Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka oo kormeeray goobaha doorashooyinka ee gobolka Banaadir

Xubnao ka mid ah Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta kormeeray qeybo ka mid ah Seejooyinka loo asteeyey doorashooyinka degmooyinka Gobolka Banaadir.

Kormeerka Guddiga ayaa daarranaa u kuur-galka diyaarinta goobaha loo asteeyay diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banadir.

Xubnaha ka socday Guddiga intii ay ku guda jireen kormeerka waxay kulamo la qaateen mas’uuliyiinta iyo dadweynaha ku nool degmooyinka Kaaraan, Yaaqshiid, Heliwaa,iyo Gubadlay.

Mas’uuliyiinta degmooyinka la kormeeray ayaa caddeeyey in ay diyaar u yihiin doorashooyinka Golaha Deegaanka in ay dadweynuhu soo doortaan.

Ugu dambeyn Xubnaha Guddiga ayaa u sharaxay dadweynaha muhimmada ay leedahay in shacabka Soomaaliyeed ay doortaan madaxdooda, ayna haystaan maanta fursad ay ku xaqiijin karaan himiladooda ah in dalka ay ka hirgasho doorasho qof iyo cod ah, oo laga gudbo nidaamkii doorashooyinka dadban.

Masar oo qabaneysa kulan looga hadlaayo arrimaha Falastiin

Masar ayaa ku dhawaaqday in 27-ka Febraayo ay martigelin doonto shir degdeg ah oo Carbeed,kaas oo looga wada hadi doono arrimaha Falastiin,gaar ahaan qatarta ku aadan soo jeedinta madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee khuseysa in Falastiiniyiinta laga saaro Marinka Gaza.

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa lagu sheegay in dalkaasi uu martigelin doonto shir madaxeedka Jaamacadda Carabta ee ka dhacaya Qaahira, ka dib wadahadallo heer sare ah oo maalmihii la soo dhaafay ka socday dalalka Carabta oo ay ku jiraan dowladda Falastiin oo codsatay in la qabto shir madaxeedka si looga wadahadlo qadiyadda Falastiin.

Madaxweynayaasha Masar Abdel Fattah el-Sissi iyo Boqorka Urdun Abdullah II ayaa ku gacan seyray baaqii Trump ee ahaa in falastiiniyiin la dajito goobo kale iyo in Mareykanka uu la wareego Gaza.

Soo jeedinta Trump ayaa ka careysiisay dunida Carabta oo ay ku jiraan Masar, Jordan iyo Sacuudi Carabiya oo xulufo la ah maamulka Washington.

Khawaarijta Daacish oo markale jab xooggan lagu gaarsiiyay gobolka Bari

Boosaaso-Ciidanka Daraawiishta Puntland ayaa saakay fashiliyay weerar ay khawaarijta naf lacaariga ah ee Daacish ku soo qaadeen fariisimaha ciidamadu ku leeyihiin buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

Khawaarijta Daacish oo jab xooggan lagu gaarsiiyay deegaannada Haraaryo iyo Togga-Jaceel ayaa meydad badan kaga cararay halkaasi, sida ay sheegeen saraakiisha hoggaaminaysa howlgalka ciribtirka Khawaarijta Daacish ee ka socda buuraha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan sii xoojiyay baaqa Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan howlgalka ka dhanka ah argagixisada Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, isagoo bogaadiyay guulaha taariikhiga ah ee ay soo hooyeen ciidanka iyo shacabka dowlad goboleedka Puntland.

Howlgallada ka socda buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari ayaa khawaarijta Daacish lagu gaarsiiyay khasaare xooggan, waxaana lagu dilay horjoogayaal ajaaniib ah iyo malleeshiyaad tiro beel ah.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo ka wadahadlay xoojinta xiriirka labada dal

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta khadka telefoonka kula hadlay Amiirka Dowladda Qatar, Mudane Sheekh Tamim Bin Hamad Al Thani.

Labada hoggaamiye ayaa si qoto dheer uga wada hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal, iyagoo muujiyay sida ay uga go’an tahay horumarinta iskaashiga dhinacyada kala duwan si looga mira dhaliyo danaha labada shacab

Sidoo kale, waxay hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay kor u qaadidda wada shaqaynta labada dal si loo xoojiyo xiriirka adag ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar.

Wasiir Fiqi oo Muqdisho ku qaabilay wafdi sare oo Turkiga ka socda

Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah mudane danjir Axmed Macalim Fiqi ayaa maanta oo Isniin ah xafiiskiisa Wasaaradda ku qaabilay, wafdi Turki ah oo uu hoggaaminayay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Prof. Burhanettin Duran, isaga oo kala hadlay siyaabaha lagu xoojin karo xiriirka labo geesoodka, laguna kobcin karo iskaashi istiraatiijiyadeed, laguna ballaarin karo wax wadaagga nacfi is-dhaafsiga ee dhinac weliba leh.

Wasiir Duran ayaa salaan uu ka siday Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan u gudbiyay wasiir Axmed Fiqi, isaga oo ka hadlay horumarka laga gaaray Baaqii Ankara ee soo baxay 11 December, 2024.

Intii kulanka lagu guda-jiray, waxaa labada dhinac ay xuseen muhiimadda ay leedahay fulinta heshiisyada la kala saxiixday ee dhinac kastaba leh, oo ay ku jiraan Gaashaandhigga, Maalgeshiga, Kaluumaysiga iyo kheyraadka dabiiciga, iyadoo la xoojinayo baahida loo qabo iskaashi sal adag oo taabagelinaya horumar waara, horseedaya kobac dhaqaale, hubinaya barwaaqo-sooran muddo fog ah oo labada dhinac leh.

Kulankani ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Xildhibaan Isaaq Maxamuud Mursal, Xoghayaha Joogtada Wasaaradda, Xamsa Aadan Xaadow iyo qaar ka mid ah agaasimayaasha waaxyaha Wasaaradda, iyada oo inta kulanka lagu guda-jiray lagu wadaagay ka go’naanshaha labada dal ee walaalaha ah horumarinta iskaashi istiraatiijiyadeed oo kor-u-qaadaya dhinacyada muhiimka u ah dano wadaagga.

       

Guddoomiyaha golaha shacabka oo furay kulanka banbaxa guddiga joogtada ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa furay kulanka banbaxa ee Guddiga Joogtada Golaha Shacabka oo maanta si rasmi ah u furmay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka oo furitaanka kulanka banbaxa ee Guddiga Joogtada ka hadlay ayaa ku dheeraaday muhiimada kulankan uu leeyahay, waxaana uu xubnaha guddiga kula dardaarmay in maalmaha kulanka uu socdo ay muhiimad gaar ah siiyaan dejinta shuruucda kulamada Golaha Shacabka kalfadhiga lixaad ee dhowaan furmi doona.

Kulanka banbaxa ee Guddiga Joogtada ah oo sedax maalmood socon doona ayaa inta uu socdo xubnaha guddiga joogtada waxa ay diyaarin iyo jadwaleynba ku sameyn doonaan shuruucda Golaha hortaala kalfadhiga lixaad, waxaana sidoo kale kulanka ka qeyb galay Habdhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) iyo Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle Jaabiri.

         

Madaxweynaha Kenya oo qaabilay safiirka Soomaaliya ee Kenya

Nairobi: Madaxweynaha dalka Kenya William Samoei Ruto ayaa xarunta Madaxtooyada dalka Kenya ku qabtay kulan gaara uu kula kulmayay dublomaasiyiinta dalalka shisheeye ee jooga dalka Kenya, danjiraha Soomaaliya u fadhiya Nairobi  Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaana Soomaaliya kulankaas ku matalayey.

“Waxaa la igu casuumay ka qeybgalka kulanka xogwareysiga ah ee uu Madaxweynaha Kenya William Samoei Ruto la qaatay dibloomsiyiinta fadhigoodu yahay magaalada Nairobi, kaasi oo ka qabsoomay Aqalka Madaxtooyada. Kulanka ayaa Dowlada Kenya ku soo bandhigtay kuna muujisay aragtida istaraatiijiyadeed ee Kenya ee ku aaddan dhanka horumarinta xiriirka caalamiga ah iyo in dib loo xaqiijiyo sida ay Kenya uga go’antahay sare u qaadida cilaaqaadka diblomaasiyadda iyo iskaashiga nabadda ee Gobalka”. Ayuu yiri Danjire Jabril.

Soomaaliya iyo Kenya waa labo dal oo daris ah kuwaas oo xiriirkoodu uu xiligaan maraayo heerkii ugu sareeysay. Madaxweyne Ruto ayaa soo hadalqaaday xiriirka labada dal iyo doowrka Dalka kenya ee ciidanka nabad ilaalinta ee Midowga Afrika oo ku sugan dalka Kenya. Waxa uuna sheegay in uu si buuxda u garab taagan tahay dalka Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo ka qeyb galay furitaanka shirka sanadlaha ah ee Hey’adaha Maaliyadda dalalka Carabta

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Federalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa ka qeyb galay furitaanka shirka sanadlaha ah ee Hey’adaha Maaliyadda dalalka Carabta, Qeybta Horumarinta Dhaqaalaha meertadiisii 9-aad oo lagu qabanayo magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, iyada oo uu barbar soconayo kulanka Sanadlaha ah ee Kulanka Dowladaha Adduunka. 𝐖𝐨𝐫𝐥𝐝 𝐆𝐨𝐯𝐞𝐫𝐧𝐦𝐞𝐧𝐭𝐬 𝐒𝐮𝐛𝐦𝐢𝐭.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo furitaankii shirka ka khudbad kooban ka jeediyay ayaa waxa uu diiradda ku saaray arrimaha horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya iyo qorshayaasha maalgalineed ee mudnaanta gaarka ah ay siinayso Xukumadda Dan Qaran. Mudane Wasiir Biixi ayaa sidoo kale xusay sida ay Dowladda Soomaaliya uga go’an tahay hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda iyo casriyeynta ilaha dakhliga gudaha oo horseed unoqonaya horumar maaliyadeed.

Shirkaan ayaa waxaa sidoo kale qudbad ka jeedisay Kristalina Georgieva oo ah Madaxa Guud ee Hey’adda Lacagta Adduunka IMF, waxa ay dalalka carbeed ugu baaqday in ay abuuraan fursado dhaqaale oo lagu xoojinayo hannaanka ka soo kabashada aafooyinka, iyada oo fursado looga dhigayo bulshooyinka soo koraya.

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO DAAHFURAY MASHRUUCA GOLE-KAAB

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ka qeyb galay furitaanka mashruuca Gole-Kaab oo isku xiri doona Golaha Shacabka iyo bulshada rayidka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka oo si rasmi ah u daahfuray mashruucan ayaa marka hore bogaadiyay ururrada bulshada rayidka oo soo qaban qaabiyay iyo dhinacyada ka taageeraya ayaa sheegay in Golaha Shacabka uu diyaar u yahay in ururada bulshada rayidka laga qeyb geliyo kulamada Golaha Shacabka si ay goobjoog ugu ahaadaan shuruucda uu Golaha ka doodayo maadaama Golaha Shacabka uu matalo shacabka Soomaaliyeed.

Furitaanka Mashruuca Gole-Kaab waxaa sidoo kale ka qeyb galay Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka, Guddoomiyaha ururada bulshada rayidka iyo safiir kuxigeenka Midowga Yurub ee Soomaaliya.

GUDDIGA HEER WASIIR EE MAAREYNTA ISTICMAALKA KHALDAN EE BARAHA BULSHADA OO KULAN YEESHAY

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa guddoomiyay shirka Guddiga Heer ee Wasiir ee Ka Hortagga Isticmaalka qaldan ee Baraha Bulshada.

Shirkan ayaa daba jooga sidii loo fulin lahaa qaraarkii ka soo baxay Golaha Wasiirrada bishii hore ee la xiriiray maareynta isticmaalka khaldan ee baraha bulshada oo dadka qaar ay u adeegsadaan kicinta, hurinta colaadaha iyo arrimo kale oo anshaxa ka baxsan.

Wasiirka ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa hay’adaha kala duwan ee garsoorka ay ka go’an tahay in iyadoo la dhowrayo xoriyadda fikirka, haddana bulshada laga ilaaliyo wax kasta oo khatar gelinaya amniga, wadajirka, anshaxa wanaagsan iyo dhaqanka ay ummadda leedahay.

Shirkan ayaa lagu go’aamiyay in si degdeg ah loo guda galo fulinta qodobadii ku xusnaa qaraarka Golaha Wasiirrada ee maareynta isticmaalka khaldan ee baraha bulshada.