Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada Mareykanka oo HirShabelle ka fuliyay hawlgallol

Hawlgal duqeyn ah oo ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka Soomaalita iyo Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM, ayaa si guul ah looga fuliyay deegaano hoos taga magaalada Ceel Baraf ee gobolka Shabeelaha Dhexe oo ka tirsan ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle.

Qiimeynta xogta horudhaca ah ee hawlgalka oo ahaa mid aad loo qorsheeyay waxaa ay muujinaysa in lagu burburiyay tira gaadiid ah oo sida maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta iyo qaraxyo ay u soo diyaariyeen in ay weeraro ku fuliyaan, mana jiro wax khasaaro ah oo soo gaaray rayidka inta lagu guda jiray hawlgalka.

Ciidamada Qalabka Sida oo kaashanaya saaxiibada Mareykanka ee AFRICOM ayaa wali ku hawlan dhameystirka iyo qiimeynta hawlgalada iyo duqeymaha lagu bartilmaameedsanayo argagixisada Al Shabab ee qatarta ku ah jiritaanka iyo nabadgelyada bulshada Soomaaliyeed iyo dunida inteeda kale.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo booqday askartii kusoo dhaawacantay howlgallada khawaarijta

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Isbitaalka Hodan ee Magaaladda Muqdisho ku booqday askartii kusoo dhaawacantay xili ay ku guda jireen howlgal Khawaariijta looga ciribtirayo deegaano ka tirsan Gobolka Bakool.

Guddoomiyaha oo kormeeray qeybaha askarta dhaawacyada kala duwan qaba ay ku jiraan ayaa dhakhaatiirta iyo maamulka Isbitaalka waxa ay Guddoomiyaha Golaha Shacabka uga warbixiyeen xaaladda dhaawacyada iyo dadaalka uu isbitaalka ugu jiro daryeelkooda.

Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shacanka ee Baarlamaanka dalka oo kormeeray guud ahaan qeybaha uu isbitaalka ka koobanyahay ayaa sidoo kale kulan la qaatay maamulka isbitaalka, waxa uu uga mahadceliyay shaqada ay u bulshada u hayaan.

 

   

Wasaaradda Cadaaladda oo Aqalka Sare Horgeysay Hindise Sharciyeed

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xassan Macallin Maxamuud, ayaa maanta horgeeyey Senatarada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya (BJFS) hindise-sharciyeedka “Kaalmo Sharciyeedka Soomaaliya”.

Wasiir Xassan ayaa faah-faahin ka bixiyay muhiimadda uu hindise-sharciyeedkani u leeyahay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee aan awoodin bixinta khidmadaha sharciyeed iyo kuwa aan haysan fursadaha garsoor ee ay xaqa u leeyihiin. Wuxuu xusay in sharcigan uu gacan ka geysan doono xaqiijinta sinnaanta helitaanka caddaaladda, isagoo siinaya dadka nugul iyo kuwa aan awood dhaqaale haysan fursad ay ku helaan kaalmo sharciyeed oo dhameystiran.

Hindise-sharciyeedkan ayaa ka mid ah dadaallada ay wasaaradda ku horumarineyso hanaanka garsoorka iyo cadaaladda dalka, si loo xaqiijiyo in muwaadin kasta uu si siman u helo xuquuqdiisa sharciyeed. Wasiirka ayaa ka codsaday Senatarada in ay si qoto dheer u eegaan muhiimadda sharcigan, una ansixiyaan si loo xoojiyo cadaaladda iyo nidaamka garsoorka dalka.

Wasiirka Qoyska XFS oo Deeqo kala duwan gaarsiisay Ciidammada Xoogga ee ku soo dhaawacmay Hawlgallada

Wasiirka Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo Deeqo kala duwan gaarsiisay Ciidammada Xoogga ee kusoo dhaawacmay Hawlgallada

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa deeq kala duwan gaarsiisay caawa ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee kusoo dhaawacmay furimaha dagaalka ee ku jira Isbitaalka Xoogga Dalka ee magaalada Muqdisho.

Deeqdan oo u badneyd dhar ka kooban Macawiisyo, go’yaal Iyo bustayaal ayey Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka wada gaadhsiisay dhammaan dhaawacyada Ciidammada geesiyaasha Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku jira Isbitaalka Xoogga waxaana Wasiir Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi oo la hadashay ciidammada ay sheegtay in geesiyaasha Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee naftooda u huray difaaca dalkooda iyo diintooda ay wax walba mudan yihiin ayadoo caafimaad Alle uga rajeysay.

Tallaabadan ay Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi deeqaha ugu qeybisay Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxa ay qeyb ka tahay ololaha Todobaadka Haweenka Soomaaliyeed oo ay Wasaaraddu deeqo kala duwan ku gaarsiineyso qeybaha kala duwan ee bulshada ayadoo caawa socodka ay ku wehliyeen Wasiirka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya Maxamed Bashiir Cumar iyo Guddoomiyaha Haweenka gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab oo guddiga ololaha Guddoomiye u ah.

 

 

   

Qabashada doorashada kuraasta ka bannaan golaha Shacabka oo la iclaamiyay

Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, ayaa iclaamiyey doorashada kuraasta GSH#248 iyo GSH#049, oo ka tirsan Golaha Shacabka, taasi oo 6-da ilaa 8-da bishaan ka dhacaysa magaalada Dhuusamareeb.

Wasaaradda Warfaafinta oo soo xirtay aqoon isweydaarsi ku saabsanaa fududeynta xaqa xog helista dadweynaha

Mulish:- Aqoon isweydaarsigan oo socday muddo laba maalmood ah, ayna soo qaban qaabisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS waxaa ka qeyb galaya 35-xubnood oo ka kala socda Hay’addaha Dowladda, Warbaahinta iyo Bulshada Rayidka ah, inta uu socday waxaa ka qeyb galayaashu is dhaafsadeen xog iyo aqoon wadaag ku saabsan fududeynta ee Fududeynta xog helista Dadweynaha.

Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaalle Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo xiray tababarka ayaa uga mahceliyay ka qeyb galayaasha sida ay isula falgaleen intii uu socday aqoon isweydaarsiga, isagoo oo sheegay in Wasaaraddu xoojin doonto kulamada iyo aqoon isweydaarsiyada ku aaddan iskaashida Dowladda, Warbaahinta iyo Bulshada Rayidka si’ kor loogu qaado fududeynta xog helista iyo wacyigalinta dadweynaha.

Burhaan Diini Faarax Agaasimaah Idaacadda Kulmiye ahna madaxa Warbaahinta Daladda Warbaahinta SOMA iyo Eng. Nuur Sh Cali oo ku hadlay Afka xubnihii Warbaahinta ee ka qeyb galay Aqoon Isweydaarsiga ayaa uga mahadceliyeey Wasaaradda Warfaafinta qabashada aqoon isweydaarsigaa oo muhiim u ah fududeyn xog helista Warbaahinta iyo Bulshada.

Gabagabada Aqoon Isweydaarsiga oo uu xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ( UNTMIS ) ka taageeray Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska waxaa shahaadooyin lagu guddoonsiiyay Ka qeyb galayaashii tababarka ka faa’iidaystay labadii maalmood ee uu socday.

Tababarkan ayaa qeyb ka ah dedaaladda Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ay ku xoojinayso iskaashiga dowladda, warbaahinta iyo Bulshada si kor loogu qaado wacyigalinta iyo dowlad wanaagga.

Tartamayaasha Marka oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Shan iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 2-aad ee wareegga koowaad ku tartamay Degmooyinka Marka iyo Xamarweyne oo ka kala tirsan Gobollada Shabeelaha Hoose iyo Banaadir, waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelineya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Tartameyaasha labada degmoo ee Marka iyo Xamarweyne ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.

Marka

Tartameyaasha Degmada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay si sax ah uga jawaabeen Shan su’aal, halka ay iska qaldeen Labo su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareermartay dhigooda Xamarweyne, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Marka ay heleen waxay noqotay Labo iyo Toban (12) dhibcood.

Xamarweyne

Tartamayaasha Degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Afar su’aal, halka ay iska qaldeen Saddex su’aal, ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Xamarweyne waxay noqotay Sideed (08) dhibcood.

Hadaba kulankii 2-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga xiga ee labaad u soo gudbay tartamayaasha Degmada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 3-aad ee tartanka, waxaa ku baratami doona degmooyinka Waaberi iyo Dhahar oo ka kala tirsan Gobollada Benaadir yo Sanaag.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo furimaha dagaalka u jooga ciribtirka Khawaarijta

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa bisha barakeysan ee soon-qaad waxa ay ugu bilatay isagoo ku sugan furimaha dagaalka xilli uu hoggaaminayo howlgalka dabar-goynta Khawaarijta.

Labada Gobol oo ay ka kooban tahay Hirshabeelle ee Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe waxaa ka socda dagaal ay si wadajir ah uga qeyb qaadanayaan Ciidanka Daraawiishta Hirshabeelle, Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Deegaanka.

“Aan kawada qeyb galno howlgalka dabar-goynta Khawaarijta, waa lagama maarmaan difaaca sharafka muwaadinka.” ayuu yiri

Madaxweyne Guudlaawe ayaa ugu baaqay Ciidamada inay adkeysi muujiyaan si ay u soo hooyaan taariikh cusub xilli isku-dayadii Khawaarijta la fashiliyey.

Wasaaradda Cadaaladda oo Aqalka Sare Horgeysay Hindise Sharciyeed

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xassan Macallin Maxamuud, ayaa maanta horgeeyey Senatarada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya (BJFS) hindise-sharciyeedka “Kaalmo Sharciyeedka Soomaaliya”.

Wasiir Xassan ayaa faah-faahin ka bixiyay muhiimadda uu hindise-sharciyeedkani u leeyahay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee aan awoodin bixinta khidmadaha sharciyeed iyo kuwa aan haysan fursadaha garsoor ee ay xaqa u leeyihiin. Wuxuu xusay in sharcigan uu gacan ka geysan doono xaqiijinta sinnaanta helitaanka caddaaladda, isagoo siinaya dadka nugul iyo kuwa aan awood dhaqaale haysan fursad ay ku helaan kaalmo sharciyeed oo dhameystiran.

Hindise-sharciyeedkan ayaa ka mid ah dadaallada ay wasaaradda ku horumarineyso hanaanka garsoorka iyo cadaaladda dalka, si loo xaqiijiyo in muwaadin kasta uu si siman u helo xuquuqdiisa sharciyeed. Wasiirka ayaa ka codsaday Senatarada in ay si qoto dheer u eegaan muhiimadda sharcigan, una ansixiyaan si loo xoojiyo cadaaladda iyo nidaamka garsoorka dalka.

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐚𝐦𝐞𝐲𝐬𝐚𝐲 𝐛𝐚𝐚𝐫𝐢𝐭𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐀𝐟𝐤𝐚 ah

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Olole Balaaran oo lagu baarayo xaalada Caafimaad qabka Afka iyo Ilkaha Ardayda Dhigata Dugsiga Sare ee Howlwadaag ugu Sameysay magaalada Muqdisho.

Waxaana Baaritaan kan Caafimaad loo sameeyay Arday Gaareysa 160 Arday ku waa oo isagu jiray Gabdho iyo Wiilal, waxayna Ardaydan 60 ka mid ah qabeen xanuunada Ilkaha, waxaa 27 kalena laga helay xanuunada ciridka iyagoo ay jiraan ku dhowaad 10 kale oo qaba isku jir labadaas xanuun.

Olalahan ayaa horudhac u ah Wacyi-gelinta Bulshada si ay uga hortagaan xanuunada ku dhaca Afka iyo Ilkaha kuna baraarug sanaadaan dhibaatooyinka ka dhalan kara Caafimaad darada iyo Daryeel la’aanta Afka iyo Ilkaha ku waa oo sababi kara xanuuno badan.