Horjoogihii Khawaarijta u qaabilsanaa Deegaanka Mubaarak oo Dowladda isu soo dhiibay

Yacquub Macallin Axmed oo 7-sano ka hor Khawaarijta uga biiray deegaanka Janaale ayaa galabta isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Yacquub ayaa sheegay inuu ahaa horjoogihii Khawaarijta u qaabilsanaa deegaanka Mubaarak oo hoos taga degmada Awdheegle.

Wuxuu sheegay Khawaarijta uu soo wajahay culeys ay u dul-qaada waayeen oo uga imaanaya duulaanka iyo goโ€™doominta ay kala kulmayaan Ciidamada Qaranka, taasi oo ku kaliftay in maanta uu isku soo dhiibo Ciidamada Qaranka ee ku sugan degmada Awdheegle.

Wasiirka Caddaalladda: wax aan daddaal ugu jiraa sidii ay caddaallad u heli lahaayeen dhalinyaradda ku xiran Sucuudiga

Dowladda Soomaaliya oo daddaal ugu jirta sidii ay u heli lahaayeen caddaallad dhalinyaradda Soomaaliyeed ee ku xiran dalka Sucuudiga,xiriiro iyo daddaalo kala duwan oo ay la sameeyeen dowladda Sucuudiga Xafiiska Madaxweynaha JFS,Wasaaradda Arrimaha dibedda iyo Wasaaradda Caddaalladda ayaa natiijo is faham ka gaareen dowladdaha Soomaaliya iyo Sucuudiga sida uu Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey Wasiirka Caddaallada Xukuummadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Macallin.

Wasiirka ayaa sheegay in ay kulan la qaaten safiirka Sucuudiga u fadhiya Muqdisho kana wada hadleen sidii dadka Soomaaliyeed ee ku xiran Sucuudigu u heli lahaayeen caddaallad
โ€œWaxaan dowladda Sacuudiga kala hadalnay joojinta fulinta xukunno dil ah oo lagu riday dhallinyaro Soomaaliyeedโ€ ayuu yiri wasiir Xasan.

Dhinaca kale wasiirka ayaa sheegay in dhowaan labada dal kala saxeexan doonaan heshiis ku saabsan garsoorka iyo arrimaha maxaabiista,dowladdaha Soomaaliya iyo Sucuudiga ayaa leh xiriir saaxiibtinimo oo qota-dheer.

Ciidanka Xoogga oo Bakool ka fuliyay howlgal lagu Jabiyay kooxo khawaarij ah

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 95aad Guutada 9-aad qeybta 60-aad ayaa khawaarijta ku jabiyay howlgal ay ka fuliyeen tuulada Dhurey ooย  ka tirsan Degmada Waajid ee Gobolka Bakool.

Howlgalkaan, ayaa yimid kadib markii ciidanka ay heleen xog muujineysa in Khawaarijtu isku urursanaayeen tuuladaasi, halkaasi oo ay kasoo abaabulayeen dhagaro lagu waxyeeleynayo shacabka iyo amniga guud.

Geesiyaasha Ururka 95-aad ayaa weerar dhowr jiho ah kaga hortagay damicii argagixisada,waxaana kooxdaasi ay ย ka carareen Tuulada dhurey kadib markiiย  looga adkaaday halkaasi,sida uu ku waramay Taliyaha Ururka 95-aad guutada 9-aad L/X/Le Isaaq Mohamed Ibraahim oo hogaaminayey howlgalkaasi.

Awoodda ciidanka XDS iyo weerarka qorsheysan ee lagu qaaday ayaa fashiliyey damacii Khawaarijta, waxaana la gaarsiiyay khasaare culus.

uulada dhurey waxey 20 km u jirtaa Degmada Waajid waxaana marta wadada dheer ee isku xirta Baydhabo iyo Waajid.

Ciidanka Qaranka oo duqayn ku dilay 41 khawaarij ah

Ciidamada Hayโ€™adda Sirdoonka Qaranka ee NISA iyo Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo howlgallo duqeyn ah ka fuliyey deegaanka Boos-Hareeri ee gobolka Sh/Dhexe iyo deegaanka Jambaluul gobolka Sh/Hoose ayaa dilay 41 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta, kuwaas oo isugu jira horjoogayaal iyo maleeshiyaad.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo xiray tartanka qurโ€™aanka kariimka ee Bisha Ramadaan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo soo xiray Tartanka Qurโ€™aanka Kariimka ah ee Bisha Barakaysan ee Ramadaan ayaa abaal marinno lacageed guddoonsiiyey halyeeyada kaalimaha hore ka galay tartanka sannadkan.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in tartankan Qurโ€™aanka Kariimka ah uu ka tarjumayo sida shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ugu dhaggan yihiin diintooda suubban, ugana shaqeynayaan barashadeeda iyo ku dhaqankeeda.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in dowladnimada Soomaaliyeed ay u taagantahay ilaalinta diinta iyo ku dhaqanka shareecadda Islaamka ayaa abaal marin dhan 20.000 oo doolar waxa uu guddoonsiiyey Cabdiraxmaan Cabdullahi Cismaan oo kaalinta koowaad u galay sannadkaan Tartanka Qurโ€™aanka Kariimka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa abaal marinno guddoonsiiyey xufaadda kaalimaha hore galay oo kala ah;

1:Cabdiraxmaan Cabdullahi Cismaan $20,000

2:Sakariye Cabdullahi Xassan Rooble $15,000

3:Cismaan Cabdullaahi Cismaan $10,000

4:Caaisha Aadan Maxamed $7,000

5:Cabdiraxmaan Cali Xuseen $5,000

6:Usaama Yuusuf Farxaan $3,000

7:Ibraahin Cabdiraxmaan Ibraahim $2,000

Ugu danbeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyey waalidiinta iyo macallimiinta barbaariyey halyeeyadan ku guuleysatay tartanka Qurโ€™aanka Kariimka ah, waxa uuna Alle uga baryey in uu ku anfaco, fahamkooda barakeeyo, kana yeelo kuwii dalkooda ugu adeega.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka shir uga qayb galay Ghana

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Mudane Cabdikariim Axmed Xasan, ayaa ka qeyb-galay Shir muhiim ah oo ka qabsoomay magaalada Accra-ee Dalka Ghana, shirkaas oo ahaa Madasha 9-aad ee Guddiyada Doorashooyinka Afrika.

Madashaan oo ah mid sanadle ah ayaa sanadkaan waxaa looga hadlayaa xal u helida cododka ay dhiibtaan cod bixiyayaasha kuwaas oo aan sidii loo baahnaa aan loo calaamadin warqadaha codbixinta, Waxaana halku dhigga Madasha ee sanadkaan ciwaan looga dhigay โ€œAll Votes Count.

Shirkaan ayaa socon doona muddo labo cisho ah , waxaana diiradda lagu saari doonaa khibrad wadaag la xariirta sababaha keena warqadaha codbixinta ee xumaada iyo xalka loo baahanyahay si looga hortago.

ย 

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS mudane Cali Yuusuf Cali(Xoosh) ayaa soo xiray kulanka Wacyigelinta Doorashada Qof iyo Cod

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf Cali(Xoosh) ayaa soo xiray kulanka Wacyigelinta Doorashada Qof iyo Cod kaasi oo Wasaaraddu ay 4 maalin ku qabaneysay caasimadda Muqdisho.

Mudane Cali Xoosh oo hadal ka jeediyey ayaa sheegay in doorashada qof iyo cod ay sharciyad leedahay, ayna jirto rabitaan shacab isaga oo intaasi raaciyey in ay cid weliba masโ€™uuliyad ka saaran tahay ka shaqeynta hirgelinteeda.

Wasiir Cali Xoosh ayaa ku dheeraaday faaโ€™idooyinka dimoqoraadiyadeynta, doorashada aof iyo cod iyo sida mar hore loogu baahnaa in dib loogu celiyo xuquuqdooda dastuuriga ah.

Ugu dambeyntii, Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya waxaa uu bogaadiyey ciidamada xoogga dalka ee bishan barakeysan baacsanaya kooxaha Khawaarijta isaga oo adkeeyey in la garab istaago.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ayaa 4-tii maalin ee lasoo dhaafay waxaa ay Muqdisho ku qabatay kulamo wacyigelin doorasho iyada oo lagu maamuuay Gobolka Banaadir, Odeyaasha dhaqanka. haweenka, Dhalinyarada, Culimada iyo qeybaha bulshada kuwaas oo taageeray qabashada doorasho qof iyo cod

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐›๐จ๐ช๐จ๐ฅ๐š๐š๐ฅ ๐๐š๐๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐ž ๐š๐ก ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š ๐š๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐š๐ฒ ๐ฌ๐ฎ๐ฎ๐ช๐š ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง ๐ž๐ž ๐๐š๐ค๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa shacabka caasimadda kala qeyb-galay afur wadareed ka dhacay Suuqa weyn ee Bakaaraha, taasi oo muujinaysa horumarka amni ee ka hirgalay caasimadda Muqdisho.

Raโ€™iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay xoog badan galisay sidii loo xaqiijin lahaa amniga caasimadda, isaga oo uga mahadceliyay bulshada caasimadda sida wanaagsan ee ay ula shaqeeyeen heyโ€™adaha amniga ee suurageliyay in caawa nabad loogu afurayo suuqa Bakaaro.

Mudane Xamsa ayaa xusay in dowladda Soomaaliya ay ku hawlan tahay qabashada doorashooyinka dowladaha hoose iyo sidii guud ahaa dalka looga hirgelin lahaa doorasho qof iyo cod, si shacabku ay u soo doortaan cidda hoggaamineysa, ulana xisaabtami karaan, taasi oo ah xaq dastuuri ah oo ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay lataliyaha sare ee arrimaha difaaca

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Marwo Jihaan Cabdullaahi Xasan in ay noqoto La-Taliyaha Sare ee Arrimaha Difaaca ee Madaxweynaha.

Marwo Jihaan ayaa horey u soo noqotay La-Taliyaha Sare ee Arrimaha Amniga iyo Dib-u-habaynta Ciidamada ee Xafiiska Madaxweynaha tan iyo Agoosto 2023, iyadoo door muhiim ah ka qaadatay kala guurka Howlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika (ATMIS) iyo hirgelinta Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

Muddo 13 sano ah ayay si toos ah uga shaqeyneysay arrimaha difaaca, iyadoo door muuqda ku lahayd diyaarinta iyo horumarinta qorshaha amniga qaranka ee lasoo bandhigay sannadkii 2023. Sidoo kale, waxay kaalin ka qaadatay dib-u-habaynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed intii u dhaxeysay 2017 ilaa 2020.

Sidoo kale, Lataliye Jihaan Cabdullaahi Xasan waxay soo noqotay haweeneydii ugu horreysay ee loo magacaabo Agaasime Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga, Sannadkii 2019-kii, taas oo muujineysa doorkeeda hoggaamineed iyo khibraddeeda sare ee dhanka difaaca iyo amniga qaranka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay Lataliyaha cusub ee Arrimaha Difaaca in ay ka shaqeyso dib-u-habaynta iyo horumarinta hayโ€™adaha difaaca dalka.

Taliyaha Booliiska oo qabtay kulan looga hadlayey la dagaalanka Khawaarijta

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi oo uu wehliyo Taliye ku xigeenka Ciidanka Sarreeye Guuto Cismaan Cabdullaahi Maxamed (Kaniif) ayaa shir guddoomiyay kulanka Hoggaanada iyo qeybaha Booliiska oo Todobaadkan looga hadlay la dagaalanka Argagixisada, amniga Xeebaha, iyo horumarinta shaqada Ciidanka Booliiska.

Taliyaha ayaa saraakiisha ku bogaadiyay dadaalka shaqo ee waajibka ku ah ,waxaana uu faray in la xoojiyo sugidda amniga si shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan ugu noolaadaan nabadd iyo xasilooni.

ย ย ย ย ย ย ย ย ย