Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo shir guddoomiyay kulanka Guddiga joogtada ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe),ayaa shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada oo ka dhacay xarunta Guddoonka iyo Guddiyadda ee Villa Hargeysa.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulanka furay ayaa sheegay in kalfadhiga lixaad ee furmaya maalinta Sabtiga ah ay Golaha horyaalaan howlo muhiim ah oo uu ka mid yahay dhameystirka dib u eegista dastuurka.

Intaasi ka dib guddoomiyaasha guddiga joogtada ayaa ka warbixiyay shuruucda ay gacanta ku hayaan iyo habraacyada u dhiman.

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay iskaashiga la dagaallanka argagixisada

Ankara- Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo dhiggiisa dalka Turkiga mudane Yaşar Güler ayaa xarunta Wasaaradda Difaaca dalkaasi ku yeeshay wada hadallo ku saabsan xoojinta xiriirka labada dal, iskaashiga la dagaallanka argagixisada iyo horumarinta tababarrada Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed.

Kulanka oo diiradda lagu saaray wada shaqeyn qoto dheer iyo iskaashi adag oo gacan ka geysta nabadda iyo xasilloonida mustaqbalka fog ayaa wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga mudane Cabdulqaadir Mamaxed Nuur, waxa uu kaga mahadceliyay Jamhuuriyadda aan Walaalaha nahay ee Turkiga taageerada joogtada ah ee ay ku bixiyaan dagaalka aan kula jirno argagixisada, kaasoo muhiim u ah xaqiijinta xasilloonida iyo ammaanka Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Kuuriyada koofureed oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dowladood

Safiirka dowladda Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa xafiiskiisa ku qaabbilay Danjiraha Jamhuuriyadda Kuuriyada Koonfureed ee dalka Kenya Ambassador KANG Hyung-shik.

“Waxaa maanta xarunta Safaaradda ku qaabilo H.E. KANG Hyung-shik, Danjiraha Jamhuuriyadda Kuuriyada Koonfureed oo aan ka wada hadalnay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Korea.

Labada dal ayaa hadda waxa ay ka wada tirsanyihiin xubnaha aan joogtada ahayn golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay”. Ayuu yiri Danjire Jabriil.

Danjiraha ayaa bidhaamiyay in labada dhinac ay kulankooda diiradda ku saareen dardargelinta arrimaha quseeya danaha wadaagga ah ee labada dal.

Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa hadalkiisa ku soo gunaanaday. “Waxaan mar kale xaqiijinay sida ay nooga go’antahay xoojinta iskaashiga iyo cilaaqaadka laba geesoodka ah iyo sare u qaadidda wada shaqayn ballaaran oo dhexmarta Somalia iyo Korea.

Danjiraha dowladda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa dadaalo xooggan ugu jira sidii loo xoojin lahaa xiriirka diblomaasiyadeed ee ay Soomaaliya la leedahay dalalka caalamka, taasi oo iminka laga dareemayo galaangalka siyaasadeed ee ay Soomaaliya ku leedahay Caalamka.

Soomaaliya iyo QM oo ka wada hadlay saameynta ka dhalatay deeqihii istaagay ee USAID

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA) Md. Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa kulan looga hadlay xaaladaha bani’aadannimo ee dalka la qaatay ku xigeenka ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud Qaramada Midoobay, ahna iskuduwaha howlaha bani’aadamnimada ee Soomaaliya Md. George Conway.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray saameynta ka dhalatay deeqihii istaagay ee USAID ee dhanka howlaha bani’aadannimada, abaaraha dalka ka taagan, diyaargarowga jira, mudnaansiinta howlgallada bani’aadannimo ee qorsheysan, dib-u-eegisyada lagama maarmaanka ah iyo tallaabooyinka xiga.

Sidoo kale, kulanka ayaa looga hadlay sidii gargaar deg-deg ah loo gaarsiin lahaa dadka ku barakacay dagaallada ka socda degaannada Puntland ee ka dhanka argagaxiada Daacish, xoojinta wadashaqeynta dowladda iyo hay’adaha gargaarka iyo in la helo qorshe lagu gaari karo dadka deggan goobaha fog, si looga hortago barakac hor leh.

Wasiir Biixi oo loo doortay hoggaanka madasha iskaashiga maaliyadda bariga Afrika

Addis Ababa- Wasiirka maaliyadda Soomaaliya mudane Biixi Iimaan Cige ayaa loo doortay hoggaanka madasha iskaashiga maaliyadda dalalka geeska Afrika (Horn of Africa Initiative) 2-da sano ee soo socota oo ka billaabanaysa bisha April 2025.

Shirka 23-aad ee iskaashiga dalalka bariga Afrika oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Addis Ababa ayaa looga dhawaaqay in guddoomiyaha cusub ee madasha uu noqonayo wasiirka maaliyadda XFS mudane Biixi Imaan Cige oo xilka kala wareegaya wasiirka maaliyadda Ethiopia Mudane, Axmed Shide oo ahaa guddoonka madasha 2-dii sano ee la soo dhaafay.

Wasiirka maaliyadda XFS mudane Biixi Imaan Cige oo qoraal kooban soo saaray ayaa mahadcelin iyo bogaadinta golaha kadib waxa uu xaqiijiyay in uu si hufan oo cadaalad ah u maamuli doono madasha iskaashiga geeska Afrika.

Wasiirka cadaaladda iyo Dastuurka oo qaabilay wafdi ka socda QM

Wasiirka wasaaradda Cadaaladda iyo arrmaha dastuurka, mudane Xassan Macallin Maxamuud oo uu weheliyo Wasiir-dawlaha wasaaradda, Danjire Ilyaas Sheekh Cumar, ayaa maanta xarunta wasaaradda ku qaabilay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ahna Madaxa Dalalka Carabta ee Hay’adda UNDP, Dr. Abdallah Al Dardari iyo wafdi uu hogaaminayay.

Kulankan oo ay sidoo kale ka qeyb galeen Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda, Mudane Faysal Aadan iyo saraakiil sare oo ka tirsan wasaaradda, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wadashaqeynta ka dhaxaysa labada dhinac, iyadoo si gaar ah looga hadlay horumarinta nidaamka cadaaladda iyo kobcinta talinta sharciga, oo ah tiirarka muhiimka u ah horumarka dhaqaale ee dalka. Sidoo kale, waxaa kulanka lagu lafa guray mudnaanta Wasaaradda ee ku aaddan dhammaystirka hannaanka sharci-dejinta, hagaajinta qaab-dhismeedka garsoorka iyo tayaynta hay’adaha bahda cadaaladda.

Ugu dambeyn, Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arr. Dastuurka, Mudane Xassan Macallin Maxamuud, ayaa uga mahadceliyay Qaramada Midoobay, gaar ahaan UNDP, taageerada joogtada ah ee ay u fidiso Soomaaliya, isagoo si gaar ah u xusay doorka hay’adda ee dib-u-dhiska iyo kobcinta nidaamka cadaaladda dalka.

    

Hay’adda NIRA oo xarun cusub ka hirgalisay degmada Dherkeenley

Hay’adda NIRA ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jartay Xarunta cusub ee Hay’addu ku yeelanayso degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir.

Xarunta ayaa waxa si rasmi ah xarigga uga jaray Gudooomiyaha Gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho mudane Maxamed Amiir, waxaana goobjoog ka ahaa Ra’iisul-wasaare hore mudane Cali Maxamed Geeddi, Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan labada aqal ee BFS, Maareeyaha Hay’adda NIRA, Cabdiweli Cali Cabdulle (Timacadde), Guddoomiyaha Degmada Dharkeenley, iyo marti sharaf kale.

Hay’adda NIRA ayaa dardargelin ku wadda sidii Nidaamka Aqoonsiga Qaranka loogu baahin lahaa dhammaan degmooyinka Muqdisho, iyo guud ahaan dalka si loo xaqiijiyo gaarista diiwaangelinta dhammaan dadweynaha Soomaaliyeed.

    

Wasiirka dekadaha oo qaabilay madaxa hawlgalka midowga Afrika ee AUSSOM

Wasiirka Wasaaradda Deakadaha iyo Gaadiidka Badda JFS, Mudane  Maxamuud Aadan Geesood ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Guddiga Midowga Afrika ahna Madaxa AUSSOM , Danjire Souef Mohamed El-Amine.

Kulankan oo diirada lagu saarayay hordhaca Missionka AUSSOM Somaaliya, amniga Badda Somaaliya, dib u dhiska iyo tayeynta Dekadaha Dalka.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyay Wakiilka kaalinta naf-hurnimada leh ee Midowga Afrika ka qaatay arrimahaas, isaga oo xusay muhiimadda iskaashi dhow oo dhexmara Wasaaradda iyo Midowga Afrika si kor loogu qaado shaqada baaxada weyn ee ay Wasaaradu hayso.

Wakiilka ayaa bogaadiyay dadaallada Wasaaradda, wuxuuna ballanqaaday in Midowga Afrika sii xoojin doono taageerada si loo gaaro yoolalka la hiigsanayo.

  

Hay’adda sirdoonka Qaranka oo ku raad-joogta horjooge ka tirsan Khawaarijta

Hay’adda sirdoonka iyo nabadsugidda Qaranka ee NISA ayaa soo saartay sawirka iyo macluumaadka horjooge Cabdullaahi Xasan Cabdi oo Khawaajita u qaabilsan aruurunta lacagaha baadda ah gobolka Banaadir, waxaana hay’addu shacabka Soomaaliyeed ka codsatay in lagu gacan siiyo soo qabashada horjoogahan oo khatar ku ah amniga dalka.

 

Wasiirka Caafimaadka oo daah-furay m𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲o 𝐊𝐚𝐧𝐬𝐚𝐫𝐤𝐚

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Ali Haji Adam ayaa si rasmi ah u daahfurey Munaasabadda Ololaha wax ka qabashada xaaladda Kansarka Soomaaliya.

Munaasabadda waxaa ka qeyb galey Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka, Dr. Maryama Maxamed Xuseen, Xildhibaana ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Federaarka Soomaaliya, Safiiro xubno ka socdey Hey’adaha Caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha Caafimaadka oo ay ka mid yihiin Hey’adda Caafimaadka aduunka ee WHO, Hey’adda King Salam, Qatar Charity, Tika agaasimayaal iyo howl wadeeno ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka XFS, Dhakhaatiir aqoon yahan iyo marti sharaf kale.

Madasha oo aheyd mid heerkeedu aad u sarreeyey waxaa lagu gorfeeyey xaaladda Kanasarka ee dalka iyo sidii wax looga qaban lahaa, maadaama Soomaaliya ay ka mid tahay wadamada muwaadiniinteedu qaar mid ah ay la daalaa dhacayaan xanuunkan sanad kastana uu sii kordhayo tirada dadka uu saameeyo xanuunka oo si guud dunida faraba’an uga haya.

Intii ay socotey Munaasabadda waxaa lagu soo bandhigey daraasado tilmaamayey heerarka kala duwan ee uu marayo guud ahaan dalka, dhamaan khubaradii Madasha ka hadashey ayaa tibaaxey in la gaarey xilligii saxda ahaa ee loo istaagi lahaa wax ka qabashada xaaladda Kansarka.

Munaasabadda waxaa soo qaban qaabisey Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Barnaamijka Cudurada aan faafin ee (NCD).