Wasiir Biixi oo khudbad ka jeediyay shirka horumarinta dhaqaalaha dalalka Carabta ee ka socda waddanka Imaaraadka

Abu Dhabi- Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige oo ku sugan Magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa khudbad muhiim ah ka jeediyay madasha horumarinta dhaqaalaha iyo maalgalinta ganacsiga ee dalalka Carabta iyo waddamada bartamaha Qaaradda Asia.

Madashani ayaa waxaa diiradda lagu saaray sida uu noqonayo dhaqaalaha mustaqbalka dhow iyo fursadaha maal-gelineed ee muhiimka ah, xilli dunida oo dhan ay wajahayso marxaladaha Isbeddelka Cimillada.

War-murtiyeed kasoo baxay kulan dhex maray madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed

War-murtiyeed dhinacyo badan taabanaya ayaa kasoo baxay kulan ay madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ku yeesheen madaxtooyada Qaranka ee Muqdisho.

War-murtiyeedka ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga ah ee Federaalka Itoobiya Abiy Axmed Cali oo booqasho shaqo ku jooga Soomaaliya”.

Booqashadan ayaa daba socota kulamo xiriir ah oo socday dhowrkii bilood ee la soo dhaafay, waxayna xoojinaysaa sidii loo caadiyayn lahaa xiriirkii laba geesoodka ahaa ee labada dal.

War-murtiyeedka ayaa lagu sheegay in labada hoggaamiye ay dib u xaqiijiyeen sida ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiga wax tarka leh, iyagoo aqoonsaday xiriirka qotada dheer ee taariikhiga ah ee ka dhexeeya dadkooda iyo xudduudaha ay wadaagaan ee isku xira, waxay carabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay dhisidda kalsoonida, iyada oo la xoojinayo iskaashiga diblomaasiyadeed, dhaqaale, iyo bulsho.

Itoobiya iyo Soomaaliya waa dalal dhex-dhexaad ah oo leh qaddiyad guud iyo aragti wadaag, kuna dhisan xasilloonida gobolka iyo barwaaqada.

Labada hoggaamiyaba waxay muujiyeen in ay ka go’an tahay hirgelinta mashaariicda kaabayaasha istiraatiijiga ah si loo xaqiijiyo horumar waara, is-dhexgalka dhaqaalaha iyo xoojinta xiriirka dadka ayaa lagu yiri war-murtiyeedka.

Hoggaamiyeyaashu waxay soo dhoweeyeen go’aanka wada hadalladii farsamo ee Ankara, sida lagu heshiiyay baaqa Ankara, iyagoo hoos u dhigaya sida ay uga go’an tahay wada-hadal iyo iskaashi wax dhisaya.

Waxay sidoo kale soo dhaweeyeen is afgaradkii dhexmaray ciidanka Qaranka Soomaaliyeed (SNA) iyo taliska ciidanka difaaca Qaranka Itoobiya (ENDF), iyagoo u aqoonsaday tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo iskaashiga amniga iyo xoojinta xasilloonida gobolka.

Labada dhinac ayaa ku celiyay sida ay uga go’an tahay in ay ka wada shaqeeyaan dardar-gelinta danaha guud, kor u qaadidda nabad-gelyada iyo amniga, xiriir qoto dheerna u yeeshaan maslaxadda shacabkooda iyo tan gobolka geeska Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo muqdisho kusoo dhoweeyay Ra’iisul wasaare Abiy Axmed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Federaalka Ethiopia, Mudane Abiy Axmed Cali iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho rasmi ah ay maanta uga bilaabatey Soomaaliya.

Safarka Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed oo booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Muqdisho ayaa qeyb ka ah isku soo dhowaanshaha iyo bogga cusub ee u furmaya labada dal, dhanka Iskaashiga, is-qaddarinta iyo in gobolka xasilooni lagu soo dabbaalo, kadib hal sanno oo xiriirka labada dal ay caqabado hareeyeen.

Bishii December ayaa Ethiopia si rasmi ah uga noqotey heshiiskii mugdiga dhex dhigay xiriirka labada dal, kadib markii magaalada Ankara ay ku kulmeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, halkaasna lagu gaarey Baaqii Ankara.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa sheegay in booqashada Abiy Axmed ee Muqdisho ay ka tarjumeyso isku soo dhowaanshaha labada dal iyo dhabbada cusub ee la qaadey ee ku dhisan iskaashi iyo xiriir ku dhisan horumarka dhaqaalaha.

Wasiirka ayaa intaa ku darey in labada hoggaamiye ay yeelan doonaan wadahadal la xiriira xoojinta iyo iskaashiga labada dal.

RA’IISUL WASAARAHA ETHIOPIA OO MAANTA BOOQASHO KU IMAANAYAA MAGAALADA MUQDISHO

Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Mudane Abiy Axmed Cali ayaa maanta booqasho ku imaanaya magaalada Muqdisho.

Booqashada Ra’iisul Wasaaraha ayaa qeyb ka ah isku soo dhowaanshaha iyo bogga cusub ee u furmaya labada dal, dhanka Iskaashiga, is-qaddarinta iyo in gobolka xasilooni lagu soo dabbaalo, kadib hal sanno oo xiriirka labada dal uu caqabado hareeyeen.

Bishii December ayaa Ethiopia si rasmi ah uga noqotey heshiiskii mugdiga dhex dhigay xiriirka labada dal, kadib markii magaalada Ankara ay ku kulmeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, halkaasna lagu gaarey Baaqii Ankara.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa sheegay in booqashada Abiy Axmed ee Muqdisho ay ka tarjumeyso isku soo dhowaanshaha labada dal, iyo dhabbada cusub ee la qaadey ee ku dhisan iskaashi iyo xiriir ku dhisan horumarka dhaqaalaha .

Wasiirka ayaa intaa ku darey in labada hoggaamiye ay yeelan doonaan wadahadal la xiriira xoojinta iyo iskaashiga labada dal.

Khawaarijta oo jab xooggan lagu gaarsiiyay duleedka Balcad

Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa waaberigii hore ee saakay fashiliyey weerar naf la caarinimo oo ay Khawaarijtu kusoo qaadeen duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Ciidamo u badan Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa saakay cashir lama ilaawaan ah u dhigay Maleeshiyaadka Khawaarijta oo saakay salaadii subax soo weeraray fariisimmo ay ciidamadu ay ku leeyihiin duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Saraakiisha Ciidamada ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey in Maleeshiyaadka Khawaarijta ay saakay jab xooggan ku gaarsiiyeen howlgalkii dhacay, waxaana beeraha ku yaalla duleedka magaalada daadsan meydadka Khawaarijtii saakay la laayey.

Saraakiisha Ciidamada waxa ay sidoo kale sheegeen iney wadaan tira koob rasmi ah oo lagu ogaanayo tirada Maleeshiyaadka kooxda Khawaarijta ah saakay looga dilay duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Wixii Faah Faahin ah la soco insha Allah

Wasiirka Amniga oo kormeer socod ah ku maray waddooyinka Muqdisho

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullahi Sheikh Ismail (Fartaag) iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa magaalada Muqdisho mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa xalay kormeer socod ah oo ay ugu kuur galayeen amniga iyo bilicda caasimadda ku maray qaar ka mid ah waddooyinka magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiinta ayaa waxa ay booqdeen goobaha ay bulshada isugu yimaaddaan, iyaga oo ka wareystay xaaladda amniga magaalada iyo horumarrada isdaba joogga ah ee caasimadda kusoo siyaadaya.

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullahi Sheikh Ismail (Fartaag) ayaa ku bogaadiyay saraakiisha hey’addaha amniga sida ay had iyo jeer ugu taagan yihiin sugidda amniga, isaga oo kula dardaarmay in si dabacsan loogu adeego bulshada.

Duqa magaalada Muqdisho mudane Amiir ayaa faray waaxaha dowladda hoose Xamar ee ku shaqada leh kor u qaadista bilicda iyo nadaafada in ay dardargeliyaan howlaha kor loogu qaadayo horumarinta Magaalada.

Wasaaradda gaashaandhigga oo war ka soo saartay hawlgalka AUSSOM

Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo war ka soo saartay howlgelinta howlgalka cusub ee AUSSOM ayaa ugu horeyn u mahadcelisay Guddiga isku xirka howlaha Soomaaliya ee Midowga Afrika.

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa cadeysay in dowladda federaalka Soomaaliya ay si buuxda ula wareegtay hoggaaminta qaab dhismeedka howlgalka cusub ee AUSSOM.

Midowga Afrika ayaa hoosta ka xariiqay in uu si dhow ula shaqeyn doono dhammaan dalalka ay ka socdaan ciidamada AUSSOM, halka wada-hawlgalayaasha ay ka socdaan ciidamada ka qeyb gelaya howlgalka ay dowladda federaalka u xaqiijiyeen taageeradooda geeddi socodka nabadda Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn uga mahad-naqday naf-hurnimadii ay Ciidamada Midowga Afrika u muujiyeen, gaar ahaan howlgalladii AMISOM iyo ATMIS oo dalka ka howlgelaayey 17-kii sano ee la soo dhaafay.

Dowladda Imaaraadka oo deeq raashiin ah ku wareejisay hay’adda SoDMA

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Md. Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa deeq raashin ah oo loogu tala-galay dadka nugul ee saboolka ah kala wareegay Safiirka isku-tagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Md. Axmed Juma Al-Rumaithi.

Guddoomiyaha SoDMA ayaa deeqdaan oo loo qorsheeyay ilaa 600 oo qoys ku wareejiyay Guddoomiyayaasha degmooyinka Cabdicasiis, Xamarweyne iyo Shangaani ee gobolka Banaadir, isagoo ku adkeeyay in mudnaanta 1-aad la siiyo qoysaska sida dhabta ah ugu baahan.

Mudane Al-Rumaithi ayaa sidoo kale ballan-qaaday in bisha Ramadaan ee soo socota, Dowladda Imaaraatka Carabta ay dalka soo gaarsiin doonto gargaar bani’aadannimo oo dhan 7,000 oo tan, si loo caawiyo dadka Soomaaliyeed ee u baahan gacan-qabad iyo taageero nololeed.

NISA oo burburisay gaadiid ay khawaarijtu kasoo buuxisay qaraxyo

Howlgal duqayn ah oo ay xalay fuliyeen ciidanka sirdoonka iyo nabad sugidda Qaranka iyo saaxiibbada caalamka ayaa lagu naafeeyay khawaarijta Al-shabaab.

War saxaafadeed kasoo baxay hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in howlgalka uu ka dhacay deegaannada Sigato iyo Lebi Aw-Xasan oo u dhexeeya degmooyinka Ruun-nirgood iyo Al-kowthar ee gobolka Shabeellada dhexe, halkaas oo cadowga looga gubay kolonyo gaadiid ah oo ay kasoo buuxiyeen qaraxyo, iyadoo sidoo kale halkaasi lagu laayay dhammaan malleeshiyadii la socotay baabuurta.

Wasiirka Cadaaladda XFS oo ka qayb galay dood ku aaddan dhamaystirka dastuurka

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, ayaa ka qaybgalay dood ku saabsaneyd dhamaystirka dastuurka iyo doorashooyinka dalka.

Wasiir Xasan Macallin ayaa carrabka ku adkeeyay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay hirgelinta doorashooyin hufan, dhameystirka dastuurka iyo la dagaallanka argagixisada si loo xaqiijiyo xasillooni siyaasadeed iyo horumar bulsho.

Wasiirka ayaa sheegay in dhameystirka dastuurka uu yahay tiir muhiim u ah dhismaha dowlad waxtar leh oo ku saleysan sharciga iyo mabaadi’da dimuqraadiyadda.

Doodda oo ay ka qayb galeen dhalinyarada Gobolka Banaadir, gaar ahaan ardayda jaamacadaha kadhigta culuumta siyaasadda, xiriirka caalamiga ah iyo sharciga, ayaa waxay fursad u heleen in ay weydiiyaan wasiirka su’aalo muhiim ah oo ku saabsan geeddi-socodka dastuurka, doorashooyinka dalka iyo kaalinta dowladda ee hirgelinta isbeddellada sharci iyo siyaasadeed.

Madashan ayaa dhalinyarada siisay fursad ay ku fahmaan aragtida dowladda ee ku aaddan arrimaha dastuurka iyo doorashooyinka.