Soomaaliya iyo Azerbaijan oo kala saxiixday heshiisyo iskaashi

Baku: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Azerbaijan Mudane Ilham Aliyev, ayaa maanta ku kulmay magaalada Baku, halkaas oo ay ku kala saxiixdeen heshiisyo muhiim ah oo lagu xoojinayo iskaashiga labada dal.

Labada Madaxweyne ayaa ka arrinsaday horumarinta xiriirka Labada dal, iyada oo diiradda la saaray dhinacyada waxbarashada, tamarta, amniga, iyo khibradaha dhanka maamul.

Soomaaliya iyo Azerbaijan ayaa kala saxiixday heshiisyo dhaxalgal ah oo ay ka mid yihiin kobcinta iskaashiga waxbarasho, siinta deeqo waxbarasho ardayda Soomaaliyeed, horumarinta cilmi-baarista iyo hal-abuurka. Sidoo kale, waxaa la isla qaatay in Azerbaijan ay Soomaaliya ka taageerto horumarinta tamarta, gaar ahaan dhinacyada shidaalka, gaaska, iyo tamarta la cusboonaysiin karo.

Dhinaca amniga iyo difaaca, labada dal ayaa ku heshiiyay wada-shaqeyn dhow oo ku aaddan tababarada ciidamada, la-dagaallanka argagixisada iyo tayeynta Hay’adaha Amniga, waxaana la isku afgartay in la casriyeeyo maamulka dowliga ah, iyadoo la dardargelinayo adeegyada dadweynaha iyo dowlad wanaagga.

Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne Ilham Aliyev waxay hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay in la dhiso madal joogto ah oo lagu xoojiyo xiriirka labada dal, taasoo fududeyn doonta fulinta heshiisyada la saxiixay.

Ugu danbayntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa casuumay dhiggiisa Azerbaijan Mudane Ilham Aliyev in uu booqasho rasmi ah ku yimaado Soomaaliya, si loo sii xoojiyo iskaashiga labada dhinac.

             

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo kala saxiixday heshiis iskaashi oo dhanka difaaca iyo warshadaha ah

Baku: Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Dhiggiisa Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Azerbaijan Mudane Zakir Hasanov ayaa magaalada Baku ee caasimadda Azerbaijan ku kala saxiixday heshiis iskaashi oo dhanka difaaca iyo warshadaha ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Mudane Ilham Aliyev ayaa goobjoog ahaa saxiixa heshiiskaan dhexmaray wasaaradaha gaashaandhigga labada dowladood.

 

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭a𝐲 ha𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 t𝐚𝐥𝐥𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐚d𝐝𝐮𝐮𝐧𝐤𝐚

Geneva-Switzerland- Wasiirka Wasaradda Caafimaadka iyo Daryeelka bulshada XFS Dr. Cali Xaaji Aadan oo uu wehliyo agaasimaha guud ee wasaaradda Dr. Guuleed Cabdijaliil ayaa kulan kula qaatay magaalada Geneva ee dalka Switzerland madaxa hay’adda tallaalka adduunka ee loo yaqaan GAVI.

Kulanka ayaa waxaa lagu lafaguray sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta labada dhinac, iyadoo laga sii fakarayo kordhinta deeqda lagu bixiyo tallaalka si loo gaarsiiyo waddanka oo idil gaar ahaan meelaha laga xorreeyay khawaarijta, lagana wada shaqeeyo sidii loo isticmaaali lahaa hannaanka maaliyadda Soomaaliya loona soo marin lahaa lagacaha tallaalka wasaaradda maaliyadda XFS.

Wafdiga Wasaaradda Caafimaadka ee ka qeyb galaya shirka golaha fulinta ee hay’adda caafimaadka addunka ayaa madaxda iyo dalalka kasoo qeyb galay shirka la qaatay kulamo duceedyo kala duwan oo diiradda lagu saarayay horumarinta iyo hagaajinta caafimaadka.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada XFS waxaa ka go’an horgeynta ajandayaasha horumarinta caafimaadka Soomaaliya goobaha looga arrinsanayo caafimaadka aduunka.

Wasaaradda difaaca XFS oo marti gelisay kulan looga hadlayo illaalinta carruurta ay saameeyeen colaadaha

Wasaaradda Gaashaandhigga XFS ayaa marti gelisay Kulanka seddax Billood ah ee looga hadlaayo illaalinta carruurta ay saameeyeen colaadaha.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashandhigga XFS Cumar Cali Cabdi ayaa kulanka furey iyadoo shirkaas ay kasoo qeyb galeen Xoghayaha joogtadda ah Wasaaradda Cadaalada, Agaasimaha Guud Wasaaradda Qoyska iyo Xaquuqul Insaanka , Agaasimaha Guud Wasaaradda Amniga iyo Agaasimaha Guud Wasaaradda Gaashaandhigga, waxaana Shirka sidoo kale qeyb galey Wakiilka illaalinta xaquuqda Caruurta iyo Xaquuqul Insaanka ee UNTSOM iyo wakiilka ilaalinta xaquuqda carruurta iyo dhamaan Saraakiisha ka shaqeyso arrimaha xaquuqda carruurta.

Kulanka oo socon doono muddo saddex bilood ah ayaa loogu hadlayaa sidii loo illaalin lahaa badqabka carruurta Soomaaliyeed hoosna loogu dhigi lahaa wax yeellada soo gaarta xilliyadda dagaal.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS oo ka qayb galay bandhigga suuq-weynaha Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta ka qayb galay bandhigga Suuq-weynaha Muqdisho oo ay isugu yimaaddeen hormuudka ganacsatada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa ku boorriyay ganacsatada Soomaaliyeed in ay xoojiyaan dadaalkooda ganacsi, horumariyaan hal-abuurka cusub, una istaagaan sidii kor loogu qaaddi lahaa kobaca dhaqaale ee dalka.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa sharraxay muhiimadda Qorshaha Isbedelka Qaranka (NTP) iyo doorka uu siinayo qeybaha ganacsiyada gaarka loo leeyahay, si ay hormuud ugu noqdaan horumarka iyo dib-u-dhiska dalka.

Mudane, Saalax Axmed Jaamac Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xusay in iskaashiga dowladda iyo ganacsatada ay fure u tahay kobcinta dhaqaalaha, abuurista fursado shaqo, iyo dhiirrigelinta maalgashiga gudaha iyo dibadda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an xoojinta xiriirka ay la leedahay ganacsatada, si loo abuuro jawi ganacsi, xasilloon oo dalka u abuuraya fursado dhaqaale.

Howlgalka Africom oo faah-faahin ka bixiyay dagaalka ka dhanka ah Daacish ee ka socda gobolka bari

War qoraal ah oo ka soo baxay taliska ciidanka Mareykanka ee Afrika (Africom) ayaa lagu faah-faahiyay howlgallada ka dhanka ah argagixisada ee ka socda Soomaaliya, gaar ahaan bartilmaameedyadii dhawaan ka dhacay buuraleyda gobolka bari ee Puntland.

War saxaafadeedka Africom ayaa lagu yiri “Taliska Africom oo kaashanaya dowladda Soomaaliya ayaa 1-dii feebaraayo ee sanadkan 2025 duqayn xagga cirka ah ku dilay horjoogayaal sare oo ka tirsanaa argagixisada Daacish iyaga oo ku dhuumaalaysanaya buuraleyda gobolka bari oo qiyaas ahaan 50 mayl dhanka koonfur bari kaga beegan magaala xeebeedka Boosaaso”.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in 14 xubnood oo ka tirsanaa Daacish lagu dilay howlgalkaasi, islamarkaana aanay jirin wax dhibaato ah oo soo gaartay dadka rayidka ah.

Africom ayaa caddeysay in xubnaha la dilay uu ku jiray horjooge sare oo u qaabbilsanaa Daacish qorista malleshiyaadka iyo dhinaca dhaqaalaha, kaas oo magaciisa lagu sheegay Axmed maleninine.

Africom ayaa sheegtay in ninkani uu mas’uul ka ahaa in uu xubnaha agrgagixisada u safriyo waddamada Yurub iyo Mareykanka sida qoraalka lagu sheegay.

Hadalka Africom ayaa imaanaya iyadoo muddooyinkii ugu dambeeyey ay sii xoogeysanayeen howlgallada ka dhanka ah Daacish ee ka socda buuralayda gobolka Bari, kuwaasi oo lagu gaarsiiyay khasaare xooggan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoo laga qabsaday goobihii ay ka soo abaabulayeen dhagarta ay u soo maleegayaan shacabka.

Tani ayaa qeyb ka ah qorshe dowladda Soomaaliya ay ku dooneyso in guud ahaan dalka looga sifeeyo argagixisada, waxaana howlgallo lamid ah kuwa gobolka bari ay ka socdaan konfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Guusha laga gaaray hannaankii deyn cafinta (WARBIXIN)

23-kii bishii Nofember ee sanadkii hore Hey’adda Lacagta Adduunka IMF iyo Baanka Adduunka ayaa ku dhawaaqay in Soomaaliya laga cafiyay deyn dhan 4.5 bilyan oo doolarka Mareykanka ah, waxaana isa soo taraya boogaadinta saaxiibada caalamka ay u dirayaan dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed oo gaaray guul taariiqi ah, waxaa kaloo jirta in Kristalina Georgieva oo ah Madaxa IMF ay Soomaaliya ugu hambalyeeysay guushan.

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Fedraalka Soomaaliya mudane Biixi Iimaan Cige iyo Safiirka Dowladda Denmarka u fadhiya Soomaaiya Steen Sonne Anderson ayaa si wafajir ah ugu saxiixay magaalada Muqdisho heshiis dowladda Soomaaliya looga cafinayo Lacagihii Deynta ahaa ee Dowladda Denmarka ku laheyd Dowladda Soomaaliya. Wasiir Biixi oo qoraal soo dhigay xilligaasi, isagoo ka hadlaayay heshiiskaasi ayaa waxa uu yiri:- “ waxaa dhaboobay miraha ka dhashay barnaamijka dib u habeynta maaliyadda iyo guulihii laga gaaray hannaankii deyn cafinta, waxaana u mahadcelinayaa dowldda Denmarka oo ah saaxiib qiimo badan oo qeyb ka ah horumarka maaliyadeed eek u talaabsaneyso Soomaaliya”.

Madaxa Heyadda Lacagaha Adduunka Mrs: Kristalina waxay kaloo tilmaantay in IMF ay sii wadeyso xoojinta wada shaqeynta iyo xiriirka ay Soomaaliya la leedahay, waxaa kaloo isna soo hambalyeeyay Xoghayaha guud ee Urur Goboleedka IGAD Workneh Gebeyehu oo isna ammaanay dadaalka dheeriga ah ee dowladda Soomaaliya ay ku bixineyso dib u habeynta dhaqaalaha iyo arimaha bulshada, waxaa kaloo uu bogaadiyay doorka hogaamineed ee gaarka ah ee horseeday isbedallo muhiim ah, iyadoo dhinaca Midowga Yurub-na ay iyaguna sheegeen in ay ka go’an tahay taageerida Soomaaliya guushaan weyn ka dib, iyaga oo sare u qaadaya isbedalka dhaqaalaha.

Mareykanka oo laalay $1.1bn oo deyn ah oo Soomaaliya lagu leeyahay oo ah heshiis maaliyadeed oo taariikhi ah, taasi oo aheyd Ballan-qaadka deyn-bixiyaha ugu weyn ayaa ah kii ugu dambeeyay heshiisyo taxane ah oo lagu cafiyay deyn dhan $4.5bn.

Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in inka badan $1.1bn (£860m) oo deymo ah oo baaqi ahaa uu Mareykanku baabi’in doono, taasoo ka dhigan qiyaastii rubuc ka mid ah deynta harsan ee dalka Soomaaliya lagu lahaa, sida uu qoray Wargeyska the Guardian ee Dalka Ingiriiska.

Ku dhawaaqista ayaa ah heshiisyadii ugu dambeeyay ee ay Soomaaliya deymaha lagu leeyahay ay ku balameen in ay ka cafiyaan. Inta badan deymaha Soomaaliya lagu leeyahay waxa ay aheyd xilligii kaligii Taliskii Millatari ee Siyaad Barre, kaasi oo burburay dabayaaqadii 1990-aadkii oo dhaliyay dagaal sokeeye oo burburiyay Seddex iyo Toban sano. Madaxweynaha Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dalka “uu ku caburoobay culeys weyn oo deyn ah oo aan la aqbali karin” taasoo ah lacago dulsaar ah oo aan la bixin karin “intii lagu jiray muddada dheer ee burburka dowladeed”.

Mareykanka iyo Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis rasmi ah oo deyn cafinta oo ku kacaya $1.14bn. Qoraal uu soo dhigay Bartiisa X, Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Cige, ayaa mahad-celin u jeediyay, isagoo uga mahad-celiyay “Dowladda Mareykanka iyo shacabka sida hagar la’aanta ah ee ay u garab taagan yihiin dib u habeynta dhaqaalaha iyo kobacayada ka socda Soomaaliya”.

Safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya, Richard Riley, iyo Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya, mudane Biixi Cige, ayaa ku kala saxiixday heshiiska, kaasi oo ka dhacay Safaaradda Mareykanka, ee magaalada Muqdisho Maxamed Shire, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya, ayaa bogaadiyay heshiiska “taariikhiga ah”, isaga oo intaa ku daray in uu “war aad u wanaagsan u yahay dadaalka dib u soo kabashada Soomaaliya ee socda”. Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Tweeter-ka ee X, Maxamed Dubo, oo ah Madaxa Xafiiska dhiirrigelinta maalgashiga ee dowladda Soomaaliya, ayaa soo dhigay: “Soomaaliya hadda waxa ay wajihi kartaa mustaqbalkeeda, iyada oo aan loo kala harin”.

10-kii bishan Febraayo ee sanadkan ayay aheyd markii uu Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Federalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige uu ka qeyb galay furitaanka shirka sanadlaha ah ee Hey’adaha Maaliyadda dalalka Carabta, Qeybta Horumarinta Dhaqaalaha meertadiisii 9-aad oo lagu qabanayo magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, iyada oo uu barbar soconayo kulanka Sanadlaha ah ee Kulanka Dowladaha Adduunka 𝐖𝐨𝐫𝐥𝐝 𝐆𝐨𝐯𝐞𝐫𝐧𝐦𝐞𝐧𝐭𝐬 𝐒𝐮𝐛𝐦𝐢𝐭.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo furitaankii shirka ka khudbad kooban ka jeediyay ayaa waxa uu diiradda ku saaray arrimaha horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya iyo qorshayaasha maalgalineed ee mudnaanta gaarka ah ay siinayso Xukumadda Dan Qaran. Mudane Wasiir Biixi ayaa sidoo kale xusay sida ay Dowladda Soomaaliya uga go’an tahay hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda iyo casriyeynta ilaha dakhliga gudaha oo horseed unoqonaya horumar maaliyadeed.

Shirkaan ayaa waxaa sidoo kale qudbad ka jeedisay Kristalina Georgieva oo ah Madaxa Guud ee Hey’adda Lacagta Adduunka IMF, waxa ay dalalka carbeed ugu baaqday in ay abuuraan fursado dhaqaale oo lagu xoojinayo hannaanka ka soo kabashada aafooyinka, iyada oo fursado looga dhigayo bulshooyinka soo koraya.

Wararka laga helay magaalada 𝐃𝐮𝐛𝐚𝐢, ee cariga Imaaraatka Carabta 𝐔𝐀𝐄 ayaa sheegaya in Wada xaajood muddo dheer socday uu shalay oo taariikhdu tahay 11-ka Bisha February 2025-ka, ayaa waxaa si rasmi ah heshiis uga gaaray Dowladda Soomaliya iyo Sanduuqa Horumarinta Abu Dhabi, heshiiskan ayaa xal looga gaaray deyn dhan $257 milyan oo doolar , deyntaas oo ay Dowladii Dhexe ee Soomaaliya ee xilligaasi qaadatay, kuna maalgalisay Mashruucii  Warshadii Sokorta Jubba.

Heshiiskaan oo ay si wadajir ah u saxiixeen Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige iyo Agaasimaha Guud ee Sanduuqa Horumarinta Abdu Dubai Mr. Mohamed Saif Al-Suwaidi ayaa albaabada u furaya in Sanduuqu uu dib ula falgalo ka qeyb qaadashada Mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya ka jira iyo helidda maalgalin cusub oo dib loogu maalgelin karo kaabayasha dhaqaalaha ee dalka, kuwaasi oo baahi weyn loo qabo.

Dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii la soo dhaafay waxa ay dadaal xoogan ugu jirtay sidii Soomaaliya ay u heli laheyd Maalgalin iyo horumarin ilaha dhaqaalaha dalka, kadib markii laga cafiyay deymhii Adduunku ku lahaa.

Ciidanka oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan Xarardheere

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska XDS Gorgor iyo Qeybta 21-aad iyo ciidamadda deegaanka, ayaa howlgallo qorsheysan ka fuliyay deegaano ay kamid yihiin Tuulo Xaaji iyo Tuulo Cadad ee hoostaga degmada Xarar-dheere, gobolka Mudug.

Howlgalkan oo socday muddo saddex maalmood ah ayaa looga gol lahaa ciribtirka maleeshiyaadka Khawaarijta, kuwaas oo la helay xogtooda, xilli ay maleegayeen dhagaro argagixiso. Ciidamadda ayaa si taxaddar leh uga hortagay kooxaha nabad-diidka ah, iyagoo ku beegsaday goobo ay isku uruursanayeen.

Wararka laga helaayo magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa tibaaxaya in Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ay xaqiijiyeen in cadowga la gaarsiiyay jab xooggan, isla markaana la burburiyay saldhigyo ay ku dhuumaaleysanayeen, iyadoo  Howlgalka inta uu socday ay Khawawrijta laga dilay tiro maleeshiyaad ah.

Haweenka iyo dhallinyarada gobolka Banaadir oo soo dhoweeyay in ay muqdisho yeelato dowlad goboleed

Haween isugu jira xildhibaano, siyaasiyiin iyo aqoonyahano ayaa taageeray rabitaanka bulshada gobolka Banaadir ee ah in magaalada Muqdisho ay noqoto maamul dowlad goboleed buuxa.

Haweenka gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay bogaadinayaan soo jeedintii guddoomiyaha gobolka ee ahayd in caasimaddu ay yeelato maamul goboleed, aqalka sarana ku leh matalaad.

Dhinaca kale, kulan cayaareed lagu taageerayay rabitaanka bulshada gobolka Banaadir ee ah in Muqdisho ay noqoto dowlad goboleed buuxa iyo in ay dhacaan doorashooyin qof iyo cod ah ayaa lagu qabtay garoonka cayaaraha SOS degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir.

Sidoo kale, qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan gobolka Banaadir ayaa aad usoo dhoweeyay in ay caasimaddu hesho maqaam iyo metelaad gaar ah, iyagoo aad u bogaadiyay in Muqdisho ay noqoto maamu goboleed buuxa.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Amiir ayaa soo jeediyay in caasimaddu ay yeelato maqaam iyo matalaad, ayna hesho dowlad goboleed buuxa.

Guddomiyaha oo shalay ka qeyb galay shirka la tashiga hay’adaha dastuurka ee heer dowlad goboleed loogana hadlayay soo jeedinta wax ka beddelka cutubyada 5-aad illaa 9-aad iyo dhameystirka dastuurka KMG ah ayaa sidoo kale ku baaqay in matalayaasha caasimaddu ay ugu yaraan 21 xubnood ku yeeshaan aqalka sare ee baarlamaanka dalka.

Wasiir Cali balcad oo Addis abab ku shir guddoomiyay kulanka dib u habaynta musharixiinta dalalka Africa

Addis ababa- Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS, Mudane Cali Maxamed Cumar ayaa maanta magaalada Addis ababa ku shir guddoomiyay kulankii ugu danbeeyey ee ay yeesheen guddiga heer wasiir ee dib u habaynta musharixiinta dalalka Africa ee u tartami doona kuraasta ka bannaan Midowga Afrika iyo Ururrada kale ee caalamka.

Wasiir Balcad waxaa kulanka ku wehliyey xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Mudane Xamse Aadan, Danjire Cabdullaahi Warfaa iyo diplomaasiyiin kale duwan oo ka socday dowladda Soomaaliya.