Agaasimaha NISA oo booqday askar ku dhaawacantay dagaalka dalka looga sifaynayo Khawaarijta

Agaasimaha hayโ€™adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka NISA Mudane Cabdullahi Maxamed Cali ( Sanbaloolshe) iyo saraakiil kale oo ka tirsan hayโ€™adda Sirdoonka ayaa booqday dhawaacyada askar ka tirsan ciidamada qaranka iyo geesiyadda macawisleyda oo ku jira isbitaallada magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Mudane Cabdullahi Maxamed Cali ( Sanbaloolshe) ayaa mid mid u booqday bukannada isagoo Alle uga barayay inuu caafimaad deg deg ah uu siiyo geesiyaddan ku soo dhaawacmay dagaalka ka dhan ah khawaarijta.

Agaasimaha hayโ€™adda NISA Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa ciidamada deegaanka iyo kuwa Qaranka ee dhaawacyadu soo gaareen u balan qaaday in dowladda Soomaaliya garab taagan tahay islamarkana qofkii xaaladiisa wax looga qaban waayo dalka loo qaadi doono dalka dibadiisa.

khawaarijta ayaa maalmihii u dambeeyey waxa jab xooggan loogi geystay goobihii tirada yaraa ee ay kaga dhuumanayeen gobolada Shabeellaha Dhexe,Hiiraan iyo Mudug iyadoo dhamaan laga sifeeyey goobihii dagaalku ka dhacay khawaarijta.

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ก๐š๐ฆ๐›๐š๐ฅ๐ฒ๐จ ๐ค๐ฎ ๐š๐š๐๐๐š๐ง ๐๐ข๐ฌ๐ก๐š ๐‘๐š๐ฆ๐š๐๐š๐š๐ง ๐ฎ ๐๐ข๐ซ๐š๐ฒ ๐’๐ก๐š๐œ๐š๐›๐ค๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hambalyo ku aaddan currashada Bisha Barakaysan ee Ramadan u diray Shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan muslimiinta caalamka.

Bisha Ramadaan waa fursad muhiim ah oo lagu xoojiyo midnimada, walaalnimada, iyo isu naxariisashada bulshada.

โ€œWaxaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay garab istaagaan, ayna caawiyaan dadka danyarta ah iyo kuwa jilicsan. Waa waajib ina saaran in aynu taageerno dadka baahan, gaar ahaan waayeelka, agoonta, iyo dadka dhibaateysan, waxaan idin xasuusinaya in loo baahanyahay xoojinta nabadda, is-dhexgalka bulshada iyo la-shaqaynta heyโ€™adaha amniga, kana fogaanno wax kasta oo carqalad ku noqon kara xasilloonida dalkaโ€. Ayuu yiri Raiisul Wasaaruhu.

Mudane Xamsa ayaa Alle uga baryay in uu Ramadaanka inoogu dhammeeyo nabad iyo barwaaqo, innagana aqbalo soonkeena, salaadeena iyo camalkeenna suubban.

Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday in beri Ramadaan tahay

Guddiga xaqiijinta bilashada bisha Barakaysan ee Ramadaan oo uu hoggaaminayo Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sh Mukhtaar Roobow ayaa goordhowed bulshada Soomaaliyeed u xaqiijiyye in maalinta beri ay tahay kowda bisha Ramadaan.

Wasiirka ayaa isagoo la hadlayey Warbaahinta Qaranka Sheegay in deegaano kala duwan laga arkay bilashada Bisha barakaysan ee Ramadaan.

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Federaalka Ethiopia, Mudane Abiy Axmed Cali iyo wafdi uu hoggaaminayo.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan gaar ah Xarunta Madaxtooyada kula yeeshay Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga Ethiopia Abiy Axmed oo safar shaqo ku yimid dalka.

3- Raโ€™iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed Cali oo dalka ka dhoofay kadib markii uu dhameystay booqasho uu ku yimid Soomaaliya.

4- Soomaaliya iyo Ethiopia oo soo saarey War-Murtiyeed kadib wadahadal Muqdisho ku dhex marey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raโ€™iisul Wasaare Abiy Axmed Cali.

5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho laba maalmood ah ku tegay Libya, isagoo kulamo la soo yeeshay Hoggaamiyaha Golaha Sare ee Madaxtooyada Liibiya, Mudane Maxamed Al-Manfi iyo Raโ€™iisal Wasaaraha dalkan Mudane Cabdixamiid Dubayba.

6- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyey guulaha ay ka gaareen Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka, dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah ee ka dhacay Dowlad Goboleedka HirShabeelle.

7- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa qaabbilay Wasiirka Gaadiidka, Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda ee Boqortooyada Cumaan, Eng. Saciid Bin Xaamud Bin Saciid Almacawali.

8- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ka qeyb-galay munaasabadda 55-guuradii ka soo wareegtay markii la aas-aasay Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, isagoo xusay doorka muhiimka ah ee Ciidanka Asluubtu ay ku leeyihiin dib-u-habaynta iyo horumarinta nidaamka caddaaladda ee dalka.

9- Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP-2025-2029), si loo xaqiijiyo hiigsiga horumarineed ee dalkeenna u jiheystay.

10- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa qaabbilay Danjiraha Britain u fadhiya Soomaaliya Amb. Mike Nithavrianakis.

11- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa dib ugu fasaxay 15 Xildhibaan oo horay laga mamnuucay ka qeyb-galka fadhiyada Golaha Shacabka ganaax ku dhacay awgeed.

12- Guddoomiye Ku-Xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa magaaladda Qaahira uga qeybgaley shirweynaha 7-aad ee Baarlamaanka Carabta.

13- Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka Mudane Xasan Macalin ayaa Danjiraha Boqortooyada Sacuudiga Axmed Bin Maxamed Al-Muwalad kala hadley xaaladihi u dambeeyay ee muwaadiniinta Soomaliyeed ee xukunnada dilka ah ay ku xukumeen maxakamadaha Sacuudiga.

14- Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa shir guddoomiyay kulanka billaha ah ee Guddiga Maamul-Wanaagga Maaliyadda oo ay ku midaysan yihiin Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka ee horumarinta dhaqaalaha.

15- Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Imaan Cige ayaa khudbad ka jeediyay Madasha Horumarinta Dhaqaalaha iyo Maalgalinta Ganacsiga ee Carabta iyo Bartamaha Qaaradda Asia oo ka dhacay Imaaraadka Carabta.

16- Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyadda Maxamed Aadan Macallin ayaa ka qeyb galay Shirweynaha Iskaashiga Dhijitaalka iyo Horumarinta oo ka furmay magaalada Cammaan ee dalka Jordan.

17- Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Cabdullaahi Bidhaan Warsame ayaa magaalada Dooxa kula kulmay Wasiirka Tamarta ee dalkaas Mudane Saad Sherida al-Kaabi.

18- Wasiirka Arrimaha Dibedda Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in Soomaaliya ka baxday liiska dowladaha lagu leeyahay qaaraanka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

19- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka HirShabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen ayaa sheegay in ay guuldareysteen isku day Khawaarijtu ku weerareen degaannada Caddow-Gurey, Al-Kowsar iyo Ceel Cali Axmed.

20- Taliyaasha ciidamada Soomaaliya iyo Itoobiya oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa si wadajir ah u soo saaray war-murtiyeed ku saabsan iskaashiga labada dal.

21- Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Maxamuud Aadan Geesood ayaa qaabilay wafdi uu hoggaaminayay Wasiirka Gaadiidka, Dekedaha iyo Tiknoolijiyadda Dowladda Cumaan Siciid Bin Xaamud.

22- Ciidanka Qaranka Soomaaliya iyo Hawlgalka Militariga Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa fuliyay hawlgal duqeyn ah oo ka dhan ah Khawaarijta ka fuliyay degaanka Al Kowsar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

23- Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidanka Qaranka iyo geesiyaasha degaanka ay in ka badan 70 xubnood oo Khawaarij ah ku dileen deegaanno dhaca Dowlad Goboleedka HirShabelle.

24- Hayโ€™adda Sirdoonka Qaranka oo kaashanaysa saaxiibada caalamka ayaa burburisay gaadiid ay Khawaarijtu ka soo buuxisay qaraxyo ay la damacsanaayeen shacabka gobolka Shabeelaha Dhexe.

25- Agaasimaha Hayโ€™adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe iyo Madaxweyne Ku-Xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar ayaa booqday goobihii Khawaarijta lagu laayay ee gobolka Hiiraan.

26- Ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa la wareegay saldhigga Khawaarijta Daacish ay ku lahaayeen degaanka Sheebaab.

27- Wasaaradda Caafimaadka ayaa dawo iyo qalab caafimaad ku wareejisay Wasaarada Caafimaadka ee Hirshabeelle kuwaas oo loogu talagaley degaannada ay ka socdaan hawlgallada ka dhanka ah Khawaarijta.

28- La-Taliyaha Amniga Qaranka Mudane Xuseen Macallin Maxamuud ayaa sheegay in dhawaan si rasmi ah u billaabanayo hawlgalka cusub ee Midowga Afrika ( AUSSOM) oo ay qayb ka yihiin waddamada Jabuuti, Masar, Itoobiya, Kenya iyo Yugaandha.

29- Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Xasan Macallin Maxamuud, ayaa kulan la qaatay Danjiraha Dowladda Turkiga ee Soomaaliya, Mudane Alper AktaลŸ.

30- Hayโ€™adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa sheegtay in duqeymo ka dhacay Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan lagu dilay 48 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab.

31- Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Md. Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa deeq raashin ah kala wareegay Safiirka Isutagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Md. Axmed Juma Al-Rumaithi

32- Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa billowday dhageysiga dacwad ciqaab ah oo loo heysto toddobo qof oo Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka uu ku soo eedeeyay in ay galeen dambiyo la xariira tahriibinta, ka ganacsiga dadka iyo dembiyo kale.

33- Wasiirka Degaanka iyo Isbaddalka Cimilada Mudane Bashiir Maxamed Jaamac ayaa magaalada Nairobi kulan kula qaatay Wasiirka Degaanka ee Kenya, Aadan Barre Ducaale oo ay ka wada hadleyn iskaashiga labada dal.

34- Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Cumar Cali Cabdi ayaa qaabbilay wafdi balaaran oo uu hoggaaminayay Agaasimaha Urur Goboleedka Heeganka Bariga Afrika (EASF) Brigadier Kahuaria Njema.

35- Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Bashiir Maxamed Jaamac ayaa shir guddoomiyay kulan wadatashi ah oo looga hadlayay qorshaha qaran ee ka hortagga isbeddelka cimilada.

36- Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed General Sahal Cabdullaahi Cumar oo hoggaaminayey hawlgalka degaanka Al Kowsar ee ka dhanka ah Khawaarijta ayaa bogaadiyey guulaha ay soo hoyeen Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya.

37- Maareeyaha Guud ee Hayโ€™adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Axmed Macalin ayaa magaalada Nairobi uga qeyb-galay kulanka guddiga maamulka hayโ€™adda u qaabilsan Duulista Rayidka Urur Goboleedka Bariga Afrika ee loo yaqaano CASSOA.

38- Dowladda Shiinaha ayaa taageero u fidineysa horumarinta Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir.

39- Hayโ€™adda Maareynta Musiiboyinka oo kaashaneeysa Wasaaradaha Gargaarka ee Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Hayโ€™adda Cunnada Aduunka (WFP), ayaa ansixiyey qorshayaal wax-ku-ool ah oo ku aaddan mashruuca ka soo kabashada dhibaatada xasaradaha (SCRP) oo uu taageero Bankiga Adduunka.

 

 

========DHAMMAAD=========

Wasiirka Batroolka XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday xukuumadda Azerbaijan

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee XFS Mudane Daahir Shire Maxamed ayaa heshiis iskaashi oo ku saabsan ka faaโ€™iideysiga Saliidda iyo Gaaska la saxiixday Wasiirka Tamarta ee dalka Azerbaijan Mudane Parviz Shahbazov.

Qoraal uu soo saaray Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya ayaa waxa uu ku yiri, โ€œWaxaan ku faraxsanahay inaan heshiis is-faham la saxiixday H.E. Parviz Shahbazov, Wasiirka Tamarta ee Azerbaijan, si loo xoojiyo iskaashiga qaybta saliidda & gaaska.

Iskaashigaan ayaa astaan โ€‹โ€‹u ah dadaal muhiim ah oo lagu hormarinayo shidaalka & Gaaska Soomaaliya, iyadoo laga faaโ€™iideysanayo khibradda Azerbaijan.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo boogaadiyay ciidanka Xoogga ee ku howlan la dagaalanka khawaarijta

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa ka warbixiyay khasaarooyin dhinacyo badan oo maalmihii la soo dhaafay ciidanka xoogga ay gaarsiiyeen kooxaha khawaarijta ee ku ย sugan gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

โ€œKhawaarijta Jab aad u balaaran ayaa 20 kii maalin ee la soo dhaafey ku gaarey gobolada dalka,waxaana mahaddaasi leh gessiyada Ciidanka Qalabka Sida iyo kuwa deegaanka โ€ ayuu yiri.

Wasiirka ayaa xusay in ciidanka xooga iyo kuwa deegaanka ay cashar lama iloobaan ah u dhigeen kooxaha nabad-diidka oo ku jira marxaladdii gabagabada ee lagu soo afjarayey khawaarijta .

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur,waxa uu ammaanay waxqabadka ciidanka ,gaar ahaan kuwa ku sugan Hiiraan iyo Sh/Dhexe,isagoo dalbaday in la dardargaliyo howlgallada ka dhanka ah argagixisada.

Gabagabadii wasiirka Gaashaandhigga waxa uu caddeeyay in gacanta lagu hayo kooxo maleeshiyaad ah,halka uu tilmaamay in la dilay Horjoogayaal in muddo ah dhibaatoyin ku hayey shacabka Soomaaliyeed.

Ciidanka Daraawiishta Puntland oo gacanta ku dhigay Talis Khawaarijtu ku farsamayn jirtay hubka

Cal-miskaad:-Ciidamada Daraawiishta Dowlad Goboleedka Puntland ayaa maanta gacanta ku dhigay ilaa 2,000 (Laba kun) oo gantaallo gacan ku sameys ah, kuwaas oo Khawaarijta Daacish ay doonayeen inay ku dhibaateeyaan Ciidamada iyo Shacabka Soomaaliyeed ee howlgallada ciribtirka ah ka wada buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

Ciidamada ayaa sidoo kale ku guuleystay inay qabsadaan deegaanka Dasaan oo ay ku yaaleen Warshado macmal ah oo Khawaarijta Daacish ay ku sameynayeen gantaallada gacan ku sameyska ah.

Guulo waaweyn ayaa saacadihii iyo maalmihii lasoo dhaafay laga gaaray howlgalka ciribtirka Khawaarijta Daacish ee ka socda buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

ย ย ย 

Maareeyaha Hayโ€™adda Isgaarsiinta oo Ka Qayb Galay Shirweyne Caalami ah

Abuuja Nayjeeriya:-Maareeyaha Guud ee Hayโ€™adda Isgaarsiinta Qaranka, ayaa ka qayb galay Shirka Caalamiga ah ee Xoojinta Adkeysiga Xargaha Badda Hoosteeda Mara, kaas oo lagu qabtay magaalada Abuuja ee dalka Nayjeeriya.

Shirkan oo socday laba maalmood ayaa waxaa isugu yimid madaxda hayโ€™adaha isgaarsiinta, Shirkadaha ganacsiga iyo khubaro qaybta isgaarsiinta si looga wado hadlo caqabadaha iyo horumarinta amniga xargaha.

Maareeyaha oo xubin ka ah Hayโ€™adda Talo-bixinta Caalamiga ah ee Xoojinta Kaabayaasha Isgaarsiinta ee Xargaha Badda Hoosteeda Mara (International Advisory Body for Submarine Cable Resilience), ayaa ka qayb galay wadahadallo muhiim ah oo lagu dejinayay istaraatiijiyado caalami ah si loo xoojiyo amniga iyo adkeysiga xargahaas. Wuxa uu sidoo kale ka qayb galay kulankii labaad ee Hayโ€™adda latalinta.

Kulanka kaddib wuxuu ka qeybgalay dood-wadaag heer sare ah oo looga hadlayay xaaladda amniga xargaha isgaarsiinta ee badda hoosteeda mara; Intii uu Dood Wadaaga ka hadlayay, wuxuu tilmaamay khataraha sii kordhaya ee ka dhanka ah kaabayaasha muhiimka ah ee isgaarsiinta, wuxuuna xoojiyay baahida loo qabo iskaashi caalami ah si loo sugo isku-xirka isgaarsiinta.

Isagoo ka hadlayay shirka, Mudane Mustafa wuxuu yiri: โ€œXargaha badda hoosteeda mara waa laf-dhabarta isku-xirka caalamiga ah, amnigooduna wuxuu muhiim u yahay kobaca dhaqaalaha, xasilloonida, iyo hal-abuurka. Waana lama huraan in dowladaha iyo daneeyayaasha isgaarsiinta ay iska kaashadaan hirgelinta siyaasad horumarsan, maalgeliyaan kaabayaal adkeysi leh, si loo ilaaliyo shabakadaha muhiimka u ah isgaarsiinta caalamiga.โ€

Ka-qaybgalka Mudane Mustafa ee shirka wuxuu sii xoojinayaa doorka sii kordhaya ee Soomaaliya ee dadaallada adkeysiga dhijitaalka ah ee caalamka.

ย ย 

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Raโ€™iisul wasaaraha Itoobiya oo kulan muhiim ah ku yeeshay Villa Somalia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarunta Madaxtooyada Soomaaliya kulan gaar ah kula yeeshay Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga Itoobiya Abiy Axmed oo safar shaqo ku yimid dalka.

Kulanka Madaxweynaha iyo Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada, iyagoo adkeeyay xiriirka taariikhiga ah iyo derisnimada soo jireenka ah ee labada shacab oo ay aasaas u tahay is-ixtiraam qarannimo iyo ka dheeraanta faragelinta arrimaha gudaha dal kasta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Ethiopia ayaa wadajir usoo dhaweeyay is-afgaradka ay gaareen Taliyeyaasha Ciidamada Qaranka Soomaaliya (SNA) iyo Ciidamada Difaaca Ethiopia (ENDF), kaas oo lagu xoojinayo amniga iyo xasilloonida gobolka, waxa ayna bogaadiyeen billowga wadahadallada farsamo ee ka socda Ankara oo muujiyay sida ay labada dal uga goโ€™antahay wadahadal wax-ku-ool ah iyo iskaashi mirodhal ah.

Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo shacabka Soomaaliya soo dhaweynta diirran ee ay ku qaabileen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna adkeeyey mudnaanta uu dalkiisu siinayo xiriirka labo-geesoodka ah ee kala dhexeeya Soomaaliya, si ka tarjumaysa danaha labada dal iyo xasilloonida gobolka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Xasan Sheekh Maxamuud oo ku bogaadiyey Raโ€™iisul Wasaare Abiy Axmed booqashada uu ku yimid dalka iyo wadahadallada mirodhalka ah ee ay ku yeesheen Villa Soomaaliya ayaa ku celiyey aragtida soo jireenka ah ee ay ku dhisantahay diblomaasiyadda Soomaaliya ee ilaalinta daris wanaagga, is-ixtiraamka qarannimo iyo in aan cidna laga aqbalayn ku xadgudubka midnimada iyo wadajirka shacabka iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

ย ย 

Taliyaha ciidanka dhulka oo gaaray jiidaha dagaalka ka dhanka ah khawaarijta

Aadan-yabaal- Taliyaha ciidanka dhulka XDS Ganeraal Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa si loo sii amba qaado howlgalada ka dhanka ah Khawaarijta maanta degmada Aadan-yabaal kula hadlay ciidamo ka tirsan xooga dalka Soomaaliyeed.

Taliyaha ciidanka dhulka XDS ayaa geesiyada ciidanka xooga dalka kula dardaarmay gudashada waajibaadkooda Qaran.

Taliyaha ayaa sidoo kale tilmaamay in geesiyaashan filasho wanaagsan ka qabaan guud ahaan umadda Soomaaliyeed islamarkaana laga doonayo in cadowga casharo ugu dhigaan goobaha dagaalka.

Sido kale, taliyaha ciidanka dhulka XDS ayaa geesiyadan kula dardaarmay in ey si wanaagsan ula dhaqmaan shacabka ku dhaqan deegaannada iyo degmooyinka ay tagi doonaan marka cadowga ka dulqaadaan.