DF iyo Hay’adda UNOPS oo heshiis muhiim ah kala saxiixday

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guryeynta DFS Dr. Cilmi Maxamuud Nuur iyo Madaxa Hay’adda UNOPS ee Soomaaliya ayaa maanta kala saxiixday heshiis ku saabsan daraasadda iyo naqshaqeynta kaabayaasha dhaqaalaha magaalooyinka Beledweyne iyo Dhuusamareeb oo qeyb ka ah Mashruuca Nagaad ee Wasaaradda.

Haayadda UNOPS ayaa howshaan kusoo dhammeystiri doonto muddo 10 bilood ah oo ka kooban daraasadda iyo naqshadeynta laba buundo oo cusub oo ay yeelaneyso magaalada Beledweyne iyo 10 km oo ah waddo isku cirrus’s magaalada iyo buundooyinka cusub.

Heshiiskii 1aad ee hawshan ayaa lagu dhameystiray Daraasadda iyo Naqshadeynta 23 km oo Waddooyinka Magaalada Beledweyne ah, 24 km oo wadooyinka Magaalada Dhuusamareeb ah, Qiimeeynta Buundooyinka hada la isticmaalo ee Beledweyne iyo Naqshadda Barxadda Nasashada ee Dhuusamareeb.

Munaasabaddan kooban oo lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Howlaha Guud ayaa Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Dr. Cilmi Maxamuud Nuur waxaa uu bogaadiyey qorshayaasha naqshadeynta iyo dhisamaha kaabayaasha dhaqaalaha magaalooyinka Dalka iyo Iskaashiga kala dhaxeeya haayadda UNOPS.

Dhanka kale Hey’adda UNOPS ayaa ballan qaaday in ay u fulinayaan hawlaha loo igmaday sidii lagu heshiiyay.
   

Wasiir Roobow”Kabul iyo Dimishiq midna noqon meyso Muqdisho Khawaarijtuna kama awood badna sidii hore”

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Mudane Muqtaar Roobow oo ay wehliyaan qaar kamid ah culimada Soomaaliyeed oo shir jaraa’id ku qabtay muqdisho ayaa ka hadlay howlgallada dalka looga ciribtirayo khawaarijta.

Wasiirka Awqaafta arrimaha Islaamka Muqtaar Robow ayaa sheegay in wasaaradda iyo culimada oo isku duuban ay garab taaganyihiin geesiyaasha Qaranka iyo kuwa deegaanka,waxa uu carabka ku adkeeyay in diiniyan ay qalad tahay in laga been abuuro dagaalka xaqa ah ee lagu difaacayo Diinta iyo sharafka ummadda soomaaliyeed.

Mudane Mukhtaar Roobow ayaa khawaarijta u sheegay in Kabul iyo Dimishiq aheyn Soomaaliya, isagoo tilmaamay in khawaarijta tabar beeleen laheyn awood ay ugu bac-bacdhigaan ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka taas badalkeeda fariimo been ah isticmaalayaan taasoo iyana ugu dambeyn u socon waysay.

“Kaabuul iyo Dimishiq midna noqon meyso Muqdisho Khawaarijtuna kama awood badna sidii hore.” Wasiir Sheekh Mukhtaar Roobow.

Sheekh Cali wajiis oo kamid ah culimada Soomaaliyeed oo meesha ka hadlay ayaa tilmaamay mooqifka culimada ee dagaalka khawaarijta, isagoo sheegay in dowlad iyo shacaba loo istaago sidii dalka looga xoreeyn lahaa khawaarijta oo ka been sheegay diinteensuuban ee Islaamka ah.

Culimada kale ee shirka jaraa’id ka hadlay ayaa dhankooda sidoo kale adkeey muhiimadda ay leedahay garab istaagga ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ee khawaarijta kula dagaalamaya furimaha hore ee dagaalka, iyagoo mar kale carabka ku adkeeyey dilka khawaarijta in Alle loogu dhawaanaya waajibna tahay dilkooda maadaama fasahaad ka wadaan dalka.

Khawaarijta ayaa maleeshiyaad iyo horjoogayaal looga dilay dagaalka ka dhanka ah argagixisada ee ka socda Gobolka Shabeellaha Dhexe, iyagoo dhawaan waayay horjoogayaal muhiim u ahaa kuwaas oo dhib badan ku hayay shacabka Soomaaliyeed.

 

 

    

Wasiirka Gaashaandhigga :Dagaalka lagula jiro Khawaarijta waxaa kaalin weyn ku leh Ciidamada Cirka

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo la hadlayay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in dagaal lagula jiro khawaarijta ay kaalin weyn ku leeyihin ciidanka cirka soomaaliya oo adeegsanayo diyaaradaha ay dowladda soo iibsatay, kuwaasoo khwaarijta lagu naafeyay.

“Dagaalka lagula jiro Khawaarijta waxaa kaalin weyn ku leh Ciidamada Cirka Soomaaliyeed oo adeegsanaya diyaarado ay Soomaaliya leedahay oo ay soo iibsatay, taasi oo cadawga aad u naafeysay”ayuu yiri Wasiirka Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in ay korortay awoodda ciidanka cirka iyo duqeymaha isdabajooga ah ee lala bartilmaamedsanayo argagixisada,isagoo tilmaamay in guula waaweyn laga gaaray howlgallada ka dhanka ah khawaarijta ee ka socda guud ahaan dalka.

Wasiirka Gaashaandhigga Waxa uu sidoo kale sheegay in dolwadda ay gacanta ku heyso xubnno katirsan khawaarijta oo iyaga oo dagaalamay inta rasaastii ka dhamatay dagaalada ku dhaawacmay dowladana ay gacanta ku heyso ayna daweeyneyso,wuxuu ugu baaqay dhalinyarada la qalday ee wali ka bar-bar dagaalamaya argagixisada in ay heeystaan fursad oo ay isku soo dhiibaan dowladda.

Hay’adda NISA oo shaacisay in howlgal lagu dilay horjooge Yuusuf Dhegnaas

Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa shaacisay in howlgal ka dhacay Gobolka Shabeellaha Dhexe lagu dilay Horjooge Yuusuf Dhegnaas iyo Maleeshiyaad ka tirsanaa Khawaarijta oo 20 kor u dhaafaya.

Sidoo kale, gaadiid dagaal ayaa Khawaarijta looga gubay howlgalkaas oo ka dhacay deegaanka Ceelbacad oo hoos taga degmada Ruun-nirgood.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO BOGAADIYAY DOORKA HAWEENKA EE XOREYNTA DALKA IYO DOORASHADA TOOSKA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan afur ah ku maamuusay haldoorka haweenka Soomaaliyeed, munaasabad 8-da Maarso oo ah Maalinta Haweenka Adduunka awgeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si qoto dheer u sharaxay kaalinta muhiimka ah ee haweenka Soomaaliyeed ay ka qaadanayaan dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada ah ee Al-Shabaab, kaas oo haweenku ay yihiin udub-dhexaadka bulshada, islamarkaana ay si toos ah uga qeyb qaataan dadaallada lagu xoreynayo dalka, iyagoo ka shaqeynaya wacyigelinta, taageerada ciidamada iyo dhisidda bulshada deegannada laga xoreeyey argagixisada.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa bogaadiyey doorka haweenka Soomaaliyeed ee ku aaddan geeddi-socodka dimuqraadiyadda iyo xoreynta dalka, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in haweenka Soomaaliyeed ay si firfircoon uga qeyb qaataan hanaanka doorashooyinka tooska ah oo fursad u siinaya in ay codkooda dhiibtaan, u tartamaan xilalka qaranka, isla markaana ay door muuqda ku yeeshaan hoggaanka dalka.

Duqeyn lala beegsaday horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibbada caalamka ayaa guul muhiim ah ka gaaray howlgal duqeyn ah oo ka dhacay deegaanka Ceel-bacad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Howlgalkan oo dhacay gelinkii dambe ee maanta ayaa lagu beegsaday xubno sare oo ka tirsan Khawaarijta, kuwaas oo halkaas ku abaabulayay falal lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed.

Wararka hordhaca ah ee laga helayo howlgalkan ayaa sheegaya in duqeynta lagu dilay horjoogeyaal muhiim u ahaa khawaarijta oo mid ka mid ah lagu magacaabo Yuusuf Dhegnaas.

Sidoo kale, waxaa halkaas lagu gubay saddex gaari oo ay Khawaarijtu u adeegsan jireen dhibaateeynta shacabka Soomaaliyeed.

Tani waa mid ka mid ah guulaha isdaba jooga ah ee ciidanka Qaranka ay ka gaarayaan dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, waxaana mar kale la caddeeyay in aan loo dulqaadan doonin kooxaha argagixisada ah ee caadeystay in ay nabadda iyo horumarka caqabad ku noqdaan.

Golaha shacabka oo ka dooday sharciga ka hortagga lacag dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada

Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa yeeshay kalfadhiga lixaad kulankiisa afaraad, waxaana shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Ugu horeyn Habdhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) ayaa dhaariyay xildhibaan Maxamed Cabdi Xasan (Afweyne) oo ka mid noqday Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Intaasi ka dib Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Macalin Maxamuud ayaa mudanayaasha Golaha u aqriyay heshiiska u dhaxeeya dowladdaha Soomaaliya iyo Turki ee ku saabsan iskaashiga caalamiga ah ee garsoorka, muhiimada heshiiskan iyo danaha qaranka ugu jira isagoo xusay in heshiiskan uu yahay mid muhiim ah oo wax badan ka bedeli doona shaqada garsoorka Soomaaliya.

Dhanka kale Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee XFS mudane Biixi Iimaan Cige ayaa mudanayaasha Golaha Shacabka la wadaagay warbixinta akhrinta labaad ee hindise sharciyeedyada kala ah sharciga wax ka bedelka sharciga ka hortaga ka hortaga lacag dhaqida iyo maal gelinta argagixisada iyo hindise sharciyeedka Canshuurta Dakhliga, waxaana xildhibaanadda Golaha ay aragtidooda ka dhiibteen labadan sharci ee ay soo gudbisay Wasaaradda Maaliyadda, iyagoo dooda ku saleeyay muhiimada uu qaranka u leeyahay iyo hadii ay jiraan qodobo khilaaf keeni kara.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in guddiga maaliyadda ee Golaha Shacabka laga doonayo iney warbixinta Akhrinta sedaxaad ku soo daraan talooyinka iyo dooda Xildhibaanada isla markaana Golaha ku so celiyaan labadaan sharci.

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka oo guddoomiyey shir looga hadlayay amniga caasimadda

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa shir-guddoomiyey kulan ku saabsan amniga caasimadda oo ka dhacay xarunta Gobolka Benaadir.

Kulanka ayaa diirradda lagu saaray qorshaha horumarinta amniga caasimadda iyo degmooyinka ku xeeran, iyo sidii kor loogu qaadi lahaa ammaanka shacabka ku nool Gobolka, loona adkayn lahaa iskaashiga hey’adaha kala duwan ee ka shaqeeya arrimaha amniga.

Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran, ay muhiimad weyn siinayso la shaqaynta hey’adaha amniga, dhiirrigalinta ciidamada qalabka sida, is-dhexgalka laamaha dowlada iyo shacabka, wuxuunna faray golaha wasiirrada in bisha barakaysan ee Ramadaan ay kula soo afuraan shacabka iyo Saraakiisha amniga degmooyinka caasimadda.

Mudane Saalax, ayaa kula dardaarmay Saraakiisha kala duwan ee masuulka ka ah amniga caasimadda in ay isku xirnaadaan, ayna dhexgallaan shacabka ku nool Gobolka Benaadir, si bulshada looga soo dhex-saaro kuwa halista ku ah amniga, ee ku dhex gabbanaya shacabka caasimadda.

                

Abaabulka hawlgal lagu cirib tirayo Khawaarijta oo ka socda Shabeellaha dhexe

Shabeellaha dhexe(SONNA):-Masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo dadka deegaanka gobolka Shabeellaha dhexe oo wada abaabulkii ugu sarreeyey kaas oo dalka looga xoraynayo kooxda Khawaarijta.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Sarreeye guuto Odowaa Yuusuf Raage,guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada qalabka sida gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur shuute iyo Saraakiil kale ayaa gaaray furimaha hore ee dagaalka iyagoo qayb ka noqonaya guluf dagaal oo lagu cirib tirayo kooxda khawaarijta oo maalmihii u dambeeyey la sheegay in ay si dhuumasho ah ku soo gaareen deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha dhexe.

Xildhibaano,ganacsato,madaxda dhaqanka iyo shacabka gobolka Shabeellaha dhexe ayaa iyaguna dhankooda wada abaabul dagaal oo xooggan.

Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa shalay jabiyey xubno khawaarij ah oo si dhuumasho ah ugu soo dhowaaday deegaanka Boos hareeri iyadoo halkaas ciidanka ku dileen in ka badan 20 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta.

Dalalka Muslimka iyo Yurub oo taageeray qorshaha Carabta ee dib u dhiska Gaza

rurka Iskaashiga Islaamka (OIC) iyo dhowr waddan oo Yurub ah ayaa taageeray qorshaha Carbeed ee la doonayo in dib loogu dhiso deegaanada Gaza ee ku burburay dagaalka Israel.

Wasiirrada arrimaha dibadda ee Faransiiska, Jarmalka, Talyaaniga iyo Boqortooyada Ingiriiska ayaa si wadajir ah u sheegay inay taageerayaan qorshaha dib u dhiska Gaza, kaasoo ay ku baxayso lacag dhan $53b.

Qorshahan ayaa waxaa soo diyaarisay Masar, waxaana madaxda Carabta ay ku meel mariyeen shirkii Jaamacadda Carabta ee bishan ka dhacay magaalada Qaahira.

57-da dale e xubnaha ka ah ururka Iskaashiga Islaamka  OIC ayaa sidoo kale si rasmi ah u ansixiyay qorshahaan kulan degdeg ah oo ay ku yeesheen Magaalada Jeddah ee Dalka Saudi Arabia.

Qorshaha Carabta oo loo arkaa mid lid ku hindisaha Trump,waxaa qodobadiisa kamid ah in Xamaas aysan maamulin Gaza iyo in aysan khatar ku noqon Israa’iil.

Bayaanka ka soo baxay afarta waddan ee Yurub ayaa lagu sheegay in ay taageerayaan doorka dhexe ee maamulka Falastiiniyiinta iyo hirgelinta ajendaha dib u habeynta.

Dunida Muslimka ayaa ku booryay Beesha Caalamka iyo hay’adaha maalgelinta caalamiga ah iyo kuwa gobolka inay si degdeg ah u bixiyaan taageerada lagama maarmaanka u ah qorshaha Catabta.