaaska Cisbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir.

Xafladdaan oo ay sidoo kale ka qeybgaleen,maamulka Gobolka Banaadir,bahda dhaqaatiirta iyo marti sharaf kale waxaa ka hadlay wasiirka dhalinyarada XFS,ku simaha wasiirka Caafimaadka ahna wasiir ku xigeenka Maamed Xasan Bullaale iyo,xubno kale,kuwaas oo boogaadiyay shaada wanaagsan ee ka socota cisbitaalka Banaadir iyo daryeelka ay u fidiyaan bulshada Soomaaliyeed.

Agaasimaha Cisbitaalka Banaadir ee Hooyada iyo Dhallaanka Fartuun Shariif Maxamed ayaa ka warbixisay waxqabadka iyo dadadaalka shaqaalaha cisbitaalkaasi iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay dhameystirka adeegyada loo hayo bulshada Soomaaliyeed.

Xafladdaasi oo uu goobjoog ka ahaa wasiir ku xigenka warfaafinta XFS Mudane C/Raxmaan Al-caddaala,waxaa shahaado sharaf lagu guddoonsiiya qaar kamid ah shaqaalaha caafimaadka ee ka howlgala Cisbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir.