Wasiir Biixi oo shir guddoomisay kulan looga hadlayo isbeddelka cimillada

Abu Dhabi- Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa shir guddoomiyay kulankii ugu horreeyay ee shabakadda Isbeddelka cimilladada dalalka ay colaaduhu saameeyeen oo lagu qabtay magaalada Abu Dhabi ee dalka isutagga imaaraadka Carabta.

Shirkaan oo heer-Wasiir ahaa ayaa waxaa ka qeybgalay qaar ka mid ah dalalka ay saameeyeen isbeddelka cimillada iyo colaadaha.

Kulanka Shabakadani oo ah kii ugu horeeyay ee ay yeeshaan tan iyo markii la aas-aasay kadib shir weynihii Isbeddelka cimilada COP29 ee lagu qabtay dalka Azarbajan ayaa waxaa hadda looga arrinsanayaa sidii ay taageero gaar ah u heli lahaayeen dalalka nugul ee ay wali ka muuqdaan saameynta colaadaha iyo cimillada.

Wasiirka Maaliyadda XFS ayaa halkaasi ka jeediyay khudbad nuxurkeedu ahaa saameynta Soomaaliya ee xilliyada kala duwan ee abaaraha iyo fatahaadda oo salka ku haya isbeddelka guud ee cimilada Adduunka.

Wasiir Biixi ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in madashu ay la timaaddo wax qabad wadareed si loo samata bixiyo dhammaan bulshooyinka ay saameeyeen isbeddelka cimillada.

Dhanka kale, Wasiirka Maaliyadda XFS ayaa la filayaa inuu ka qeyb galo shir ay wadajir ugu kulmayaan dalalka carabta oo ku saabsan horumarinta dhaqaalaha iyo maalgalinta ganacsiga oo isna berri lagu qaban doono magaalada Abu Dhabi ee dalka UAE.

Khawaarijta oo jabkii ugu weynaa lagu gaarsiiyay Hiiraan iyo Sh/dhexe (WARBIXIN)

Ciidanka Qaranka iyo Geesiyaasha Dadka Deegaanka ayaa shalay si wayn cadowga Khawaarijta ah ugu jabiyay isku dayo la fashiliyay oo Khawaarijtu ay ku soo qaadeen goobo ku yaalla Dowlad Goboleedka Hirshabeelle weeraro nafla caari ah. In ka badan 70 ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta ayaa lagu dilay hawlgallo ka hortag ah oo Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ay ku jebiyeen cadowga, kuwaasi oo ka dhacay deegaanka Caddow-Guray oo ka tirsan Gobolka Hiiraan, deegaanka Ceel Cali Axmed iyo degmada Alkowsar oo ka tirsan Gobolka Shabeellada Dhexe.

Geesiyaasha Ciidanka Qaranka oo sii hayey xogta isku dayada nafla caariga ah ee Khawaarijta ayaa mid kasta sidii loo qorsheeyay u burburiyay, waxaana hadda yaalla goobaha ay ka dhaceen hawlgallada meydadka Khawaarijta oo ay ku jiraan horjoogayaal. Inta ay socdeen hawlgalladaan waxaa sidoo kale lagu furtay hub badan, halka sidoo kale lagu burburiyay gaadiid nooca dagaalka, kuwaasi oo ay wateen Khawaarijtu.

Dowladdu waxay wali tirakoobaysaa khasaaraha iyo jabka aan la soo koobi karin ee cadowga lagu gaarsiiyay hawlgallada guulaystay ee maanta lagu fashiliyay dhagarta cadowga, dhawaanna lala soo wadaagi doonaa shacabka Soomaaliyeed wararkii ugu dambeeyay.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Ganeraal Sahal Cabdullaahi Cumar oo hoggaaminayey hawlgalka looga hortegay damacii guracnaa ee ay Khawaarijtu ku doonayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka ku dhaqan magaalada Al-kowsar ayaa bogaadiyey guulaha taariikhiga ah ee ay soo hooyeen Ciidanka XDS iyo xaq u dirirka deegaanka oo maanta xasuuqay cadowga. Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa tilmaamay in maanta Khawaarijta jab xooggan loogu geystay gobollada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan, islamarkaana looga dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad badan, halka howlgallada looga gubay gaadiiid dagaal., wuxuuna hoosta ka xariiqay in howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta ay sii socon doonaan dhawaana laga saari doono goobaha ay gabaadka ka dhiganayaan.

Warsaxaafadeed ay soo saartay dowladda ayaa lagu sheegay in Ciidanka Qaranka iyo Geesiyaasha Dadka Deegaanka ay si wayn cadowga Khawaarijta ah ugu jabiyeen isku dayo la fashiliyay oo Khawaarijtu ay ku soo qaadeen goobo ku yaalla Dowlad Goboleedka HirShabelle weeraro nafla caari ah. In ka badan 70 ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta ah ayaa lagu dilay hawlgallo ka hortag ah oo Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ay ku jebiyeen cadowga, kuwaasi oo ka dhacay deegaannada Cadow-Guray oo ka tirsan Gobolka Hiiraan iyo degaannada Ceel Cali Axmed iyo Alkowsar oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Geesiyaasha Ciidanka Qaranka oo sii hayey xogta isku dayada nafla caariga ah ee Khawaarijta ayaa mid kasta sidii loo qorsheeyay u burburiyay, waxaana hadda yaalla goobaha ay ka dhaceen hawlgalada maydadka Khawaarijta oo ay ku jiraan horjoogayaal, inta uu socdeyna hawlgaladan waxaa sidoo kale lagu furtay hub badan, halka sidoo kale lagu burburiyay gaadiid nooca dagaalka kuwaasi oo ay wateen Khawaarijtu.

Dhinaca kale Maamulka gobolka Hiiraan ayaa abaalmarin gudoonsiiyay geesiyaal ka tirsan ciidamada Macawisleyda oo howlgal qorsheysan ku dilay dhagar qabe ka tirsanaa Khawaarijta kaasi oo ay ka fuliyeen deegaanka Ceelka-baar ee dhaca galbeedka magaalada Beledweyne. Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Mudane Muuse Salaad Wehliye ayaa geesiyaasha fuliyay howlgalka ku wareejiyay laba qori oo AK-47 ah kuwaasi oo qeyb ka ah ballanqaadyadii maamulka gobolka Hiiraan horay u shaaciyay, wuxuuna ballan qaaday in abaalmarino la gudoonsiin doono cid kasta oo cadowga Khawaarijta ah naafeysa.

“Ismaqiiqa ruux baxa ah ee Khawaarijtu waa fashilmay, alle ka sakoow waxaa mahadsan Geesiyaasha Jilibka udhigay kuwa maandoorsan ee damacooda Beeniyay, Shabaab iyo Daacish waxeey ku jiraan Maalmahoodii sagootinta”, sidaasi waxaa Bartiisa Bulshada ku qoray Wasiir ku xigeenka Warfaafinta mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cadaala.

Seddex maalin ka hor Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigey ku dhawaad 30 ka tirsan Maleeshiyada khawaarijta ah ee Al-shabaab oo isku dayayey inay doomo yar yar  uga soo  gudbaan Webiga Shabeelaha, gaar ahaan deegaanka yaaqle ee gobolka Shabeelaha Dhaxe. kuwaasi oo gurmad ahaan ugu socdey khawaarijta ku go’doonsan deegaannada Maamulada Hirshabeele iyo Ga,mudug, iyaga oo ka   yimid  dhanka gobolka Shabeelaha hoose.

Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha xaq u dirirka ah ee gobolka Hiiraan ayaa shalay subax Khawaarijta ku laayey Aagga deegaanada Beerayabaal iyo Aboorey oo hoos taga degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan, halkaas oo lagu soo bandhigay Meydadka Khawaarijta oo tirabeel ah, Hub iyo Gaadiid dagaal oo cadowga laga furtay. Ciidamada ayaa waaberigii hore ee shalay fashiliyay weerar naflacaari ah oo Khawaarijtu ku soo qaaday goobaha subaxaasi lagu laayey, waxaana weli dhulka howdka ah ee dhaca jiinka Wabiga Shabeelle ka socda baacsiga firxadkii Khawaarijta.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ka socda Hiiraan ee jabka culus lagu gaarsiiyey Khawaarijta ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in ay bulshada la wadaagi doonaan faahfaahinta sida loo fashiliyey dhagartii Khawaarijta, isla markaana ay soo bandhigi doonaan khasaaraha rasmiga ah ee la gaarsiiyey Khawaarijta.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyey guulaha ay ka gaareen Ciidamada Qaranka iyo kuwa Deegaanka dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah ee ku dhuumaaleysanaya deegaanno ka tirsan gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in geesiyaasha huraya naftooda ee u dhimanaya difaaca dalkooda iyo dadkooda ay baal dahab ah ka geli doonaan taariikhda, isaga oo hoosta ka xarriiqay in marnaba aan laga hari doonin Khawaarijta goob walba oo ay ku sugan yihiin, maadaama ay u taagan yihiin ka been sheegga diinta, daadinta dhiigga shacabka iyo burburinta maalka ummadda Soomaaliyeed.

“Waxaan bogaadinayaa guulaha isdaba-joogga ah ee Geesiyaasha Soomaaliyeed ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ay ka soo hoyeen furimaha dagaalka, iyada oo jab xoog leh la gaarsiiyey kooxaha Khawaarijta ah, lagana sifeeyey goobo badan oo ay ku dhuumaaleysanayeen, isla markaana ay ku dhibaateyn jireen shacabka Soomaaliyeed, oo hadda la gaarsiiyay harka dowladnimada”. Mudane Xamsa, ayaa tilmaamay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay sidii dalka looga sifeyn lahaa kooxaha Khawaarijta ah ee diiddan nabadda Soomaaliya iyo in bulshada la gaarsiiyo adeegyada ay u baahan yihiin, maadaama ay iyagu hortaaggan yihiin wax walba oo horumar u horseedaya dadka iyo dalka.

Saraakiisha sida aadka ah ugu takhasusay arrimaha  ciidamada ayaa isweydiinaya sababta ay u qaadan la’yihiin doorkooda ciidamada ka midka ah Booliska, sida Haramcad, Daraawiish, Birmad iyo goodir oo ah ciidamo gaar ah oo u diyaarsan sida militeriga, waxaanaloo baahan yahay in la  fahmo kaalinta markasi la joogo xilligaan oo kale, iyadoo la ogsoon yahay in Dhamaan ciidamada gaarka ahi ay yihiin kuwa loo diyaariyay ka jawaabista dagaalada Argagixisada sida dagaalka hadda socda oo kale.

Ciidamadaasi ayaa dhammaan loogu tala galay in ay gacan u noqdaan ciidamada xoogga dalka ee jooga furumaha dagaalka, marka ciidamada Daraawiish, Haramcad, Birmad iyo Goodir, waa in ay garab istaagaan ciidamada kale ee ku jira dagaalka.

Soomaaliya iyo Norway oo iska kaashanaya la dagaallanka fikirka xagjirnimada rabshadaha wata

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow Cali oo uu wehliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ibraahim Aadan Ibraahim (Nadaara) ayaa kulan la yeeshay ergeyga gaarka ee dowlada Norway u qaabbilsan Soomaaliya Mr Einar Rystad iyo Safiirka dowlada Norway u fadhiya Magaalada Muqdisho Mr Carsten Carlsen.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay muhiimadda iyo mudnaanta ay leedahay in la iska kaashado dardar gelinta howlaha la xiriira ka hortagga iyo la dagaallanka afkaaraha xagjirnimada ee rabshadaha wata, iyadoo la xoojinayo wacyigelinta bulshada iyo ciidamada si halista afkaarahaasi looga badbaadiyo dhallinta Soomaaliyeed ee soo koraya.

Sidoo kale kulanka ayaa lagu bogaadiyay horumarka ay dowlada Soomaaliya ka sameysay dagaalka seddex geesoodka ah ee ay kula jirto Khawaarijta, kuwaas oo kala ah, dhinacyada milletariga, dhaqaalaha iyo tiirka dhanka fikirka (Ideological Pillar) oo ay hoggaamiso Wasaaradda.

Maxkamadda gobolka Banaadir oo billowday dhagaysiga dacwad ka dhan ah eedeysanayaal loo haysto tahriibinta dadka

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta billowday dhageysiga dacwad ciqaab ah oo loo heysto toddobo qof oo xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka uu kusoo eedeeyay in ay galeen dambiyo la xariira tahriibinta, ka ganacsiga dadka iyo dembiyo kale.

Eedeysanayaasha ayay ciidanka Boliiska kasoo qabteen xaafado kala duwan oo ku yaalla magaaladda Muqdisho, kadib markii xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka uu helay xogta shabakaddaan.

Eedeysanayaasha ayaa loo haystaa in ay ku lug leeyihiin tahriibinta dhallinyaradii dhammaadkii sannadkii hore ku geeriyootay badweynta Hindiya kuwaasi oo gaarayay 28 qof, kadib markii magafayaashii loo gacan galiyay ee badweynta kaga tageen doontii la saaray.

Dowladda Soomaaliya ayaa dalkoodii dib ugu soo celisay dhallinyaradii ka badbaaday dhacadaasi, iyadoo sidoo kale soo celisay dhallinyaro badan oo ku xirnaa xabsiyada waddamo kala duwan..

SoDMA oo gargaar gaarsiisay Shabeellada hoose

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa deeq isugu jirta raashin iyo dhar gaarsiisay 6,000 qoys oo ku nool deegaanka Tawakal ee hoostaga degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose.

Qoysaskan deeqda la gaarsiiyay oo isugu jiray danyar iyo naafo ayaa u mahad celiyay hay’adda SoDMA , waxanay ka codsadeen ay sii labalaabto howlaha gargaarka maaddaama ay foodda nagu soo hayso bisha barakaysan ee Ramadaan.

Lataliyaha amniga Qaranka oo faah-faahin ka bixiyay qorshaha howlgalka cusub ee AUSSOM

Lataliyaha amniga Qaranka mudane Xuseen Macallin Maxamuud ayaa faah-faahin ka bixiyay qorshaha howlgalka cusub ee Ciidanka AUSSOM oo dhawaan si rasmi ah u billaabanaya.

Howlgalkan oo ay qayb ka yihiin waddamada Jabuuti, Masar, Itoobiya, Kenya iyo Yugaandha ayuu sheegay in ay howlgallada ka socda dalka ku hoggaamin doonta dowladda Soomaaliya.

Lataliyaha oo waraysi gaar ah siiyay Warbaahinta Qaranka ayaa sidoo kale sheegay in horumar ballaaran laga sameeyay amniga dalka iyo dagaalka lagula jiro Khawaarijta.

Xuseen Macallin Maxamuud lataliyaha amniga Qaranka ayaa xusay in sanadaha soo socda uu qorshuhu yahay in Ciidanka xoogga dalka uu helo aalado ciidan oo dhamaystiran, si meesha looga saaro kooxaha argagixisada ee caqabadda ku ah dowlad dhiska Soomaaliya.

Hay’adda SoDMA oo ansixisay qorshayaal ku aaddan mashruuca ka soo kabashada dhibaatada Soomaaliya

Hay’adda Maareynta Musiiboyinka oo kaashaneeysa Wasaaradaha Gargaarka ee Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle iyo Hay’adda Cunnada Aduunka (WFP), ayaa ansixiyey qorshayaal wax-ku-ool ah oo ku aaddan mashruuca ka soo kabashada dhibaatada Soomaaliya (SCRP) oo uu taageero Bangiga Adduunka.

Kulanka ansixinta ayaa isku keenay daneeyayaasha muhiimka ah oo ay ku jiraan Dowladda Soomaaliya, Dowlad goboleedyada, Hay’adaha Qaramada Midoobay, NGO-yada maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah, iyadoo la meelmariyay shan dukumeenti oo kala ah;

➤ Qaab-dhismeedka nidaaminta
➤Tilmaamaha Maareynta Masiibooyinka
➤Hababka Hawleed ee Caadiga ah
➤Qorsheyaasha Digniinta Hore
➤Ka jawaabista xaaladaha degdegga ah Hirshabeelle & Koonfur Galbeed.

Dukumeentiyadan ayaa muhiim u ah hagaajinta iyo awood-siinta nidaamka maareynta musiibooyinka ee Soomaaliya, iyadoo la raacayo tilmaamaha iyo qorshayaasha loogu talagalay ka jawaabidda musiibooyinka, si gaar ah wax ka qabashada xaaladaha deg-degga ah ee ka jira Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed

Dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka oo ka warbixiyay howlgalladii ugu dambeeyay

Ciidanka Qaranka Soomaaliya iyo howgalka Militariga Mareykanka ee Afrika ( AFRICOM ) oo iskaashanaya ayaa fuliyay howlgal duqeyn ah oo lagu naafeeyay cadowga argagixisada ah ee maanta ku hungoobay, laguna jabiyay weerar ay ku soo qaadeen dagmada Alkowsar ee gobolka Shabeellaha dhexe ee dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Duqeynta oo ay fuliyeen US AFRICOM oo kaashanaya Ciidanka Qaranka ayaa lala beegsaday firxadka maaleeshiyaadkii iyo horjoogayaashii Khawaarijta ee lagu jabiyay dagaalkii maanta ay la galeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo geesiyaasha deegaanka.

Wali waxaa socota qiimeynta khasaaraha gaaray cadowga oo aad loogu naafeeyay dagaalkii maanta, waxaana dadweynaha Soomaaliyeed la socodsiin doonaa hadba wixii ka soo kordha.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa saaxiibada caalamka sida Howlgalka AFRICOM ee Mareykanka waxaa ka go’an xoojinta iskaashiga lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta oo cadow ku ah ummadda Soomaaliyeed iyo caalamka intiisa kale.

Ciidanka xoogga jab xooggan u geystay khawaarijta

Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha xaq u dirirka ah ee gobolka Hiiraan ayaa saakay Khawaarijta ku laayay aagga deegaannada Beera yabaal iyo Aboorrey oo hoos taga degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan, halkaas oo lagu soo bandhigay meydadka Khawaarijta, hub iyo gaadiid dagaal oo cadowga laga furtay.

Ciidamada ayaa waaberigii hore ee saakay fashiliyay weerar naf lacaarinimo ah oo ay Khawaarijtu ku qaaday goobaha saakay lagu laayay, waxaana weli dhulka howdka ah ee dhaca jiinka Wabiga Shabeelle ka socda baacsiga firxadkii Khawaarijta.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ka socda Hiiraan ee jabka culus lagu gaarsiiyay Khawaarijta ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in goordhow ay bulshada la wadaagi doonaan faah-faahinta sida loo fashiliyay dhagartii argagixisada, isla markaana ay soo bandhigi doonaan khasaaraha rasmiga ah ee la gaarsiiyey Khawaarijta.

SoDMA oo gaadiid gargaar wada u dirtay Shabeelaha dhexe

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SoDMA ayaa caawa magaalada Muqdisho ka ambabixisay 11-gaari oo sida shixnad gargaar ah, kuwaas oo si gaar ah ugu wajahan deegaanada Ceel Cali Axmed iyo A-lkowsar ee gobolka Shabeellada dhexe oo dhawaana khawaarijta ay ku soo qaaday weerar nafla caari ah.

Gargarkaan ayaa ka kooban qeybaha raashinka, Daawo ,Teendhooyin iyo agab kale oo muhiim ah waxaana loogu tala-galay in ay ka faa’iidaysantaan 15,000 oo qoys kuwaas oo ku barakacay dagaaladii halkaas ka dhacay.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa gadiidkaan ka sagootiyay duleedka magalada Muqdisho, waxana uu sheegay in deegaan walba oo iska xoreeya khawaarijta Gargaar Kan lamid ah ay gaarsiin donaan, isaga oo si gaar ah u ammaanay shacabka ku nool A-lkowsar iyo Ceel Cali Axmed iyo ciidamadi qaranka ee dhawaan khawaarijta ku jabiyay weerar ay ku soo qaaday deeganadaas.