Madaxweyne Guudlaawe oo kulan fogaan arag ah la yeeshay safiirka Maraykanka ee Soomaaliya

Jowhar- Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo waqti kooban dib ugu soo laabtay xafiiskiisa ayaa shir fogaan arag ah waxa uu la qaatay danjiraha dowladda Mareykanka u joogo Soomaaliya Mr. Richard H. Riley.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay howlgalka dabar-goynta Khawaarijta ee ka socdo Hirshabeelle kaas oo cashar loogu dhiggay argagixisada.

Safiirka dowladda Mareykanka Amb. Richard oo uu wehliyo Col. Norris madaxa isku-duwaha kooxda howgalka Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay madaxweynaha Hirshabeelle xilli uu ku jiro xaalad dagaal oo adag inuu aqbalo kulankan.

Sidoo kale, safiirka ayaa xusay inay garab taagan yihiin oo ay kala shaqeynayaan Hirshabeelle sidii looga nadiifin lahaa haraadiga argagixisada waxa kale uu tilmaamay inay ka taageeri doonaan dhinacyada milatariga iyo biniโ€™aadanimada.

Dowladda Mareykanka ayaa ku bogaadisay Madaxweynaha Hirshabeelle hoggaamintiisa iyo abaabulkiisa ku aadan dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

โ€œWaqti adag ayaad garab istaag inoo muujiseen, waan idin kaga mahadcelinayaa xiriirka aad nala soo sameyseen, kaalin weyn ayaad ku leedihiin dagaalka socdo waxaadna waqti geliseen sidii Hirshabeelle ay xor ku noqon laheyd.โ€

Ugu dambeyn, madaxweynaha Hirshabeelle ayaa xusay cid walba oo xilligan garab istaagto inaysan iloobi doonin.

๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฎ: โ€œ๐—ช๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐—ฎ ๐—ด๐˜‚๐˜‚๐—น๐—ฒ๐˜†๐˜€๐˜๐—ฎ๐˜† ๐—พ๐—ผ๐—ณ๐—ธ๐—ถ๐—ถ ๐—ฑ๐—ถ๐—น๐—ฎ ๐—ฎ๐—บ๐—ฎ ๐—ฎ๐˜† ๐—ฑ๐—ถ๐—น๐—ฎ๐—ฎ๐—ป ๐—ž๐—ต๐—ฎ๐˜„๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ถ๐—ท๐˜aโ€

Raโ€™iisul Wasaaraha XFS, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xalay booqday dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah ,ee ku jira Isbitaalada xoogga iyo Erdogan (Ex Digfeer).

Raโ€™iisul Wasaaraha, oo mid mid u booqday, una kor istaagay qaar kamid ah ciidamada difaaca Qaranka u dhaawacmay, ayaa ka xogwareystay xaaladdooda caafimaad, isaga oo Alle uga baryey in uu siiyo caafimaad deg-deg ah oo ay kaga soo kabtaan dhaawaca soo gaaray, wuxuuna ku dhiirrigeliyay adkeysiga iyo dadaalka ay ugu jiraan difaaca dalka iyo ciribtirka kooxaha argagixisada ah.

โ€œWaxaa guuleystay qofkii dila Khawaarijta ama ay dilaan, sida uu Rasuullku sheegay waa qolo diinta si khaldan u fahmay, waxaan rabnaa in ciidamada qalabka sida iyo kuwa deegaanka ay helaan isbitaallo casri ah oo lagu baxnaaniyo maadama uu dalkeennu dagaal adag kula jiro kooxo kasoo horjeeda nabadda iyo xasilloonida dhowaanna dalkiina iyo dadkiinna oo nabad ah ayaa idiin abaalgudi doonaโ€. Ayuu yiri Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Mudane Xamsa, ayaa xusay in Xukuumadda DanQaran ay mar walba garab u tahay halyeeyada naftooda u huraya diinta, dadka iyo dalkooda, si ay uga u ciribtiraan argagixisada u taaggan daadinta dhiigga ummadda Soomaaliyeed.

Raโ€™iisul wasaare Xamse oo qaabilay safiirka Sudan ee Soomaaliya

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta qaabilay danjiraha Jamhuuriyadda Sudan u fadhiya Soomaaliya Mudane Abdelrahman Khalil Ahmed Afandi, isaga oo kala hadlay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya labada dal iyo fursadaha cusub ee iskaashi dhinacyada kala duwan leh.

Danjire Abdelrahman ayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahad celiyey garab istaagga ay u muujiyeen dowladda iyo shacabka Sudan markii dhibaatooyoinku ka dhaceen dalkaas, waxaana uu ballan qaaday in Suudaan ay xoojin doonto xiriirka walaalnimo ee labada dal ay wadaaggaan.

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa walaalaha Suudaan uga mahad celiyey doorka ay ka qaateen waxbarashada dhallinyarada Soomaaliyeed xilligii adkaa ee dalkeennu soo maray, isaga oo xusay in Dowladda Soomaaliyeed garab taagan tahay Dowladda iyo shacabka Sudan, waxa uuna bogaadiyey dadaallada dib loogu soo celinayo deganaanshaha Suudaan, laguna xoojinayo midnimada iyo wadajirka ummadda reer Sudan.

ย ย 

Horjoogayaashii Khawaarijta u qaabilsanaa Qaraxyada iyo maaliyadda oo duqeyn lagu dilay

War ka soo baxay hayโ€™adda Sirdoonka iyo Nabbad sugidda Qaranka ee NISA ayaa lagu faah faahiyey hawlgal xagga cirka ah oo lagu dilay 2-horjooge oo muhiim u ahaa kooxda Khawaarijta

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay danjire James Swan

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire James Swan.

Kulanka ayaa looga hadlay wadashaqeynta dowladda iyo heyโ€™adaha Qaramada Midoobay, teegaarada qorshaha dowladda ee doorashooyinka qof iyo cod, hawlgalka cusub ee Midowga Afrika AUSOM.

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa, ayaa sheegay in dowladda tallaabooyinka muhiimka ah ee dowladdu u qaaday dhanka dimuqraadiyeynta, horumarka iyo dowlad-dhiska Soomaaliya, isagoo uga mahadceliyey taageerada xafiiska Qaramada Midoobay ee ku aaddan arrimaha gargaarka, amniga iyo geed-socodka nabadda.

Golaha shacabka oo ansixiyay sharciga hayโ€™adaha maaliyadda

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay hindise sharciyeedka sharciga hayโ€™adaha maaliyadda.

Hindise sharciyeedkan ayaa waxaa oggolaatay 142, hal xildhibaanna waa uu aamusay.

Sidoo kale, mudanayaasha ayaa ansixiyay hindise sharciyeedka shirkadaha caymiska, waxaana ogolaatay 142-xildhibaan, hal xildhibaan ayaa diiday wax ka aamusay ma jirin.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka BJFS ayaa ku dhawaaqay ansaxnimada hindise sharciyeedkan.

Soomaaliya iyo UK oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dowladood

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Agaasimaha Horumarinta ee Safaaradda Boqortooyada Ingiriiska u qaabbilsan Soomaaliya, Mudane Chris Pycroft.

Kulankan oo ku qotomay xoojinta wada shaqaynta horumarka, ayaa lagu lafaguray hirgelinta Qorshaha Isbadelka Qaranka (NTP 2025-2029), oo si rasmi ah loo daahfuri doono 17-ka Maarso, 2025.

Waxaa si gaar ah diiradda loo saaray doorka ay deeq-bixiyeyaashu ka qaadanayaan maalgelinta iyo taageerada mashaariicda mudnaanta u leh bulshada Soomaaliyeed. Waxaa sidoo kale laga wada hadlay saameynta ay yeelan karto dhimista dhaqaalaha kaalmada horumarineed (ODA) iyo sida looga hortagi karo dhibaatooyin ka dhasha isbeddelladan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay uga mahadcelinaysaa Dowladda UK iyo bahwadaagta kale ee caalamiga ah dadaalkooda joogtada ah ee ku aaddan dib-u-dhiska iyo horumarinta Soomaaliya.

Labada dhinac waxay isla garteen in si dhow la isula shaqeeyo si loo hubiyo in dhammaan dadaallada horumarineed ay waafaqsanaadaan Qorshaha Isbadelka Qaranka, loona xaqiijiyo in horumarka la gaari doono uu noqdo mid waara, wax-ku-ool ah, islamarkaana lagu wada faaโ€™iidaysto.

Hirgelinta Qorshaha Isbadelka Qaranka waa tallaabo muhiim ah oo u horseedi doonta mustaqbal ifaya oo ay Soomaaliya kaga faaโ€™iidaysan doonto iskaashiga caalamiga ah si ay u gaarto yoolkeeda horumarineed.

Dowladda Soomaaliya waxay mar kale ku celinaysaa sida ay uga goโ€™an tahay la shaqeynta saaxiibada caalamiga ah si loo xaqiijiyo horumar loo dhan yahay.

Duqa Muqdisho oo xalay booqday xarumo ganacsi oo ku yaallla caasimadda

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa caawa booqday qaar kamid ah xarumaha Ganacsiga ee ku yaalla Caasimadda si uu ugu kuurgalo Amniga iyo horumarka balaaran ee Magaalada kajira.

Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Amiir oo dhankiisa wax ka iibsanayay goobihii uu booqday ayaa ku dhiiragaliyay Ganacsatada Soomaaliyeed sida ay laf dhabarka ugu yihiin horumarinta adeegyada bulshada iyo bilicda Magaalada islamarkaana ay dalkooda u maalgashteen.

Guddoomiye Amiir waxaa booqashadaan ku wehlinayay Taliyaha qeybta guud Gobolka Banaadir ee Ciidanka Nabad sugida iyo Sirdoonka Gaashaanle Sare Cabdifitaax Shaaweeye.

Dowladda Soomaaliya oo xirtay warbaahino internet ka ah oo Khawaarijtu lahayd

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa xirtay ilaa iyo 12 warbaahin, nooca mareegaha oo ay Khawaarijta lahaayeen, iyadoo horay ay dowladdu ugu guuleysatey xiritaanka in ka badan 30 bar mareeg ama website oo Khawaarijta ku lahaayeen barta Internet-ka.

Sidoo kale dowladda ayaa gacanta ku dhigtay xogta iyo raadka shaqsiyaad badan oo ku lug lahaa hawlaha barahaan iyo kuwa dhaqaalaha ku bixinayay intaba, iyadoo xogtaasi ay sahli doonto in talaabo laga qaado dembiilayaasha Khawaarijta ugu adeegayay hawlahan.

Inta uu socdo hawlgalka baabiโ€™inta nooc kasta oo Khawaarijtu u isticmaalaan warbaahin ahaan ayaa waxaa lagu burburiyay kumanaan kun oo barood oo ay ka samaysteen baraha kala duwan ee bulshada ee la isticmaalo.

Hayโ€™adaha dowladda ee u xilsaaran burburinta baraha Internetka ah ee Khawaarijta ayaa sidoo kale mar dhow rajaynaya inay gacanta u soo galaan Website-yada kale ee Khawaarijt ku gudbiyaan falal dembiyeedka iyo marin habaabinta.

Linkiyada website-yada lala wareegay:

dhaxalgal.net

warkiislamka.com

dhaxalgal.com

somalimemo24.com

somalimemo24.net

radioalfurqaan.co

dhaxalgalka.info

faafreeb.com

faafreeb.net

faafreeb24.com

faafreeb24.net

amirnur.com

16 ka tirsanaa khawaarijta oo lagu dilay Shabeellada dhexe

Ciidanka hayโ€™adda sirdoonka iyo nabad-sugidda Qaranka ee NISA, ayaa fuliyay howlgal duqeyn ah oo lagu dilay horjoogeyaal iyo Malleeshiyaad firxad ah oo ku sugnaa gobolka Shabeellada dhexe.

Howlgalkan oo ka dhacay meel ku dhow tuulada Basra ee gobolka Shabeellada dhexe ayaa lagu dilay 16 xubnood oo katirsanaa khawaarijta, kuwaas oo isugu jira horjoogayaa iyo malleeshiyo.

Hayโ€™adda NISA oo qoraal kasoo saartay howlgalka ayaa intaa ku dartay in halkaasi lagu burburiyay gaadiid dagaal oo ay wateen khawaarijta.