Taliyaha Booliiska Soomaaliya oo shirguddoomiyay kulan la xiriiray amniga guud ee dalka

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa shir guddoomiyey kulan ku saabsanaa xoojinta ammaanka guud ee dalka iyo dardargalinta howlaha ku aadan ka hortagga kooxaha khawaarijta.

Kulankaan oo todobaadkii mar la qabto axaa ka qeybgalay madaxda hoggaanada, qeybaha iyo Fadhiyada Madaxa banaan ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo ka hadlay  kulanka ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin taabagalinta doorashooyin qof iyo cod ah,wuxuuna saraakiisha cidanka faray inay ka foojignaadaan dhagarta Khawaariijta ee waxyeeli kata shacabka Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa shacabka ka codsaday in laamaha ammaanka ay ku wergeliyaan cidd kasta oo wadda falal amni darro ah.

Madaxweynaha JFS oo booqday xarumaha shidaalka, kumaandooska iyo adeegyada casriga Azerbaijan

Baku, Febraayo 13, 2024; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqday xarummo muhiim ah oo ku yaalla magaalada Baku ee caasimadda Azerbaijan, kuwaas oo iskugu jira xarummaha tamarta, difaaca, iyo hormarinta adeegyada dowliga ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa booqday Xarunta BP Sangachal Terminal oo ka mid ah xarumaha ugu weyn ee caalamka ee qaabilsan soo saarista shidaalka iyo habeynta gaaska dabiiciga ah, isagoo uga gollahaa in uu dul istaago awoodda dalkan Azebaijan ee dhanka tamarta, maadaama ay dhawaan labada dowladood kala saxiixdeen heshiis iskaashi oo ku saabsan arrimaha shidaalka iyo tamarta.

Intii booqashada uu ku jiray Madaxweynuhu, waxa uu warbixin ka dhageystay khubarada farsamada oo la wadaagay sida ay xaruntu uga shaqeyso amniga tamarta ee gobolka iyo suuqyada caalamka, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu tilmaamay in booqashadan ay fursad weyn u ahayd is-dhaafsi khibradeed, maadaama Soomaaliya ay haatan waddo sahanno lagu baarayo shidaalka oo la qorsheynayo in la soo gabagabeeyo sannadkan.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa booqday Kumaandooska Ciidanka Qaranka Azerbaijan, halkaas oo uu kusoo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Azerbaijan, Mudane Zakir Hasanov. Madaxweynaha waxaa loo soo bandhigay qalab casri ah oo ciidan oo lagu sameeyay gudaha Azerbaijan.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo booqday Xarunta Adeegyada Casriga ah ee ASAN, isagoo ku bogaadiyey dowladda dalkan hannaanka horumarsan ee casriyeynta adeegyada dadweynaha, waxa uuna xusay in Soomaaliya ay ka faa’iidaysan karto khibraddan, si loo horumariyo addeegyada dowliga ah ee danabeysan (E-Governance).

     

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐗𝐞𝐞𝐫-𝐍𝐢𝐝𝐚𝐚𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa ansixiyey Xeer-Nidaamiyaha Xukuumadda, kaas oo hagaya howlaha waaweyn ay xukuumaddu u hayso bulshada Soomaaliyeed,

Kulanka Golaha oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno ka hadlayey xaaladdihii ugu dambeeyay ee dalka, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Sidoo kale, Golaha ayaa meel-mariyey heshiis iskaashi amni, kaas oo ay wada gaareen dalalka Soomaaliya iyo Ciraaq.

Golaha Wasiirrada ayaa dul istaaggay dagaallada ka socda dalka ee lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah ee Al-shabaab iyo Daacish, kuwaas oo jab-xoog leh ay gaarsiiyeen ciidanka Qaranka, kana saareen deegaanno iyo goobo kala duwan oo ay ku dhibaatayn jireen shacabka­­, iyada oo laga dilay horjoogeyaal u badan ajaaniib, qaar kalena gacanta lagu dhigay.

Soomaaliya iyo Muritaaniya oo iska kaashanaya ka hor tagga masiibooyinka

Kuwait:-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka, Md. Maxamuud Macallin Cabdulle, oo hoggaaminaya wafdiga Dowladda Soomaaliya ee ka qeyb-galaya Madasha 6-aad ee Dalalka Carabta ee Yaraynta Khataraha Masiibooyinka ee ka socda dalka Kuwait, ayaa kulan wax-ku-ool ah la qaatay wafdiga matalaya dowladda Muritaaniya oo ay hoggaaminayso Wasiirka Deegaanka iyo Horumarka Waara, Mrs. Messouda Mint Baham.

Kulankan labada wafdi ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga labada dal ee la xiriira khibrad-wadaagga iyo horumarinta hababka digniinta ee ka hortagga musiibooyinka, halka Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA uu xusay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay gacan ka geysato kobcinta awoodaha farsamo ee ku aaddan hirgalinta xarunta digniinta hore ee ay qorshaynayso Wasaaradda Deegaanka ee Muritaaniya.

Wafdiga Dowladda Soomaaliya ayaa mar kale muujiyay sida ay uga go’an tahay in iskaashi dhow iyo wada-shaqeyn lala yeesho dalalka gobolka si loo xoojiyo dadaallada yareynta khataraha musiibooyinka iyo ka hortagga saameyntooda.

Ciidanka Xoogga oo dilay in ka badan 10 khawaarij ah

Jawle:-Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa Howlgalo ka dhan ah khawaarijta ka wada dhulka miyigaa ah ee Jowle ku teedsan,deegaanka Jowle ayaa ka mid ah deegaanada gobolka Mudug.

Ciidamada ayaa Howlgalka ku dilay cabdulaahi siciid bulxiye oo ahaa amiirki Deegaanka Jowle khawaarijta u qaabilsanaa,

Horjoogahaan ayaa waxaa wehliyay oo Howlgalka lagu dilay 10 maleeshiyaad ah kuwaas oo ilaalo u ahaa,

Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Deegaanka ayaa sheegay inuu socdo Howgalku.

Bandhigga Suuq weynaha Muqdisho oo galay maalintii labaad

Bandhigga oo sanadkii 6-aad ka qabdoomay magaalada Muqdisho wayaa galay maalinkii labaad ka dib markii uu shalay daah furay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka xukuummadda federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, iyadoo madasha furitaanka ay sidoo kale kasoo qeybgaleen masuuliyiin ka tirsan goleyaasha Dowladda iyo guddoomiyaha Rugta Ganasiga Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa furitaanka Bandhigga Suuqweynaha Ganacsiga Muqdisho ku sheegay in Qorshaha Qaranka dowladda Soomaaliya ay qeb mihiim ah kaga jirto horumarinta iyo dhiirrigalinta Ganacsiga si ay fursad u helaan dhallinta Soomaalieed loona yareeyo faqriga iyo shaqo la’aanta.

Bandhigga oo socon doona 3 maalin ayaa waxaa lagu soo bandhigi doonaa Halabuur Ganacsi oo kala duwan, waxaana bulshada kasoo qebgaleysa loogu talagalay qiima dhimis mudada uu socondoono Bandhigga Suuqweynaha Muqdisho.

 

    

Soomaaliya iyo Ciraaq oo yeelanaya iskaashi ku saabsan maareynta musiibooyinka

Kuait city- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya, Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa caasimadda dalka Kuwait ee Kuwait city kula kulmay wasiirka wasaaradda Deegaanka ee dalka Ciraaq, Dr. Halo Mustafa Askari.

Labada mas’uul oo ka wada qayb galaya madasha 6-aad ee dalalka Carabta ee yaraynta khataraha musiibooyinka ayaa waxay kulankooda diiradda ku saareen xoojinta xiriirka walaalnimo ee ka dhexeeya labada dal iyo iskaashiga dhanka maareynta musiibooyinka, yaraynta khataraha iyo isdhaafsiga khibradaha la dagaallanka khataraha dabiiciga ah iyo kuwa ay sababaan ficillada bani’aadamka ee dad sameega ah.

Dhinacyada ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada shaqeynta dhow ee la xiriirta ka hortagga khataraha iyo awoodeynta maareynta musiibooyinka, waxaana la isku raacay in dowladuhu iska kaashadaan is-dhaafsiga, aqoonta, waayo-aragnimada, cilmi-baarista iyo farsamooyinka casriga ah ee la xiriira maareynta khataraha.

Maamulka iyo bulshada degmada Kaaraan oo soo dhoweeyay doorasho qof iyo cod ah

Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta gobolka Banaadir, Cabdicasiis Cusmaan Maxamed ayaa ka qeyb galay kulan ay maamulka iyo bulshada degmada Kaaraan ku taageerayeen doorashooyinka qof iyo codka ah iyo rabitaanka shacabka ee ah in caasimaddu ay noqoto maamul goboleed buuxa.

Guddoomiye Cabdicasiis ayaa ku amaanay maamulka iyo bulshada degmada Kaaraan sida ay diyaar ugu yihiin in ay ka qeyb qaataan doorashooyinka tooska ah ee lagu wado in ay ka dhacdo guud ahaan dalka Soomaaliya iyo midda golaha deegaanka oo lagu xaqiijinaayo xuquuqda iyo matalaada ay leeyihiin malaayiinta qof ee ku nool magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha degmada Kaaraan, Faarax Caddaani Maxamed, Siyaasiyiin, Odayaasha dhaqanka, agaasimeyaal, haween, dhallinyaro iyo qeybaha kala geddisan ee bulshada Kaaraan oo munaasabadda ka hadlay ayaa dhamaantood soo dhoweeyay in la xaqiijiyo rabitaanka bulshada gobolka Banaadir.

Wasiir Maareeye oo Talyaaniga uga qaybgalay shirka Beeraha Adduunka

Rome : Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka dowladda FS mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dalka Talyaaniga uga qaybgalay shirka Beeraha Adduunka oo ay iskugu yimaadeen in ka badan 170 dal.

Shirkaan ayaa looga hadlay Horumarinta Beeraha iyo Reer Miyiga, iyadoo shirka kadib Soomaaliya bixisay qoondada sanadlaha ee IFAD. taas oo Keentay in ay Soomaaliya hesho Mashaariicda Horumarineed ee dhanka Beeraha oo ay ka mid tahay Mashruuca horumarinta hab-nololeedka reer miyiga (RLRP).

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka DFS Mudane Maxamed Cabdi Xayir ayaa dhanka kale kulamo la yeeshay madaxda kale duwan ee shirkaan kasoo qeybgashay, isaga oo u soo bandhigay fursadaha Maalgeshi ee dhanka beeraha ee dalkeenna ka jira.

Eedeysanayaal loo soo xiray weerar ay ku qaadeen saldhigga degmada Cabdicasiis

Hay’addaha amaanka Caasimadda ayaa Howlgalkii shalay ka dhacay Degmada Cabdicasiis kusoo qabtay 3 eedeysane oo mid kamida dhaawac yahay kuwaas oo so weeraray Taliyihii Saldhigga Boliiska Cabdi casiis oo fulinayay amar Maxkammadda ka soo baxay.

Waxaana lagu sooo qabtay 3, sadax eedeysane iyo laba Qori oo mid Zaban yahay oo ay wateen waxana socota baaris iyo ka gungaarista cidii soo abaabushay fal danbiyeedkaas waxaana la horgeyn doonaa Maxkamada awooda uleh.