Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabillay wafdi ka socda Saldanadda Cummaan

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa qaabillay wafdi ka socda Saldanadda Cummaan oo uu hoggaaminayo Wasiirka Gaadiidka, Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Eng. Saciid Bin Xaamud Bin Saciid Almacawali.

Waxay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dal ee dhinacyada horumarinta ganacsiga, maalgashiga iyo Teknolojiyadda.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa la wadaagay wafdiga ka socday Saldanadda Cummaan horumarrada uu gaaray dalkeenna iyo fursadaha maalgashi ee ka bannaan, kuwaas oo faa’iido u leh labada dalba.

Dhankiisa, Wasiirka Gaadiidka, Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Saldanadda Cummaan Eng. Saciid Bin Xaamud Bin Saciid Almacawali, ayaa uga mahadceliyey madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed soo dhaweynta wanaagsan ee ay u fidiyeen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna bogaadiyey guulaha ay ku tallaabsatay Dowladda Federaalka ee dhinacyada amniga, la dagaallanka argagixisada iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka.     

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SI DIIRAN LOOGU SOO DHAWEEYEY MAGAALADA TRIPOLI EE DALKA LIIBIYA

Tripoli:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Tripoli ee caasimadda dalka Liibiya, halkaas oo uu ku tagay booqasho rasmi ah oo lagu xoojinayo xiriirka labada dal.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Tripoli, ku soo dhaweeyey madaxda sare ee dowladda Liibiya, waxa uuna uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka dalkan sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee kala dhexeeya Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay Tripoli, waxa uu kulan la qaadan doonaa Hoggaamiyaha Golaha Sare ee dalkan Mudane Maxamed Al-Manfi oo ay ka wada hadlayaan xaaladda gobolka iyo danaha wadajirka ah ee ka dhexeeya labada dal.

Sidoo kale, Labada Madaxweyne ayaa ka arrinsanaya horumarinta iskaashiga dhinacyada amniga, siyaasadda, la daggaallanka tahriibta iyo dhammaystirka soo celinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee xaaladaha adag ay ku wajahayaan xabsiyada dalkaas.

         

Taliyaasha ciidanka Qaranka Soomaaliyo iyo Itoobiya oo war-murtiyeed wadajir ah soo saaray

Taliyaasha ciidanka Qaranka ee Soomaaliya iyo Itoobiya oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa si wadajir ah soo saaray war-murtiyeed ku Saabsan xaaladda labada dal.

1. Kadib wada-hadal laba geesood ah oo dhex maray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka ee Itoobiya, Mudane Dr. Abiy Axmed, kaas oo ka dhacay Addis Ababa, Itoobiya, 14-16 Febraayo 2025, waxaa la isku afgartay in wadahadal farsamo lagu qabto Muqdisho, Soomaaliya.

2. Iyadoo la raacayo hagida labada hoggaamiye ee labada dal, wafdi uu hoggaaminayo Field Marshal Birhanu Jula, Taliyaha Ciidanka Difaaca Qaranka Itoobiya, ayaa booqasho shaqo oo hal maalin ah ku yimid Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya 22-ka Febraayo 2025.

Taliyaha waxaa wehelinayay Madaxa Hay’adda Sirdoonka iyo Amniga Qaranka (NISS), Redwan Hussein, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Itoobiya.

3. Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage, iyo Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Danjire Cabdullaahi Maxamed Cali, ayaa kusoo dhaweeyay Field Marshal Birhanu Jula iyo Redwan Hussein Soomaaliya, iyagoo bogaadiyay iskaashiga adag ee ka dhexeeya labada dal.

4. Taliyeyaasha ayaa is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan xaaladda amniga ee Soomaaliya iyo gobolka, iyagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo nabadda, amniga, iyo xasilloonida Geeska Afrika iyo guud ahaan qaaradda Afrika. Waxay si gaar ah u xuseen dadaallada ay sameeyeen dalalka ciidamada iyo booliska ku biiriyay hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM/ATMIS) iyo Ciidanka Amniga Soomaaliyeed, kuwaasoo nafahooda u huray tan iyo 2007 si loo xasiliyo dalka loona dagaallamo kooxda Al-Shabaab.

5. Taliyeyaasha ayaa soo dhaweeyay bilaabista Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), iyagoo xusay muhiimadda ay leedahay in laga sii amba-qaado guulihii hore ee ATMIS. Waxay carrabka ku adkeeyeen doorka Ciidanka Difaaca Qaranka Itoobiya (ENDF) ee hawlgallada nabad-ilaalinta Midowga Afrika iyo qaabeynta ciidamada ENDF ee ku howlgali doona AUSSOM.

6. Taliyeyaasha ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in si buuxda loo taageero dadaallada haatan socda ee lagu ciribtirayo Al-Shabaab, iyagoo muujiyay sida ay uga go’an tahay in si wadajir ah loola dagaallamo argagixisada.

7. Labada dhinac waxay isla garteen in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay noqoto albaabka kaliya ee xiriirka rasmiga ah ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana la ixtiraamo madaxbannaanida, midnimada dhuleed, iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

8. Taliyeyaasha ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay taageerto dhismaha awoodaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si loo fududeeyo bixitaanka AUSSOM loogana dhigo Soomaaliya mid awood u leh in ay si buuxda ula wareegto mas’uuliyadda amnigeeda.

9. Heerka xiriirka laba geesoodka ah, taliyeyaasha waxay ku heshiiyeen in la dhiso heshiis ciidan (Status of Force Agreement – SOFA) oo khuseeya dhammaan ciidamada laba geesoodka ah ee ka howlgalaya Soomaaliya, iyadoo saxiixa heshiiska SOFA uu qeyb ka noqon doono heshiiskii Is-afgaradka Amniga (MoU) ee la saxiixay Diseembar 2023.

Waxaa lagu saxiixay Muqdisho, Soomaaliya, 22-ka Febraayo 2025.

  

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐈𝐬𝐛𝐞𝐝𝐝𝐞𝐥𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulan gaar ah, ayaa ansixiyey Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP-2025-2029), si loo xaqiijiyo hiigsiga horumarineed ee dalkeenna u jiheystay.

Kulanka Golaha oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sidoo kale ansixiyey Xeerka Dhismaha Xarunta Qaran ee Horumarinta Reer Miyiga iyo Xalka Waara iyo Siyaasadda Qaran ee Dhismaha Machadka Sare ee Tababbarka iyo Horumarinta Sharciga.

Xeerka Dhismaha Xarunta Qaran ee Horumarinta Reer Miyiga iyo Xalka Waara, ayaa mudnaan gaar ah u leh horumarinta reer guuraaga Soomaaliyeed, si loo helo hannaan horumarineed oo yareynaya saboolnimada iyo barakaca, isla markaana kobcinaya dhaqaalaha reer guuraaga.

Golaha ayaa ku bogaadiyey guulaha ciidamada qalabka sida iyo kuwa deegaanka dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah, iyaga oo ka hortagay dhagaro ay u maleegayeen bulshada Soomaaliyeed.

                        

Aqoon-isweydaarsi muhiim ah oo Muqdisho uga furmay xafiisyada warfaafinta hay’adaha DF

Aqoon isweydaarsigani oo soo qaban qaabisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa uu soconayaa mudda seddex maalmood ah waxaana ka faa’iideysanaya 30 xubnood oo ka socda Xafiisyada Xiriirka Warbaahinta iyo dadweynaha ee Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya,

Marwo Fartuun Axmed Xasan Agaasimaha Shaqaalaha iyo Tababarada Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska oo soo dhoweysay madaxda iyo hawlwadeenada hay’adaha dowladda ee ka qeyb galaya tababarkan ayaa kula dardaarantay ka faa’iidaysiga khubarada iyo wadaaga khibradaha ka qeyb galayaasha oo muhiim ah mustaqbal maareynta xiriirka Warbaahinta iyo dadweynaha ee xaaladaha deg dega ah

Col. Cabdifitaax Xasan Adan Afhayeenka Booliiska oo ku hadlay afka ka qeyb galayaasha Aqoon isweydaarsiga ayaa tilmaamay in uu ku soo aaday xilli loo baahnaa, isaga oo Wasaaradda Warfaafinta uga mahad celiyay isku keenida khubarada iyo hawlwadeenada dowladda ee xiriiirka Warbaahinta si maalmaha tababarka looga doodo habka xiriirka Warbaahinta loo maareeyo marka lagu jiro xaaladaha deg dega ah iyo guud ahaan iska qabka xafiisyada Warfaafinta.

Danjire Yuusuf Garaad Cumar Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda oo ka mid ah khuburada bixinaysa tababarka ayaa hoosta ka xariiqay ahmiyadda ay leedahay xoojinta isku xirnaanta hay’adaha Dowladda ee xilliyada xaaladaha deg dega ah iyo ka baaraandega waxa loo gudbinayo Warbaahinta iyo Dadweynaha.

Ku simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS ahna Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Cabdinaasir Xuseen Xasan ayaa tilmaamay in Wasaaradda tababarkan u qabatay si loo xoojiyo iskaashiga hay’adaha dowladda iyo iska warqabka xafiisyada xiriirka Warbaahinta ee xilliyadda xasaradaha iyo xaaladaha deg deg ah isaga oo u mahad celiyay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ( UNTMIS) oo taageeray tababarkani.

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdirahmaan Yusuf Cumar ( Al-cadaala) oo furay tababarka ayaa sheegay in ujeedku yahay qaabeynta ra’yiga dadweynhaa iyo xiriirka Warbaahinta ee waqtiga xaaladaha deg dega ah si bulshadu u hesho xog sugan oo ka jawaabeysa xaaladda taagan,

Wasiir Caddaala ayaa intaa ku daray in hadafka aqoon isweydaarsigani sidoo kale yahay xoojinta isku xirnaanta xiriirka Warbaahinta ee hay’adaha dowliga ah iyo jiheynta dadweynaha maadaama iskaashiga lagama maarmaan u yahay guulaysiga ujeedooyinka dowladda .

Aqoon isweydaarsigan ayaa ka qeyb ka dedaalo Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku xoojinaysa kor u qaadista awoodda iskaashiga iyo isku xirnaanta Warbaahineed hay’adaha dowladda, Wacyigalinta iyo jiheynta ra’yiga dadweynaha.

                      

laftagareen oo kormeeray dhismaha Cusub Terminaalka ee Garoonka Baydhabo

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Kormeerey Dhismaha Cusub Terminalka Garoonka Diyaaradaha Dr Shaati-Gaduud Airport ee Magaalada Baydhabo oo Dhismihiisa Meel wanaagsan Maraysa

Laftagareen waxaa kormeerka ku wehlinayay mas’uuliyiin katirsan Maamulka Koofur Galbeed, Madaxweyne laftagareen ayaa intii uu kormeerkiisa ku guda jiray la kulmey Injineerrada shaqada gacanta ku haya iyo guddiga sida gaar ah uga shaqeynaya dhismahaan cusub Warbixin ayuuna ka dhageystay guddiga dhisaya terminaalka, Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ku bogaadiyay in la kordhiyo howshaan oo sare u qaadeysa bilicda iyo adeegga Garoonka Diyaaradaha Shaati gaduud.

Dowlada Goboleedka Koofur Galbeed ayaa xoogga saartay ballaarinta Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Baydhabo ee loogu magac daray Shaati Gaduud maadaama si joogta ah ay u caga dhigtaan diyaaradaha taga Xarunta Gobolka Baay.

Wasiirka Dekedaha oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Gaadiidka, Dekedaha iyo Tiknoolijiyadda Dowladda Cumaan

Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka badda Soomaaliya Xildhibaan Maxamuud Aadan Geesood ayaa qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Gaadiidka, Dekedaha iyo Tiknoolijiyadda Dowladda Cumaan Siciid Bin Xaamud.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dhisi lahaa dhowr dekedood oo ay kamid tahay Dekedda Hobyo, taas oo Dowladda Cumaan ay doonayso inay kaalin weyn ka qaadato maalgelinteeda.

Kulanka waxaa ka qeyb galay xildhibaano ka tirsan BFS, guddiga qaabilsan dhismaha Dekedda Hobyo, Qaar kamida Ganacstada Soomaaliyeed iyo Safiirka Cumaan ee Soomaaliya, iyagoo ay weheliyeen madax ka socota hay’ado ka aas-aasan dalka Cumaan oo danaynaya inay maalgeliyaan mashruuca dhismaha dekedda Hobyo.

Wasiirka Gaadiidka & Dekedaha Cumaan iyo Ku-xigeenkiisa ayaa si wadajir ah u ballan qaaday in dowladda Cumaan ay si buuxda u maalgelin doonto dhismaha Dekedda Hobyo & Dekedaha kale ee Soomaaliya ee u baahan dhismaha iyo maalgashiga, kuwaas oo kor u qaadi kara koboca dhaqaalaha iyo horumarka kaabayaasha gobolka.

Duqeymo lagu Bartilmaameedsaday Haraadiga Kooxda Daacish oo ka Dhacay Puntland

Hawlgal duqeymo ah oo ay iska kaashadeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa lagu bartilmaameedsaday firxadka maleeshiyaadka Daacish ( ISIS) ee ku dhuumaalaysanaya Buuralayda Caal-miskeed ee gobolka Bari ee Dowlad Goboleedka Puntland ee Soomaaliya.

Hawlgalka duqeymaha ah oo si guul ah ay u fuliyeen Ciidanka Mareykanka oo la shaqeynayaa Hay’adaha Amniga Qaranka Soomaaliya waxa ay dhaceen fiidkii 21 Febraayo iyo shalay 22-ka Febraayo 2025, waxaana lagu taageerayay hawlgalka geesiyaasha Ciidanka Daraawiishta Puntland ay ku ciribtirayaan haraadiga Khawaarijta Daacish.

Qiimeynta hore ee hawlgalka ayaa muujineysa in saddex xubnood oo ka tirsan Daacish lagu dilay duqeymaha, mana jiro wax dhibaato ah oo gaaray rayidka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa Taliska AFRICOM waxa ay sii wadi doontaa qiimeynta natiijooyinka hawlgalkaasi, oo wali socda, wixii ka soo kordhana waxaan la socodsiin doonaa dadweynaha.

Ciidanka Xoogga Dalka oo Kenya uga qeyb-galay dhoolatuska militari ee JUSTIFIED ACCORD

Nairobi:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa markii labaad qeyb wayn ka qaatay carbiska militari ee JUSTIFIED ACCORD oo sanadkan lagu qabtay dalka Kenya, iyadoo Munaasabadda xiritaankiisa uu ka qeybgalay taliyaha ciidanka gaarka ah ee XDS, G/le Dhexe Xasan Salaax Cabdi.

JUSTIFIED ACCORD waa carbis heer caalami ah oo ay ka qayb galaan dalal kala duwan, si sare loogu qaado xirfadaha iyo awoodda iskaashi ee ciidamada kala duwan ee ka qeybgalaya. Intii uu socday carbiska, ciidanka XDS ayaa soo bandhigay dhoolatus cajiib ah, muujinayana xirfad sare, heegan iyo karti ciidan oo heer sare ah.

Ka qaybgalka ciidanka XDS ee dhoolatuska ayaa muujinaya horumarka ay ka sameynayaan dhanka tababarka iyo iskaashiga caalamiga ah, taas oo xoojinaysa awoodda difaaca iyo howlgalka ciidamadda qaranka Soomaaliyeed.

Guddoomiye Abshirow oo ka qeyb galay shirweynaha Baarlamaanka Carabta

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo wafdi Xildhibaano ah oo uu hogaaminayo ayaa Magaaladda Qaahira ee xarunta wadanka Masar, sidoo kalena ah xarunta Jaamacada Carabt uga qeyb galay shirweynaha 7-aad ee Baarlamaanka Carabta.

Shirka oo ay ka qeyb galeen madaxda Baarlamaanadda wadamada Carabta ayaa sanadkan halku dhigGiisa waxa uu ahaa taageerida adkeysiga Shacabka Falastiin, waxaana shirka looga hadlay xaaladda dalka Falastiin iyo sidoo kale diidmada qorshayaasha daadgureynta shacabka Falastiiiniyiinta dhulkooda looga rarayo, waxaana inta kulanka uu socday madaxdii ka qeyb gashay ay aad u taageereen qadiyadda Falastiin oo si weyn shirka loogu difaacay.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo shirka ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneysa ayaa marka hore u mahadceliyay dhimacyada shirka soo qaban qaabiyay iyo dowladda Masar oo marti gelisay, waxaana sidoo kale madaxdii shirka ka qeyb gashay uu u sheegay in mowqifka dowladda Soomaaliya ee arinta Falastiin uu yahay mid cad islamarkaana Soomaaliya ay taageersantahay qadiyadda Falastiin ayna garab taagan tahay.