Wasiir Biixi oo Ethiopia uga qaybgalay shirka Madasha Iskaashiga Geeska Afrika

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa magaalada Addis Ababa ee Dalka Ethiopia uga qeyb galay shirka ๐Ÿ๐Ÿ‘-๐š๐š๐ ee Wasiirada Maaliyadda Madasha Iskaashiga Geeska Afrika (Horn of Africa initiative) oo ay marti galinayso Dowladda Ethiopia oo ah hoggaanka hada ee Madashada.

Madashan oo 3 Biloodle ah ayaa diiradda lagu saaray Shantii Sano ee la soo dhaafay wixii u qabsoomay dalalka ku mideysan Madashani iyo qorshaha Mustaqbal ka la hiigsanayo oo u badan maalgalinta mashaariic horumarineed oo ay helayaan dalalka geeska Afrika.

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige oo khudbad kooban ka jeediyay kulanka ayaa tilmaamay in ay muhiim tahay in diiradda la saaro sare u qaadidda mashaariicda maalgalineed ee ay helaan dalalka gobolka, si gaara ah Soomaaliya ayuu ku sheegay in ay mudnaan gaar ah siinayso maalgalinta ilaha dhaqaalaha dalka, Mudane Wasiir Biii ayaa waxa kale uu uu sheegay in loo baahan yahay xoojinta iskaashiga ganacsi ee geeska Afrika.

Shirkan ayaa intiii uu socday waxaa kale oo la isku raacay in ๐„๐ญ๐ก๐ข๐จ๐ฉ๐ข๐š oo ah hoggaanka 2-dii sano ee la soo dhaafay ay ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ku wareejiso hoggaanka Dalalka Iskaashiga, iyada oo uu xilka gudoomiyaha si rasmi ah ula wareegidoono Wasiirka Maaliyadda XFS, bisha April 2025 oo shirkaan kiisa xiga ee 24-aad lagu qaban doono Magaalada Washington ee dalka Mareykan.

Duqa Muqdisho oo kulan la qaatay Sii hayaha ergeyga gaar ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa xafiiskiiska ku qaabilay, wafdi uu hogaaminayay Sii hayaha ergeyga gaar ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ahna Madaxa Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ee (UNSOM) Mr. James Swan.

Kulankan oo ka dhacay aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa diirada lagu saaray arrimaha dhowr ah oo ay kamid yihiin, Xoojinta wada shaqeynta iyo iskaashiga labada dhinac, Dardargalinta mashaariicda horumarineed ee Caasimadda, Taageerada Amniga, Arrimaha doorashooyinka oo Muqdisho iyo dadkeeda ay u diyaar garoowayaan dhawaan iyo Shaqada abuurka dhallinyarada.

Sii hayaha ergeyga gaar ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ahna Madaxa Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ee (UNSOM) Mr. James Swan ayaa bogaadiyay howlaha hortabinta u leh Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Amiir iyo sida ay uga goโ€™an tahay sidii Magaalada ay usoo ceshan laheyd bilicdii iyo heybadii ay laheyd, isagoo intaa kadib balan qaaday in QM ay garab taagan tahay barnaamijyada lagu hourmarinaayo Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa ugu mahadceliyay Qaramada Midoowe kaalintooda ku aadan garab istaaga Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, iyo sidoo kale taageerada ay had iyo jeer uga qeyb qaataan mashaariicda horumarineed ee Caasimadda JFS.

Soomaaliya iyo UNDP oo ka wadahadlay istiraatiijiyadaha qaran ee horumarka heyโ€™adaha dowladda

Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Xamsa Aadan Xaadow, ayaa maanta oo talaado ah ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda, Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, ahna Kaaliyaha Maarreeyaha UNDP, ahna Agaasime goboleedka UNDP ee wadamada Carabta, Dr. Abdallah Al Dardari, isaga oo kala hadlay sare-u-qaadidda ka wadashaqaynta barnaamijyada horumarinta iyo taabagelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP).

Kulanka ayaa diiradda lagu saarray horumarinta hindiseyaasha horumarineed ee ay hormuudka ka tahay Soomaaliya, is-dhexgalka gobolka, tayeynta hayโ€™adaha dowliga, dejinta qorshe lagu horumarinayo caasimadda Muqdisho si ay u yeelato waddooyin ballaaran oo hab casri ah u dhisan, istiraatiijiyadaha ku biirista Soomaaliya ee Ururka Ganacsiga Adduunka (WTO), xoojinta ka faaidaysiga dalka ee dhaqaalaha baluugga, si gaar ah kaluumaysiga.
Fadhigani, ayaa sidoo kale la iskula soo hadal-qaaday naqshadaynta kaalinta qurbajoogta ay ku leeyihiin kobaca iyo horumarka iyo taageeridda doorashooyinka dowladaha hoose ee la qorsheeyay in ay qabsoomaan inta lagu guda-jiro sanadkan 2025.

Labada dhinac ayaa waxa ay muujiyeen muhiimadda ay leedahay ka gudbidda Soomaaliya gargaarka biniโ€™aadantinimo, una gudubto heer horumar waara, si looga dhabeeyo ka guul-keenidda barwaaqo-sooran muddo fog jira.

Kulanka ayaa waxaa ka qeybgalay masโ€™uuliyiin sare oo ka tirsan Wasaaradda oo ay ka mid yihiin, Agaasimaha Guud ee Arrimaha Bulshada Bariga Afrika ee Wasaaradda, Mudane Maxamed Isaaq Ibraahim (Fatiir), Agaasimaha Waaxda Hab-maamuuska ee Wasaaradda, Mudane Xuseen Sheekh Cabdisalaan, Agaasimaha Waaxda Ururrada Caalamiga ee Wasaaradda, Mudane Xasan Maxamed Cali, Agaasimaha Waaxda Warbaahinta ee Wasaaradda, Mudane Cali Cabdi Cali Xooshow, iyo Agaasimaha Waaxda Qurbajoogta iyo Jaaliyadaha ee Wasaaradda, Mudane Ibraahim Guure Maxamed.

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka dhan ah khawaarijta ka wada Sh/ Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaaya kuwa deegaanka ayaa wada ย howllgalo culus oo kooxaha khawaarijta looga saarayo Deegaano dhaca Jiinka wabiga Shabelle ee Gobalka Shabellada Dhexe.

Howlgalladaan oo ka dhacay deegaanada kulaala wabiga ayaa khawaarijta looga sifeynay deegaanno ay kamid yihiin Kiliga Maxamed Diirshe, Raas qaboobe, Jameeco, Shanloow, dhagaxoow, Yaaqle,Damileey, & Deegaano kale oo dhaca Jiinka Wabiga Shabelle ee Gobalka Shabellada Dhexe.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Warbaahinta Qarabka u sheegay in howllgalka oo ay qeyb kayihiin Ciidamadda degaanka lagu dilay Maleeshiyaad badan, iyadoo sidoo kaleย  gacanta lagu dhigay dhagarqabayaal kale.

Ciidanka ayaa sii baacsanaaya firxadka maleeshiyaadka khawaarijta oo ka cararay farriisimo iyo godad ay ku lahaayeen deegaanada ku teetsan webiga shabeelle.

Hawlgal khasaare xooggan lagu gaarsiiyay Khawaarijta oo xalay ka dhacay Ceelbuur

Howlgal khasaare lexaad leh lagu gaarsiiyey maleeshiyada kooxda Khawaarijta ah ayaa fiidnimadii xalay aheyd ka dhacay degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, iyadoo hawlgalkaas si gaar ah loola bartilmaameedsaday guri uu degmadaas ka deganaa horjoogaha waxa ay ugu yeeraan Xisbada oo lagu magacaabo Yaxye Laba Madax.

Hawlgalkaan oo ay fuliyeen dadka deegaanka ayaa si gaar ah uga dhacay guriga horjoogahan oo ku dhegan saldhigga degmada Ceelbuur, waxaana maleeshiyaadka Khawaarijta lagu gaarsiiyey khasaare aad u xooggan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana markaasi kadib ay Khawaarijtu qaadeen tallaabooyin ay ku khaarijiyeen maleeshiyaad kale oo ayaga ka tirsan, kuwaasi oo ay ku tuhmayaan iney falkan ku lug lahaayeen.

Maanta waxaa degmada Ceelbuur ka taagan xiisad u dhaxeysa horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka kooxda Khawaarijta ah oo iyagu degmadaasi ku wada sugan, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in horjooge Yaxye Laba Madax uu dhaawac halis ah soo gaaray.

Riyadh:Mareykanka iyo Ruushka oo ka wadahadlaya xalka dagaalka Ukraine

Masโ€™uuliyiin sarsare oo Maraykan iyo Ruush ah, ayaa lagu wadaa inay maanta oo talaado ah ku kulmaan magaalada Riyadh ee Dalka Sacuudu Carabiya si ay u wada qaataan wadahadallo la doonayo in lagu soo afjaro dagaalka Ukraine.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Marco Rubio, la taliyaha amniga qaranka ee Aqalka Cad Mike Waltz iyo ergeyga bariga dhexe Steve Witkoff ayaa magaalada Riyadh kula kulmi doona wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov iyo Yuri Ushakov oo ah la taliyaha siyaasadda arrimaha dibadda ee Putin, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan labada dhinac.

Waa kulankii ugu muhiimsanaa ee dhexmara labada dhinac tan iyo markii Ruushka uu gudaha u galay Ukraine sanadkii 2022,waxaana kulankaan uu imaanayaa, ka dib markii Donald Trump iyo Vladimir Putin ay ku heshiiyeen inay bilaabaan wada xaajoodyo lagu soo afjarayo dagaalka.

Wadahadalka ayaa gogol xaar u noqon kara shir madaxeedka Donald Trump iyo Vladimir Putin,iyadoo dhanka Ruushka ay sheegeen in wadaxaajoodka maanta diirada lagu saari doono sidii loo soo celin lahaa xiriirka Mareykanka iyo Ruushka.

Madaxda ย Ukraine ย laguma martiqaadin shirka maanta,waxaana Volodymyr Zelensky uu diiday wadahadalka, isagoo sheegay inaysan aqoonsan doonin heshiis kasta oo nabadeed.

Gudoonka labada aqal ee Baarlamanka oo cayimay xilliga furitaanka kalfadhiga 6-aad

Guddoonka labada aqal ee Baarlamanka JFS oo kulamo wadatashi ah ka yeeshay furitaanka kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka ayaa goโ€™aamiyey in si rasmi ah kalfadhiga loo furo maalinta Sabtiga ah ee soo socota oo ku beegan 22-ka Febraayo 2025.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo daah-furay Isbitaal casri ah oo Muqdisho laga hirgaliyey

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xarigga ka jaray Isbitaal casri ah oo laga hirgeliyey magaalada Muqdisho ayaa xusay ahmiyadda ay leedahay maalgelinta adeegyada caafimaadka oo, baahi weynna ay u qabaan dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey ganacsatada Soomaaliyeed iyo dhallinyarada mashruucan hirgeliyey, waxa uuna xusay in dadaallada noocaan ah ay qeyb ka yihiin horumarinta adeegyada caafimaadka iyo yareynta safarrada caafimaad ee dibadda.

โ€œArrinta caafimaadku aad ah ayeey ii taabaneysaa. Boqol qof ilaa 150 qof oo caafimaad dibadda u aadaaya ayaa maalin walba dalka diyaarad looga qaadaa. Dhallinyarada inta fariistay, qorsheeyay, maalgelinta raadsaday ee mashruucaan fuliyay kaliya adeeg caafimaad ma soo kordhin ee dhaqan cusub ayey bahda caafimaadka ku soo kordhiyeenโ€.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa soo bandhigay qorshaha saddex geesoodka ee isbaheysiga ganacsatada iyo dowladda, shanta sano ee soo socota, kaas oo ay ka mid yihiin hirgelinta 6 Isbitaal oo laga dhisayo dhammaan Soomaaliya iyo sare u qaadidda tayada caafimaad ee dalka.

Isbitaalka Hodan ee Madaxweynaha Jamhuuriyaddu uu xarigga ka jaray ayaa lagu hirgeliyey maalgelin ka badan $12 milyan oo dollar, iyadoo la qorsheynayo in lagu dabiibo cudurro badan oo dalka dibaddiisa loo aadi jiray, caqabado iyo culaysna ku ahaa dadkeenna Soomaaliyeed.

 

ย ย ย ย ย ย 

Raโ€™iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo ka qeybgalay wadahadallada Ururka Ganacsiga Adduunka

Geneva;โ€“ Raโ€™iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Geneva kaga qeybgalay wadahadallada ku saabsan ku biirista Soomaaliya ee Ururka Ganacsiga Adduunka (WTO).

Wadahadalladan, oo Soomaaliya muddo sugaysay, ayaa muhiim u ah dadaallada dalka ee lagu horumarinayo iskaashiga ganacsi iyo kobcinta dhaqaalaha.

Ku biirista WTO waxa ay Soomaaliya u sahlaysaa helitaanka suuqyo ganacsi oo caalami ah, xoojinta maalgashiga shisheeye, iyo fududeynta ganacsiga caalamiga ah.

Soomaaliya ayaa horey uga mid noqotay ururrada gobolka sida East African Community (EAC) iyo Common Market for Eastern and Southern Africa (COMESA), kuwaas oo muhiim u ah xoojinta iskaashiga dhaqaale ee gobolka.

Sidoo kale, sanadkan 2025, Soomaaliya waxay xubin rasmi ah ka noqotay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, taas oo muujinaysa doorka firfircoon ee dowladda Soomaaliya ay ka ciyaarayso arrimaha caalamiga ah.

 

ย ย 

๐€gaasimaha Hayโ€™adda Socdaalka oo kulan la qaatay ku xigeenka Xafiiska Taageerada QM ee Soomaaliya

๐€๐ ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐†๐ฎ๐ฎ๐ ๐ž๐ž ๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐œ๐๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐‰๐ข๐ง๐ฌ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐Œ๐ฎ๐๐š๐ง๐ž Mustafa Duhulow ๐š๐ฒ๐š๐š ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š ๐ช๐š๐š๐ญ๐š๐ฒ ๐ฑ๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐ข๐ข๐ฌ๐š ๐Š๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‡๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐ž๐ž ๐—๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐“๐š๐š๐ ๐ž๐ž๐ซ๐š๐๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐Œ๐ข๐๐จ๐จ๐›๐š๐ฒ ๐ž๐ž ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š (๐”๐ง๐ข๐ญ๐ž๐ ๐๐š๐ญ๐ข๐จ๐ง๐ฌ ๐’๐ฎ๐ฉ๐ฉ๐จ๐ซ๐ญ ๐Ž๐Ÿ๐Ÿ๐ข๐œ๐ž ๐ข๐ง ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐š โ€“ ๐”๐๐’๐Ž๐’), ๐Œ๐š๐ซ๐ฐ๐จ ๐๐ฎ๐ซ๐š๐ญ ๐€๐ฅ ๐€๐ข๐ง๐ข.

Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xoojinta wada shaqeynta u dhexeysa Hayโ€™adda Socdaalka iyo Jinsiyadda iyo UNSOS, gaar ahaan taageerada farsamo iyo tan maamul oo ay Qaramada Midoobay siiso Hayโ€™adda.

Agaasimaha Guud ayaa ugu horrayn uga mahadceliyay Xafiiska Qaramada Midoobay taageerada joogtada ah ee ay ku bixiyaan dib u dhiska Soomaaliya, wuxuuna la wadaagay qorshaha horumarinta HSJ ee dhinacyada xuduudaha iyo socdaalka, iyo sare u qaadista sumcadda Baasaboorka Soomaaliga.

Marwo Qurat Al Aini ayaa dhankeeda bogaadisay dadaalka ay HSJ ku bixinayso horumarinta adeegyada socdaalka iyo jinsiyadda, waxayna xustay in UNSOS ay ka goโ€™an tahay inay sii wado taageerada ay siiso Hayโ€™adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, gaar ahaan dhinacyada horumarinta kaabayaasha, sare u qaadista xirfadaha shaqaalaha, iyo casriyeynta nidaamyada socdaalka.