Soomaaliya oo ku dhawaaqday musharaxnimadeeda Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday musharaxnimadeeda ku biiridda Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika, muddo xileedka 2025–2028.

Dowladda Soomaaliya ayaa tilmaantay in guulaha ay gaartay sida dib-u-habeynta deymaha, ku biiridda Bulshada Bariga Afrika (EAC), iyo doorashadeeda Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (2025–2026) ay caddeyn u tahay horumarkeeda iyo doorka ay ka ciyaareyso horumarinta ajendayaasha gobolka iyo qaaradda.

Warsaxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa lagu sheegya in musharaxnimada Dowladda Federaalka ay ku saleysan tahay dhowr arrimood oo muhiim ah:

Soomaaliya weli ma aysan ka mid noqon Golaha Nabadda iyo Ammaanka tan iyo markii la aas aasay 2004, taas oo ka dhigaysa musharaxnimadan mid u taagan sinnaanta iyo ka qeybgalka.

Maadaama ay tahay xubin ka mid ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Soomaaliya waxay leedahay fursad gaar ah oo ay ku hormariso mudnaanta Afrika ee heer caalami.

Soomaaliya waxa ay sidoo kale leedahay taariikh facweyn oo ku saabsan taageeridda halgamadii xornimada, la dagaallanka midab-takoorka, iyo difaaca madax-bannaanida waddamada Afrika.

Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu xusay in DF ay ka shaqeyn doonto:

In ay horumariso howlaha nabad ilaalinta ee Midowga Afrika iyada oo ka faa’iideysanaysa casharradii ay ka baratay waaya-aragnimadeeda gaarka ah.

In ay wax ka qabato sababaha asaasiga ah ee keenaya khilaafaadka si loo abuuro nabad waarta oo qaaradda ka hana qaada.

Iyo In ay dhaqaajiso xoojinta awoodda lagu maaraynayo xaaladaha degdegga ah ee ka yimaada khilaafaadka.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo kormeeray xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Uganda

Kampala: Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Danjire Axmed Macallin Fiqi oo uu wehlinayo Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Mudane Xamse Xaadow ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Uganda.

Safiirka Soomaaliya ee Uganda Danjire Fardowsa Maxamed Qanyare ayaa Wasiirka ku soo dhaweysay xarunta Safaaradda, halkaas oo ay warbixin kaga siisay shaqooyinka ay safaaraddu qabato.

Sidoo kale, Safiirka ayaa Wasiirka iyo Xoghayaha Joogtada ah kusoo wareejisay dhammaan xafiisyada safaaradda, iyagoo u kuurgalay qaabka ay u shaqeeyaan.

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa bogaadiyay goobta safaaraddu ku taallo, isagoo xusay in ay tahay dhismo bilic leh oo soo jiidasho leh. Sidoo kale, wuxuu ku dhiirrigeliyay diblomaasiyiinta iyo shaqaalaha safaaradda in ay sii xoojiyaan dadaalkooda shaqo, si ay ugu adeegaan bulshada Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Uganda.

  

.Agaasimaha hay’adda socdaalka oo la kulmay safiirka Mareykanka

Agaasimaha guud ee hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Mustaf Dhuxulow oo ay wehliyaan agaasime waaxeedyada hay’adda ayaa kulan la qaatay Safiirka dowlada Mareykanka ee Soomaaliya mudane Richard H. Riley.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dowladood ee ku saabsan dhanka socdaalka iyo ka hortagga Socdaalka sharci darrada ah, Agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa uga mahadceliyey taageerada dowlada Mareykanka ay ka geysato horumarinta kaabayaasha Hay’adda, Waxaana uu sidoo kale uu codsaday in sare loo sii qaado iskaashi dhexmara hay’adaha Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee labada dal.

Dhanka kale, Safiirka dowladda Maraykanka ayaa tilmaamay in dowladiisa ay ka go’an tahay sii wadida taageerada ay la garab taagantahay horumarinta HSJ, isla markaana la sii xoojinayo iskaashiga dhexmara labada dal ee dhinacyada isdhaafsiga khibradaha, Arrimaha Socdaalka iyo taageerida Aqoon kororsiga Socdaalka.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo qaabilay safiirka Turkiga

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa xafiiskiisa Ku qaabilay maanta Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mudane Alper Aktaş, iyaga oo kawada hadlay arrimo la xariira horumarinta Caasimadda.

Kulankan oo uu goob joog ka ahaa agaasimaha guud ee xafiiska Duqa magaalada Muqdisho Mudane Ismaaciil Cali Sheikh Nuur ayaa qodobadii looga hadlay waxaa kamid ahaa dardargalinta wada shaqeynta labada xafiis, horumarinta mashaariicda ay Dowladda Turkiga ugu talagashay in ay uga qeyb qaadato dib udhiska iyo bilicda Caasimadda, Shaqa abuurka dhallinyarada, Tababarada farsamada gacanta, Dib u hagaajinta bulaacadaha biya mareenka ah iyo Dib u cusbooneysiinta heshiisyadii iskaashiga ahaa ee horey u jiray.

Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mudane Alper Aktaş ayaa ugu horeyn ugu hambalyeeyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir mas’uuliyada culus ee loo igmaday isaga oo intaa kadib balan qaaday in lasii horumarin doono wada shaqeynta labada dhinac iyo howlaha lagu taageerayo horumarinta Caasimadda JFS.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa uga mahadceliyay Dowladda Turkiga iyo shacabkeeda sida ay marwalba u garab taagan yihiin ummada Soomaaliyeed iyo dowladnimadooda islamarkaana ay uga qeyb qaataan taageeradooda la xariira mashaariicda horumarineed.

Wasiir Khadiija Makhsuumi oo qaabishay Madaxa Ilaalinta xuquuqda Aadanaha ee hawlgalka UNTMIS)

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo hormarinta xuquuql Insaanka dowladda FS  Khadija Maxamed Al-Makhsuumi ayaa maanta xafiiska ku qaabishay Kirsten Young madaxa ilaalinta xuquuqda Aadanaha hawlgalka KMG QM ee Soomaaliya .

Kulankan oo looga hadlay xoojinta iyo ilaalinta arimaha Xuquuqul Insaanka Soomaaliya waxaa Wasiiradda ku wehliyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Maxamed Bashiir Cumar iyo La taliyaha sare ee Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya Maryan Qaasim oo horey usoo noqotay Wasiirka Wasaaradda Haweenka Dalka.

  

Dowladda Imaaraat-ka oo hay’adda SoDMA ku wareejisay 700 Ton oo raashiin ah

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya Md. Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Md. Axmed Juma Al-Rumaithi kala wareegay deeq raashin ah oo gaaraysa 700 oo ton, kaas oo loogu tala galay in lagu garab istaago dadka nugul ee abaaruhu sida daran u saameeyeen.

Hay’adda SoDMA oo xoojineysa dadaallada looga hortagayo saameynta khtaraha ka dhalan kara abaaraha ayaa 300 oo ton oo deeqdaan qeyb ka ah u gudbisay magaalada Kismaayo, halka 200 oo ton la geeyay magaalada Boosaaso. Gargaarkaan ayaa deg-deg loo gaarsiin doonaa dadka loogu tala-galay ee ku dhaqan magaalooyinkaan iyo degaanna ku xeeran.

Sidoo kale, 200 oo ton oo loogu tala galay in la gaarsiiyo degaannada gargaarka dhulka loo marsiin karo iyo gobolka Banaadir ayaa la dhigay bakhaarrada Hay’adda.

Guddoomiyaha Hay’adda, Maxamuud Macallin ayaa dowladda Imaaraadka uga mahad-celiyay taageerada muddada dheer ah ee ay la garab taagan yihiin dadka Soomaaliyeed.

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐨𝐨 𝐊𝐚 𝐐𝐚𝐲𝐛 𝐆𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐜𝐡𝐚𝐝-𝐤𝐚 𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚 𝐞𝐞 𝐊𝐮𝐰𝐚𝐢𝐭

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dalka Kuwait kaga qayb galay kulanka ugu horreeya ee Guddiga Maamulka Machadka Qorsheynta Carabta ee sanadka 2025.

Kulanka oo muhiimad weyn u leh dalalka xubnaha ka ah machadka ayaa lagu soo bandhigay Tusmada Kharashaadka Dowladda ee dalalka Carabta, taas oo ah aalad muhiim ah oo lagu cabbiro hufnaanta iyo wax-ku-oolnimada kharashaadka dowladaha Carabta.

Wasiir Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Agaasimaha Guud ee Machadka Qorsheynta Carabta, Mudane Cabdalla Shami iyagoo ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa taageerada machadka uu u fidiyo Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada qorsheynta dhaqaalaha, horumarinta aqoonta iyo dhismaha hay’adaha.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyay Agaasimaha Guud ee Machadka taageerada ay Soomaaliya u fidinayaan, isagoo xusay in iskaashigan uu gacan weyn ka geysan doono xaqiijinta qorshayaasha horumarineed ee dalka.

Madaxweyne Deni oo la kulmay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Madaxweynaha maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta la kulmay Safiirka Dowladda China ee Soomaaliya Amb. Wang Yu Ambassador iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasiirka Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Mudane Liibaan Muuse Boqor iyo Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdifataax Maxamed Cabdinuur ee maamulka Puntland.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo kormeeray Dekadda Muqdisho

Ra’iisal wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta kormeer shaqo ku tagey Dekedda magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gadiidka Badda, mudane Maxamuud Aadan Geesood, Wasiir dawlaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda mudane Maxamed Cabdulqadir Dhucle iyo maareeye ku xigeenka Dekedda Muqdisho, ahna ku simaha maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho mudane  Cali Xaaji Maxamed.

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ayaa waxbixin ka siiyay Ra’iisalwasaare ku xigeenka XFS shaqada baaxadda leh ee ay ummadda Soomaaliyeed u hayso Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda, isaga oo intaas ku daray sida ay ugaga go’an tahay horumarinta adeegyada Wasaaradda.

Ugu danbayntii Ra’iisalwasaare ku xigeenka 1-aad ee JFS ayaa bogaadiyay hawlaha baaxadda leh ee ka socda Dekedda magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay garwadeen ka tahay Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee JFS.

       

Safiirka JFS ee dalka Hindiya oo warqadaha aqoonsiga Danjiranimo u gudbiyay agaasimaha habmaamuuska Qaranka ee dalkaas

Danjiraha cusub ee dhawaan dowladda Federaalka Soomaaliya u magacawday dalka Hindiya , mudane Dr. Cabdullahi Maxammed Odowa ayaa maanta nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga Danjiranimo u gud-biyay agaasimaha habmaamuuska Qaranka ee dalka Hindiya, Mudane Mr. Anshuman Gaur.

Mr. Gaur, ayaa ugu horeyn magaca dowladda Hindiya ku soo dhaweeyay Safiirka cusub ee Soomaaliya
Danjire Dr. Cabdullahi Maxammed Odowaa, wuxuuna ka mahadceliyay soo dhoweynta wanaagsan ee loo sameeyay hannaanka looga guddoomay warqadaha aqoonsiga Danjiranimo.

Intaas ka dib, Labada masuul ayaa yeeshay kulan gaar ah oo la isku weydaarsaday xogaha labada dal ee Soomaaliya iyo Hindiya oo ay ka dhaxeeyaan taariikh diblomaasiyadeed oo qoto dheer iyo xiriir bulsho, sidoo kale, abada masuul ayaa isla qaatay in laga wada shaqeeyo xoojinta iyo sare uqaadidda xiriirka labada dal.