๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ก๐š๐ฆ๐›๐š๐ฅ๐ฒ๐จ ๐ฎ ๐๐ข๐ซ๐š๐ฒ ๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง๐ค๐š ๐€๐ฌ๐ฅ๐ฎ๐ฎ๐›๐ญ๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeyb-galay munaasabadda 55-guuradii ka soo wareegtay markii la aas-aasay Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, ayaa hambalyo u diray qeybaha kala duwan ee Ciidanka.

Raโ€™iisul Wasaaraha, ayaa xusay doorka muhiimka ah ee Ciidanka Asluubtu ay ku leeyihiin dib-u-habaynta ciidanka iyo horumarinta nidaamka caddaaladda, iyaga oo ka shaqeynaya dhaqan-celinta maxaabiista, waxbaridda iyo sugnaanta amniga xabsiyada dalka.

โ€œWaxaan hambalyo u dirayaa dhammaan Sarreeyayaasha, Saraakiisha, Saraakiil Xigeennada, Alif-leyda, Debleyda Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Xaasaskooda iyo Caruurtooda, waxaan u rajeynaya in ay sii wadaan dedaalka naf-hurrnimada ah ee aad dadkeenna iyo dalkeenna u haysaan in aad sii xoojisaanโ€. Ayuu yiri Raโ€™iisul Wasaare Xamsa.

Mudane Xamsa, ayaa intii ay socotay munaasabadda sanad-guurada 55-aad ee Asluubta, xarigga ka jaray Isbitaal cusub oo ay leeyihiin ciidanku. Waxa uunna xusayn in Xukuumaddiisu xoogga saari-doonto sidii wax looga qaban lahaa baahiyaha kala duwan ee ay ku shaqeeyaan.

Dhinaca kale Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa khudbadda munaasabadda ciidanka Asluubta waxa uu ammaan u jeediyay ciidanka geesiyaasha Daraawiisha ee Puntland ee dagaalka kula jira argagixisada Daacish, isaga oo ballanqaaday in dowladda Soomaaliyeed ay la garab taagan tahay taageero buuxda, shacabka Soomaaliyeedna ay la garab istaagaan xoog iyo xoolaba.

ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย 

Madaxweynaha JFS oo khudbad dhinacyo badan leh ka jeediyay furitaanka Baarlamaanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhigii 6-aad ee golaha Baarlamaanka ayaa u jeediyey khudbada Madaxweynaha ee Dastuuriga ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu horayn golaha Baarlamaanka uga mahadceliyey shaqadii dhamaystirka dastuurka ee ay qabteen kalfadhigii 5-aad,sidoo kale Madaxweynaha ayaa hambalyo u diray maamulka iyo Shacabka Puntland dagaalka ay kula jiraan kooxda daacish ee ka tirsan kooxaha Khawaarijta,dagaalkan ayaa si weyn loogu jabiyey kooxda Daacish,โ€œ Waxaan garab taaga nahay Ciidamada Dowlad Goboleedka Puntland ee u bareeray dagaalka xaqqa ah ee ay kula jiraan Khawaarijta Daacish, dowladda Fedaraalka Soomaaliyana waa ay garab taagan tahay Ciidamada iyo shacabka halganka ku jira ee deegaannada Puntland.โ€ayuu yiri Madaxweynuhu.

Dhinaca kale Madaxweyanaha ayaa mar uu ka hadlayey dhismaha Ciidamada ayuu madaxweynuhu caddeeyey in dowladdu ku guulaystay dhismaha Ciidanka Cirka iyo Ciidanka Badda oo hadda awood u leh in ay difaacaan Badda iyo cirkaba kuna filan yihiin,Madaxweyne Xasan Sheekh โ€œDowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay u istaagtay sidii loo ilaalin lahaa Badda loona joojin lahaa kalluumeysiga sharci darrada ah.โ€

Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale ka hadlay dagaalka ka dhanka ah khawaarijta Shabaab kaas oo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ka gaadheen guul weyn si weyna looga sifeeyey gobolada dalka.

Sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh ayaa cadeeyey in Soomaaliya Sannadkan gudihiisa laga dhisi doono xarun laga diro dayax gacmeedka,xaruntan oo noqon doonta tii ugu horaysay ee laga hirgeliyey geeska Afrika,โ€Sanadkaan dhammaadkiisa dalkeena waxaa laga tuuri doonaa Dayax gacmeed waana kii ugu horeeyey taariikhda ee waddan Afrika ah laga tuuro, xaruntii laga tuuri lahaana dhismaheeda ayaa socdaโ€ ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Ugu dambayn Madaxweynaha ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu bishaareeyey in taladu gacantooda dib ugu soo celisay Dowladdu dhowaana ay dooran doonaan shacabku Madaxdooda doorasho qof iyo cod ah,Madaxweyne Xasan Sheekh โ€Maanta waxaan u joognaa in aan dadka Soomaaliyeed dib ugu celino xuquuqdii muwaadinnimo oo ay lahaayeen,si ay u soo doortaan cida hoggaamineysa.โ€

Horjoogayaal muhiim u ahaa khawaarijta oo lagu xasuuqay degaanka ceel Cali axmed

Faah Faahinta Horjoogayaal sar sare oo Khawaarijta looga dilay Gobolka Shabeelada Dhexe

Faah faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Horjoogayaal sar sare oo ka tirsanaa Maleeshiyada kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab kuwaasi oo maalmihii ugu dambeeyeyย  lagu laayey dagaallo ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeeallaha Dhexe.

Horjoogayaasha Khawaarijta looga laayey Shabeellaha Dhexe waxaa ugu horeeya Horjooge Xasan Cabdiwaaxid Cabdi Dhicisoow (Xasan Gureey) oo magaciisa afgarashada uu ahaa BAGAAX waxaana uu ahaa Horjoogaha dagaal gelinta Maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab isaga oo horey u hogaamiyey weerarro cadawga lagu naafeeyey oo ka kala dhacay Cowsaweyne, Ceel Cali Axmed iyo deegaanno kale , qaarijintiisana waxa ay jab xooggan ku tahay Maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab oo waayahanba naf la caari ahaa.

Horjoogayaasha kale ee Khawaarijta looga dilay saacadihii ugu dambeeyey gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa ka mid ah Horjooge Daahir Buuxsade oo ka mid ah Horjoogayaasha dagaal geliya Maleeshiyaadka kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab, isaga oo horey carruur badan oo Soomaaliyeed oo aan qaan gaarin dabka ugu shubay balse Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay soo af jareen Khamiistii.

Horjoogayaasha kala ah:- Khaalid Jiis, Anas iyo Casaam oo dhammaantood ahaa Horjoogayaal saameyn ku dhex leh Khawaarijta Al-Shabaab marka ay joogto dagaallada ayaa lagu soo af jaray gobolka Shabeelada Dhexe ayadoo Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ifka ka qariyeen dhibaatadii iyo gummaadkii ay shacabka Soomaaliyeed u geysan jireen.

Qaarijinta Horjoogayaashaan sar sare ee ka tirsan Maleeshiyada Kooxda Khawaarijta Al-Shabaab ayaa ah naafeyn aad u xooggan oo loo geystay cadawga umadda Soomaaliyeed ayadoo tirada Maleeshiyada iyo Horjoogayaasha laga dilay Khawaarijta Al-Shabaab ay aad u sii korortay .

Halkan ka akhri xogta horjoogeyaasha.

SODMA oo soo xirtay tababar kor loogu qaadayo hawlwadeenada gurmadka Deg Dega ah

Xarunta Qaran ee Hawlgallada Gurmadka Deg-degga ee Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka ayaa soo gabagabeysay tababarro toos ah (practical) oo lagu diyaarinayay aqoonta iyo kartida howlwadeennada gurmadka ee xaaladaha deg-degga ah oo isugu jira kooxda dab-damiska, wicitaannada iyo caafimaadka.

Ujeedka ayaa ahaa, sidii kooxahaan ay wadajir ugu howl-gali lahaayeen xilliyada loo baahan yahay jawaab aan daah-lahayn, sida marka ay dhacaan musiibooyinka dad-sameyga ah iyo kuwa dabiiciga ah, halka howlwadeennadu muujiyeen sida ay ugu diyaarsan yihiin iskaashi, isla-howlgal iyo isku xirnaan deg-deg ah.

Ugu dambeyn; howlwadeennada hayโ€™adda ee gurmadka deg-degga ah, gaar ahaan bahda wicitaannada, dab-damiska iyo caafimaaka ayaa soo bandhigay filim muujinaaya diyaargarowgooda ku aaddan ka jawaabista khataha iyo yareynta saameynta ka dhalata musiibooyinka.

Ciidanka Xoogga oo soo gaba gabeeyey hawlgal ka dhan ahaa khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Geesiyaasha Dadka deegaanka ayaa soo afjaray maleeshiyaad fara ku tiris ahaa oo gabaad ka dhiganayey goobo ka mid ah deegaankii shalay lagu jabiyey khawaarijta.

Isku day weerar oo ay ka soo qaadeen dhanka dhulka howdka ah kooxda khawaarintu ayey Ciidanka xooggu jab culus gaarsiiyeen shalay.

Inta la ogyahay in ka badan 130 Khawaarij ah ayaa lagu laayay howlgaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Hirshabeelle.

Danjire Mohamed Zubeyr oo la kulmay Madaxa Jamhuuriyadda Tatarstan ee dalka Ruushka

Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Ruushka Mudane Mohamed A. Zubeyr ayaa kulan heer ย sare ah la qaatay Madaxa Jamhuuriyadda Tatarstan ee dalka Ruushka Mudane Rustam Minnikhanov.

Kulanka labada dhinac waxaa looga wada hadlay arrimo badan oo dhanka ganacsiga iyo wax wada qabsiga,kaas oo ay ka faaโ€™iidaysan doonaan Tatarstan iyo Soomaaliya.

Danjire Zubeyr ayaa muddooyinkaan aad ugu hawlan sahminta dariiqooyin iskaashi oo faaโ€™iido wadaagga u leh Soomaalia iyo dalalka kale.

Tatarstan waa Dowlad Goboleed ay ku nool yihiin qoomiyado badan ,lehna dhaqamo kala duwan,iyadoo la sheego in โ€‹โ€‹45% ay yihiin dad Muslimiin ah

Sidoo kale,Tatarstan waa mid ka mid ah dawladaha ugu qanisan Ruushka oo leh fursado badan.

Shiinaha oo ku baaqay in laga fogaado dagaal kale,lana sii ambaqaado heshiiskii Gaza

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Shiinaha Mr. Wang Yi oo ka qwybgalay shirka G 20 ee Magaalada Johannesburg, Dalka K/Afrika ayaa sheegay in aan loo baahneyn dagaal kale oo ka dhaca Gaza,balse ay waajib tahay in si hufan loo sii ambaqaado heshiiskii xabad joojinta ee ay wadagaareen Israel iyo Hamas.

โ€œWaan aragnay waxa ka dhacaya Gaza iyo Daanta Galbeed,waxaana habboon in wax loo ย qabto dadka reer Falasyiin,isla markaana loo daayo maamulkoodaโ€ ayuu yiri, sida laga soo xigtay qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha.

Mr. Wang Yi waxa uu ku celceliyay in xal laba dowladood ah uu yahay midka kaliya ee lagu soo afjari karo colaadda gobolka isagoo intaa raaciyay in cadaalad darida ku dhacday Falastiin ay keentay dib u dhac muddo 70 sano ah.

โ€œShiinuhu waxa uu taageerayaa dhammaan dadaallada nabadda ee lagu soo afjarayo colaadaha dunida sida dagaalka Gaza iyo kan Ukrainโ€ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda ee Shiinaha.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo la hadlay Warbaahinta Qaranka

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan ย ย oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in ay meel wanaagsan marayaan howlaha ku aadan ditaargarowga iyo qabanqaabada doorashooyin madax bannaan oo ja dhaca gudaha dalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha ayaa xusay in ay safar shaqo ay ku soo kala bixiyeen inta badan deegaanada iyo degmooyinka dalka,isla markaana ย ay dadku diyaar u yihiin hirgalinta iyo qabsoomidda hannaanka doorasho ee qof iyo codka ah.

โ€œBisha Juun ee sanadkaan waxaan qaban doonaa doorashooyinka golaha deegaanka, waxaana ka qaban doonaa koonfurta iyo bartamaha dalka.โ€ayii yiri Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Cabdikariin Axmed Xasan

Taliyaha Booliiska oo ku baaqay in la xoojiyo doorka Amni ee saaran ciidanka

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa Xarunta Taliska guud ee Ciidanka kula kulmay saraakiisha hoggaanada, qeybaha iyo fadhiyada madaxa banaan ee ciidanka Booliiska .

Kulankaasi oo ahaa todobaadleย  waxaa warbixino ku saabsan ammaanka looga dhageystay saraakiisha qeybta guud ee gobalka banaadir , hoggaanka baarista dambiyada CID, taliska La dagaalanka argagixisada iyo Hoggaanka Kormeerka.

Taliyaha Ciidanka waxa uuย  saraakiisha uga mahadceliyey dadaalka shaqo ee ay hayaan,waxa uuna faray in la xoojiyo doorka ciidanka kaga aadan amniga dalka,gaar ahaan xilliggaan oo ay so dhowdahay bisha Barakaysan ee Ramadaan.

Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ,waxa uu si gaar ah shacabka uga codsaday in ay la shaqeeyaan ciidanka,isla markaana ย ay laamaha Ammaanka gacan ka siiyaan ka hortagga falalka Khawaarijta iyo wax kasta oo keeni kara amni darro.

Wasaaradda Cadaaladda XFS oo war ka soo saartay Maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran Dalka Sucuudiga

Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaan u yahay Wasiir Xassan Macallin Maxamuud, waxay si dhaw u la socotaa xaaladda sharci iyo midda biniโ€™aadannimo ee maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran dalka Boqortooyada Sucuudiga oo qaarkood ay ku xukuman yihiin xukunno dil ah iyo sanado badan oo xabsi ah.

Wasaaradda Cadaaladda oo ka duulaysa dowrkeeda matalaadda sharci ee muwaadiniintaas, waxay dadaal badan ku bixinaysaa sidii wax looga qaban lahaa xaaladahooda iyadoo ay noo socdaan wada-hadallo hayโ€™adaha dhiggeenna ah ee Boqortooyada Sucuudiga, si looga shaqeeyo in muwaadinintaasi ay helaan taageero iyo mataalad sharci iyo in xukunnadooda ay ku dhamaystaan dalka Soomaaliya, iyada oo la tixgelinaayo Heshiiska Riyaad ee Iskaashiga Garsoorka Caalamiga ee u dhexeeya waddamada ku bahoobay Ururka Jaamacadda Carabta oo ay qeyb ka wada yihiin Sucuudiga iyo Soomaaliya.