Wasiir Biixi oo la kulmay agaasimaha hay’adda horumarinta caalamiga ah ee UK

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federal ka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo uu wehliyo Agaasimaha Guud ee Dakhliga Mudane Faysal Maxamed Xaashi ayaa kulan muhiim ah maanta la qaatay Agaasimaha Hey’adda Horumarinta Caalamiga ah ee UK Dr. Christopher Pycrof.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo horumarin lahaa hannaanka dib-u-habeynta maaliyadda oo ay ugu horreeyaan ilaha dakhli soosaarka oo muhiimad gaar ah ay siinayso Wasaaradda Maaliyadda iyo barnaamijka Qorshaha Isbadalka Qaran (NTP) oo isna dhawaan ay meel-mariyeen Golaha Xukumadda JFS.

Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa Imaaraadka

ABU DHABI= Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay dhiggiisa dalka Imaaraadka Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan.

Kulankooda oo ka dhacay Qasr Al Bateen ee magaalada Abu Dhabi ayaa labada mas’uul waxay isku dhaafsadeen xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya Imaaraadka iyo Soomaaliya, waxaana lagu lafa guray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinacyada kala duwan, gaar ahaan dedaallada dhinacyada horumarinta iyo xasilloonida Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bogaadiyay taageerada joogtada ah ee Imaaraadka Carabta ay ka geystaan ​​horumarinta Soomaaliya, isagoo muujiyay doorka ay ku leeyihiin caawinta shacabka Soomaaliyeed si loo gaaro horumar baaxad leh.

Ra’iisal wasaare Xamse oo daah-furay tartan Qur’aanka Kariimka ah

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Daah-furay tartanka Qur’aan Akhriska sanadlaha ah ee heer Qaran oo ka furmay Magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha, oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in culimada Soomaaliyeed looga fadhiyo in ay soo saaraan dhallinyaro xambaarsan kitaabka oo xufaad ah, dadkana bara diinteenna nasteexada ah iyo sunnaha, si aan ummadda uga dhex-saarno kuwa leexiyey hadalka Eebbe, isla markaana banneystay dhiigga shacabka Soomaaliyeed.

“Tartanka Qur’aanku wuxuu bulshadeenna ku jihaynayaa in ay isku xirmaan, taas oo kor u qaadeysa midnimada iyo wadajirka bulshooyinka muslimiinta ah, waxa aanna ku xasuusanaynaa muhiimadda weyn ee uu nolosha u leeyahay ku dhaqanka kitaabka iyo sunnaha, kuwaas oo ina faraya in aynu ilaallino islaamnimada iyo wuxuu Alle innagu amray”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Dalka.

Mudane Xamsa, ayaa culimada Soomaaliyeed ku booriyey in ay hormuud u noqdaan dagaalka Khawaarijta dalka looga xoreynayo iyo suulinta fikradaha khaldan ee looga been sheegayo diinteena suubban.

        

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ansixiyay Hindise Sharciyeedka Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa ansixiyay Hindise Sharciyeedka Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed, waxaana ogolaatay 139-xildhibaan, Laba Xildhibaan ayaa diiday wax ka aamusayna ma jirin.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka xukuumadda faderalka Soomaaliya mudane Xasan Macallin Maxamuud ,ayaa Golaha Shacabka uga mahadceliyay ansixinta Hindise Sharciyeedka Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed,isagoona sheegay in sharcigaan uu muhiim u yahay Garsoorka dalka.

Habdhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux ayaa dhanka kale dhaariyay Xildhibaan Maxamed Cabdi Cali oo ka mid noqonaya xubnaha cusub ee Golaha Shacabka kadib markii labo maalin ka hor lagu soo doortay magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweynaha JFS oo la guddoonsiiyay Cilmi-baaris ku aadan horumarinta caasimadda

Guddoomiyaha Hay’adda Cilmi-baarista Hiddaha iyo dhaqanka Gobolka Banaadir Mudane Cabdullaahi Sheekh Nuur (Khadar) ayaa guddoonsiiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud seddex cilmi-baaris oo ka mid ah wax soo saarka aqooneed ee hay’adda Cilmi-baarista Hiddaha iyo Dhaqanka gobolka Banaadir.

Mid ka mid ah buugaagta ayaa si wanaagsan u faah faahinaya dhibka maandooriyuhu uu ku haayo amniga iyo xasilloonida Muqdisho, halka buugga Cilmi-baarista labaad lagu soo bandhigay nadaafadda Muqdisho iyo habka ugu wanaagsan ee bilicdeedii beri samaadka ku soo ceshan karto.

Mudane Cabdullaahi Sheekh Nuur (Khadar) buugga seddexaad ee ku guddoonsiiyay Madaxweynaha JFS ayaa isna diiradda lagu saaray Muqdisho iyo soo kabashadeeda amni iyo dhaqan dhaqaale ee xiligan.

Cilmi-baarista seddaxda buug ee lagu wareejiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muhiim u ah dhinaca horumarinta Caasimadda dalka, si ay ula jaanqaado dhiggeeda dunida loona helo caasimad ka horumarsan dhan kasta.

Wasiirka Qorsheynta oo kulan la qaatay Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaatadda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan (Beenebeene), ayaa kulan miro dhal ah la yeeshay Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (DSRSG) ee Soomaaliya, Mudane George Conway

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaran (QIQ: 2025-2029), kaasoo dhawaan la filayo in la daahfuro.

Labada dhinac ayaa sidoo kale isla soo qaaday sidii barnaamijyada iyo mashaariicda hoos yimaada Sanduuqa Wadajirka ee Soomaaliya si buuxda loo waafajin lahaa mudnaanta dowladda ee ku cad QIQ. Kulanka ayaa sidoo kale looga dooday sidii looga shaqeyn lahaa kulanka soo socda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, kaasoo dib loogu milicsan doono waxqabadyadii Qaramada Midoobay ee 2024 iyo qorshe-hawleedka sanadka 2025.

Waxaa sidoo kale kulanka looga hadlay halka uu marayo barnaamijka cusub ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, kaasoo badali doona kii hore. Sidoo kale, hoos u dhaca ku yimid Gargaarka Horumarinta Rasmiga ah (ODA) ayaa lagu soo qaaday, gaar ahaan dhimista taageerada ay bixiyaan deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah, sida USAID.

Wasiirku wuxuu caddeeyay in hoos u dhaca ODA uu saameyn ku yeelan karo barnaamijyada horumarinta ee Soomaaliya, isagoo muujiyay in loo baahan yahay in la helo habab kale oo maalgelin ah si loo ilaaliyo barnaamijyada muhiimka ah ee dalka.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda “Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka waa mid wanaagsan”

Wasiiro dowlaha Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Balcad oo u waramayay Warbaahinta Qaranka ayaa faah-faahin dheeri ah ka bixiyey xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Mudane Cali Balcad ayaa tilmaamay in xiriirka hadda ee labada dal uu yahay mid wanaagsan, islamarkaana labada dowladood uu ka dhaxeeya iskaashi dhan kasta ah oo ay ugu horeeyaan dhanka dhaqaalaha iyo siyaasadda.

“Dhanka siyaasadda ee Soomaaliya iyo Imaaraadka isna waa mid meel wanaagsan marayo, waxa ayna naga taageeraan arrimaha aminga iyo dhaqaalaha” ayuu yiri Mudane Cali Balcad.

Wasiir dowlaha wasaaradda Arrimaha dibadda Mudane Cali Balcad ayaa sidoo kale sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadku uu maraya meel wanaagsan, Soomaaliyana ay ka tageeraan arrimo ay kamid yihiin Amniga iyo dhaqaalaha.

Wasiirka Difaaca”Waxaan shacabka uga digeynaa ineysan Khawaarijta la macaamilin, ayna ka fogaadaan meelaha ay joogaan”

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in dowladdu ay dhowr jeer digniinno ka soo saartay la tacaamilka khawaarijta iyo in laga fogaado goobaha ay joogaan, balse wali meelaha qaar laga arkayo in taasi ka jirto.

Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa tilmaamay in deegaanka Ceel Bacad ee gobolka Shabeellaha Dhexe lagu arkay in weli aysan dadka qaar ka waantoobin welina la macaamilaan Khawaarijta, isagoo markale digniin adag u diray kuwa wali ku jira howlahaas.

“Anagoo aad uga fogaaneyna in Shacab wax yeelo ka soo gaarto duqeynta ayaa waxaan Amiiro ka tirsan Khawaarijta ku duqeyney deegaanka Ceel Bacad, waxaan mar labaad Shacabka uga digeynaa ineysan Khawaarijta la macaamilin, ayna ka fogaadaan meelaha ay joogaan” ayuu yiri wasiir Cabdiqaadir Maxamed Nuur.

Howlgallo lagu nadiifinayo khawaarijta ayaa ka socda dalka, kuwaas oo lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad tiro beel ah, waxaana ugu dambeeysay dilka horjooge Yuusuf Dhegnaas iyo Maleeshiyaad ka tirsanaa Khawaarijta oo 20 kor u dhaafaya.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan afur ah la qaatay Culimada Soomaaliyeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka kulan afur ah kula qaatay culimada Soomaaliyeed, isaga oo la wadaagay muhiimadda isku xirnaanta culimada, shacabka iyo dowladda oo laf-dhabar u ah qarannimada Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa culimada ku bogaadiyey kaalintooda muhiimka ah ee ay ku leeyihiin wacyigelinta bulshada, dib-u-heshiisiinta iyo xasilinta dalka, isaga oo si gaar ah u xusay doorkooda ku aaddan baraarujinta bulshada ee la dagaallanka Khawaarijta iyo afkaarta xagjirnimada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xusay in culimadu ay yihiin tiir muhiim u ah dowladnimada iyo horumarka dalka ayaa ku dhiirrigeliyey in ay sii xoojiyaan doorkooda hoggaamineed ee bulshada, iyagoo garab istaagaya dadaallada dowladdu ay ku xoojinayso nabadda iyo xoreynta dalka.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ka dhageystay culimada talooyin wax ku ool ah oo ku saabsan xoojinta dowladnimada, la dagaallanka been abuurka argagixisada ee arrimaha diinta iyo horumarinta danta guud ee ummadda Soomaaliyeed.

        

Hay’adda NISA oo bur burisay Buunddo marin muhiim ah u ahayd Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa burburiyay buundo macmal ah oo ay ka soo gudbeen Khawaarijtii ka dagaalantay Gobolka Shabeellaha Dhexe, taas oo ku taalla deegaanka Aw-baalle.

Howlgalkan oo lagu bur-buriyay gaadiid dagaal ayaa sidoo kale, lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad qorsheynayay in ay Buundada ka gudbaan si ay u gacansiiyaan maleeshiyaadkooda firxadka ah.