๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ธ๐—ต๐˜‚๐—ฑ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฑ ๐—ฑ๐—ต๐—ฒ๐—ฒ๐—ฟ ๐—ธ๐—ฎ ๐—ท๐—ฒ๐—ฒ๐—ฑ๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐˜† ๐˜€๐—ต๐—ถ๐—ฟ ๐—บ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐˜…๐—ฒ๐—ฒ๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ ๐—๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ฐ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—–๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฏ๐˜๐—ฎ

Qaahira- Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa Khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyayay kulan aan caadi ahayn oo ay isugu yimaadeen madaxda ururka Jaamicadda Carabta oo ka dhacay magaalada Qaahira.

Shirkan ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray arrimaha Falastiin, gaar ahaan dib u dhiska iyo sidii xal waara loogu heli lahaa xaaladda adag ee ka jirta Gaza iyo guud ahaan sidii loo garab istaagi lahaa shacabka Falastiin.

Mudane Xamsa waxa uu xusay sida xooggan ee ay dowladda Soomaaliya u uga soo horjeeddo hadalladii ka soo baxay Israaiil ee la xiriiray barakicinta shacabka reer Falastiin, taas oo xad-gudub cad ku ah qawaaniinta iyo heshiisyada caalamiga ah iyo xuquuqda aadanaha.

Raโ€™iisul Wasaaruhu waxa uu bogaadiyay dhabar adeyga shacabka reer Falastiin, isagoo sheegay in dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo shacabkeeda ay taageerayaan xaqa ay u leeyihiin dhismaha dowlad u gaar ah oo madax bannaan.

Waxaa kale oo khudbaddiisa uu uga hadlay xaaladaha dalalka Suudaan iyo Suuriya, oo uu sheegay in Soomaaliya ay taageereyso xasilloonida iyo midnimada dhuleed ee dalalkaasi Carbeed iyo in aan la soo fara gelin arrimhooda gudaha.

Ugu dambeyn, Raโ€™iisul Wasaare Xamsa waxa uu uga mahadceliyay dalalka Carbeed ee walaalaha aan nahay taageerada ay siiyaan Soomaaliya ee dhinacyada amniga iyo biniโ€™aaninada, isagoo ugu baaqay in ay maalgashadaan dhinacyada dhaqaalaha ee muhiimka ah ee ka jira Soomaaliya sida beeraha, xoolaha iyo tamarta, si loo xoojiyo horumarka waara, aanna u abuurno fursado.

Kulan ku saabsan arrimaha isuduwidda hawlaha Biniโ€™aadanimo oo Muqdisho lagu qabtay

Guddoomiyaha hayโ€™adda maareynta musiibooyinka Maxamuud Macallin Cabdulle iyo ku xigeenka ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya George Conway ayaa wadajir u guddoomiyay kulan ay isku yimaadeen dhinacyada ka shaqeeya hawlaha baniโ€™aadannimo ee dalka.

Shirka ayaa looga hadlay xaaladda abaaraha, caqabadaha taagan, saamaynta ka dhalan karta is-beddelka ku yimid taageerada dhanka baniiโ€™aadannimo ee Maraykanka, xoojinta iskaashiga ka dhaxeeya wada-howlgalayaasha ka shaqeeya howlgallada gargaarka iyadoo Hayโ€™adda SoDMA qaadanayso doorkeeda hoggaaminta si loo helo jawaab hufan oo waxtar leh.

Guddoomiyaha hayโ€™adda SoDMA Maxamuud Macallin oo dhammaan daneeyayaasha uga mahadceliyay dadaalka ay bixiyeen ayaa xusay in si loo xalliyo caqabadaha baniiโ€™aadamnimo ee dalka loona hubiyo jawaab isku-xiran oo wax-ku-ool ah xilligan adag loo baahan yahay in dib loo eego hannaanka maalgelinta si loo hubiyo joogteynta taageerada logama maarmaanka ah ee dadka nugul.

ย ย 

Daraawiishta Puntland oo wali sii wada baacsiga Daacish

Boosaaso: Ciidanka daraawiishta Puntland ee ku sugan deegaanka Turmusaale ee gobolka Bari ayaa maanta hawlgal lagu baacsanayay firxadka Khawaarijta Daacish ka sameeyeen Togga Jaceel iyo Togga Ina Cidoole ee gobolka Bari

Inta uu socday hawlgalka ciribtirka nabadiidka, ciidamada soo saaray miinooyin Khawaarijtu dhulka ku aaseen oo ay doonayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka.

Sidoo kale Ciidanka daraawiishta Puntland ayaa la wareegay talisyadii Daacish ay ku lahayd Togaga ay howlagallada ka sameeyeen, iyadoo ciidanku soo bandhigeen sawirrada difaacyadii kooxda Daacish laga saaray.

ย ย ย ย 

Duqa muqdisho oo daah-furay tartanka Qur’aan aqriska ee bisha Ramadaan

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane, Maxamed Axmed Amiir ayaa daah furay tartanka Quraan aqriska bisha Ramadaan ee maamulka gobolka Banaadir iyo dowladda hoose ee Xamar.

Tartankaan oo ah mid sanadkiiba mar la qabto ayaa waxaa ku tartamaya ardey ka kala socda dugsiyadda Quraanka Kariimka ee degmooyinka gobolka Banaadir.

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Xildhibaan Xaadoole oo ka tirsan BFS, Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta maamulka gobolka Banaadir Cabdicasiis Cusmaan Maxamed, Agaasimeyaal, Guddoomiye kuxigeenada arrimaha bulshada degmooyinka gobolka Banaadir, culumaโ€™udiin, macallimiinta dugsiyadda, waalidiin iyo marti sharaf kale.

Kursiga lambarkiisu ahaa GSH 248 oo la buuxiyay

Dhuusamareeb- Maxamed Cabdi Xasan (Afweyne) ayaa loo doortay xildhibaan ka tirsan golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanka ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay GSH 248 kadib doorasho saaka ka dhacday maagalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug.

Kursigaan waxaa hore ugu fadhiyay Saadaq Cumar Xasan (Saadaq John) oo xubinnimadii golaha shacabka ku waayay qabashada xilka agaasime ku xigeenka hayโ€™adda NISA ee xilligaa.

SoDMA oo gargaar gaarsiisay deegaanno ka tirsan Shabeellada dhexe

Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) ayaa gargaar baniโ€™aadannimo oo degdeg ah geysay degaannada Nuur-dugle iyo Aqab-duco.

Dadkan deeqda la gaarsiiyay ayaa ah shacab danyar ah oo ay saameeyeen dagaallada ka dhanka ah argagaxisada ee ka socda qaybo ka mid ah Hirshabeelle.

Hayโ€™adda SoDMA ayaa horay deeq kala duwan u gaarsiisay degaanno badan oo laga saaray kooxda khawaarijta iyo goobo kale oo ay ka jiraan xaalado biniโ€™aadannimo.

๐‡๐ข๐ง๐๐ข๐ฌ๐ก๐ž ๐’๐ก๐š๐ซ๐œ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐๐ค๐š ๐ƒ๐š๐š๐ฐ๐š๐๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐จ๐จ ๐ฅ๐š ๐ก๐จ๐ซ๐ ๐ž๐ž๐ฒ๐ž๐ฒ ๐๐š๐š๐ซ๐ฅ๐š๐ฆ๐š๐š๐ง๐ค๐š ๐‰๐…๐’

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadam ayaa Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya horgeeyay Hindise sharciyeedka daawada Soomaaliya, kaas oo ah hindise muhiim ah oo loogu talagalay in lagu adkeeyo nidaamka tayada daawada dalka iyo bedqabka bulsho waynta Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa xildhibaanada golaha Shacabka Baarlamaanka ka codsaday in Hindise sharciyeedka ay meel mariyaan maaddaama uu muhiim u yahay xakamaynta iyo tayaynta daawada dalka taas oo qeyb ka ah horumarinta Caafimaadka dalkeena.

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa xoogga isugu geysay sidii loo heli lahaa sharci lagu xakameynayo daawada soo gasha dalka waxayna helitaanka dharciga daawada uu horseedi doonaa in bulshadu hesho daawo waxtar leh.

Sharciga tayada daawada ayaa sidoo kale meesha ka saaraya saamaynta xun ee ay bulshada ku yeelatay dawooyinka sida xun loo isticmaalo iyo hubinta daawada waxyeellada xambaarsan.

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dowladood

๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ฎ ๐ƒ๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐‚๐š๐๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐ƒ๐š๐ฌ๐ญ๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ค๐š ๐—๐…๐’, ๐ƒ๐š๐ง๐ฃ๐ข๐ซ๐ž ๐ˆ๐ฅ๐ฒ๐š๐š๐ฌ ๐’๐ก๐ž๐ž๐ค๐ก ๐‚๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ ๐€๐›๐ฎ๐›๐š๐ค๐š๐ซ, ๐š๐ฒ๐š๐š ๐ฆ๐š๐ ๐š๐š๐ฅ๐š๐๐š ๐๐š๐š๐ก๐ข๐ซ๐š ๐ž๐ž ๐๐š๐ฅ๐ค๐š ๐Œ๐š๐ฌ๐š๐ซ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š ๐ค๐ฎ๐ฅ๐ฆ๐š๐ฒ ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐†๐จ๐ฅ๐š๐ฒ๐š๐š๐ฌ๐ก๐š ๐๐š๐š๐ซ๐ฅ๐š๐ฆ๐š๐š๐ง๐ค๐š ๐ž๐ž ๐Œ๐š๐ฌ๐š๐ซ, ๐Œ๐ฎ๐๐š๐ง๐ž ๐Œ๐š๐ฑ๐š๐ฆ๐ฎ๐ฎ๐ ๐…๐š๐ฐ๐ณ๐ข.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada sharci-dejinta iyo cadaaladda.

Labada wasiir ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay xiriirka istiraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Masar, iyagoo ka wada hadlay hirgelinta heshiisyadii hore si loo xoojiyo wada shaqeynta labada dal.

Iskaashigan ayaa qeyb ka ah dedaallada lagu horumarinayo xiriirka labada wadan, taas oo gacan ka geysan doonta xasilloonida iyo horumarka gobolka.

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo gaaray Qaahira

Afhayeenka Xukuumadda Farxaan Maxamed Jimcaale ayaa faahfaahin ka bixiyey socdaalka Raโ€™iisul Wasaaraha iyo wafdi uu hoggaaminayo ay xalay ugu ambabaxeen magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar.

Raโ€™iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa waxay halkaasi kaga qaybgalayaan shir aan caadi ahayn oo ay leeyihiin madaxda ururka Jaamicadda Carabta oo looga hadlayo dib u dhiska Gaza.

Tartameyaasha Dharkeynleey oo caawa u gudbay wareegga xiga ee tartanka

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Shan iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 4-aad ee wareegga koowaad ku tartamay Degmooyinka Dhuusamareeb iyo Dharkeynleey oo ka kala tirsan Gobollada Galgaduud iyo Benaadir waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelineya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Tartameyaasha labada degmoo ee Dhuusamareeb iyo Dharkeynleey ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.

Dhuusamareeb

Tartameyaasha Degmada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud waxaa la weydiiyey todobo Suโ€™aal, todobadii suโ€™aal ee la weydiiyay waxa ay si sax ah uga jawaabeenย Afarย suโ€™aal oo kaliya, halka ay iska qaldeenย Saddexย ย suโ€™aal, waxa ay ka faaโ€™iideysteenย Halย suโ€™aal oo soo hareermartay dhigooda Dharkeynleey, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmadaย Dhuusamareebย ay heleen waxay noqotayย Tobanย (10)ย dhibcood.

Dharkeynleey

Tartamayaasha Degmada Dharkeynleey ee Gobolka Benaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo suโ€™aal, waxa ay ka jawaabeenย Shanย suโ€™aal, halka ay iska qaldeenย Laboย suโ€™aal, Waxa ay ka faaโ€™iideysteenย Halย suโ€™aal oo soo hareermartay tartamayaasha Degmadaย Dhuusamareeb, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmadaย Dharkeynleeyย waxay noqotayย Laboย iyoย Tobanย (12)ย dhibcood.

Hadaba kulankiiย 4-aadย ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareeggaย Labaadย u soo gudbay tartamayaasha Degmadaย Dharkeynleeyย ee Gobolka Benaadir, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenkaย 5-aadย ee tartanka, waxaa ku baratami doona degmooyinkaย Caabudwaaqย iyoย Buur-hakabaย oo ka kala tirsan Gobollada Galgaduud yo Baay.