Madaxweynaha JFS oo socdaal diblomaasiyadeed ugu ambabaxay Yugandha iyo Itoobiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta u ambabaxay dalka Uganda si uu uga qeybgalo Shir-madaxeedka Bangiga Horumarinta Beeraha Qaaradda Afrika ee (CAADP).

Madasha ayaa isu keenaysa hoggaamiyeyaasha Afrika si ay uga wada hadlaan maalgelinta iyo horumarinta beeraha Qaaradda, iyada oo la xoojinayo doorka muhiimka ah ee beeruhu ku leeyihiin koboca dhaqaalaha iyo sugnaanta cuntada.

Inta uu shirku socdo, Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo gaar ah la yeelan doona Madaxweynaha Uganda, Mudane Yoweri Kaguta Museveni, iyo Madaxweynaha Kenya, Dr. William Samoei Ruto.

Kulamadan ayaa diiradda lagu saari doonaa arrimo ay ka mid yihiin xasilloonida gobolka, iskaashiga dhaqaale, iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo dhaqaale ee Soomaaliya iyo dalalka deriska ah.

Galabta, Madaxweynaha ayaa safar ku tagi doona Itoobiya ka dib markii uu martiqaad rasmi ah ka helay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Mudane Abiy Axmed.

Wadahadalka uu madaxweynuhu la yeelanayo madaxda Itoobiya ayaa ujeedkiisu yahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo horumarinta danaha wadajirka ah ee labada dal.

Socdaalkan ayaa dabasocda heshiiskii dhawaan lagu gaaray Ankara, taas oo ka tarjumaysa iskaashi cusub oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Socdaallada diblomaasiyadeed ee Madaxweynaha ayaa qeyb ka ah safarro ballaaran oo uu ku marayo gobolka, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen booqashooyin guul leh oo uu dhawaan ku tagay dalalka Ereteriya iyo Jabuuti.

Intii uu ku sugnaa dalalkan, Madaxweynaha ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta iskaashiga adag ee kala dhaxeeya dalalka deriska ah iyo horumarinta yoolalka wadajirka ah ee nabadda, horumarka, iyo xasilloonida Geeska Afrika.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si xooggan uga shaqeynaysa xoojinta iskaashiga goboleed ee lagu gaarayo barwaaqada.

Dadaalladan ayaa la jaanqaadaya aragtida Soomaaliya ee ku saleysan midnimo, iskaashi, iyo horumar waara oo loogu daneynayo dalalka gobolka oo dhan.

Ciidanka puntland oo cagta mariyay fariisimahii Daacish ee gobolka bari

Boosaaso-Ciidamada ciribtirka argagixisada ee deegaanada dowlad goboleedka Puntland ayaa burburiyey ugu yaraan shan talis oo Khawaarijta Daacish ay ku lahaayeen dhulka Buuraleyda ah ee gobolka Bari.

Howlgal saacadihii u dambeeyey ka dhacay Togga Il-cameyro ee buuralayda Cal-miskaad ayaa lagu burburiyey goobihii ay ku dhuumaaleysan jireen kooxaha argagixisada ah, waxanay goobahaasi ugu carareen hub iyo saanad fara badan.

Sidoo kale, Ciidamada ayaa ku guuleystay in ay soo ridaan diyaarado Drones ah oo ay Khawaarijtu u isticmaalayeen in ay ciidanka ku basaasaan.

Wasiirka madaxda iyo howlwadeennada Warfaafinta oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Cumar Cali Axmed

TACSI:- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar Al-Cadaala, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cabdullaahi Xayir Ducaale, Agaasimayaasha Waaxyaha iyo Hawlwadeennada Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska iyo ehellada uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Marxuum Cumar Cali Axmed oo mudooyinkan ku xanuunsanaa Muqdisho.

Wasaaradda waxa ay si gaar ah tacsi ugu direysaa Agaasime C/shakuur Cali Axmed oo ka mid ah Agaasimayaasha Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya oo ay geerida walaalkii uga tacsiyeynayaan .

Mas’uuliyiinta Wasaaraddu waxa ay marxuumka Alle uga baryayaan in uu naxariistiisa janno siiyo, ehellada iyo qoyska uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan Alle ka siiyo .

INNAA LILAAHI WA INNAA ILEEYHI RAAJICUUN.

Soomaaliya oo u sharaxan ku biiridda Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika

Soomaaliya ayaa kuu biirtay Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay kana mid noqotay 15-ka xubnood ee Golahaasi ayaa dhawaan waxaa la qabtay shirkii koowaad ee Golahaasi, waxaana bilowday Xubinnimadan cusub ee Soomaaliya, waxaana laga dhawaajiyay inay Soomaaliya ay ka go’an tahay ilaalinta Axdiga Qaramada Midoobay iyo ka shaqeynta nabadda iyo amniga caalamiga ah.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa 54-sanno ka dib ka qeyb gashay shirka, iyadoo uu matalayay ergayga Soomaaliya ee UN-ka u fadhiya Danjire Abuukar Cusmaan Baalle, wuxuuna shirka ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneysa, wuxuuna Ergaygu shirka la tegay mowqifka Soomaaliya ee qaddiyadda Falastiin iyo tacaddiga Israel u geysaneyso dadka Rayidka ah.

Muhiimadda kursiga golaha ammaanka iyo waxa looga baahan yahay Soomaaliya inta ay ku fadhiso kursigaasi, ayaa la sheegay in tallaabada ugu horreyso Soomaaliya laga doonayo in ay tahay qeyb ka noqoshada nabadeynta iyo xasilloonida Geeska Afrika oo aan ku naalno iyo in laga shaqeeyo arrimaha muhiimka ah ee Soomaaliya khuseeyo.

Waxyaabaha kale ee Soomaaliya laga doonayo muddada labada sanno ee kursiga ku fadhiso in ay tahay in dadaal xooggan la geliyo sidii dalka looga ciribtiri lahaa Argagixisada, iyadoo la kaashanayo taageerada Beesha Caalamka iyo sidii looga bixi lahaa Chapter 7, oo dad badan aysan ku baraarugsaneyn muhiimadda ay leedahay in marxaladdaasi laga gudbo, iyadoo muddada labada sano ah ee Soomaaliya ku fadhiso kursiga Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ka dib, Soomaaliya noqon doonto, Soomaaliya sarreysa, sumcad leh, diblomaasiyadda oo kor u kacda iyo in Somaaliya loo qoro nabadeynta iyo xasilloonida iyo in ay kaalin weyn qaadatay wax ka qabashada goobaha dhibaatada ka jirto.

Maadaama ay ku fariisatay Kursiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayay Dowladda Soomaaliya haddana ku dhawaaqday in ay u tartameyso Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika (AU Peace and Security Council) oo ah hay’ad muhiim ah oo ka tirsan Midowga Afrika, waxaana loo aas aasay in ay ka shaqayso sugidda nabadda, xallinta khilaafaadka, iyo ilaalinta xasilloonida Qaaradda Afrika. Golaha wuxuu u shaqeeyaa sida Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, isagoo mas’uul ka ah qaadashada go’aamo ku saabsan khilaafaadka iyo amniga Afrika, iyadoo ay xaqiijisay musharaxnimadeeda Kursiga Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (AU PSC) ee muddo-xileedka 2025–2028-ka, kadib War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS.

Warsaxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa lagu sheegay in musharaxnimada Dowladda Federaalka ay ku saleysan tahay dhowr arrimood oo muhiim ah:

  1. Soomaaliya weli ma aysan ka mid noqon Golaha Nabadda iyo Ammaanka tan iyo markii la aas aasay 2004, taas oo ka dhigaysa musharaxnimadan mid u taagan sinnaanta iyo ka qeybgalka.
  2. Maadaama ay tahay xubin ka mid ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Soomaaliya waxay leedahay fursad gaar ah oo ay ku hormariso mudnaanta Afrika ee heer caalami.
  3. Soomaaliya waxa ay sidoo kale leedahay taariikh facweyn oo ku saabsan taageeridda halgamadii xornimada, la dagaallanka midab-takoorka, iyo difaaca madax-bannaanida waddamada Afrika.

Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu xusay in DF ay ka shaqeyn doonto:

  1. In ay horumariso howlaha nabad ilaalinta ee Midowga Afrika iyada oo ka faa’iideysanaysa casharradii ay ka baratay waaya-aragnimadeeda gaarka ah.
  2. In ay wax ka qabato sababaha asaasiga ah ee keenaya khilaafaadka si loo abuuro nabad waarta oo qaaradda ka hana qaada.
  3. Iyo In ay dhaqaajiso xoojinta awoodda lagu maaraynayo xaaladaha degdegga ah ee ka yimaada khilaafaadka.

Haddaba waa maxay muhiimadda uu Kursigan u leeyahay Soomaaliya? Muhiimadda uu kursigan u leedahay Soomaaliya ayaa ah in ay door muuqda ka qaadato ajendaha nabadda iyo ammaanka ee Afrika, taasi oo ka tarjumeysa safarkeeda dib-u-habeynta iyo sida ay uga go’an tahay mabaadi’da Pan-Africanism-ka; Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa la aas-aasay sanadkii 2004, iyadoona Soomaaliya dooneyso in ay markii ugu horreyso ka mid noqoto, taasi oo musharaxnimadan ka dhigeysa mid ku saleysan sinnaanta iyo ka qaybgalka arrimaha istiraatiijiyada ah ee nabadda Afrika.

Aan dib u milicsanno Shaqada Golaha Nabadda iyo Amniga ee AU:

  1. Ka Hortagga Khilaafaadka: Golaha wuxuu qaadaa tallaabooyin lagu xallinayo dhibaatooyinka iyo khilaafaadka ka hor inta aysan noqon kuwo halis ah.

2. Dhexdhexaadinta iyo Xallinta Khilaafaadka: Wuxuu u xil-saaran yahay dhexdhexaadinta dhinacyada is haya, si loo gaaro heshiis nabadeed.

 

  1. Ciidamada Nabad-ilaalinta: Wuxuu go’aamiyaa in ciidamo loo diro dalalka ay ka jiraan colaadaha, si loo ilaaliyo nabadda.

 

  1. Dabagalka iyo Falanqaynta: Golaha wuxuu qiimeeyaa xaaladaha amni ee Qaaradda Afrika, si looga hortago wax kasta oo khatar ku ah nabadda.

 

  1. Ka Shaqeynta Caddaaladda: Golaha wuxuu taageeraa tallaabooyin lagu xaqiijinayo caddaalad iyo isla xisaabtan.

Haddaba sidee loogu tartamaa Kursigaan?

Tartanka Golaha waxaa ka qaybqaata dowladaha xubnaha ka ah Midowga Afrika, waxaana loo tartamaa sida soo socota:

Shuruudaha Musharraxiinta:

 

  1. Xubinimada Midowga Afrika: Dowladdu waa in ay tahay xubin firfircoon oo ka tirsan Midowga Afrika.

 

  1. Xasiloonida Gudaha Dalka: Dowladdu waa in ay ku jirto xaalad xasiloon oo aan laheyn khilaafaad gudaha ah ama mid dibadeed oo culus.

 

  1. Taageeridda Nabadda iyo Amniga: Dowladdu waa in ay soo bandhigto taageerada iyo ka-qaybgalka mashaariicda nabadda ee Afrika, sida ciidamo nabad-ilaalin ah ama taageero dhaqaale.

 

  1. Maalgelin iyo Firfircooni: Dowladdu waa in ay bixiso waajibaadka dhaqaale ee Midowga Afrika, isla markaana ay ka mid noqoto dowladaha firfircoon ee u adeegaya Qaaradda.

Habka Doorashada:

 

  1. Kursiyo Joogto ah iyo Kuwo Wareegaya: Golaha waxaa ka kooban 15 xubnood, oo 5 ka mid ah yihiin kuwa joogto ah (oo seddex sano kursiga haysta) iyo 10 kursi oo aan joogto ahayn (oo laba sano kursiga haysta).

 

  1. Xulashada Gobolka: Xubnaha waxaa loo qeybiyaa si gobollada Afrika ay u helaan matalaad loo siman yahay (Bariga Afrika, Galbeedka Afrika, Koonfurta Afrika, iwm).

 

  1. Codeyn: Golaha Wasiirrada Midowga Afrika ayaa u codeeya musharraxiinta ka socota dowladaha kala duwan. Dowladaha helaya codadka ugu badan ayaa ku guuleysta kuraasta.

 

Ololaha Musharraxiinta:

 

  1. Xiriirka Diblomaasiyadda: Dowlad kasta oo u tartamaysa kursi waxay sameysaa olole diblomaasiyadeed oo ay ku kasbaneyso taageerada dalalka kale.

 

  1. Soo Bandhigida Taariikhda Guulaha:

Musharraxiinta waxay muujiyaan doorkooda hore ee nabad-ilaalinta, amniga, iyo taageerada Midowga Afrika.

 

  1. Isbahaysi Siyaasadeed: Dowladuhu waxay la sameeyaan isbahaysiyo dowlado kale si ay u helaan codad badan.

 

Golaha Nabadda iyo Amniga waa mas’uul muhiim ah oo kaalin weyn ku leh sugidda nabadda Afrika, waxaana u tartamaya dowladaha doonaya inay qayb ka noqdaan xallinta dhibaatooyinka Qaaradda.

 

Tartanku wuxuu ka dhigan yahay fursad dowladuhu ku muujiyaan doorkooda hoggaamineed ee dhanka amniga iyo nabadda ee Qaarada Africa.

By. C/laahi Ruush

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay madaxda dalladaha ururrada bulshada rayidka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka kulan kula qaatay qaar ka mid ah madaxda Dalladaha Ururrada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xubnaha kulanka ka qeyb galay ka dhageystay aragtidooda iyo talooyinkooda la xiriira xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha siyaasadda, doorashooyinka, dib-u-heshiisiinta iyo amniga.

Madaxweynaha ayaa ururrada la wadaagay warbixin guud oo ku aaddan xaaladda dalka, gaar ahaan guulaha laga gaaray dhinacyada daadajinta adeegyada bulshada, soo celinta maqaamkii qarankeennu ku lahaa fagaarayaasha caalaamka, horumarinta dhaqaalaha, la dagaallanka argagaxisida iyo diyaargarowga ballaaran ee loogu jiro hirgelinta doorashooyinka tooska ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale adkeeyay sida dowladda uu hoggaamiyo ay uga go’an tahay ka miro dhalinta himillada shacabka Soomaaliyeed ee la xiriira qabashada doorashooyinka qof iyo codka ah, isaga oo qeybaha kala duwan ee bulshada ugu baaqay in ay kaalintooda ka qaataan.

Xubnaha Bulshada Rayidka ayaa dhankooda bogaadiyay horumarka laga gaaray ka muuqashada fagaarayaasha diblomaasiyadeed ee caalamka iyo ciribtirka Khawaarijta, iyaga oo ballanqaaday in ay kaalin weyn ka qaadan doonaan wacyigelinta bulshada iyo dowlad dhiska.

Isra’el oo duqeymo ka geysatay Yemen, Lubnaan iyo Gaza

Ugu yaraan 21 falastiiniyiin ah ayaa saacadihii u dambeeyay lagu dilay weerarrada Israel ee Gaza, sida ay ku warameen ilo-wareedyo caafimaad oo la xiriray shabakadda Al Jazeera.

Sidoo kale Milateriga Israa’iil ayaa weeraray goobo ka tirsan Yemen oo ay maamulaan dagaalyahannada Xuutiyiinta,waxaaba meelaha la duqeeyay ku jira xarun koronto oo u dhow caasimadda Sanca, iyo dekedaha Xudeydah iyo Ras Isa.

Dhowr qof ayaa lagu dilay duqeyn cirka ah oo ay Israa’iil ka geysatay koonfurta Lubnaan,xilli Israel ay garwaaqdan tahay in heashiis xabbad-joojinta ah ay la gashay Lubnaan.

Weerarada xagga cirka ah ee ciidamada Israel ay ka geysteen Yemen, Lubnaan iyo Gaza,waxaa ku shintay in ka badan 41 ruux,halka dhaawacana lagu sheegay tiro badan.

Dhinaca kale,dhakhaatiirta Aan Xuduudka Lahayn ee MSF ayaa ka digtay xaalad masiibo ah oo soo wajahday bukaannada ku jira isbitaallada Gaza ,kadib markii la tilmaamay in ay dhamaadeen sahaydii shidaalka korontadda.

Wasiir Cali Xoosh: Khawaarijta waa cadow si toos ah u bartilmaameedsaday jiritaanka dowladnimada

Wasiirka arrimaha gudaha federaalka iyo dib u heshiisiinta XFS, mudane Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa saaray farriin ku aaddan qatarta kooxaha khawaarijta, tabaha ay adeegsadaan, dhagarta ay u maleegaan shacabka iyo sida ugu habboon ee lagu ciribtiri karo.

Mudane Cali Xoosh ayaa sheegay in Kooxaha Daacish iyo Al-shabaab ay yihiin cadowga dadka Soomaaliyeed, kuwaas oo si toos ah u bartilmaameedsanaya jiritaanka dowladnimada, nabadda iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

   

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo shir uga qayb galay magaalada Kampala ee Uganda

Kampala; – Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa ka qayb galay shir heer wasiir ah oo ka dhacay magaalada Kampala ee caasimadda Uganda. Shirka ayaa loogu diyaar garoobayay shir-madaxeedka Midowga Afrika oo lagu wado in uu dhawaan ka dhaco isla magaalada Kampala.

Wasiirka waxaa shirka ku wehlinayay Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mudane Xamse Xaadow iyo Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Uganda, Amb. Fardowsa Maxamed Qanyare.

Shirka maanta ayaa diiradda lagu saaray istiraatiijiyadda horumarinta beeraha dalalka Afrika ee tobanka sano ee soo socda (2026–2035). Wasiirradii ka qayb galay shirka ayaa isku raacay in xoogga la saaro tacbashada iyo kor u qaadidda wax soo saarka beeraha si loo xoojiyo isku-filnaanta dalalka Afrika.

Shirkan oo galay maalintii labaad ayaa shalay waxaa ka qayb galay Wasiirrada Beeraha ee dalalka Afrika, kuwaas oo sidoo kale dood muhiim ah ka yeeshay mustaqbalka beeraha qaaradda.

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

1- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa dhagax-dhigay xarunta Golaha Culimada Soomaaliyeed ee Daarul Iftaa, waxaana uu tilmaamay in xaruntan  noqon doonto mid bulshada u iftiimisa masaa’isha diiniga ah ee loo baahan yahay.

2-Ra’iisul wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qeybgaley munaasabad uu xilalka ugu kala wareejiyey Wasiirrada cusub ee Wasaaradaha Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada iyo tan Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka.

3-Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey wax ka beddelka Xeerka Habka Ciqaabta iyo Siyaasadda Qaran ee Dhismaha Machadka Sare ee Tababbarka iyo horumarinta Sharciga oo ay soo gudbisay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka.

4-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee  Baarlamaanka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan is-xogwaraysi ah la qaatey Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaaladda Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir.

5-Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka  Soomaaliya Mudane  Saalax Axmed  Jaamac ayaa kormeer ku tagay  Wasaaradaha Warfaafinta, Kalluumaysiga, Qoyska iyo xuquuqul insaanka ,Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka  iyo  Xafiiska Hantidhowrka  Guud ee Qaranka, halkaas oo lagu siiyay warbixino la xiriira shaqada hay’adahaasi.

6-Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday musharaxnimadeeda Kursiga Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (AU PSC) ee muddo-xileedka 2025–2028-ka.

7-Wasiirka Arrimaha DIbedda Danjire Axmed Maccalin Fiqi ayaa gaaray Magaalada Kampala ee dalka Uganda halkaas uu ugu qeybaglayo Shir Madaxeedka Gaar ah ee Midowga Afrika ee looga hadlayo Barnaamijka Horumarinta Beeraha ee Qorshaha Guud ee Afrika (CAADP)

8-Wasaaradda Beeraha ayaa   kulan dood ah Muqdisho ugu qabatay  qaar ka mid ah dhallinyarada leh hal-abuurka ganacsiga ee beeraha.

9-Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Dahir Shire ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka Gobalka Hiiraan oo looga hadlayay sugidda ammaanka  magaaloyiinka gobolka uu ka kooban yahay.

10- Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Yuusuf Cali- Xoosh  ayaa booqasho ku tagay Xarunta Hay’adda  SoDMA, waxaana uu bogaadiyay shaqada ay u  hayso dadka ay waxyeellada ka soo gaareen abaaraha iyo fatahaadaha.

11- Wasiirka Arrimaha Dibedda Danjire Axmed Macallin Fiqi oo la kulmay wafdi ka socday safaaradda Hindiya ee Nairobi ayaa kala hadlay  sidii  warqadaha dal ku galka loogu fududeyn lahaa shacabka Soomaaliyeed ee caafimaadka u tago dalka Hindiya.

12- Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed Barre ayaa u magacaabay  Maxamed Saciid Cali inuu noqda Guddoomiyaha Ku-Meel Gaarka ah ee Golaha Dhallinyarada Qaranka Soomaliyeed.

13- Wasiirka Degaanka iyo Isbeddalka Cimilada   Bashiir Maxamed Cabdi  ayaa Warbixinno ku sabsaan Fatahaada iyo Isbeddelka Cimilada  ka dhageystay    Guddoomiyaha Hay’adda  SoDMA Maxamuud Macallin Cabdulle.

14- Wasiirka Batroolka Daahir Shire, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage ,Taliyaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa magaalada Beled Weyne uga qaybgalay  salaada janaasada askartii ka tirsaneyd Ciidanka Xoogga Dalka ee dhawaan lagu dilay degmada Ceel Baraf ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

15- Ggudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho  Maxamed Axmed Amiir ayaa shir guddoomiyay kulanka amniga caasimadda  oo ka dhacay xarunta Dowladda Hoose ee Xamar.

16- Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka  ayaa si  rasmi ah ugu dhawaaqday  qiimaha lacagta  Xajka sanadkan lagu tagaaya oo gaareysa 4,604 ( Afar kun lix boqol iyo afar dollar).

17- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka  Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa kulan la yeeshay wakiillo ka socday Qaramada Midoobay oo uu horkacayay Ku-Xigeenka Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee dhinaca gargaarka George Conway.

18- Agaasimaha Guud ee Hay’adda   Socdaalka iyo Jinsiyadda  Mustafa Dhuhulow ayaa kulan la yeeshay diblumaasiyiin ka socotay Safaarradda Hindiya ay ku leedahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

19- Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow ayaa kulamo la yeeshay Danjireyaasha dalalka Mareykanka, Imaaraadka Carabta iyo Turkiga u fadhiya Soomaaliya.

20- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya Mudane Daud Aweis Jama ayaa u hambalyeeyay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed SONNA oo u dabaaldegtay sannad-guuradeedii 61-aad oo ku beegnayd 5-ta January.

21- Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa magaalada Qaahira kulan kula yeeshay Wasiirka Difaaca ee Masar AbdulMajir Saqr.

22- Qaar kamid ah culumada diinta ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ayaa baaq nabadeed u jeediyay beelaha walaalaha ah ee dhawaan dagaalo ku dhexmartay qeybo ka mid ah dalka.

23- Heshiis horudhac ah oo laga gaarey colaad u dhexyesay laba beelood oo dhawaan uu dagaal hubeysan ku dhex marey Gobolka Mudug.

24- Hawlgal ay iska kaashadeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo Ciidamada Cirka ee ee Maraykanka oo ka dhacay deegaanka Beexaani  ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa lagu dilay 10 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta .

25- Wasiir Ku-Xigeenka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa magaalada Kuwait kaga qeybgakey Shirka Guddiga Sare ee Machadka Qorsheynta Carabta (Arab Planning Institute) ee 2025-ka.

26- Guddoomiyaha Gudigga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xassan ayaa ka warbixiyay qorshaha guddiga ee qabsoomidda doorashooyinka dalka.

27- Wasiirka Beeraha Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa magaalada Kampala  ee dalka Uganda kaga qeyb galay shir looga hadlayay istaraatiijiyada Beeraha dalalka Midowga Afrika.

28- Wasiirka Arrimaha Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Marwo Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa kulan la yeelatey Danjiraha Britain u fadhiya Soomaaliya Michael Nithavrianakis.

29- Ciidanka Xoogga  Dalka iyo kuwa degaanka ayaa hawlgalo jab xooggan lagu gaarsiiyay Khawaarijta ka wada degaanno hoostaga degmooyinka Buulaburde iyo Halgan ee Gobolka Hiiraan.

30- Qaar ka mid ah haweenka ururrada bulshada rayidka ayaa dowladda ku taageeray in guriga Hooyooyinka lagu wareejiyo Wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka.

31- Xafiiska Xisaabiyaha guud ee Qaranka ayaa Muqdisho ku qabtay kulan looga hadlay, daah-furnaanta maaliyadeed ee hay’adaha dowladda, Shirkan waxaa ka soo qeybgaley Hantidhowraha Guud ee Qaranka iyo  Agaasimayaasha Guud ee hay’adaha dowladda.

Dhallinyaro Soomaaliyeed oo xil iska saaray nadiifinta xeebta Liido

Looxo dhallinyaro ah oo isxilqaamay ayaa maanta ku dhaqaaqay olole nadaafadeed oo laga sameeyay deegaanka xeebta Liido oo ka tirsan Gobolka Banaadir.

Dhallinyaradaan aqoonyahanka ah oo si muwaadinimo ah isu adeejiyayaa ku guuleystay in ay qaadaan bacaha iyo qashinka daadsan xeebta Liido,kaas oo la tilmaamay in uu saameyn xun ku yeelan karo dadka iyo xayawaanada ku jira biyaha badda.

Ololahaan ayaa qeyb ka ah soo celinta bilicda deegaanka caasimadda iyo fayoqabka bulshada,waxaana maanta howshaasi fuliyay dhallinyaro xilkas ah oo ka socotay ururka MBDO oo ka shaqeeya arrimaha bulshada.

Qaar kamid ah dhallnyaradaasi oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan ololha nadaafadeed,iyagoo horay u sameeyay dadaal lamid ah ololahaan oo ay ka hirgaliyeen qaar kamid ah kaamamka ku yaalla Muqdiho ee ay ku jiraan barakacayaasha.

Ololahaan ayaa daba socda amniga ka jira caasimadda,kaas oo keenay in dad badan oo Soomaali ah ay u soo damaashaad tagaan  xeebta Liido.