Wasiirka Xanaanad Xoolaha oo kulan la qaatay kaaliyaha Agaasimaha Guud ee FAO

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta & Daaqa XFS Mudane Xasan Xuseen Maxamed ayaa kulan la qaatay kaaliyaha Agaasimaha Guud ee FAO ahna wakiilka Afrika
Dr. Abebe Haile-Gabriel, oo uu wehliyo wakiilka FAO ee Soomaaliya, Etienne Peterschmitt.

Labada masuul waxay ka wada hadleen muhiimadda xoolaha ay u leeyihiin dhaqaalaha iyo wax soo saarka dalka, horumarinta sharciyada iyo siyaasadaha dhirta iyo daaqa iyo sidii loo maareyn lahaa saameynta isbeddelka cimilada.

Ugu dambeyn Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta & Daaqa XFS Mudane Xasan Xuseen wuxuu adkeeyey sida ay dawladda Soomaaliya uga go’an tahay in horumar muuqda la gaarsiiyo bulshada xoolo dhaqatada iyo reer-guuraaga iyo sidoo kale ka gungaarida hindisaha dib-u-dhireynta iyo soo noolaynta dhul-daaqsimaadkii burburay.

 

  

𝐃𝐚𝐫𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐝𝐡𝐚𝐜 𝐮 𝐚𝐡 𝐁𝐚𝐚𝐫𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐖𝐚𝐱𝐪𝐚𝐛𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐈𝐬𝐛𝐢𝐭𝐚𝐚𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS waxa uu billaabay daraasad lagu qiimeynayo waxqabadka iyo hufnaanta adeegyada isbitaallada dadweynaha ee Muqdisho.

𝐌𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐥𝐚 𝐞𝐞𝐠𝐢 𝐝𝐨𝐨𝐧𝐚𝐚?
.Tayada adeegyada la bixiyo
. Hufnaanta iyo wax-ku-oolnimada adeegyada caafimaadka
. Heerka la jaanqaadka nidaamyada hantidhowrka waxqabadka

Baaristaan waxa ay gacan ka geysan doontaa hagaajinta adeegyada caafimaadka ee ay dowladdu bixiso, si ay shacabka Soomaaliyeed u helaan adeeg tayo leh.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday Dhaawacyada Ciidamada Qaranka iyo kuwa Macawisleyda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeeray xaaladda caafimaad ee dhaawacyada Ciidamada Qaranka iyo kuwa halyeeyada xaq u dirirka ah ee Macawisleey ee ku jira Isbitaalka Xoogga dalka iyo qaar kamid ah Isbitaallada gaarka loo leeyahay.

Madaxweynaha ayaa mid mid u dul istaagay dhaawacyada Ciidamada oo xaaladdooda caafimaad ay soo hagaagayso, waxa uuna u xaqiijiyey in Dowladdu ay ku bixin doonto dadaal kasta sidii ay u heli lahaayeen daryeel caafimaad oo dhammaystiran.
“Dowladdiinnu waxa ay idiin ballan-qaadeysaa in ay bixiso dadaal kasta oo wax looga qabanayo caafimaadkiinna, Waxaad tihiin halyeeyo abaal gashanaya dadkooda iyo dalkooda, waxaadna ku taagantihiin waddada xaqa ah ee aad dadkiina ku badbaadinaysaan”.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kormeeray hannaanka shaqo, agabka iyo adeegyada uu bixiyo Isbitalka Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, isaga oo Warbixin ka dhageystay Taliyaha CXDS Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage, Hoggaanka Caafimaadka Ciidanka iyo Maamulka Isbitaalka oo soo bandhigay qorshaha horumarinta adeegyada Isbitaalka iyo baahiyaha hadda jira.

        

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐝𝐝𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐚𝐬𝐭𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐗𝐅𝐒 oo la kulmay 𝐉𝐚𝐦𝐞𝐬 𝐒𝐰𝐚𝐧.

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ku-simaha Ergayga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mudane James Swan.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta dib-u-eegista Dastuurka, xoojinta hay’adaha garsoorka iyo doorka ay Qaramada Midoobay ka qaadan karto horumarinta Qorshaha Qaranka. Intii uu socday kulanka waxaa si gaar ah loo falanqeeyey dhameystirka shanta cutub ee ka harsan Dastuurka, dhismaha Maxkamadda Sare ee Federaalka iyo kor u qaadista dadaallada lagu xoojinayo hanaanka caddaaladeed ee dalka.

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ayaa uga mahadceliyay Ku-simaha Ergayga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Mudane James Swan. taageerada joogtada ah ee Qaramada Midoobay ay la garab taagan tahay Soomaaliya, gaar ahaan dadaallada dib-u-habaynta garsoorka.

Ciidamada Xoogga Dalka oo ka hor-tegay dhagaro argagixisada damacsanaayeen

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal lagu baacsanayo maleeshiyaadka Khawaarijta ka samaeeyay deegaannada Bacadka Faarax Aadan iyo Caliyaale oo hoostaga degmada Xarar-dheere ee gobolka Mudug.

Ciidamada ayaa helay xogta maleeshiyaadka Khawaarijta oo qorsheynayay dhagaro argagixiso, waxayna si degdeg ah uga hortageen cadowga, iyagoo gaarsiiyay jab xooggan oo dhimasho iyo dhaawac leh.

Hawlgalka oo socday muddo saacado ah ayaa lagu jabiyay Khawaarijta, iyadoo la burburiyay goobo ay isku uruursanayeen, khasaaro culusna lagu gaarsiiyay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Siihayaha Safaaradda Norway kala hadlay iskaashi wadaagga

asiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Ahmed Moallim Fiqi, ayaa maanta oo Axad ah ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Siihayaha Safaaradda Boqortooyada Norway ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Carsten Carlsen, isaga oo kala hadlay siyaabaha lagu xoojin karo xiriirka labo geesoodka, laguna kobcin karo iskaashiga labada dal ee saaxiibada ah.

Kulanka ayaa lagu falanqeeyay kor u qaadidda xiriirka labo dhinaclaha iyo ballaarinta wax wadaag ku suntan danaha labada dal, iyadoo diiradda la saarayo u saldhigidda iskaashi muddo fog ah oo nacfi wadaag leh.

 

  

Madaxweyne Laftagareen oo saxiixay Hindise Sharciyeedka Ilaalinta Gargaarka Bani’aadanimada

Madaxweynaha Dowlada goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdıcasııs Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Saxiixay Hindise Sharciyeedka Ilaalinta Gargaarka Bani’aadanimada oo ay diyaarisay Wasaarada Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Dowladda Koonfur Galbeed.

Hindise Sharciyeedkan ayaa ah Xoojinta Iskaashi ku Salaysan Ilaalinta Gargaarka iyo Isla Xisaabtan Qaabka Cusub ee Maaraynta Gargaarka iyo Gaarsiinta Gargaarka Dadkii loogu talagalay.

Munaasabadda Saxiixa Hindise Sharciyeedka waxaa Madaxweynaha ku wehlinayey Wasiiro ka tirsan Xukuumada Koonfur Galbeed oo uu kamid yahay Wasiirka Gargaarka, mas’uuliyiin sare oo ka kala socday Qaramada Midoobay, Hay’addaha Caalamiga ah, iyo kuwa maxalliga ah. oo uu kamid yahay ku-xigeenka Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya.

 

     

Duqa Muqdisho oo kulan dhiirigalin ah ugu sameeyay mid ka mid ah Dhallinyarada hal abuurka leh

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa kulan soo dhaweyn iyo dhiiragalin ah Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ugu sameeyay Asad Xaajiyow oo kamid ah Dhallinyarada Soomaaliyeed ee hal abuurka leh islamarkaana si adag oo geesinimo leh uga gudbay fal gurcan oo ay u geesteen Khawaarijta.

Asad Xaajiyow ayaa ugu horeyn uga mahadceliyay Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Amiir sida sare ee uu ugu soo dhaweeyay xafiiskiisa iyo dhiiragalintiisa, islamarkaana dardaaranka guddoomiyaha ay wax weyn kusii kordhin doonto sii wadida hal abuurnimadiisa iyo kaalinta uu kaga jiro bulshada Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa bilad sharaf gaar ah gudoonsiiyay Asad Xaajiyow, isaga oo ku dhiiragaliyay adkeysigiisa iyo sida uu tusaalaha ugu yahay in Khawaarijta aysan hor istaagi karin horumarka Bulshada.

    

Guddoomiyaha G/shacabka BJFS oo qaabilay Safiirka Talyaaniga

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaallya Danjire Pier Mario Docco Coppi, waxa ayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo saaxiibtinimada baarlamaanadda labada wadan.

Danjiraha Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya ayaa sheegay labada wadan ee Talyaaniga iyo Soomaaliya uu ka dhaxeeyo xiriir soo jireen ah oo dhinacyo badan taabanaya hadana uu meel wanaagsan marayo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo bogaadiyay xiriirka qotada dheer ee ka dhaxeeya labada Dal ee Soomaaliya iyo Talyaaniga ayaa Dowladda Talyaaniga iyo midowga Yurub uga mahadceliyay taageeradooda Soomaaiya.

   

Wasiirka Warfaafinta iyo Safiirka Talyaaniga oo xarigga ka jaray Studiyaasha TV-ga Qaranka oo dib udhis iyo casriyayn lagu sameeyay

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Daa’uud Aways Jaamac iyo Safiirka Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Danjire Peir Mario Docco Coppi ayaa maanta xarigga ka jaray Studiyaasha TV-ga Qaranka, kadib markii lagu sameeyay dib u casriyayn iyo qalabayn.

Howshaan dib u casriyaynta ah ee lagu sameeyay qayb ka mid ah Telefeshinka Qaranka Soomaaliyeed ayaa qayb ka ah howlaha sanadkaan lagu hormarinayo qaybo badan oo ka mid ah Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud Aways Jaamac ayaa tilmaamay in dib u casriyaynta lagu sameeyay Studiyaasha Wararka iyo Barnaamijyada ee TV-ga Qaranka ay qayb wayn ka qaadan doonaan howlaha muhiimka ah ee Warbaahinta Qaranka ay u hayso ummadda Soomaaliyeed, isagoo uga mahadceliyay Dowladda Talyaaniga sida ay uga qayb qaateen horumarinta Warbaahinta Qaranka.

“Maanta waxaan u joognaa xafladda xarig-jarka dib u casriyeynta Studiyaasha Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed oo ay iska kaashadeen Wasaaradda Wafaafinta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Talyaaniga, barnaamijkaan wuxuu qeyb ka yahay horumarinta Warbaahinta Qaranka,” ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud Aways Jaamac.

Sidoo kale Wasiir Daa’uud Aways Jaamac ayaa sheegay in mashruucaan uu hor dhac u yahay dib u casriyeyn xoog leh oo lagu sameyn doono Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed, kuwaas oo hadda howshoodu socoto.

Safiirka Tanyaaniga u fadhiya Soomaaliya Mudane Peir Mario Docco Coppi ayaa sheegay in dib u habaynta lagu sameeyay qaybaha ugu muhiimsan TV-ga qaranka ay tahay talaabo wax ku ool ah oo horay loo qaaday, asagoo xusay in Dolwadda Talyaaniga ay mar kasta garab taagantahay Dowladda Soomaaliya, si gaar ahna Wasaaradda Warfaafinta ay kala dhaxayso wadashaqayn balaaran.

Ugu dambeyntii, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud Aways Jaamac iyo Safiirka Talyaaniga u fadhiya Somalia Mudane Peir Mario Docco Coppi ayaa Shahaado Sharaf mahadcelin ah gudoonsiiyay qaar ka mid ah howlwadeennada sida wadajirka ah uga soo shaqeeyay hirgelinta dib u casriyaynta Studio-yaasha Telefeshinka Qaranka.