Haya’adda duulista oo war ka soo saartay Garoonka diyaaradaha ee Baardheere

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa beenisay warar been abuur ah oo laga faafiyey Garoonka Diyaaradaha Baardheere.

war qoraal ah oo ka soo baxay Haya’adda duulista ayaa lagu yiri “Haya’adda duulistu waxa ay shacabka Soomaaliyeed u xaqiijinaysaa in aanay jirin wax xanibaad duulimaad ah oo saaran Garoonka Diyaaradaha Baardheere ayna diyaaraduhu si caadi ah u aadaan”.

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐨𝐨 𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐠𝐨’𝐚𝐚𝐧𝐧𝐨 𝐚𝐝𝐚𝐠 𝐨𝐨 𝐤𝐮 𝐰𝐚𝐣𝐚𝐡𝐚𝐧 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa looga hadlay dardargelinta dagaalka Khawaarijta, bogaadinta guulaha ciidanka, iyaga oo soo saaray go’aanno dhowr ah oo la xiriira amniga.

Go’aanno culus ee ay soo saareen Golaha Wasiirrada ayaa ku wajahan dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, kuwaas oo inta badan ka ratibmi doonaan tallaabooyin sharci iyo ciqaabo kala duwan.

Go’aannada uu goluhu soo saaray waxaa ay kala yihiiin sidan.

1-Golaha Wasiirradu waxa ay bogaadiyeen Ciidamada Qalabka Sida iyo geesiyaasha Ciidamada Madaniga ee dagaalka kula jira kooxaha Khawaarijta ah.

2-Sida sharciyadii iyo xeerarkii horay u marey Golaha Wasiirrada ku xusan, waxaa muwaadiniinta mar kale la xusuusinayaa inay mamnuuc tahay in si khaldan loo isticmaalo ama been abuur laga sameeyo, si toos ah amaba si dadban , iyada oo la isticmaalayo warbaahinta kala duwan oo baraha bulshada ay ka mid yihiin, qofkii lagu helana lala tiigsan doono tallaabooyin sharciga waafaqsan oo ay ka mid yihiin in maxkamad la soo taago, ciqaab adag oo sharciga waafaqsanna la marin doono.

3-Waxaa taa la mid ah muwaadinkii u oggolaada gurigiisa, rugtiisa ganacsi iyo gaadiidkiisa in lagu fuliyo fal dembiyeed amniga wax u dhimaya , waxa ay ka dhigan tahay adigoo si buuxda uga qeyb qaatey falal argagixisanimo oo wax u dhimaya nabadgelyada Qaranka, sida ku xusan xeerka ka hortagga iyo la dagaallanka argagixisada. Waxaa falalkan ka dhalan-doona ciqaab adag oo waafaqsan sharciga iyo xukunno adag oo la mid ah kuwa lagu qaado argagixisada. iyada oo tallaabooyinka ay laamaha amniga qaadi doonaan ay ka mid yihiin la wareegista iyo qarameynta hantida lagu geystay falalka argagixisonimo.

4- Sidan horeyba ugu digi jirnay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan degaannada iyo tuulooyinka ay ka socdaan hawlgalada lagu sifeynayo argagixisada, waxaa mar kale DFS ay uga digeysaa shacabka inay ka fogaadaan kana taxaddaraan goobaha ay argagixisada Khawaarijta ku sugan yihiin, maadaama ay DFS go’aansatay in sare loo qaado hawlgallada cirka iyo dhulka ee ka dhan ah Khawaarijta banneysatey dhiigga shacabka.

5- Ugu dambeyn Amniga Garoonka- Waxaa la go’aamiyay in aan wax hub iyo gaadiid dagaal lala geli karin xeyndaabka Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho. Faahfaahin sida qodobkan loo fulinayo waxaa dhowaan soo saari doona laamaha amniga.

Wasiirka Batroolka XFS oo shir muhiim ah kaga qeybgalay Tansaaniya

Dar es Salaam- Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS, Mudane Daahir Shire Maxamed, ayaa ka qeybgalay carwada 11-aad ee shidaalka waddamada ku bahoobay ururka iskaashiga dhaqaalaha bariga Afrika, oo lagu qabtay magaalada Dar es Salaam ee dalka Tanzania.

Wafdiga waxaa sidoo kale ka mid ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Maxamed Xaashi Carrabeey, waxaana goobjoog ka ahaa safiirka Soomaaliya u fadhiya Tanzania iyo ururka iskaashiga dhaqaalaha bariga Afrika EAC, Mudane Ilyas Cali Xasan.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray horumarinta kheyraadka shidaalka iyo iskaashiga dhinaca tamarta ee waddamada Bariga Afrika, iyada oo xoogga lagu saarayo xoojinta xiriirka iskaashi ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo waddamada gobolka, gaar ahaan dhinacyada horumarinta iyo maalgashiga Kheyraadka dabiiciga ah sida shidaalka iyo macdanta.

Wasiir Daahir Shire Maxamed ayaa la wadaagay ka qeybgalayaasha shirka fursadaha iyo caqabadaha maalgashiga shidaalka ee Soomaaliya.

Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay leedahay fursado badan oo dhinaca tamarta ah, kuwaas oo u baahan maalgelin iyo iskaashi caalami ah si loo horumariyo.

Shirkan oo halku-dhiggiisu ahaa “Furitaanka Maalgelinta Shidaalka iyo Gaaska Mustaqbalka” ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii waddamada ku bahoobay ururka iskaashiga dhaqaalaha bariga Afrika bulshada ay u abuuri lahaayeen iskaashi adag oo ku saabsan shidaalka iyo gaaska, iyadoo la is-dhaafsanayo waayo-aragnimo iyo aqoon kororsi.

Wasiir Beene-beene oo bogaadiyay dedaallada horumarineed ee ka socda koofur galbeed

Baydhabo- Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene) ayaa bogaadiyay dedaallada dowlad goboleedka ee la xiriira amniga iyo horumarinta.

Wasiir Beebebeene oo ka mid ahaa wafdigii uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka 2-aad ee dalka ee gaaray magaalada Baydhabo ayaa xusay in Wasaaradda Qorsheynta ay sii xoojin doonto iskaashiga horumarineed ee Koonfur Galbeed, si wax looga qabto caqabadaha dhaqaale iyo dib-u-dhiska.

Ugu dambeyn, Wasiirku wuxuu uga mahadceliyay madaxda iyo shacabka Koonfur Galbeed soo dhaweynta diirran iyo wadashaqeynta ay la leeyihiin Dowladda Federaalka, isagoo ballan qaaday in Wasaaradda Qorsheynta ay sii wadi doonto taageerada horumarineed ee dowlad goboleedyada dalka.

Wasiir Biixi oo Baarlamaanka horgeeyay hindise sharciyeedyo muhiim ah

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige, ayaa Baarlamaanka JFS hor geeyay 3 hindise sharciyeed oo muhiim u ah horumarinta dhaqaalaha dalka.

Hindise sharciyeedyadan oo kala ah hindise sharciyeedka cashuuraha dakhliga (Income Tax Bill), hindise sharciyeedka caymiska (Insurance Bill ) iyo wax kabadalka hindise sharciyeedka hay’adaha maaliyadda (Financial Institutions Bill).

Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Imaan Cige oo la hadlayay Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka ayaa xusay ahmiyadda ay shuruucdani u leeyihiin hannaanka horumarinta dhaqaalaha dalka, isagoo sheegay in Wasaaraddu diyaar u tahay ka jawaabidda su’aalaha Golaha ee ku aadan shuruucdan hadda horyaala Baarlamaanka iyo Hindise Sharciyeedyada kale ee qorsheysan in Wasaaradda Maaliyadda soo gudbiso markii ay dhammaystirmaan diyaarintooda.

Wasaaradda deegaanka oo Muqdisho ku qabatay shir ku aadaan saadaasha cimilada

Wasaaradda deegaanka iyo isbeddelka Cimilada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa hay’adda cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO-SO), Xarunta Saadaasha Cimilada IGAD (ICPAC), Hay’adda Saadaasha Hawada Adduunka (WMO) iyo Dowlad Goboleedyada dalka ayaa si wadajir ah u qabtay shirka Qaran ee Saadaasha Cimilada (National Climate Outlook Forum) ee xilliga roobka Gu’ga 2025.

Shirka oo hal-ku-dhiggiisu ahaa “Horumarinta Adeegyada Saadaasha Cimilada si loo xoojiyo hore-u-digista Khatara Cimilada ee Soomaaliya,” waxa uu diiradda saaray sidii loo xoojin lahaa awoodda Soomaaliya ee la qabsashada cimilada iyo sidii loo diyaarin lahaa qorshayaal wax-ku-ool ah oo la xiriira xilli-roobaadka Gu’ga ee soo socda.

Shirkan oo ay ka soo qeybgaleen hay’adaha kala duwan ee dowladda iyo maamul goboleedyada ayaa lagu falanqeeyay saadaasha cimilada ee xilliga roobka Gu’ga 2025, iyadoo diiradda la saaray diyaar garowga iyo yareynta khataraha la xiriira isbeddelka cimilada.

Shirkan waxa uu qayb ka yahay dadaallada lagu dhisayo adkeysiga cimilada iyo diyaarinta qorshayaal wax-ku-ool ah oo looga hortagayo saameynta taban ee cimilada, gaar ahaan xilliga roobka Gu’ga ee soo socda.

        

Ciidan ka tirsan Daraawiishta Koofur Galbeed oo tababar loogu soo xiray Baydhabo

Baydhabo: Ra’iisul Wasaare kuxigeenka labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdisalam Cabdi Cali oo uu weheliyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed ayaa tababbar usoo xiray dufcadii 9-aad ee Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed.

Ciidanka loo soo xiray tababarka ka mid noqoshada daraawiishta Koonfur galbeed ayaa loo diyaariyay inay qeyb ka noqdaan sifeynta kooxaha khawaarijta ah iyo xoojinta amniga Maamulkaas.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad ee XFS Cabdisalam Cabdi Cali oo ka hadlay munaasabadda xiritaanka tababbarka ayaa boggaadiyey dadaallada madaxda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ay ku bixiyeen sugidda amniga deegaannada koonfur galbeed.

          

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka labaad ee XFS oo gaaray Baydhabo

Baydhabo- Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka labaad ee XFS mudane Cabdisalaan Cabdi Cali Dhaay iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa waxaa aqalka madaxtooyada magaalada Baydhabo kusoo dhoweeyay Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

SoDMA iyo hay’adaha bahwadaagta la ah oo kulan ku yeeshay Muqdisho

Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Dr. Axmed Cabdi Aadan, ayaa kor-joogteeyay kulan muhiim ah oo ay isugu yimaadeen Dowladda Federaalka, wakiillo ka socday Dowlad Gobolleedyada, Hay’adaha Qaramada Midoobay, NGO-yada maxalliga ah, iyo Ururrada Bulshada Rayidka, kaasoo lagu ansixiyay xeerka uu ku shaqeynayo Guddiga Qaran ee Isku-duwidda Maareynta Musiibooyinka (NDMCC).

Dr. Axmed ayaa muujiyay muhimadda ay leedahay wadashaqeynta iyo iskaashiga hay’addaha heer qaran iyo heer Dowlad Gobolleed, si loo xaqiijiyo maarayn hufan oo wax-ku-ool ah, halka uu xusay in maareynta musiibooyinka ay ku imaan karto dadaal wadajir ah, loona baahan yahay iskaashi buuxa oo dhexmara dhammaan hay’addaha iyo bah-wadaagta kale ee ka shaqeysa gargaarka bini’aadannimo.

Guddiga Isku-duwidda Maareynta Musiibooyinka oo la aasaasay iyadoo la kaashanayo taageerada mashruuca SCRP ee Bangiga Adduunka maal-galiyay ayaa loogu talagalay in lagu xoojiyo dadaallada lagu maareynayo musiibooyinka dalka, wuxuuna kaalin muuqata ka qaadan doonaa isku-dubbaridka dadaallada gurmadka iyo ka hortagga musiibooyinka dabiiciga iyo kuwa dad sameyga ah.

𝐒𝐡𝐢𝐫 𝐥𝐨𝐨𝐠a 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲𝐚𝐲 a𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 c𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐝𝐡𝐚𝐜𝐚𝐲 muqdisho

Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Mudane 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝 𝐃𝐢𝐢𝐫𝐢𝐲𝐞 (𝐘𝐚𝐛𝐨𝐨𝐡) ayaa guddoomiyay shir loogu hadlaayay dar-dargelinta Amniga Caasimadda oo ay kasoo qeyb galeen dhamaan Saraakiisha Amniga Caasimada Qeybahooda kala duwan 𝐁𝐨𝐨𝐥𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚, 𝐍𝐈𝐒𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐁𝐨𝐨𝐥𝐢𝐢𝐬𝐢𝐲𝐚 𝐌𝐢𝐥𝐞𝐭𝐚𝐫𝐞.

Taliyaha Qeybta Guud ee Booliiska Gobolka Banaadir Gaashaanle Sare 𝐌𝐚𝐡𝐝𝐢 𝐂𝐮𝐦𝐚𝐫 𝐌𝐮𝐮𝐦𝐢𝐧 iyo Taliyaha Nabad sugida Gobolka Banaadir Gaashaanle Sare 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐟𝐚𝐭𝐚𝐱 𝐒𝐡𝐚𝐚𝐰𝐞𝐞𝐲𝐞 ayaa shirka kusoo bandhigay warbixin ku aadan horumarada dhinaca Amniga ee Caasimadda Muqdisho iyo qorshaha sugida Amniga inta lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Mudane 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝 𝐃𝐢𝐢𝐫𝐢𝐲𝐞 (𝐘𝐚𝐛𝐨𝐨𝐡) ayaa Saraakiisha Qeybaha iyo Fadhiyada kala duwan ee Booliiska, Nabad Sugida iyo Booliisiya Miletare ku booriyay adkeynta Amniga iyo xoojinta wada-shaqeynta bulshada si loo xaqiijiyo dadaallada kor loogu qaadayo amaanka guud ee dalka.