Madaxwyne Xasan Sheekh oo hoggaamiyaha Liibiya kala hadlay joojinta Tahriibka iyo iskaashiga labada dal

Tripoli: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulammo miro dhal ah la qaatay Hoggaamiyaha Golaha Sare ee Liibiya, Mudane Maxamed Al-Manfi iyo Ra’iisal Wasaaraha dalkan Mudane Cabdixamiid Dubayba oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada tahriibka, dhaqaalaha, tamarta iyo diblumaasiyadda.

 

Madaxweynaha ayaa si gaar ah diiradda u saaray xaaladda tahriibayaasha Soomaaliyeed ee ku sugan Liibiya, isagoo uga mahadceliyay Dowladda Liibiya iskaashiga ku aaddan soocelinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee tahriibeyaasha ah, kuwaas oo duruufo adag ay ku qabsadeen dalkan, waxa uuna xusay in Dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in xal waara laga gaaro dhibaatooyinka tahriibka iyo daryeelka muwaadiniinta.

 

Kulanka ayaa sidoo kale lagu lafaguray danaha wadajirka ah ee labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhaqaale iyo siyasadeed ee labada dowladood ee walaalaha ah.

Madaxweynaha iyo Hoggaamiyaha Liibiya ayaa isla qaatay in la dardargeliyo iskaashiga dhinaca tamarta, iyagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay isdhaafsiga khibradaha iyo teknoolajiyada casriga ah ee ku saabsan tamarta dib loo cusboonaysiin karo iyo sahminta shidaalka.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisal Wasaare Cabdixmiid Dabaybah ayaa goobjoog ka ahaa saxiixa heshiisyo dhowr ah oo lagu xoojinayo iskaashiga labada dal, kuwaas oo ay Labada Dowladood u kala saxiixeen Wasiirrada iyo Madaxda ay khuseyso, si oo kor loogu qaado iskaashiga horumarinta maalgashiga, is-dhexgalka dhaqaale iyo adeegyada bulshada.

        

Adeeg caafimaad oo la gaarsiinayo deegaanada laga saaray Khawaarijta

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada dowlladdaFS ayaa maanta daawo iyo qalab caafimaad oo kala duwan oo loogu talogalay gargaarka deg dega ah ku wareejisay wasiirka caafimaadka Hirshabelle Dr. Saadaq Maxamed Maxamuud, si loo gaarsiiyo deegaanada hawlgaladu ka socdaan.

Agabkan caafimaad ayeey wasaarada caafimaadka ugu talogashay in la gaarsiiyo xaruumaha caafimaad ee ku dhaw dhaw Deegaanada maamulka Hirshabelle ee lagu baacsanayo Khawaarijta Alshabab, si loogu baxnaaniyo hadii ay waxyeelo soo gaarto ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka ee dagaalka kula jira kooxaha argagixisada.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada XFS Dr Guuleed Cabdijalii ayaa xusay in agabkan caafimaad oo ay ku jiraan qalab loogu talogalay qaliimada deg dega ah ay u qorsheeyeyn in la gaarsiiyo goobaha ay howlgalka ka wadaan geesiyaasha qaranka iyo dadka deegaanka.

Agaasimaha ayaa dhinaca kale xusay in agab caafimaad oo kala duwan ay gaarsiin doonaan deegaanada Maamul goboleedka Puntland oo lagula dagaalamo kooxda Daacish.

Wasiirka caafimaadka Hirshabelle Saadaq Maxamed Maxamuud ayaa wasaaradda caafimaadka uga mahadcliyay Deeqdan caafimaad ee muhiimka ah, wuxuuna xusay ineey si deg deg ah u geyn doonaan xaruumaha caafimaad ee deeganada ay ka socdaan dagaalka lagula jiro argagixisada Alshabaab.

  

Madaxweynaha Hirshabeelle oo kormeeray deegaano lagula dagaalamay Khawaarijta

Jowhar: Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta kormeer ku tagay deegaano ka tirsan Shabeelaha dhexe oo uu ka socdo hawlgal lixaad leh oo ka dhan ah Khawaarijta.

Ciidamada Xoogga dalka, Daraawiishta Hirshabeelle iyo kuwa Deegaanka ayaa saaka jab culus gaarsiiyey Khawaarij isku-daygooda uu ahaa inay gudaha u galaan deegaanka Cadaan Laxey.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa booqday deegaanka Caddaan-laxeey waxana uu dhiirogelin ugu tagay ciidamada kala duwan ee wacdaraha u dhiggay Khawaarijta.

“Hirshabeelle markale ayay dagaal adag ku jirtaa, Caddaan-laxeey waxaad ka sameyseen halgan gobbanimo ah. Waxaan wadnaa abaabul xooggan oo dagaalka ah.”

Ugu dambeyn Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa tilmaamay in Hirshabeelle ay weli tahay fagaaraha gumaadka argagixisada.

   

Deegaano kale oo laga saaray Maleeshiyaadka Daacish

Boosaaso: Ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa goor dhawayd la wareegay Deegaanka Sheebaab oo ka tirsan Dagmada Qandala ee Gobalka Bari ahayd Fariisin u muhiim ah Kooxda Khawaarijta ah ee Daacish ahaydna Saldhiga Hogaanka sare ee Kooxdan .

Ciidamada ayaana si Nabadgalyo ah kula wareegay Tuulada sheebaab taasi oo Muujinaysa Jabka Xoogan ee Soogaray Kooxda argagixisada ah ee Daacish iyo inay u Adkaysan waayeen Gulufka Dagaal ee Ciidmada Puntland ee Howlgalka Hillaac ee Ciribtirka argagixisada.

Sheebaab waxay Dagmada Qadiimiga ah ee Qandala u jirtaa 30KM kagana Beegantahay Dhanka Buuralayda Calmiskaad ee Kulaaala dagmada qandala

Wasiirka cadaaladda iyo Dastuurka oo la kulmay safiirka Sucuudiga

Wasiirka wasaaradda cadaaladda iyo Dastuurka dowladda FS mudane Xasan Macalin ayaa kulan la qaatay danjiraha boqortooyada Sucuudiga Axmed Bin Maxamed Al-muwalad, kaas oo looga hadlay xaaladihi u dambeeyay ee mawaadininta Soomaliyeed ee xukunada dilka ah ay ku xukumeen garsoorka Sucuudigu.

Wasiir Xasan macallin ayaa u gudbiyay safsafiirka Sucudiga walaaca ay ka qabaan in tiro intaas la eg oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah in lagu xukumo dil, isaga oo sidoo kale u sheegay safiirka rabitaanka dowladda Soomaaliya in xaaladaha sharci ee muwaadinintaas inay kala hadlaan dowladda Sucuudiga, si looga wada hadlo suuraglnimada in wasaaradaha cadaaladda Suucudiga iyo Soomaaaliya in ay kala saxiixdaan heshiisyo dhanka iskaashiga garsoorka oo lagu xaliyo xaaldaha noocaan oo kale, sida in laga shaqeeyo is dhaafsiga eedeysanayaasha iyo xukun sugayaasha labada dhinac.

Safiirka dowlada Sucuudiga mudane Al-muwalad ayaa uga mahad celiyay wasiirka cadaalada soo dhawayntiisa, isaga oo muujiyay sida uu uga xun yahay xaaladaha soo cusboonaday, sidookalena carabka ku adkeeyey sida ay dowaladiisa ay uga go’antahay in dowalda Soomaaliya gaar ahaan hay’aha cadaaladda ay kala shaqeeyan sidii iskaashi looga samayn lahaa dhinaca cadaaladda.

Ugu dambeyntii wasiirka aya uga mahadceliyay safiirka iyo dowlada sucuudiga wada shaqeynta iyo xiriirka dhow ee diblomaasiyadeed.

Wasiir Biixi oo guddoomiyey kulan ku saabsan maamul wanaagga maaliyadda

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka billaha ah ee Guddiga Maamul-Wanaagga Maaliyadda (FGC) oo ay ku midaysan yihiin qaar ka mid ah Hey’adaha Dowladda FS iyo Saaxibada Caalamiga ah ee Soomaaliya ka taageera horumarinta dhaqaalaha.

Kulankan oo ahaa kii 67-aad ee Guddigani ay yeeshaan ayaa maanta lagu falanqeeyay arrimo ay ka mid yihiin horumarinta dakhliga gudaha iyo xeerarka maaliyadeed ee dalka, sida Hannaanka Maamulka Maaliyadda Guud (PFM), sidoo kale waxaa kulanka maanta ka soo qayb galay Wasiirka Badroolka XFS Mudane Daahir Shire Maxamed oo warbixin guud ka bixiyay dadaalada Dowladda ee horumarinta arrimaha soo saarista shidaalka iyo sida ay qeyb muhiim ah uga qaadan karto dakhliga gudaha.

Shirkan oo saldhig u ah hufnaanta Maaliyadda dalka iyo sida ay uga go’an tahay Dowladda in ay horumariso dhaqaalaha dalka ayaa waxaa goob joog ka ahaa xubno matalayay Bangiga Adduunka, IMF, Midowga Yurub iyo xafiisyada sare ee Dalka sida Xafiiska Madaxweynaha, Xafiiska Ra’isul Wasaaraha, Madaxda Bangiga Dhexe iyo Bangiga horumarinta dalka.

      

Wasiirka isgaarsiinta oo ka qeyb galay daah furka shirweynaha iskaashiga Dijitaalka iyo Horumarinta

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyadda Soomaaliya, Mudane 𝐌𝐀𝐗𝐀𝐌𝐄𝐃 𝐀𝐀𝐃𝐀𝐍 𝐌𝐀𝐂𝐀𝐋𝐋𝐈𝐍 (𝐒𝐎𝐎𝐌𝐀𝐀𝐋𝐈) ayaa ka qeyb galay Shirweynaha Iskaashiga Dhijitaalka iyo Horumarinta 2025, oo maanta ka furmay magaalada Camaan ee dalka Jordan.

Shirka waxaa si wadajir ah u soo qabanqaabiyay Guddiga Dhaqaalaha iyo Bulshada ee Qaramada Midoobay (ESCWA) iyo Jaamacadda Carabta, iyagoo kaashanaya Wasaaradda Dhaqaalaha Dhijitaalka iyo Horumarinta ee Jordan.

Shirkan oo ay ka soo qayb galeen Wasiirrada Isgaarsiinta ee dalalka Carabta ayaa diiradda lagu saaray dib u eegista ajendaha dhijitaalka ah ee carabta 2023-2033, iyadoo laga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhanka tiknoolojiyadda, is-weydaarsiga aqoonta iyo dadaallada lagu horumarinayo dhijitaleynta gobolka.

Intii uu socday shirka, Wasiirka Isgaarsiinta iyo tiknoolojiyadda ee Soomaaliya Maxamed Soomaali ayaa ka hadlay doorka ay Soomaaliya ka qaadanayso horumarinta dhijitaalka, isagoo iftiimiyay muhiimadda ay leedahay in la dhiso kaabayaasha isgaarsiinta casriga ah, lana dhiirrigeliyo hal-abuurka tiknoolojiyadda iyo in la sameeyo xeerar fududeynaya koboca dhaqaalaha dhijitaalka ah.

Wasiir Maxamed Soomaali ayaa sidoo kale la yeeshay kulamo gaar gaar ah dhiggiisa wadamada kale, si loo xoojiyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee lagu horumarinayo adeegyada isgaarsiinta iyo tiknoolojiyadda ee Soomaaliya.

Shirkan ayaa fursad muhiim ah u ah dalalka carabta si ay u xoojiyaan wada-shaqeynta dhinaca dhijitaalka, loona xaliyo caqabadaha taagan, iyada oo la horumarinayo qorshayaal mustaqbalka fog ah oo ku aaddan horumarinta dhaqaalaha dhijitaalka ah.

 

 

   

Wasiirka Tamarta iyo kheyraadka Biyaha XFS oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Qadar

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Qadar ayaa magaalada Dooxa kula kulmay Wasiirka Tamarta ee dalkaas mudane Saad Sherida al-Kaabi.

Labada wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada waddan iyo iskaashiga arrimaha tamarta.

Iskaashiga arrimaha tamarta ayaa dhabbaha u xaaraya mustaqbalka horumar waara oo ay Soomaaliya uga faa’iideysato tamarta cagaaran.

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐬𝐚𝐧𝐚𝐝𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐪𝐢𝐢𝐦𝐞𝐲𝐭𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐝𝐢𝐛 𝐮 𝐞𝐞𝐠𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐟𝐮𝐫𝐦𝐞𝐲

wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u furey Shirka Sanadlaha ah ee qiimeynta iyi dib u eegista Caafimaadka dalka oo socon doona muddo sedax cisho ah.

Munaasabadda waxaa kasoo qeyb galey Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka XFS, Mohamed Hassan Bullaale, Wasiirka Caafimaadka Hirshabeelle, Saadaq Maxamed Xuseen, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka XFS, Guuleed Cabdijaliil Agaasimaha Caafimaadka Gobolka Banaadir, Cabdiraxman Axmed Maxamuud, agaasime waaxeedyada Wasaaradda Caafimaadka, mas’uuliyiin ka socdey Wasaaradda Qorsheynta XFS, xubno sare oo ka socdey dowlad goboleedyada, Hey’adaha Caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha Caafimaadka, Bangiga aduunka, GFF iyo marti sharaf kale.

Kulankan sanad laha ah waa kulankii ugu horreeyey ee noocan ah la qabto waxaana lagu lafa guri doonaa in howlaha Caafimaadka ee ka socda dalka caqabadaha jira iyo sidii loo heli lahaa xal waara iyadoo laga sii fakarayo ajandayaasha Caafimaadka ee dalkeen kaas oo la jaan qaadayo qorshaha Isbedalka Qaranka ee NTP, si loo helo Caafimaad dhameystiran oo laga heli karo g oob kasta.

Soomaaliya oo 35 kadib ku guulaysatay inay ka baxdo liiska dowladaha lagu leeyahay qaaraanka Golaha Ammaanka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya 35-sano ka dib ku guulaysatay inay ka baxdo liiska dowladaha lagu leeyahay qaaraanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in arintaan ay timid ka dib markii ay dawladda Soomaaliya bixisay Qaraankii lagu lahaa taas oo kor uqaaday suncadda Soomaaliya.

Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa dhanka kale tilmaamay in dowladaha aanan bixin qaraanka aysan wax cod ah ku yeelan doonin fadhiyada goalaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay, sida ku cad liiskaan hoose oo ay ku jiraan dowlado badan.