Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Adis-ababa oo uu ka socda shirka 38-aad ee Midowga Afrika kula kulmay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay antonio guterres.

Madaxweynaha iyo antonio guterres ayaa ka wada hadlay horumarka ka socda Soomaaliya, dagaalka lagula jiro argagixisada caalamiga ah, howlgalka AUSSOM iyo doorka muhiimka ah Qaramada Midoobay ee dhinacyada amniga, xasillinta iyo horumarka.

Sidoo kale, waxay isweydaarsadeen aragtiyo la xiriira nabadda iyo amniga gobolka, wuxuuna madaxweyne Xasan Sheekh uu xaqiijiyay in Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay si dhow ula shaqeyso QM, isagoo qiray taageerada joogtada ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

MADAXWEYNAHA HIRSHABEELLE OO DAAH-FURAY MASHRUUCA DHALLINYARADA IYO NABADDA

Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo ay wehliyaan Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga XFS Xildhibaan Maxamed Barre Maxamuud iyo Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Hirshabeelle Maxamed Xuseen Ceynte ayaa daah-furay mashruuca dhallinyarada iyo nabadda.

Mashruucu wuxuu dhallinyarada Jowhar ku xoojinayaa doorkooda nabadaynta, xallinta khilaafaadka, iyo maareynta kheyraadka dabiiciga ah sida dhulka iyo biyaha waxana iska kaashanayo Dowladda Soomaaliya, Hirshabeelle, IOM iyo FAO.

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga XJFS Xildhibaan Maxamed Barre Maxamuud ayaa ku ammaanay Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle fursad-siinta dhallinyarada iyo sida ay maamulkiisa uga muuqdaan.

“Dhallinyarada waa awoodda Hirshabeelle waxana ay sabab u yihiin halganka, nabadda iyo horumarka.”

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa uga mahadceliyay Wasiir Maxamed Barre u-qareemida dhallinyarada iyo soo gaaristiisa Hirshabeelle.

Dood wadaag ku saabsan geedi socodka dowlad wanaagga iyo dagaalka khawaarijta oo lagu qabtay Muqdisho

Wasiirro, xildhibaanno iyo ururada bulshada ayaa muqdisho uga qeybgalay dood wadaag ku saabsan geedi socodka dimoqraadiyeynta dagaalka dowladda iyo shacabka ay kula jiraan khawaarijta baneeysatay daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed,waxaana soo qaban qaabisay Machadka Maareynta iyo Horumarinta dalka.

Dooda ayaa diirada lagu saaray dadaallada dowladda ay ku bixisay dimoqraadiyeynta iyo dagaallada dalka looga xoreynayo khawarijta.

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Macalin, oo ka qeyb galay doodda ayaa sheegay in dhankooda ay dadaal badan ku bixiyeen dhammeystirka dastuurka iyo adkeynta hay’adaheena Cadaaladda dalka .

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS,  mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, ayaa isna dhankiisa sheegay in khawaarijta ciidan ahaan iyo dhaqaala ahaanba lagu jabiyay, dowladana ay ka go’antahay ciribtika khawaarijta si dalka u gaaro horumar waara.

Wasiirrada iyo mas’uuliyiinta kale ee ka qeyb galay dooda ayaa ku dheeraday sida ay muhiimka u tahay in laga wada shaqeeyo arrimaha dimoqraadiyenta iyo ciribtirka kooxda khawaarijta sid dalka u gaaro nabad iyo horumar.

Maxay Jabuuti uga dhigan tahay ku guuleysiga kursiga Gudoomiyaha Guddiga Midowga Africa?

Ku guuleysiga kursiga Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (AUC) waxay muhiim ugu tahay Jabuuti sababaha soo socda:-

1- Saameynta iyo Hoggaaminta:

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (AUC) wuxuu door muhiim ah ka ciyaaraa qaabeynta ajendaha iyo mudnaanta Midowga Afrika (AU). Qabashada jagadan, waxay Jabuuti saameyn ku yeelaneysaa siyaasadaha qaaradaha (continental policies), hindisayaasha (initiatives), hababka go’aan qaadashada (decision-making processes), iyo kor u qaadidda doorka hoggaamineed ay Jabuuti ku leedahay qaarada Afrika.

2- Matalaadda Africa iyo Caalamka:

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (AUC) waxa uu ururka Midowga Afrika ku matalaa fagaarayaasha caalamiga ah, maadaama uu gudoomiyaha ka soo jeedo Jabuuti, waxaana kor u kacaya mawqifka diblomaasiyadeed ee Jabuuti, taasi oo xoojineysa codka Jabuuti ee arrimaha Africa iyo caalamka.

3- Faa’iidooyinka Dhaqaale iyo Horumarineed:

Guddoomiyuhu waxa uu hagi karaa barnaamijyada Midowga Africa iyo maalgelinta mashaariicda la jaan qaadaya danaha dalkiisa, kuwaasi oo Jabuuti u soo jiidaya indhaha maalgashiyo cusub, gargaar horumarineed, iyo iskaashi waxtar u leh wadanka Jabuuti.

4- Xallinta Khilaafaadka iyo Nabad-dhisidda:

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (AUC) wuxuu inta badan ka qayb qaataa dhexdhexaadinta khilaafaadka iyo horumarinta nabadda iyo amniga guud ahaan qaaradda Africa. Maadaama ay Jabuuti jagadaan qabatay waxa ay door muhiim ah ka ciyaari kartaa xallinta khilaafaadka iyo kobcinta xasilloonida qaarada Africa iyo caalamka, taasi oo saameyn togan ku yeelaneysa ammaanka Jabuuti iyo saameynteeda caalamka.

5- Awoodda Jilicsan iyo Sharafta wadanka (Soft Power and the Prestige of the country):

Ku guuleysiga kursiga guddoomiyaha guddiga midowga Africa waxay kor u qaadaysaa awoodda jilicsan ee Jabuuti, waxayna kor u sii qaadeysaa sumcadda Jabuuti ee guud ahaan Afrika iyo dunida inteeda kale. Guusha shalay waxay muujinaysaa in Jabuuti lagu kalsoon yahay oo ay ixtiraamaan dowladaha kale ee xubnaha ka ah midowga Africa.

6- Xiriirada iyo Isbahaysiyada:

Guddoomiyuhu waxa uu si joogto ah ula falgalaa madaxda qaaradda Africa, taasi oo Jabuuti siinaysa fursad ay ku dhisato xiriir diblomaasiyadeed iyo isbaheysi adag oo u horseedaya in ay kordhiso iskaashiga iyo taageerada ay qaarada Africa ku dhexleedahay.

7- Horumarinta Danaha Qaranka Jabuuti:

Gudoomiyuhu wuxuu mudnaan siin karaa arrimaha la jaan qaadaya danaha qaran ee dalkiisa Jabuuti, sida horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, heshiisyada ganacsiga, iyo isdhexgalka gobolka, isaga oo hubinaaya in danaha Jabuuti leedahay ay helaan feejignaan iyo in dhaqaale loo helo haddii loo baahdo.

8- Astaanta Pan-Afrika:

Qabashada Jabuuti ee guddoomiyenimada guddiga midowga Africa waxay muujinaysaa sida ay Jabuuti uga go’an tahay Pan-Africanism iyo midnimada qaaradda, taasoo dhiirigelin karta taageerada gudaha wadankiisa iyo guud ahaan qaarada Africa uu ku leeyahay hoggaanka dalka D’jabuuti.

Isku soo wada duuboo, ku guuleysiga kursiga guddoomiyaha guddiga midowga Africa ee Mohamud Ali Yusuf waxay siineysaa Jabuuti fursad ay ku qaabeyn karto mustaqbalka qaarada Afrika, si ay kor ugu qaado saameynteeda Africa, una horumariso danaheeda qaran.

Hambalyo Hiil Walaal.

Ugu dambeyn waxaannu leenahay Hambalyo Gudoomiyaha Cusub ee Ururka Midawga Afrika(AU) Md.Maxamud Cali Yusuf oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Jabuuti.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Gudoomiyaha cusub ee Midowga Afrika oo shalay loo doortay Maxamuud Cali Yuusuf Wasiirkii Arrimaha Dibada ee Jabuuti.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa u rajeeyay Guddoomiyaha cusub inuu wax badan ka qabto arrimaha muhiimka ah ee horyaala, isagoo sidoo kale bogaadiyay Guddoomiyihii hore Muuse Faki Maxamed.

Hogaaminta Fulinta ee Midowga Africa waxaa loo doortay labo Dal oo ka tirsan Ururka Jaamacada Carabta, waxayna kala yihiin:-

  1. Gudoomiyaha Fulinta Mudane Mohamoud Ali Yusuf(DJIBOUTI).
  2. Gudoomiye Kuxigeenka Fulinta Marwo Selma Malika (Algeria).

Hamblayo Hamblayo Hamblayo.

 

Qore: Cabdiraxmaan Aaden Cusmaan (Kampala)

‘Azerbaijan waa dal aan ka baran karno casharo horumar dhaqaale’ (WARBIXIN).

Madaxweynaha JFS Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay cutub cusub oo xiriir dibloomaasiyadeed iyo iskaashi dhaqaale.

Sanadka 1991 oo noogu asteysan in dalkeena uu galay dagaal sokeeye iyo burbur ayaa iyagana ugu asteysan sanadkii ay Soviet-ka kala soo noqdeen madaxbanaanidooda. Halkaasi waxaa ka bilaabanaysa laba taariikhood oo mudan in casharo laga barto. Halka anaga aan ka soo kabanayno dib u dhac na la soo gudboonaaday xilli dunida inteeda kale ay ku tallaabsatay horumarkii ugu xooggannaa ee dhan walba gaar ahaan tiknoolojiyadda, Azerbaijan waxay la jaanqaadday horumarkaas.

Sida uu ii sheegay Mikayil Jabbarov, Wasiirka horumarinta dhaqaalaha ee dalkaasi intii aan ku sugnayn caasimadda Baku, dakhliga fardiga ah ee muwaaddinka Azeriga ah wuxuu ka kacay $735 (nml) sanadkii 1991-kii, wuxuuna hadda marayaa $7,381 heerka sare ee waddamada dhakhliga dhexe leh “upper middle income country”, taasi oo ka dhigan in seddex caqdi gudahooda ay dhaqaalahooda aad u kordhiyeen.

Horumarka ay gaareen waxaa asal u ah:-

(1) xasillooni iyo nabad galyo,

(2) horumarinta kheyraadka dalka oo uu shidaalka ugu horreeyo,

(3) dhismayaasha kaabayashaa dhaqaalaha gaar ahaan dhuumaha shidaalka ee sida tooska suuqyada caalamiga ah ugu xira (Baku-Tiblisi- Ceyhan, Southern Gas Corridor),

(4) Warshadeyn baaxad leh,

(5) soo jiidasho maalgashi ajnabi

(6) horumarinta karaanka muwaaddiniinta,

iyo (7) danabeynta adeegyada dowladda. Intaasi waxaa sii dheer horumarka dhanka ciidamada ay ka gaareen.

Marka laga tago Warshadaha shidaalka, xarumaha adeegga dowladda “Asan”, Warshadaha soo saara qalabka militariga, oo ah xarumaha xuddunta u ah horumarkooda ee uu Madaxweynaha iyo wafdiga Soomaaliya ay booqdeen, horumarka dalka waxa uu ka muuqdaa Waddooyinka, dhismayaasha iyo nadaafadda caasimadda.

Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud waa Madaxweynihii ugu horreeyay ee dalkeena oo asagoo talada haya booqda dalka Azerbaijan, waxaana rajayneynaa in xiriirka labada dalka uu soo kordhin doonno iskaashi horseedaya horumar sida ku cad heshiisyada difaaca, Waxbarashada, Tamarta iyo sare u qaadidda adeegga dowladnimada ee ay labada dal kala saxiixdeen, kaasi oo sida qorshaha yahay loo sameyn doono guddiyo isku dhaf ah oo ka shaqeynaya fulintooda.

Dhinaca Militari isagoo ka hadlaaya Madaxweynaha Azerbaijan “Soomaaliya waxaan ku caawin karnaa in ay hesho hubka aan soo saarno”.

“Waxaa maanta sharaf ii aheyd in aan magaalada Baku dhiggeyga Azerbaijan, mudane Zakir Hasanov kula sixiixdo heshiis iskaashi ee dhinacyada difaaca iyo warshadaha difaaca.

Munaasabadan oo aheyd mid qiimo leh ayaa waxaa goob joog ka ahaa Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Mudane  Ilham Aliyev, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Azerbaijan. Waa tallaabo muhim ah oo aan horey u qaaday taasoo lagu xoojinayo xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Azerbaijan.

Waxaa naga go’an inaan horumarino wadashaqeynteena, Sidoo keleba waxaan aaminsannahay in iskaashigaani uu noo horseedi doono horumar la taaban karo awoodeena difaaca”, sidaasi waxaa yiri:-  Wasiirka gaahaandhigga ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac.

W.Q. Xasan Aaden Hoosoow La Taliyaha Madaxweynaha JFS ee arrimaha dhaqaalaha.   

Madaxweyne Xasan Sheekh oo u hambalyeeyay Guddoomiyaha cusub ee Midowga Afrika

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Gudoomiyaha cusub ee Midowga Afrika oo maanta loo doortay Maxamuud Cali Yuusuf Wasiirkii Arrimaha Dibada ee Jabuuti.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa u rajeeyay Guddoomiyaha cusub inuu wax badan ka qabto arrimaha muhiimka ah ee horyaala, asagoo sidoo kale bogaadiyay Guddoomiyihii hore Muuse Faki Maxamed.

Guddoomiyaha SoDMA oo la kulmay isku duwaha Barnaamijka Maareynta Khataraha Musiibooyinka ee Urur-Goboleedka IGAD

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka, Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa dalka Kuwait kula kulmay Isku duwaha Barnaamijka Maareynta Khataraha Musiibooyinka ee Urur-Goboleedka IGAD Dr. Ahmed Amdihun.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga ka dhexeeya Hay’adda SoDMA iyo Xarunta Falanqaynta Cimilada iyo Digniinaha ee (ICPAC), si loo ballaariyo wada shaqeynta hay’adaha gobolka ee ka shaqeeya maareynta khataraha musiibooyinka, Labada mas’uul ayaa isku afgartay in IGAD ay fududeyso is-dhaafsiga xogta la xiriirta musiibooyinka isaga gudba xuduudaha dalalka gobolka.

Labada dhinac ayaa isku raacay sidoo kale in la qabto shir gaar ah oo ay yeelanayaan hay’adaha Maareynta Musiibooyinka ee Soomaaliya iyo Itoobiya, kaas oo ay IGAD fududeyn doonto, Shirkan ayaa diiradda lagu saari doonaa sidii labada dal ay si dhow uga wada shaqeyn lahaayeen yareynta khataraha musiibooyinka iyo horumarinta digniinaha hore ee halis wadareedka.

Ra’isul wasaare ku-xigeenka 2-aad oo ka qeyb galay munaasabadda Bandhiga Geeddi-Socodka Tayeynta Baasaboorka Soomaaliga ah

Ra’isul wasaare ku-xigeenka 2-aad ee dalka Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan DFS, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐦𝐢𝐢𝐫, ayaa ka qeyb galay Munaasabadda Bandhiga Geeddi-Socodka Tayeynta iyo illaalinta Sumcadda Baasaboorka Soomaaliga ah.

Agaasimaha guud ee hey’adda Socdaalka iyo jinsiyadda ee DFS Mudane  Mustaf Sheikh Cali Dhuxulow ayaa sheegay in uu xooga saari doono Geeddi-Socodka Tayeynta iyo illaalinta Sumcadda Baasaboorka Soomaaliga ah.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐦𝐢𝐢𝐫 ayaa hogaanka hay’adda socdaalka iyo Jinsiyada ku amaanay sida ay u tayeeyeen baasaboorka Soomaaliga, iyo dadaallada lagu horumarinaayo baasaboorka, isagoo sidoo kale xusay in baasaboorka Soomaaliga tayadiisa ay tahay mas’uuliyad wadareed saaran ummada Soomaaliyeed.

Ra’isul wasaare ku-xigeenka 2-aad ee dalka Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa sheegay in Baasaboorka dalkeena uu soo maray marxalado kala duwan, hasa-ahaatee maanta uu joogo meel wanaagsan.

Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yusuf oo ku guuleystya xilka guddoomiyaha ururka Midowga Afrika

Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yusuf ayaa ku guuleystay xilka Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika, kaddib doorasho ka dhacday Xarunta Midowga Afrika ee magaalada Addis Ababa.
33-cod ee looga baahnaa ayuu xaqiijiyay wareeggii todobaad, kaddib markii uu ka adkaatay Raila Odinga oo ku haray wareeggii 6aad, sidoo kale, tartanka doorashada waxaa qeyb ka ahaa Richard Randriamandrato oo ka soo jeeda dalka Madagascar.
Raila Odinka oo helay 22-cod,  ayaa u hambalyeeyay guddoomiyaha cusub ee Ururka Midowga Afrika Maxamuud Cali Yusuf.

Madaxweynaha Xasan Sheekh oo ka qeyb galay furitaanka meertada 38-aad ee Midowga Afrika

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalay furitaanka Meertada 38-aad ee shirka Madaxda Dowladaha iyo Hoggaamiyeyaasha dalalka Midowga Afrika, oo ka socda magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Madaxda ayaa ku howllan doorashada Guddoomiyaha Cusub ee Midowga Afrika iyo Kuxigeenkiisa, iyadoo dowladda Federaalka ay ka qaadanayso doorkeeda ku aaddan isbeddelka hoggaanka Midowga iyo sidii dib u habayn loogu sameyn lahaa hannaanka shaqo ee Hay’adaha Midwoga Afrika.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ka qaybgalay Shirka Nabadda iyo Amniga Afrika oo lagu qiimeynayey caqabadaha iyo guulaha laga gaaray hawlgallada nabad-ilaalinta ee ka socda qaaradda Afrika. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii sare loogu qaadi lahaa awoodda Midowga Afrika ee xal u helidda caqabadaha kajira Qaaradda si looga wadashaqeeyo horumarka iyo xasilloonida.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an xoojinta midnimada iyo wadajirka Afrika, waxayna uga mahadcelinaysaa Midowga Afrika taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca amniga iyo hawlgallada xasilinta.