Wasiir Fiqi oo ka qayb galay kulan heerkiisu sarreeyo oo lagu qabtay New York

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallim Fiqi, ayaa khudbad ka jeediyay kulan heerkiisu sarreeyo oo ahaa dood furan oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay yeesheen.

Ajandaha kulanka ayaa ahaa dhowridda nabadda iyo amniga caalamiga,la falgalidda kala duwanaanshaha, dib-u-habaynta iyo hagaajinta maamulka caalamiga, kaas oo uu shir-guddoominayay Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha, Wang Yi, oo ah Madaxa Golaha ee bishan Febraayo.

Wasiirka ayaa xusay ka go’naanshaha Soomaaliya ee iskaashi dhinacyo badan leh iyo baahida loo qabo dib-u-habeyn ballaaran.

Wasiir Fiqi oo ka qayb galay kulan heerkiisu sarreeyo oo lagu qabtay New York

New York- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallim Fiqi, ayaa khudbad ka jeediyay kulan heerkiisu sarreeyo oo ahaa dood furan oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay yeesheen.

Ajandaha kulanka ayaa ahaa dhowridda nabadda iyo amniga caalamiga,la falgalidda kala duwanaanshaha, dib-u-habaynta iyo hagaajinta maamulka caalamiga, kaas oo uu shir-guddoominayay Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha, Wang Yi, oo ah Madaxa Golaha ee bishan Febraayo.

Wasiirka ayaa xusay ka go’naanshaha Soomaaliya ee iskaashi dhinacyo badan leh iyo baahida loo qabo dib-u-habeyn ballaaran.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo kormeeray xarumaha Booliska

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa kormeer shaqo ku tagey xarumaha Baarista Dambiyada ee CID, Qeybta Nabad-gelyada Wadooyinka, Dugsiga Tababarka Ciidanka Booliska ee Janaraal Kaahiye iyo Xarunta Birmadka Booliska oo dib u habeyn lagu sameynayo.

Kormeerka Taliyaha ayaa salka ku haya isla xisaabtanka iyo kor joogteynta shaqada ay bulshada u hayaan qeybaha uu tegay.

Wasiirka Dekedaha XFS oo qaabbilay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka badda Soomaaliya Mudane Maxamuud Aadan Geesood ayaa xafiiskiisa ku qaabbilay Safiirka Turkiga ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Amb; Alper Aktaş.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay qorshayaal lagu taageerayo dib-u-dhiska iyo horumarinta dekedaha Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ka soo kabanaya burburka ka dhashay dagaallada iyo xaaladaha adag ee dalka soo maray.

Safiirka Turkiga ayaa xaqiijiyay in dowladdiisu ay diyaar u tahay in ay ka taageerto Soomaaliya sidii loo gaari lahaa himilooyinka horumarinta dekedaha, iyadoo la adeegsanayo khibradaha iyo farsamooyinka Turkiga ee la xiriira maamulka dekedaha.

 

Dhinacyada ayaa sidoo kale isla gartay in Wasaaradaha Dekedaha ee Turkiga iyo Soomaaliya ay sii xoojiyaan iskaashiga, si loo horumariyo kaabayaasha dekedaha dalka oo ay ku jiraan casriyeynta qalabka dekedaha, tababarka shaqaalaha, iyo taageerada farsamo ee dhinacyada maamulka iyo hawlgalada dekedaha.

Kulanka waxa qayb ka ahaa Ahmet Sami oo kamida maamuladda Shirkadda Albayrak, oo ah shirkad Turkiga laga leeyahay taasoo uxilsaaran horumarinta dekedda muqdisho.

Wasiirka Dekedaha Soomaaliya, Xildhibaan Maxamuud Aadan Geesood ayaa soo dhoweeyay taageerada Turkiga iyo ballan qaadyada la xiriira horumarinta dekedaha Soomaaliya, isagoo xusay in taageeradaasi ay muhiim u tahay soo kabashada dhaqaalaha dalka iyo dib-u-dhiska kaabayaasha muhiimka ah ee dekedaha, kuwaas oo saameyn weyn ku leh isku socodka ganacsiga iyo dhaqaalaha gobolka.

Wasiirka hawlaha guud oo Marooko uga qaybgalay shir caalami ah

Rabat: Wasiirka wasaaradda hawlaha guud, dib u dhiska iyo Guriyeynta dowladda FS Dr Cilmi Maxamuud Nuur iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa magaalada Rabat ee dalka Marooko waxa uu kaga qayb galay furitaanka shirka 3-aad ee arrimaha dhulka ee Wadamada Carabta.

Shirkan oo ay isugu yimaadeen Wasaaradaha Hawlaha Guud iyo Dhulka ee dalalka Jaamacadda Carabta ayaa sanadan diiradda lagu saarayey hal-abuurka iyo casriyeyta maamulka dhulka iyo Sidii xal loogu heli lahaa dhibaatooyinka guriyeynta iyo dhulka.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud DFS Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo ka hadlay furitaanka shirka ayaa sheegay in ay muhiim tahay in mustaqbalka Soomaaliya Iyo Wadamadda Carabta loo helo maamul dhuleed ku salaysan aqoon Iyo teknooloojiyada casriga ah iyo xal waara laga gaaro oo khilaafaadka dhulka, horumarinta magaalooyinka iyo siyaasadda guriyeynta.

Shirkan ayaa socon doona muddo labo maalmood ah, Waxaana isugu yimi Wasiirada Hawlaha Guud & Dhulka ee ka kala socda guud ahaan Wadamada Carabta, UN ka, Bangiga Aduunka iyo Jaamacadda Carabta si ay uga wada hadlaan arrimaha muhiimka ah ee Maamulka dhulka, Guriyaynta iyo Qorshaynta magaalooyinka.

Wasaaradda hawlaha Guud ee Soomaaliya waxaa ka go’an in ay la wadaagto waayo-aragnimadeeda Dawladaha Carabta iyo in ay iska kaashadaan Xal u helidda mamulka dhulka iyo Qorsheynta Magaalooyinka.

    

Ra’iisal wasaare ku xigeenka dalka oo la kulmay agaasimaha ururka ganacsiga Adduunka

Geneva: Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Saalax Axmed Jaamac oo hoggaaminaya wafdi ballaaran oo ka socda Dowladda Soomaaliya, ayaa maanta magaalada Geneva kulan kula yeeshay Agaasimaha Guud ee Ururka Ganacsiga Adduunka (WTO), Dr. Ngozi Okonjo-Iweala.

Kulankan ayaa daba socday wadahadalladii bilowga ahaa ee shalay dhexmaray Soomaaliya iyo WTO, kuwaas oo lagu furay hannaanka ay Soomaaliya uga mid noqonayso ururkan caalamiga ah.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa ku nuuxnuuxsaday sida ay dowladda uga go’an tahay in hannaankan laga miro-dhaliyo, si Soomaaliya ay xubin rasmi ah uga noqoto WTO.

Dr. Ngozi Okonjo-Iweala, ayaa dhankeeda ballanqaaday in ururku uu siin doono Soomaaliya taageero farsamo, si ay ugu guuleystaan hannaanka xubinnimada ururka.

      

Madaxweynaha Uganda oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha Soomaaliya

Kampala: Danjire Fardowsa Maxamed Qanyare oo ah safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doonta Uganda ayaa maanta si rasmi ah ugu gudbisay waraaqaha aqoonsiga safiirnimo Madaxweynaha Uganda Mudane Yoweri Museveni.

Munaasabadda gudbinta waraaqaha aqoonsiga ayaa ka dhacday madaxtooyada Uganda, halkaas oo Madaxweyne Museveni uu si diirran ugu soo dhaweeyey danjiraha cusub. Intii ay socotay kulanka labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal, gaar ahaan iskaashiga dhanka diblumaasiyadda, ganacsiga, ammaanka iyo arrimaha bulshada.

Danjire Fardowsa Maxamed Qanyare ayaa ballan qaaday in ay ka shaqeyn doonto horumarinta xariirka labo geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Uganda, iyada oo xooga saari doonta iskaashi wax ku ool ah oo dan u ah labada shacab.

Uganda ayaa kamid ah dalalka ciidamo nabad ilaalin ah ka jooga Soomaaliya, waxayna labada dal leeyihiin xiriir taariikhi ah oo dhinacyo badan taabanaya. Safiirka cusub ayaa lagu wadaa in ay door muhiim ah ka qaadato xoojinta xiriirkaas.

   

Safiirka cusub ee Soomaaliya ee Indiya oo laga guddoomay warqaaha danjirenimo

New Delhi: Danjiraha cusub ee Soomaaliya ee dalka Hindiya Mudane Dr Cabdullahi Maxamed Odawaa ayaa warqadaha aqoonsiga Danjironimo u gudbiyey Madaxwaynaha dalka Hindiya Droupadi Murmu.

Munaasabadan oo ka dhacday Qasriga Madaxtooyada Hindiya ( Rashtrapati Bhavan), ayaa waxay ka koobneyd munaasabadaha gudbinta warqadaha aqoonsiga iyo isxog wareysi labada dhinaca.

Madaxwaynaha Hindiya ayaa si balaaran uga hadashay xiriirka Taariikhiga ee u dhaxeeya labada bulsho iyo labada dawladood, iyo sidey Hindiya uga go’antahay sii xoojinta xidhiidhkaas.

Dhinaciisa Danjiraha cusub ee Soomaaliya u fadhin doona India oo ay wahelinayaan qaar ka mida diblomaasiyiinta Safaaradda ayaa balan qaaday inuu mudada uu xilka hayo, ka shaqayn doono sidii kor loogu sii qaadi lahaa xiriirka Labada dal.

    

Wadahadallo farsamo oo u socda Soomaaliya iyo Ethiopia

Addis Ababa: Wajiga koowaad ee wadahadallada farsamo ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, ee ku saleysan Bayaankii Ankara ee la ansixiyey 11-kii Diseembar 2024, ayaa maanta ka dhacay magaalada Ankara.

Wadahadalladan waxaa martigeliyey Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga Hakan Fidan, iyadoo ay ka qeyb galeen wafdiyo ay hoggaaminayeen Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya iyo Dr. Gedion Timothewos, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya.

Iyadoo laga anbaqaadayo bayaankii ka soo baxay shirkii, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed Cali iyo Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ay horay ugu yeesheen Turkiga ayaa shirkaan maanta lagu soo bandhigay aragtiyo lagu horumarinayo mustaqbal barwaaqo iyo xasillooni leh.

Intii lagu guda jiray wajiga koowaad ee wadahadallada farsamo, labada wafdi waxay muujiyeen sida ay uga go’an tahay dhaqan-gelinta qodobada iyo nuxurka bayaank Ankara.

Wafdiyadu waxay billaabeen shaqo dhab ah oo lagu hirgelinayo aragtidaas, iyagoo isla gartay horumar waara oo labada dhinacba dan u ah.

Labada wafdi waxay uga mahadcelinayaan Türkiye sida ay uga go’an tahay diyaarinta marxaladda xigta ee wadahadallada farsamo, oo lagu wado inay qabsoomaan bisha Maarso 2025.

Agaasimaha hay’adda socdaalka oo qaabilay danjiraha Finland

Agaasimaha guud ee uay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Finland u fadhiya Soomaaliya danjire Pirkka Tapiola iyo ku xigeenkiisa marwo Elli Mikkola.

Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa uga mahadceliyay Dowladda Finland taageerada ay ku bixiso horumarinta kaabayaasha HSJ, isagoo si gaar ah u xusay muhiimadda ay leedahay xoojinta wada shaqeynta labada dhinac.

Danjiraha Finland Pirkka Tapiola ayaa balan qaaday in Finland ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya. Isaga oo intaas ku daray in Soomaaliya dhawaan ay imaanayaan wafdi ka socda Waaxda Socdaalka ee Finland si ay u sii xoojiyaan wada shaqeynta labada hay’adood.