Wasiir Beene Beene” Dowladda iyo deeq bixiyaasha waxay ka shaqeynayaan in la buuxiyo mashaariicdii ay hakisay USAID

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga, iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene),ayaa sheegay in dowladda iyo deeq bixiyaasha ay ka shaqeynayaan in la buuxiyo mashaariicdii ay hakisay USAID

Wasiirka oo ka qeyb galay dood Ku saabsan Siyaasadda Dibadda ee Maraykanka iyo Saamaynta Geeska Afrika ayaa tilmaamay wada shaqeynta dowladda mareekanka iyo soomaaliya gaar ahan dhanka mashariicda oo uu ka ammaanayo sida ay uga garab siiyaan dowladda soomaaliya.

Wasiir Beene Beene” Dowladda Soomaaliya iyo deeq bixiyaasha waxay ka shaqeynayaan in la buuxiyo mashaariicdii ay hakisay USAID.

Waxa uu wasiirka Qorsheynta intaa hadalkiisa ku daray in madaama Soomaliya oo ah goob Alle ku manneeystay kheyraad kala duwan loo baahanyahay in loo jiheeyo bulshada Soomaaliyeed sidii ay uga faa’ideysan lahaayeen,loogana maarmi lahaa caawinada dibadda ah.

Sidoo kale, Wasiirku wuxuu xusay in Wasaaradda Qorsheynta ay dadaal xooggan ku bixinayso hirgelinta istiraatiijiyado lagu dhiirrigelinayo iskaashi wax-ku-ool ah oo lala yeesho dalalka horumaray, si gaar ahna loo xoojiyo xiriirka Soomaaliya iyo Maraykanka.

Mudane Maxamuud C. Sh. Faarax (Beenebeene) ayaa uga mahadceliyey Hay’adda Maareynta Horumarinta Dalka qabanqaabada doodda, isagoo ku dhiirrigeliyey dhammaan daneeyayaasha inay iska kaashadaan sidii Soomaaliya ay uga faa’iidaysan lahayd fursadaha iskaashi ee caalamiga ah.

Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka 2-aad oo ka qeybgalay daah furka bandhigga Hindisaha Waxbarashada ee Isbeddelka Cimillada

Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta ka qeyb-galay bandhigga Hindisaha Waxbarashada ee Isbeddelka Cimillada oo laga daah-furay magaaladda Muqdisho.

Mudane Cabdisalaam, ayaa tilmaamay in dowladdu muhiimad gaar ah siinayso waxbarashada gaar ahaan dhanka saameynta isbeddelka cimillada, iyada oo la qorsheeyay in sanadaha soo socda dalkeennu uu wax weyn ka qaban-doono dhibaatooyinka ay sababi karaan isbeddelka cimillada iyo xalkii lagu yareyn lahaa wax-walba oo halis keeni kara.

“Markii la dhisay Xukuumadda DanQaran Waxaa la sameeyay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada, iyada oo maantana aynu joogno Wasaaraddii waxbarashada oo soo kordhisay in ardayda Soomaaliyeed heerarkooda kala duwan la baro isbeddelka cimillada, waxaa aynu aqoonsannahay baahida degdegga ah ee loo qabo adkeysiga arrimaha isbeddelka cimillada dalkeenna, waxaan xaqiijiyanayaa in Xukuumaddu diyaarisay Shuruucdii lagu hagi lahaa barista ardayda saameynta isbeddelka cimillada”. ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku Xigeenku.

Wakiilada Israel oo Masar kala hadlaya kordhinta xabbad-joojinta Gaza

Waklillo ka socda Israel ayaa u ambabaxay Magaalada Qaahira ee Daka Masar si loo kordhiyo heshiiska xabbad joojinta Gaza ee ay qeybta ka yihiin Xamaas.

Ergayga Trump, Steve Witkoff, ayaa sheegay in wadahadallada wejiga labaad ee xabbad joojinta Israa’iil iyo Xamaas ay sii socon doonaan toddobaadkaan, xilli  wada-xaajoodayaasha Israa’iil ay ku wajahan yihiin Qaahira.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Marco Rubio ayaa ku wajahan Sacuudiga kaddib markii uu la kulmay ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu,waxaana jira shaki ku aadan sii socoshada heshiiska xabbad-joojinta Gaza,kadib haladallo ka soo yeeray ninkaasi oo la xiriiray in la ciribtiro Xamaas.

Israa’iil ayaa weli xannibaad ku heysa Marinka Gaza,iyagoo diidan in halkaasi la geeyo tobanaan kun oo guryo guur-guura ah iyo teendhooyin ay adeegsadaan barakacayaasha Falastiin.

Sidoo kale, weerarada ciidamada Israel ayaa weli ka socda guud ahaan deegaanada dhaca Daanta Galbeed ee la haysto.

Wasiirka Qorsheynta oo Ka qaybgalay dood Ku saabsan Siyaasadda Dibadda ee Maraykanka iyo Saamaynta Geeska Afrika

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga, iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa ka qaybgalay dood muhiim ah oo lagu falanqeeyey Siyaasadda Dibadda ee Maraykanka iyo Saamaynta Geeska Afrika gaar ahaan dalkeena Soomaaliya, taas oo ka dhacday magaalada Muqdisho, ayna soo qabanqaabisay Hay’adda Maareynta Horumarinta Dalka.

Doodda waxaa ka soo qeybgalay mas’uuliyiin sare, khuburo dhanka siyaasadda dibadda ah, iyo wakiillo ka socday hay’adaha caalamiga ah, ayaa diiradda lagu saaray:

Wasiirka Qorsheynta, Mudane Maxamuud C. Sh. Faarax (Beenebeene), oo hadal ka jeediyey madasha, ayaa carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka ganacsi iyo maalgashi ee Soomaaliya iyo Maraykanka.

Sidoo kale, Wasiirku wuxuu xusay in Wasaaradda Qorsheynta ay dadaal xooggan ku bixinayso hirgelinta istiraatiijiyado lagu dhiirrigelinayo iskaashi wax-ku-ool ah oo lala yeesho dalalka horumaray, si gaar ahna loo xoojiyo xiriirka Soomaaliya iyo Maraykanka.

Mudane Maxamuud C. Sh. Faarax (Beenebeene) ayaa uga mahadceliyey Hay’adda Maareynta Horumarinta Dalka qabanqaabada doodda, isagoo ku dhiirrigeliyey dhammaan daneeyayaasha inay iska kaashadaan sidii Soomaaliya ay uga faa’iidaysan lahayd fursadaha iskaashi ee caalamiga ah.

Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga, iyo Horumarinta Dhaqaalaha waxay sii wadi doontaa dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga dibadda si loo xaqiijiyo yoolalka horumarineed ee dalka, loogana faa’iideeysto fursadaha maalgashi ee sare u qaadi kara dhaqaalaha Soomaaliya.

Wasiirka Cadaaladda oo qeyb galay furitaanka Tartanka Wacyigelinta Nabadda iyo Isdhexgalka Dhalinyarada Gobolka Banaadir

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, Mudane Xasan Macallin, ayaa ka qeyb galay furitaanka Tartanka Wacyigelinta Nabadda iyo Isdhexgalka Dhalinyarada Gobolka Banaadir oo ka dhacay Garoonka kubadda Cagta Municipio.

Tartankan sanadlaha ah ayaa dhiirrigelinaya isdhexgalka dhalinyarada iyo horumarinta xirfadooda ciyaareed. Munaasabadda waxaa sidoo kale ka qeyb galay Wasiirka Waxbarashada, mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir, iyo madaxda isboortiga dalka.

Wasiirka Caddaaladda ayaa xusay doorka isboortigu ku leeyahay nabadda iyo horumarinta dhalinyarada, isagoo caddeeyay sida wasaaraddu uga go’an tahay taageeridda dadaallada lagu xoojinayo nabadda iyo cadaaladda.

Wasiirka Isgaarsiinta oo daahfuray Shirka fulinta Howlgalka Mashruuca EA-RDIP,

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda XFS Mudane Xildhibaan 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐌𝐚𝐜𝐚𝐥𝐥𝐢𝐧 (𝐒𝐎𝐎𝐌𝐀𝐀𝐋𝐈) ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Shirka fulinta Howlgalka Mashruuca EA-RDIP, oo markii ugu horreysay lagu qabtay gudaha Soomaaliya, kaddib go’aanka Wasiirka ee ahaa in shirarka mashruuca lagu qabto gudaha dalka halka markii hore dibadda looga qaban jiray.

Shirkan oo socon doona mudo saddex maalmood ah, ayaa waxaa kaqeyb galay wakiillo ka socday Bangiga Adduunka, wafdi ka socda dowladda, iyo Xafiiska Hirgelinta Mashruuca (PIU).

Furitaanka shirkan ayaa lagu lafaguray Qorshaha Sanadlaha ah ee Mashruuca (AWP), iyadoo la adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la dedejiyo hirgelinta mashruuca, maadaama sanadkan uu saldhig u yahay guusha mustaqbalka ee mashruuca.

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, Mudane 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢, ayaa ka hadlay doorka hoggaamineed ee Xafiiska Hirgelinta Mashruuca (PIU), isaga oo xusay in iskaashi, isla xisaabtan, iyo hufnaan ay lagama maarmaan u yihiin guusha mashruuca. Wasiirku waxa uu sidoo kale ku dhiirrigeliyey dhammaan dhinacyada ay quseyso mashruuca inay si dhow uga wada shaqeeyaan sidii yoolalka muhiimka ah loo gaari lahaa, loona xaqiijin lahaa in mashruucu uu si waxtar leh u gaaro bulshada Soomaaliyeed.

Dhanka kale, Wasiirka ayaa ugu baaqay dhammaan daneeyayaasha iyo ka-faa’iideystayaasha mashruuca inay muujiyaan dadaal wadajir ah si loo xaqiijiyo horumar waara, loona dhiso kaabeyaasha lagama maarmaanka u ah mustaqbalka dijitaalka ah ee Soomaaliya.

Shirkan ayaa calaamad u ah dadaallada joogtada ah ee lagu horumarinayo adeegyada isgaarsiinta iyo tiknolojiyada, si loo gaaro horumar dhab ah oo wax ku ool u ah bulshada Soomaaliyeed.

Howlgal militari ayna iska kaashadeen DFS iyo Mareykanka oo ka dhacay gobolka Bari

Boosaaso:-Howlgal Militari oo iska kaashadeen Dowladda Soomaaliya iyo Ciidanka Cirka ee Mareykanka (AFRICOM) oo goordhow laga fuliyay goobo ay ku dhuumaalaysanayeen haraadiga khawaarijta iyo Horjoogayaasha kooxda ISIS Buuralayda Caal- miskaad ee gobolka Bari Puntland.

Hawlgalka oo ahaa mid aad loo qorsheeyay waxaa lagu xoojinayay hawlgallada is daba joogga ah ee geesiyaasha daraawiishta Puntland ay ku ciribtirayaan argagaxisada Daacish, wali waxaa socda tirakoobka khasaaraha gaaray cadowga ISIS, faahfaahin dhameystiran ayaana laga soo saari doonaa marka ay soo idlaato qiimeynta hawlgalka oo wali socdo .

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Saaxiibada Mareykanka waxaa ka go’an xoojinta iskaashiga hawlgalka lagu ciribtirayo khawaarijta.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo ka qeyb galay shirka caalmiga ah amniga ee Munich

Shirkan ayaa diiradda lagu saaray arrimaha la xiriira amniga, gaar ahaan la dagaallanka argagixisada, isbeddelka cimilada, iyo xaaladaha siyaasadeed ee caalamka ka jira.

Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa ka hadlay horumarka ay Soomaaliya ka sameysay dhinacyada amniga iyo xasilloonida, isagoo si gaar ah u xusay dadaallada dowladda ee la dagaallanka kooxaha Khawaarijta, gaar ahaan Al-Shabaab iyo ISIS. Waxa uu caddeeyey in howlgallada ka socda dalka ay guulo la taaban karo ka gaareen xoreynta deegaanada ay horey ugu sugnaayeen kooxahaas, taas oo keentay dib u soo celinta xasilloonida iyo maamul-wanaagga.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sidoo kale la wadaaggay madaxda iyo khubarrada caalamiga ah in Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta iskaashiga caalamiga ah ee la dagaallanka argagixisada iyo horumarinta dib-u-dhiska hay’adaha amniga. Wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimada ay leedahay in beesha caalamku gacan ka geysato taageerada Soomaaliya si looga adkaado kooxaha argagixisada ah loona xaqiijiyo horumar waara.

  

Madaxweynaha Hirshabeelle iyo Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka oo ka wada hadlay dagaalka Khawaarijta

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Odowaa Yuusuf Raagge.

Ugu horreyn Taliyaha ayaa warbixin ka siiyay madaxweynaha sida ay u socdaan howgallada ay ka qeyb qaadanayaan Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ee ka socda Hirshabeelle kuwaas oo lagu soo af-jarayo haraadiga Khawaarijta.
“Rabbi ha idin ku guulleeyo dadaalka iyo kaalinta naf-hurnimada ee dalka kaga xorreyneysaan cadowga khawaarijta.”

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa tilmaamay in la joogo waqtigii guusha kaddib dagaal adag oo lala galay argagixiso caalami ah.

   

Xoghayaha joogtada ah ee xafiiska Ra’iisal wasaaraha oo guddoomiyay shir muhiim ah

Xoghayaha joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Kamaal Daahir Guutaale, ayaa shir-guddoomiyey kulan muhiim ah oo looga hadlayey dardargalinta howlaha Xukuumadda, Xeer-Nidaamiyaha Xukuumadda iyo Qorshaha dib-u-habeynta hey’adaha dowladda, iyada oo lagu saleynayo Qorshaha isbeddelka Qaranka (NTP2025-2029).

Kulanka oo ay kasoo qeyb-galeen Agaasimayaasha Guud iyo Maareeyayaasha hay’adaha kala duwan ee dowladda, ayaa sidoo kale lagu falanqeeyay qorshaha howl-fulineed ee qaab-dhismeedka hay’adaha iyo jaangoynta Darajooyinka Shaqaalaha Rayidka ah ee dowladda.