Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo la kulmay Kusimaha Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Kusimaha Safiirka Safaaradda Itoobiya ee Soomaaliya Ketema Haile Minuta oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada wadan gaar ahaan baarlamaanada labada dal, waxaana Ku-simaha Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya sheegay inuu ka shaqeyn doono xoojinta xiriirka labada wadan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kusimaha safiirka Itoobiya ee Soomaaliya uga mahadceliyay sida uu uga shaqeeyo xoojinta xiriirka baarlamaanada labada wadan.

    

Hamas oo sii deysay 3 maxaabiis iyo Israel oo laga sugayo 369 ruux

Xamaas ayaa deegaanka Khan-Yonis ku sii daayey saddex maxaabiis oo Israel ah oo lagu kala magacaabo Alexander Trufanov, Sagui Dekel-Chen iyo Yair Horn.

Xamaas ayaa maxaabiistaasi ku wareejisay hey’adda Laanqeyrta Cas,waxaana raggaasi la geyn doona Qaza si ay ula wareegaan ciidamada Israa’iil ee ku sugan halkaasi.

Israel ayaa la filayaa in  maanta gelinka dambe ay sii deyso 369 falastiiniyiin ah oo ay hayeen muddo badan.

Dhinaca kale,Xamaas ayaa sheegtay in wada xaajood aan toos ahayn ay la galayaan Israel toddobaadka soo socda,kaas oo noqon doona  wejiga labaad ee heshiiska xabbad joojinta Gaza.

Howlgallo dhanka cirka ah oo lagu burburiyay saldhigyo Khawaarijta Daacish ku lahaayeen buuraha Calmiskaad

Howlgallo culus oo dhanka cirka ah ayaa xalay ka dhacay deegaanka Sheebaab-Calmiskaad ee buuralayda gobolka Bari, halkaas oo khasaare xooggan lagu gaarsiiyay khawaarijta Daacish.

“Waxaa lagu gubay warshadii Argagixisada Daacish Qaraxyada iyo biraha gawaarida ku sameyn jirtay iyadoo halkaasi lagu dilay xubnihii ku sugnaa” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Ciidamada Daraawiishta Puntland.

Boqaal ka tirsan Khawaarijta Daacish ayaa lagu dilay hawlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, kuwaas oo ay ku jiraan horjoogayaal Ajaaniib ah.

Guddoomiyaha SoDMA oo la kulmay madaxa bisha cas ee dalka Kuwait

Kuwait:-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA), Md. Maxamuud Macallin Cabdulle oo uu wehliyo Safiirka Dowladda Soomaaliya ee Kuwait, Dr. Cabdullaahi M. Sheekh Cabdullaahi, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Madaxa Ururka Bisha Cas ee Kuwait, Md. Khaled Mohammed Al-Mughmas.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhaxeeya labada dhinac, iyadoo Guddoomiyaha SoDMA uu warbixin ka siiyay Madaxa Ururka Bisha Cas xaaladda bani’aadannimo ee ka jirta Soomaaliya. Wuxuu si gaar ah u xusay walaaca laga qabo abaar ka dhalata roob-yaraantii xilliga Deyrta 2024 iyo odoroska muujinaya in roobabka Gu’ga ee 2025 ay ka yaraadaan inta la filayo. Sidaa darteed, waxaa muhiim ah in la helo gurmad degdeg ah si looga hortago saameynta ay keeni karaan duruufahaas.

Sidoo kale, Guddoomiyaha SoDMA ayaa kala hadlay Ururka Bisha Cas ee Kuwait sidii loo dardargelin lahaa dadaallada lagu hirgelinayo mashaariicda u adkaysiga aafooyinka iyo qorshayaal lagu xoojinayo ka soo kabashada masiibooyinka. Waxaa la isla falanqeeyay muhiimadda ay leedahay qodista ceelal, dhismaha waro biyaha lagu keydiyo, iyo xal u helidda barakacayaasha ku baahsan dalka Soomaaliya.

Ugu dambeyn; Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA ayaa uga mahadceliyay Ururka Bisha Cas ee Kuwait doorkooda firfircoon ee ay ka qaataan taageerada shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna rajo ka muujiyay in la sii xoojiyo xiriirka iyo wada-shaqeynta ka dhaxeysa Hay’adda SoDMA iyo Ururka Bisha Cas ee Kuwait.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan-doceed la qaatay Ra”iisul wasaaraha Itoobiya

Addis-ababa:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galaya Meertada 38-aad ee Shir-madaxeedka Midowga Afrika ayaa kulan-doceed la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Dalka Itoobiya, Mudane Abiy Ahmed.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay xasilloonida Gobolka iyo mideynta dadaallada lagu cirib-tirayo argagixisada, waxa uuna sheegay in Soomaaliya ay ka go’an tahay xaqiijinta iskaashiga heer gobol ee ku aaddan nabadda, daris-wanaagga iyo adkaynta xasilloonida.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya Labada dal, iyadoo la dhiirri-gelinayo iskaashiga horumarineed ee ku salaysan daris-wanaagga iyo is-ixtiraamka, si waafaqsan danaha wadajirka ah ee labada dal, madaxbannaanida iyo midnimada dal kasta.

Madaxweynaha JFS oo gaaray Itoobiya

Addis ababa:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa si diiran loogu soo dhoweeyey magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

Safarka Madaxweynaha iyo xubnaha wafdigiisa ayaa salka ku haya ka qaybgalka shirarka kala duwan iyo doorashada madaxda Midowga Africa.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa kulamo doceedyo kala duwan la yeelan doona qaar kamid ah madaxda dalalka Africa oo uu kamid yahay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed Cali, kulamadaas oo looga hadli doono adkaynta xiriirka ay Soomaaliya la leedahay Dawladaha Africa iyo Caalamka.

     

Kulan ciyaareedka Nabadda oo ka socda Muqdisho

Isu imaatin Dhallinyaro oo muujinaya Isbedelka iyo horumarka Amniga Caasimadda ka jira ayaa ka soconaya Tuullada Cayaaraha ee Stadium Muqdisho.

Kulan ciyaareedka Nabadda ayaa si gaar ah loogu soo dhowaynayaa Asad Xaajiyow oo ka mid ah dhalinyaradda Soomaaliyeed.

Shacabkii ugu tirada badnaa ayaa soo buuxiyey garoonka iyadoo ay ciidanka amaanku si weyn u sugayaan Amniga.

     

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka wasiirada warfaafinta Carabta ee Kuwait

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa magaalada Kuwait ee dalka Boqortooyada Kuwait kaga qeybgaley munaasabadda daahfurka Caasimadda Warbaahinta iyo Dhaqanka ee Jaamacadda Carabta oo sannadkan loo aqoonsaday magaalada Kuwait.

Kulanka daahfurka  oo ay ka soo qeybgaleen Wasiirrada Warfaafinta iyo Dhaqanka ee waddamada xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta, ayaa waxaa si rasmi ah u furay Wakiilka Boqorka, ahna Wasiirka Warfaafinta iyo Dhqanka ee Boqortooyada Kuwait, Mudane Cabdulraxmaan Al Mutairi.

Kulankaasi daahfurka ah waxaa looga hadlay sida ay madaxda Jaamacadda Carabta uga go’an tahay horumarintooda iyo iskaashiga,gaar ahaan ee dhinacyada warfaafinta ee dalalka ku jira Ururka Jaamacadda Carabta.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamaca ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay qaar ka mid ah Wasiirrada Warfaafinta iyo Dhaqanka ee Jaamacadda Carabta, isagoo u sharaxay siyaasadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dhinacyada warbaahinta iyo dhaqanka.

Ciidanka Xoogga oo Sh/Hoose ku weeraray kooxo khawaarij ah

Ciidanka Xoogga ayaa Howlgal qorsheysan oo ka dhacay Sh/Hoose cagta ku mariyay Maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta oo ku sugnaa deegaanno ku teetsan Degmada Aw-dheegle ee  Gobolkaasi.

Howlgalkaan oo dhacay shalay iyo xalay ayaa waxaa ka qeybgalay ciidamada Ururada 175-aad iyo 146-aad,gaar ahaan guutada 17-aad ee Gorgor iyo guutada 14-ka ee October,iyadoo tuulada Gumeysidiid lagu bur-buriyay baro Koontorool oo Khawaarijta ay ku qaadi jireen lacagaha baadda ah ee ay ku soo rogeen Shacabka iyo gaadiidka.

Taliyaha Guutada 14-ka October ee Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed G/sare Nuur Maxamed Gaabow Nur Farey ayaa Xaqiijiyay intii uu socday howlgalkaasi in ay jab gaarsiiyeen khawaarijta,isla matkaana ay sii daayeen gaadiid iyo shacab ay Khawaarijta ku xayireen tuulada Gumeysidiid.

“Ma Aqbaleyno inay Khawaarijta dulsaar kusii ahaadaan shacabka oo ay sii dhibaateeyaan bulshadeenna iyo qarannimadeenna, waxaanna markasta diyaar u nahay inaan uga daba tagno goob kasta oo ay gabbaad ka dhigtaan” ayuu yiri G/sare Nur Farey, Taliyaha Guutada 14-ka October ee Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliya

Wasiirka Howlaha Guud XFS oo shir muhiim ah la qaatay Madaxda Bangiga Horumarinta Afrika.

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guriyeynta XFS Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa shir muhiim ah magaalada Nirobi kula yeeshay Madax ka socotay Bangiga Horumarinta Afrika.

Shirkaasi oo ka dhacay xarunta Bangiga Horumarinta Afrika ee Dalka Kenya ayaa waxaa labada dhinac ay uga wada hadleen socodsiinta mashaariicda wax ku oolka ah ee ay isla wadaan Wasaarada Howlaha Guud iyo Bangigga Horumarinta Afrika.

Shirkaasi waxaa si gaar ah looga hadlay xoojinta iskaashiga istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya Wasaaradda iyo bangiga horumarinta Afrika ,iyadoo diiradda lagu saaray mashruuca dhismaha waddooyinka ee isku xira gobolada dalka

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa u mahadceliyey madaxda Bangiga Horumarinta Afrika, isagoo bogaadiyay dadaallada ay ugu jiraan sidii ay gacan uga geysan lahaayeen dib u dhiska dalka.