Ra’iisul wasaare ku xigeenka 2-aad ee dalka oo ka qaybgalay saxiixa shirkadaha ku guulaystay dhismaha waddooyinka Muqdisho

Ra’isul Wasaare ku Xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa ka qeybgalay munaasabad lagu saxiixayey heshiiska shirkaddaha loo qaatay dhismaha waddooyinka caasimadda Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka ayaa sheegay in Xukuumadda Danqaran ay ka go’antahay hirgalinta iyo dhismaha waddooyinka isku xira caasimadda, si kor loogu qaado nabadda iyo is-dhexgalka bulshada ku nool gobolka Benaadir.

Ra’isul wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa ku amaanay Maamulka Gobolka Banaadir sida ay uga go’an tahay in Caasimadda Muqdisho ay la jaan qaado caasimaddaha dhigeeda ee horumaray.

     

Soomaaliya iyo Aljeeriya oo ka wadahadlay xoojinta iskaashiga ka dhexeeya

Addis Ababa: Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Xildhibaan Cali Maxamed Cumar, oo ka qeybgalaya shirka Golaha fulinta Midowga Afrika ayaa maanta oo Talaado ah kula kulmay Magaalada Addis Ababa, Ahmed Attaf, Wasiirka Arrimaha Dibadda, Jaaliyadaha Qaran ee Dibadda iyo Arrimaha Afrika ee Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Shacbiga Aljeeriya, isaga oo kala hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada dano wadaagga.

Kulanka oo la iskula soo qaaday dhowr arrimood oo muhiim ah oo ay ku jiraan sal-ballaarinta xiriirka labo dhinaclaha, soo banbixinta habab cusub oo wax wadaag ah iyo isuduwidda wadajirka, dib u eegidda waxyaabihii hore labada dal ay isku fahmeen, iyo adkaynta muhiimadda ay leedahay talo-weydaarsiga inta lagu jiro kulamada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, si sare loogu qaado codka Afrika fagaarayaasha caalamiga, iyadoo labada dal ay ka qeyb yihiin kooxda (A3+) ee Golaha ammaanka oo ay ka yihiin xubno aan joogto ahayn.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray dalka Azerbaijan

Baku: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho rasmi ku yimid magaalada Baku ee caasimadda Azerbaijan, taas oo la xiriirta hirgelinta heshiiska iskaashiga dibulamaasiyadeed ee Labada dal ay dhawaan wada gaareen.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey dhiggiisa dalkan Ilham Aliyev iyo Xukuumaddiisa soo dhaweynta diirran ee ay ku qaabileen wafdigiisa iyo muhiimadda sare ee ay siinayaan kobcinta xiriirka Labada dal, iyadoo ay tahay booqashadii ugu horreysay ee Madaxweyne Soomaaliyeed uu ku yimaado Azerbaijan.

Inta lagu guda jiro booqashada Madaxweynaha, Soomaaliya iyo Azerbaijan waxay kala saxiixi doonaan heshiisyo muhiim ah oo lagu guntayo xiriirka Labada dal, waxayna wafdiga Madaxweynuhu ay kulammo la qaadan doonaan dhiggooda dalkan.

Booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh waxay muujinaysaa ahmiyadda ay dowadda Soomaaliya siinayso ballaarinta iskaashiga caalamiga ah iyo horumarinta dhaqaalaha iyo amniga, si ay uga faa’iidaystaan labada dal iyo shacab ee Soomaaliya iyo Azerbaijan.

     

In ka badan 60-ka tirsan argagixisada Daacish oo lagu dilay Puntland

Boosaaso: Hawlgal xooggan oo dhowr jiho ay saacadihi la soo dhaafay ciidanka Puntland ay ku qaadeen maleeshiyaadka Daacish oo haraadigoodu ku dhuumaalaysanayo buuraleyda Calmiskaad ayaa maanta laga laayey tiro badan.

Afhayeenka ciidamada Puntland Jen. Maxamuud Faadhigo ayaa sheegay in 65-ka tirsan argagixisada Daacish la dilay inta la arkay, isagoo xusay inay jiri karaan tiro kale oo ciidamadu aysan arkin.

Waxa uu sheegay in tallaabadan ay muujinayso sida jab weyn loo gaarsiiyey maleeshiyaadka Daacish, islamarkaana ciidamadu ay sii wadaan baacsiga haraadigooda.

Ku simaha madaxweynaha dalka oo kulan la qaatay ganacsatada Soomaaliyeed

Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay guddi ka socday ganacsatada Soomaaliyeed, waxaana ganacsatada Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda la wadaageen cabasho ay qabeen maadaamaa dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay ay xirnaayeen suuqyada ganacsi ee Magaaladda Muqdisho.

Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa u sheegay ganacsatada in Dowladda aysan marnaba raali ka ahayn in ganacsatada culeys la saaro ayna diyaar u tahay xalinta tabashooyinka ay ganacsatada qabaan, waxaana ugu dambeyn lagu balamay in la furo suuqyada ganacsiga ee xiran.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Guddoomiyaha Gudiga Dhaqaalaha, Ganacsiga, Warshadaha, iyo Maalgashiga ee Golaha Shacabka Xildhibaan Garaad Maxamed Sheekh iyo Guddoomiyaha Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka Xildhibaan Yuusuf Geelle Ugaas.

    

Madaxweyne Xasan Sheekh oo sagootiyey ciidan gaar ah oo ku biiraya hawlgalka ka dhanka ah Khawaarijta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta sagootiyay Cutubyo ka tirsan Ciidamada muuqda/ hubaysan ee hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), kuwaasi oo si gaar ah loo siiyey tababarro sare oo la xiriira dagaalka ka dhanka ah Argagixisada.

Ciidamadan oo la baray Taqasusyo gaar ah oo la xariira weerarada qorsheysan, ayna tababareen khubaro ka socotay dowladda Turkiga ayaa si rasmi ah ugu biiri doona howlgallada dalka ka socda ee lagu ciribtiraayo kooxaha Khawaarijta ah, isla markaana lagu xaqiijinayo amniga, kala dambaynta iyo xasilloonida dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in Ciidamadani ay wax badan ka tari doonaan burburinta godadka ay ku dhuumaaleysanayaan Horjoogeyaasha iyo Malleeshiyaadka Argagixisada, maadama la siiyey tababarro adag, waxa uuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay garab istaagaan Ciidamada Qaranka ee dagaalka kula jira Kooxaha Khawaarijta ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey dowladda Turkiga taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay Soomaaliya, gaar ahaan dhismaha iyo tayeynta Ciidamada Amniga, isaga oo ku dhiiri galiyay Ciidamada tababarka dhammeystay ka dhabaynta dhaartii ay mareen iyo go’aanka dhaxal galka ah ee ay qaateen ee difaaca dalkooda.

   

Wasiirka Shaqada XFS oo sheegay in dowladdu ay ka go’an tahay horumarinta sharciyada shaqada

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Yuusuf Maxamed Aadan ayaa sheegay in dowladda ay ka go’an tahay horumarinta sharciyada shaqada iyo ilaalinta xuquuqda shaqaalaha.

Wasiirka oo ka qeybgalay shirweynaha 5-aad ee Xiriirka Ururada Shaqaalaha Soomaaliyeed (FESTU), ayaa sidoo kale xusay in guulaha wasaaraddu gaadhay ay ka mid tahay meelmarinta xeerka shaqaalaha Soomaaliyeed oo uu dhawaan saxiixay Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.

Shirka waxaa ka qeybgalay wasiirro, xildhibaanno, wakiillo ka socday 12-ka urur ee xubnaha ka ah FESTU iyo in ka badan 300 ergo, iyadoo sidoo kale ay joogeen daneeyayaal caalami ah iyo xubno ka tirsan bulshada rayidka ah.

Xafiiska hantidhowrka guud oo si rasmi ah ugu biiray shabakadda Carabta ee hufnaanta iyo la-dagaallanka musuqmaasuqa

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa si rasmi ah ugu biiray Shabakadda Carabta ee Hufnaanta iyo La-dagaallanka Musuqmaasuqa (ACINET), taas oo qayb ka ah dedaallada lagu xoojinayo iskaashiga gobolka, isla-xisaabtanka iyo la-dagaallanka musuqmaasuqa.

Ku biirista ACINET ayaa fursad u siinaysa Xafiiska Hantidhowrka inuu ka faa’iidaysto khibradaha iyo barnaamijyada iskaashi ee dalalka gobolka, si loo horumariyo dedaallada lagula dagaallamayo musuqmaasuqa, laguna xoojinayo isla xisaabtanka iyo dowlad wanaagga.

ACINET waxay hormuud ka tahay kor-u-qaadista daahfurnaanta iyo hufnaanta, waxaana xubin ka ah hay’ado dhowr ah oo ka kala socda dalalka Carabta iyo Bariga Afrika.

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa sii wadi doonaa dadaalladiisa ku aaddan xoojinta isla-xisaabtanka, isagoo ka faa’iidaysanaya madallada caalamiga ah ee gacan ka geysan kara horumarinta awooddiisa iyo saameyntiisa.

Duqa Muqdisho oo qaabbilay wafdi ka socda IOM

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa xafiiska kula kulmay wafdi uu hogaaminayo madaxa hey’adda IOM u qaabbilsan Soomaaliya Mr. Manuel Marques Pereira.

Labada dhinac ayaa waxay ka wada hadleen dardargelinta sidii xal waara loogu heli lahaa maareynta barakacayaasha ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Kulankan oo ay goob joog ka ahaayeen xafiiska Xalka Waara ee Gobolka Banaadir (DSU) ayaa inta uu socday waxaa diiradda lagu saaray muhiimadda ay leedahay xal u helidda Barakacyaasha iyo sidii la isaga kaashan lahaa qorshaha maamulka gobolka Banaadir ee ku aaddan dib u dajin loo sameeyo barakacayaasha Muqdisho.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa sheegay in siyaasad cad uu ka leeyahay sidii xal waara loogu heli lahaa arrimaha la xariira maareynta nolasha dadka barakacyaasha ah, maadaama Muqdisho ay isku diyaarineyso doorasho qof iyo cod ah.

Madaxweyne Laftagareen oo qaabbilay wafdi ka socda hay’adda FAO

Madaxweynaha dowlad goboleedka koonfur galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa xafiiskiisa magaalada Baydhabo ku qaabbilay wafdi uu hoggaaminayay kaaliyaha agaasimaha guud hay’adda FAO ee Afrika Dr. Abebe Haile-Gabriel oo uu wehliyo wakiilka FAO Soomaaliya, Etienne Peterschmitt.

kulanka oo ay ka qayb galeen xubno ka tirsan golaha wasiirrada koonfur galbeed ayaa looga hadlay mashaariicda hay’adda FAO ka waddo guud ahaan koonfur galbeed iyo sidii loo hirgelin lahaa mashaariic hor leh oo loogu adeegayo bulshada ku nool guud ahaan koonfur galbeed.