Wasiirka Maaliyadda oo uu wehliyo guddoomiyaha Banka ayaa la kulmay Gudidda maaliyadda iyo guddi ka socotay Culimada Soomaaliyeed

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Federal ka Soomaaliya oo uu wehliyo Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya ayaa xalay waxa ay kulan wadatashi ah la qaateen guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka JFS iyo guddi matalayay Culimada Soomaaliyeed.

Ujeedka kulanka ayaa waxa uu ahaa sidii culimadda Soomaaliyeed looga talo gelin lahaa qodobada Xeerka hay’adaha maaliyadda Dalka ee sharci Lr 130 oo soo baxay 22-kii April, 2012, waxaana inta kulanka uu socday guddiga maaliyadda ee Golaha Shacabka oo ay wehliyeen wasaaradda maaliyadda iyo bankiga dhexe ee Dalka iyo sidoo kale culimada Soomaaliyeed isku raaceen in la waafajiyo mabaadii’da sharceecada islaamka iyo maslaxada ummadda soomaaliyeed.

Wasiirka Maaliyadda ee XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa sheegay in Xeerka hay’adaha maaliyadda uu yahay xeer hore u jiray balse hada wax ka bedel lagu sameeyay, isaga oo tilmaamay in xeerkan uu soo maray marxalado kala duwan hadana talooyinka culimada Soomaaliyeed ay muhiim tahay in la tixgaliyo.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Deegaanka oo dilay in ka badan 20 Khawaarij ah

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya geesiyaasha ciidamada degaanka ayaa guul weyn ka gaaray dagaal ka dhacay deegaanka Boos Hareeri ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Ciidamada XDS oo si feejigan uga hortagay weerar ay maleeshiyaadka Khawaarijta isku dayeen inay kusoo qaadaan deegaanka, ayaa dhirbaaxo adag ku dhuftay cadowga, waxaana halkaas lagu ciribtiray ku dhawaad 20 dhagarqabe, oo ay ku jiraan horjoogayaal sare oo ka tirsanaa argagixisada.

Sidoo kale ciidamadda ayaa khawaarijta gacanta u dhigay gaadiid, iyo saanad ciidan,Howlgalkan guusha leh ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xoreyneyso dhulka ay Khawaarijtu ku dhuumaaleysanayaan, iyada oo Ciidanka Xoogga Dalka oo garabsanaya shacabka Soomaaliyeed ay si buuxda uga go’an tahay ciribtirka cadawga nabadda iyo horumar diidanka ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay guullaha laga gaaray la dagaalanka Khawaarijta

Madaxweyne Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo Salaadda Jimcada kula tukaday masuuliyiinta Dowladda iyo shacabka, Masaajidka Shuhadada ee Madaxtooyada Qaranka, ayaa ka hadlay xaaladda dalka iyo dagaalka ka dhanka Khawaarijta.

Madaxweynaha ayaa soo bandhigay guulaha muhiimka ah ee Halyeeyada Ciidamada Qaranku ay ka soo hoynayaan howlgallada xoreynta dalka, isagoo xusay in shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooda aysan u joojin doonin dacaayadaha iyo beenta ay dhoodhoobayaan Khawaarijtu.

Madaxweynaha ayaa ku hambalyeey guullaha ay furimaha dagaalka ka soo hooyeen Ciidanka qaranka qaybihiisa kala duwan Madaxweynaha ayaa Shacabka faray in ay garab istaagaan Ciidamada qaranka si goobaha tirada yar ee khawaarijtu ku dhuumanayso looga sifeeyo.

Madaxweynaha Georgia oo warqadaha Aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Ankara

Danjiraha Sooaaliya u fadhiya Turkiga Fatxudiin Cali Ospite ayaa waraaqaha aqoonsiga ee danjiranimo u gudbiyey Madaxweynaha Joorjiya (Georgia) Mudane Mikheil Kavelashvili.

Danjirahaan ayaa sidoo kle Soomaaliya uga masuul ah wadamada bartamaha Aasiya iyo Gobolka Koofurta Khowkhaas,waxaana howshiisu tahay isku xirka nidaamka dibolomaasi ee ka dhaxeya dalkeenna iyo kuwa kale.

Kulanka danjirah iyo madaxweynaha Joorjiya (Georgia) waxaa looga hadlay xiriirka wax wada qabsi ee labada dal iyo sida looo soo celin karo xiriirkii iskaashi ee horay uga dhaxeyn jiray Soomaaliya iyo  Georgia.

  

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

1-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyey shacabka Soomaaliyeed munaasabadda bisha barakaysan ee Ramadaan, isla markaana ugu baaqey inay is taageeraan oo gacmaha is qabsadaan.

2-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyska, qaraabada, bahda caafimaadka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allah ha u naxariisteen Dr Maxamed Yuusuf Xasan.

3-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada Qaahira kaga qeybgaley Shir Madaxeed aan Caadi ahayn oo Jaamacadda Carabta kaga hadashey arrimaha Gaza.

4-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre magaalada Muqdisho ku qaabilay Agaasimaha Bangiga Adduunka u qaabilsan dalalka Soomaaliya, Kenya, Rwanda iyo Uganda Mr.Qimiao Fan.

5-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa guddoomiyey kulan looga hadlayey dardargelinta amniga caasimadda iyo deegaannada ku xeeran si looga feejignaado dhagarta cadowgu u maleegayaan shacabka Soomaaliyeed.

6-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay agaasimeyaal guud cusub iyo xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga.

7-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre  ayaa hambalyo ku aaddan currashada Bisha Barakaysan ee Ramadan u diray Shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan muslimiinta caalamka.

8-Golaha Wasiirrada ayaa ka dooday dardargelinta dagaalka Khawaarijta, bogaadinta guulaha ciidanka, iyaga oo soo saaray go’aanno dhowr ah oo la xiriira amniga.

9-Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyay dib u eegista heshiiska lagu dhisay Urur Goboleedka IGAD, kaas oo xoojinaya iskaashiga gobolka iyo doorka Soomaaliya ee arrimaha diblomaasiyadda iyo horumarka wadajirka ah.

10- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka 2aad Mudane Cabdisalam Cabdi Cali oo uu weheliyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed ayaa tababbar usoo xiray dufcadii 9-aad ee Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed.

11- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur  ayaa Isbitaalka Hodan ee Magaaladda Muqdisho ku booqday askar ku soo dhaawacantay  dagaalka looga soo horjeedo Khawaarijta ee ka dhacay gobolka Bakool.

12- Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa furay tartan aqooneedka bisha barakaysan ee Ramadaan oo ay ka qeyb galayaan tartamayaasha degmooyinka Gobolka Banaadir iyo kuwa gobollada kale ee dalka.

13- Wasiirka Maaliyadda  Biixi Imaan Cige ayaa kulan  la yeeshay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Ms. Karin Johansson.

14- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa u magacaabay Cabdiraxmaan Axmed Xayle inuu noqdo Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Hormarinta Dhaqaalaha ee Galmudug.

15- Wasiirka Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Marwo Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa deeq kala duwan gaarsiisay Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliya ee ku soo dhaawacmay furimaha dagaalka ee ku jira Isbitaalka Xoogga Dalka ee magaalada Muqdisho.

16- Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Mudane Daahir Shire Maxamed, ayaa ka qeybgalay carwada 11-aad ee shidaalka waddamada ku bahoobay Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo lagu qabtay magaalada Dar es Salaam ee dalka Tanzania.

17- Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Imaan Cige, ayaa Baarlamaanka hor geeyay 3 hindise sharciyeed oo muhiim u ah horumarinta dhaqaalaha dalka.

18- Wasiirka Batroolka Mudane Daahir Shire iyo Wasiirka Tamarta ee Azerbaijan Parviz Shahbarov ayaa magaalada Baku ku kala saxiixday heshiis ay labada dal iska kaashanayaan horumarinta arrimaha shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah.

19- Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa laba aqoon isweydaarsi kala duwan kuna saabsanaa Maareynta Xiriirka Warbaahinta ee xaaladaha deg degga ah iyo fududeynta xaqa xog helista dadweynaha  uga qabatay Muqdisho 65 xubnood oo ka kala socday hay’adaha dowladda, warrbaahinta iyo bulshada rayidka

20- Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadam ayaa Baarlamanka horgeeyay hindise sharciyeedka daawada Soomaaliya, oo muhiim u ah adkeynta nidaamka tayada daawada dalka iyo bedqabka bulsho waynta Soomaaliyeed.

21- Taliska Ciidanka Xoogga Dalka  ayaa  gobollada Hiiraan iyo Shabeellha Dhexe ka wada dardar galinta hawlgalka lagu ciribtirayo argagixisada

22- Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Maxamed Cusmaan Naastaro ayaa  Hay’adda Gargaarka ee Boqor Salmaan kala wareegay qalab loogu talagalay dadka naafada ah.

23- Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Ilyaas Sheekh Cumar Abubakar ayaa magaalada Qaahira kula kulmay Wasiirka Arrimaha Goleyaasha Baarlamanka Masar Mudane Maxamuud Fawzi.

24- Wasiir Ku-Xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala  ayaa magaalada Berlin ee dalka Jarmalka uga qaybgalay shirka sannadlaha ee bandhiga Dalxiiska ee ITB Berlin.

25- Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiin sare oo ka socotay dalka Masar.

26- Hawlgal duqeyn ah oo ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka Soomaaliya iyo Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM, ayaa si guul ah looga fuliyay deegaano hoos taga magaalada Ceel Baraf ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

27- Taliyaha Ciidanka Booliiska S/Guuto Asad  CusmaanCabdullaahi oo shir guddoomiyey kulan looga hadlayo amniga caasimadda

28- Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa beenisay warar been abuur ah oo laga faafiyey Garoonka Diyaaradaha Baardheere oo sheegayay in garoonka xannibaad saaran tahay.

29- Wasiir Ku-xigeenka Caafimaadka Soomaaliya, Mudane Maxamed Xasan Maxamed, ayaa ka qayb galay shirweynaha caalamiga ah ee ajendaha caafimaadka Afrika (Africa Health Agenda International Conference – AHAIC 2025) oo ka dhacay magaalada Kigali ee dalka Rwanda.

30- Guddoomiye Ku-Xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye ayaa guddoomiyay shir loogu hadlaayay dar-dargelinta amniga caasimadda oo ay kasoo qeyb galeen dhamaan Saraakiisha amniga caasimada qeybahooda kala duwan.

31- -Maxamed Cabdi Xasan (Afweyne) ayaa loo doortay xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

32- Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) ayaa gargaar bani’aadannimo oo degdeg ah geysay degaannada Nuur-Dugle iyo Aqab-Duco.

Soomaaliya oo diyaarineysa ergay dhex-dhexaadiya dhinacyada isku haya Suudaan

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS Cali Balcad oo u waramay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in dhowaaan la magacaabi doono ergay u howlgala sii ambaqaadidda qorshaha badbaadinta ee Dalka Suudaan.

Wasiiru dowlaha ayaa muujiyay sida uu uga xun yahy dagaalka sokeeye ee ka dhacay Suudaan,isagoo qiray in dalkaasi uu kamid yahay dalakii u soo gurmaday Soomaslaiya.

Mudane Cali Balcad waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u yahay dhexdhexaadinta arrimaha Suudaan, maadaama ayuu yiri “Soomaaliya ay xubiin ka tahay golaha ammaanka ee qaramada midoobay

Suudaan waxay nagu leedahay abaal weyn,sidaa daraadeed waxaa naga go’an in dhowaan aan magacaawno ergay dhexdhexaadiya labada dhinac ee ku dagaalamaya dalkaasi”ayuu yiri wasiiru dowlaha.

Ciidanka Suuriya oo dilay kooxo daacad u ah Bashaar oo ku sugnaa Latakiya iyo Tartous

wakaaladda wararka ee Stept ee fadhigeedu yahay dalka Suuriya ayaa ku warrantay in ciidammada dowladda ay dileen ku dhawaad ​​70 dagaalyahanno taageersan taliskii hore, halka la qabtay in ka badan 25 kale .

Iska horimaadka ayaa yimid xilli ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo howlgal ka waday Latakiya iyo Tartous lagu soo qaaday weerarro gaadmo ah oo ay fulliyeen kooxo daacad u ah madaxweynihii hore ee Bishaar.

Afhayeen u hadlay wasaaradda difaaca ee dalka Suuriya, Colonel Hassan Abdul Ghani, ayaa digniin u diray kooxaha daacada u ah Bashaar Al-Asad ee ka dagaalamaya Latakiya.

Bandow ayaa lagu soo rogay magaalooyinka Latakia iyo Tartous, ,waxaana halkaasi ku xoog badan Calawiyiinta tirade yar  ee uu ka soo jeedo Bishaar Al-Asad.

Xukuumadda Soomaaliya oo mamnuucday in hub lala galo garoonka Aadan Cadde

Wasiirka Warfaafinta XFS Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo la hadlay warbahinta qaranka ayaa sheegay in go’aanka lagu mamnuucayo hubka ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ay gaareen golaha wasiirada, kadib markii ay dood xasaasi ah ka yeesheen qodobkaasi.

Wasiirka ayaa xusay in go’aanka ka soo baxay golaha wasiirada ee lagu mamnuucayo hubka loo qaatay in lagu xakameyo hubka galaya garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Wasiirka Warfaafinta XFS Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa caddeeyay in ujeedka mamnuucidda hubka ee garoonka diyaaradaha uu yahay xojinta amniga iyo ilaalinta badqabka shacabka ku safra halkaasi.

Taliyaha Ciidanka Booliiska oo shirguddoomiyey kulan looga hadlayo Amniga Caasimadda

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi oo uu wehliyo Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Sarreeye Guuto Cismaan Cabdullaahi Maxamed (Kaniif) ayaa shir guddoomiyay kulanka Hoggaanada iyo qeybaha Booliiska oo Todobaadkan diiradda lagu saaray sugidda amniga dalka, gaar ahaan Caasimada ee Bisha Ramadaan.

Saraakiisha Ammaanka ayuu Taliyuhu uga mahadceliyey gudashada waajibaadka shaqo ee saaran, waxaana uu shacabka ugu baaqay inay Ciidamada kala shaqeeyaan sugidda Amniga si looga hortago dhagarta ay shacabka u maleegayaan Khawaarijtu.

Wasiir-kuxigeenka warfaafinta XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo shir uga qayb galay dalka Jarmalka

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo ay wehliyaan Safiirka Soomaaliya ee dalka Jarmalka Ambassador Cabdicasiis Farabadane, Agaasimaha Waaxda Dalxiiska Wasaaradda Warfaafinta iyo masuuliyiin kale ayaa magaalada Baarlin ee caasimada dalka Jarmalka uga qaybgalay shirka Sanadlaha ee ITB Berlin.

Shirkaan waxaa qeyb galay madax ka socotay dalalka ku bahoobay Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.

Shirkaan Caalamiga ah ayaa lagu soo bandhigay warbixino ku saabsan dalxiiska dabiiciga ah ee Soomaaliya iyo fursadaha maalgashi ee dhanka dalxiiska ee dalkeenna ka jira.