Ciidanka Dowladda oo howlgal burcad sifeyn ah ka fuliyay Baladweyn iyo Matabaan

Ciidanka hey’adda nabadsugidda iyo sirdoonka qaranka ayaa ku guuleystay in ay qaadaan 16 jidgooyo oo kooxo hubeysan ay dhigteen deegaanada u dhaxeeya Gobolada Hiiraan iyo Gaalgaduud.

Howlgalkaan oo ahaa mid qorsheysan ayaa warku intaa ku daray in lagu soo qabqabtay qaar amid ah maleeshiyaad hubeysan,halka la tilmaamay in qaar kale ay ka baxsadeen goobihii ay dhigteen jidgooyadaasi.

Howlgalkaan oo ku soo dhamaaday si nabad ah ayaa waxaa lagu qaaday isbaarooyin yiillay Ceelgaal,Kalabeyr iyo Matabaan,halkaasi oo bilihii la soo dhaafay ay ka jireen dhibaatooyin loo geysanaayo  dadka socotada ah ee ku safra waddooyinka isku xirta gobolada dhexe.

Taliyaha  Ciidanka hey’adda nabadsugidda iyo sirdoonka qaranka iyo la dagalanka kooxaha burcadka ah Cismaan cabdi Waasuge ayaa ka dhawaajiyay in la soo afjaray kooxo hubeysan oo todobaadyadii la soo dhafay waddooyinka Baladweyn iyo Mataaan ka waday falal burcadnimo ah oo lagu dhacay dad badan oo u kala safra gobolada dhexe.

Wasiirka Awqaafta XFS oo Sacuudi Carabiya kaga qeybgalaya shir muhiim ah

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Soomaaliya, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali iyo wafdi kale oo la socday ayaa gaaray dalka Sacuudiga si ay uga qeybgalaan kulanka sanadlaha ah ee lagu qabto dalkaasi.

Wafdigaan ayaa ka qeybgalaya shir muhiim ah oo looga hadlayo arrimaha xajka diinta, fidinta aqoonta Islaamka, iyo iskaashiga dowladaha Muslimiinta.

Ka qeybgalka wasiirka ee shirkaan ayaa fursad u siin doona Soomaaliya inay kaalin muuqata ku yeelato wadahadalladaan iyo qorsheyaasha kale ee lagu horumarinayo howlaha xajka, iyadoo sidoo kale si gaar ah looga wada xaajoon doono iskaashiga labada dal.

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Masar kula kulmay dhigiisa

Wasiirka Gaashaandhiga XFS Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo booqasho shaqo ku jooga Magaalada Qaahira ayaa la kulmay dhigiisa dalka Masar  Abdul Majeed Saqr.

Labada wasiir ayaa ka wada hadlay sii adkeynta iskaashiga dhanka ciidanka iyo kan amni ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Masar.

Masuuliyiinta ayaa sidoo kale ka wada hadlay howlgalka cusub ee midowga Africa ee AUSSOM kaaas oo Soomaaliya ka bilowday koowda bishaan Janaayo.

Israel oo dagaalka Gaza ka geysatay dhimashada in ka badan 46000

Ugu yaraan 22 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerarrada Israa’iil ee Gaza tan iyo waaberigii Khamiistii ee shalay sida ay ku warameen ilo caafimaad oo la xiriiray shabakadda Al Jazeera.

Weerarada Israel ayaa la sheegay in ay barbar socdaan gurmad loogu jiro badbadinta dadka rayidka ah ee ku  dhaawacmay dagaalada Israel ah iyo kuwa barakacayaasha ah ee gabbaadka ka dhiganaya dugsiyada iyo xarumaha cisbitaalada.

Afhayeen u hadlay maamulka Falastiin ayaa sheegay in ciidamada Israel ay dileen qiyaastii 490 falastiiniyiin ah sagaalkii maalmood ee ugu horeysay sanadka cusub ee 2025,isagoo intaa raaciyay in Israel ay xabsiga  dhigtay dad badan oo ku sugnaa Daanta Galbeed ee la heysto.

Xasuuqa Israel ee ay ka geysatay Gaza ayaa gaaray ugu yaraan 46,006 falastiiniyiin ah,halka uu dhaawacu marayo 109,378 tan iyo bishii October ee sanadkii 2023.

Wasiir Axmed Macallin Fiqi oo la kulmay qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee Uganda

Kampala – Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa kulan kula yeeshay qaar ka mid ah ganacsatada dhalinyarada ah gudaha xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Uganda.

Kulankan oo ay soo qabanqaabisay Safaaradda Soomaaliya ee Uganda ayaa ujeedkiisu ahaa xog-waraysi ku saabsan xaaladda ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool Uganda. Kulanka waxaa furay Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Uganda Amb. Fardowsa Maxamed Qanyare oo uga mahadcelisay Wasiirka iyo ganacsatada sidii ay uga soo qayb galeen kulanka.

Ganacsatada Soomaaliyeed ee ka hadlay kulanka ayaa sheegay in ay si wanaagsan uga ganacsadaan dalka Uganda, iyagoo xusay in aysan la kulmin wax dhibaato ama caqabado ah, isla markaana ay Dowladda Uganda ula dhaqanto si wanaagsan.

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda, Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa ganacsatada siiyay warbixin guud oo ku saabsan xaaladda uu dalku marayo iyo himilooyinka ay Dowladda Federaalka Soomaaliya hiigsanayso.

Ugu dambayntii, Wasiirka ayaa ganacsatada ku ammaanay isku duubnidooda iyo sida ay uga qayb qaateen dayactirka safaaradda Soomaaliya ee Uganda, sidoo kalena ka codsaday ganacsatada in ay sii xoojiyaan wada shaqeynta ay safaaraddooda Soomaaliyeed la leeyihiin.

Wasiir ku-xigeenka Qorsheynta XFS oo ka qeybgalay Shirka Guddiga Sare ee Machadka Qorsheynta Carabta

Kuwait:- Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa Shirka Guddiga Sare ee Machadka Qorsheynta Carabta (Arab Planning Institute) ee 2025, uga qayb galay Kuwait.

Shirka ayaa lagu gaaray go’aamo muhiim ah oo kor u qaadaya awoodda machadka taasoo ku aaddan daboolidda baahida qorsheynta ee dalalka Carabta.

Waxaa sidoo kale kulanka lagu ansixiyay miisaaniyadda iyo qorshaha shaqo ee machadka ee 2025, saldhigga u noqon doona iskaashi horumarineed oo waxtar leh.

Soomaaliya waxay si joogto ah uga dhex muuqataa guddiyada iyo hawlaha machadka, taas oo muujinaysa sida ay uga go’an tahay hirgelinta yoolalka horumarineed ee Qaran iyo kuwo Goboleedka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo xafiiskiisa kulan kula qaatay guddoomiyaha Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay guddoomiyaha cusub ee Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaaladda Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir, waxaana Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ugu hambalyeeyay xilka guddoomiyanimo isaga oo kula dardaarmay inuu xooga saaro sidii shacabka caasimadda ay u heli lahaayeen adeegyada ay xaqa u leeyihiin oo ay dowladda uga baahanyihiin.

Kulanka oo uu ka qeyb galay Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle Jaabiri, waxa uu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna duqa Magaaladda Muqdisho uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka uga mahadceliyay Qaabilada iyo Hambalyada.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Sheegay In Jadwalka Doorashooyinka la Shaacin Doono Todobaad Gudihiis

Guddoomiyaha Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka, Mudane Cabdikariin Axmed Xassan, ayaa sheegay in jadwalka doorashooyinka qaranka ay soo shaacin doonaan toddobaad gudihiis.

Mudane Cabdikariin, oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in guddiga doorashooyinka ay booqan doonaan goobaha loo qorsheeyay qabashada doorashada qof iyo codka ah.

“Waxaan shacabiga Soomaaliyeed uga bishaareyneynaa in guddigan uu diyaar u yahay in aanu idinka soo gaarsiino Sanduuqa Doorashada, meel walba oo aad joogtaan,” ayuu yiri Guddoomiyaha.

Sidoo kale, Mudane Cabdikariin ayaa ballan qaaday in guddiga ay ka shaqeyn doonaan doorasho hufan oo xalaal ah, isagoo codsaday in bulshada Soomaaliyeed, qeybaha kala duwan, ay ka gacan siiyaan hanaanka doorashada.

Agaasimaha SOMINVEST ee Soomaaliya oo la kulmay Hay’adda Maalgelinta Tooska ah ee Kuwait

Agaasimaha Xafiiska Dhirigelinta Maalgashiga Soomaaliya (SOMINVEST) ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha (MoPIED), Maxamed Dubo, ayaa maanta kulan muhiim ah kula yeeshay magaalada Kuwait Agaasimaha Hay’adda Maalgelinta Tooska ah ee Kuwait (KDIPA), Maxamed Mulla Yaqoub.

Kulankan oo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada maalgashiga ee labada dal, ayaa labada mas’uul ay isdhaafsadeen aragtiyo iyo waayo-aragnimo ku aaddan xaaladda maanta ee suuqa caalamiga ah ee maalgashiga. Waxay sidoo kale isla garteen in la xoojiyo iskaashiga hay’adaha iyo abuuridda fursado waara oo maalgashi.

Kulanka ayaa kusoo dhammaaday isafgarad ku aaddan wada shaqeyn dheeraad ah oo dhex marta KDIPA iyo SOMINVEST, taas oo saldhig u noqon karta horumarinta maalgashiga labada dal ee mustaqbalka.

Golaha Wasiirada oo ansixiyay Hindise Sharciyeedka Xeer Habka Ciqaabta

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa lagu ansixiyey wax ka beddelka Xeerka Habka Ciqaabta iyo Siyaasadda Qaran ee Dhismaha Machadka Sare ee Tababbarka iyo horumarinta Sharciga oo ay soo gudbisay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka.

Shirka Golaha oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo la xiriirra, horumarka laga sameeyay dhanka diblomaasiyadda iyo xiriirka caalamiga ah, Amniga iyo Dhaqaalaha dalka.