Taliska xoogga dalka oo Hirshabelle ka wada hawlgallo ka dhan ah Khawaarijta

Jowhar: Taliyaha Ciidanka dhulka XDS Sareeye Guuto Sahal Cabdullahi Cumar oo Gobalada Hiiran iyo Shabellaha dhexe ka wado dardar galinta hawlgalka lagu ciribtirayo argagixisada ayaa maanta dhiiragalin ugu tagay Ciidamo ka tirsan xaq u dirirka deegaanka ee ku sugan Deegaanka Qoryaale oo hoostaga Degmada Jalalaqsi ee Gobalka Hiiran

Taliyaha ayaa waxaa socdaalka ku wehlinayay masuul ka tirsan Maamulka Hirshabelle oo uu qeyb ka yahay Madaxweyne xigeenka Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) iyo Masuuliyiin kale

Taliyaha ayaa Geesiyadan ku dhiira galiyay doorka Dagaalka Argagixisada iyo sida naf hurnimada leh oo ey Deegaanadooda ugu difaaceen Khawaariijta

Geesta kale Ganeraal Sahal Cabdullahi Cumar Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS ayaa Geesiyadan u balan qaaday dhalin waliba iney u garab taagan tahay DFS Saad iyo Saanad intaba dhaawacooda gurmad deg deg ah uu heli doono

Ciidamada xaq u dirirka Deegaanka ayaa kaalin adag ku leh Dagaalka Dalka looga Xureynayo Argagixisada.

     

Ra’iisul wasaare Xamse oo magacaabay agaasimayaal guud

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay agaasimeyaal guud iyo xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga.

Khawaarijta oo jab xooggan lagu gaarsiiyey Hirshabelle

Ciidanka Qalabka sida iyo dadka deegaanka ayaa maanta Khawaarijta ku jabiyay weerar nafla caari ah oo ay isku dayeen inay ku qaadeen deegaanka Ceel Cali Axmed.

Geesiyaasha Ciidanka Qalabka Sida iyo ciidamada xaq u dirirka ah ee dadka deegaanka oo si weyn u foojigan ayaa jab xoogan gaarsiiyay cadowga Khawaarijta ah, waxaana ay ka hor istaageen isku daygoodii liitay.

Ciidamada ayaa ku guulaystay inay laayaan maleeshiyaad badan oo ka tirsanaa Khawaarijta, waxaana hadda ku sugan deegaanka Ceel Cali Axmed iyo deegaannada ku dhow dhow Ciidanka Qalabka Sida iyo geesiyaasha dadka deegaanka.

Xogta Khasaaraha gaaray cadowga iyo macluumaadka howlgalda balaaran ee ka dhanka ah Khawaarijta ee ka socda wadanka, dib ayaa laga soo gubdin doonaa asaga oo faah-faahsan.

Wasiir Biixi oo qaabilay wafdi ka socda Midowga Yurub

Wasiirka Maaliyadda dowladda FS mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta kulan miro-dhal ah la yeeshay xarunta Wasaaradda Maaliyadda Wafdi ka socda Midowga Yurub oo ay hogaaminaysay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Ms. Karin Johansson iyo xubnaha sare ee xafiiska Ururuka ee Soomaaliya.

Kulanka labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray dib-u-eegista taageerada miisaaniyadeed ee midowga Yurub ay hore ugu deeqeen Dowladda Soomaaliya oo hada wajigiisii 1-aad uu gabagabo yahay, sidoo kale waxaa laga wada hadlay qorshaha taageerada oo socondoona ilaa iyo 2027-ka.

Midowga Yurub ayaa ka mid ah saaxibada caalamiga ah ee had iyo jeer ka qeyb qaata taageerada Soomaaliya iyo mashaariicda horumarineed ee uu ka furliyo gudaha Soomaaliya.

  

Golaha shacabka oo soo gabangabeeyey dood ku saabsan xasaanadda iyo safarada Xildhibaanada

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyay kalfadhiga lixaad kulankiisa sedaxaad oo lagu sii amba qaaday dood la xiriirtay soo jeedinta Xildhibaano ka tirsan Golaha taasoo lu saabsaneyd ilaalinta xasaanadda iyo safarada Xildhibaanadda, waxaana Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu gaba gabadda dooda sheegay in dooda arintan la xiriirta oo soo bilaabatay kulankii kan ka horeeyay maanta la soo gaba gabeeyay.

Dhinaca kale Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka ayaa akhrinta koowaad marsiiyay Hindise Sharciyeedka Daawadda oo ay soo diyaarisay wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaana warbixinta akhrinta koowaad ee Hindise Sharciyeedkan mudanayaasha Golaha la wadaagay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada oo faahfaahin ka bixiyay qodobada hindise sharciyeedkan uu ka koobanyahay iyo muhiimadda uu dalka u leeyahay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in maadaamaa sida uu qabo Xeerhoosaadka Golaha Shacabka hindise sharciyeedka marka uu marayo akhrinta koowaad uusan wax dood ah ka furneyn lagu wareejinayo guddiga ku shaqada leh si uu usoo diyaariyo akhrintiisa labaad islamarkaana Golaha dib ugu soo celiyo si looga doodo.

         

Taliyaha Ciidanka Boliiska oo xafiiskiisa ku qaabilay mas’uuliyiin ka socday dalka Masar

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiin sare oo ka socday dalka Masar.

Kulan gaar ah oo taliyaha iyo masuuliyiintu yeesheen ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka amniga, horumarinta xirfadaha saraakiisha Boliiska iyo iskaashiga labada dal ee dhanka tababarrada iyo la dagaallanka dambiyada.  

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Agaasimaha Bangiga Adduunka u qaabilsan dalalka Soomaaliya, Kenya, Rwanda iyo Uganda Mr.Qimiao Fan, oo booqasho ku yimid Muqdisho.

Kulanka ayaa diirradda lagu saaray xoojinta xiriirka wada shaqayneed iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, iyo taageerada Bangiga Adduunka ee ku aaddan dhinacyada dowlad-dhiska, maamul wanaagga iyo sii wadista mashaariicda horumarineed.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa Bangiga Adduunka uga mahadceliyey kaalinta ay ku leeyihiin dib u habaynta dhaqaalaha dalka iyo taageerada kala duwan ee dhinacyada caafimaadka, waxbarashada iyo mashaariicda gargaarka.

Taliyaha Ciidanka Dhulka iyo Masuuliyiin kale oo howlgallo ka dhan ah dagaalka khawaarijta kawada Gobolka Hiiraan

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Janeraal Sahal Cabdullaahi Cumar oo uu wehliyo Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle mudane Yuusuf Axmed Hagar iyo masuuliyiin kale ayaa maanta dhiirigelin ugu tagay boqolaal ka tirsan Ciidamada xaq u dirirka deegaanka ee ku sugan deegaanka Xalfooleey oo dhacda xadka kala qeybiya goballada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhaxe.

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa Ciidamada xaq u dirirka deegaanka ku boggaadiyay doorka ay ku leeyihiin Dagaalka Dalka looga saarayo Khawaarijta, isagoona sheegay in dowladdu ay laba jibaarayso dadaalkeeda garab istaagga Ciidamada deegaanka.

Madaxwene ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar oo dhankiisa la hadlay ciidanka ayaa sheegay in Maamulka Hirsheeblle ay ka go’antahy in laga saaro dhamman dhulka uu ka taliyo khawaarijta arxanka daran ee dhibaatada muddada dheer ku hayay shacabka soomaaliyeed.

“Dagaal kasta oo dhaca waxa uu ku dhamaan karaa wadahadal balse kan Khawaarijta nagala dhaxeeya uma heyno waxaan aheyn inaan dalka ka suulino.” Yuusuf Axmed Hagar ,Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle.

 

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲𝐞𝐲 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulan looga hadlayey dardargelinta amniga caasimadda iyo deegaannada ku xeeran, si looga feejignaado dhagarta cadowgu u maleegayaan shacabka Soomaaliyeed ee cibaadeysanaya Bishan barakeysan ee Ramadan.

Hey’adaha amniga ayaa kulanka ku soo bandhigay warbixinno ku saabsan horumarka laga gaaray amniga guud ee caasimadda iyo deegaannada ku xeeran, waxaanna lagu falaanqeeyay sidii hey’addaha amnigu ay si wadajir ah uga wada shaqayn lahaayeen sugidda amniga iyo kor-u qadidda wada-shaqaynta laamaha amniga iyo shacabka ku nool caasimadda.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa ku ammaanay hey’adaha amniga juhdiga iyo dadaalka ay geliyeen sugidda amniga, isaga oo faray hey’adaha iyo maamulka gobolka Banaadir inay kor u sii qaadaan dadaallada lagu horumarinayo nabadgelyada caasimadda, maadaama kooxaha Khawaarijta ah wakhtigoodu gabaabsi yahay.
              

Hay’adda Gargaarka boqor Salmaan oo Qalab muhiim ah ugu deeqday Dadka Naafada ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha XFS, Maxamed Cusmaan Naastaro, ayaa maanta Hay’adda Gargaarka ee Boqor Salmaan kala wareegay qalab loogu talagalay dadka naafada ah.

Wasiiru-dowlaha ayaa qalabkaan ku wareejiyey Hay’adda Naafada Qaranka, si loogu taageero dadka u baahan.

Munaasabaddaan oo ka qabsoontay xarunta Tiyaatarka Qaranka ayaa Hay’adda Naafada Qaranka ku qaybisay 63 kuraasta dadka naafada ah, 20 usha lagu boodo, iyo 20 usha socodka. Xafladda waxaa ka soo qeyb galay Guddoomiyaha Hay’adda Naafada Qaranka, Mohamed Abdul Jamac, Safiirka Boqortooyada Sacuudiga, Ahmed bin Mohammed Al-Mawlid, iyo Madaxa UNDP, Lionel Laurens.

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Horumarinta Qoyska iyo Xuquuqda Aadanaha ayaa u mahadceliyay hay’adda King Salman, wuxuuna adkeeyey muhiimadda ay leedahay dadaallada noocan ah ee lagu daboolayo baahiyaha dadka naafada ah, loogana shaqeynayo in ay si buuxda u dhexgalaan bulshada.

  1. Wuxuu mar kale xaqiijiyey sida ay Wasaaraddu uga go’an tahay horumarinta xuquuqda iyo nolosha dhammaan muwaadiniinta, gaar ahaan dadka nugul.