Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Kampala

Wasiirka Arrimaha Dibadda, Danjire Axmed Macallin Fiqi, oo uu wehliyo Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Xamza Haadow, ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay Kampala, Uganda, iyadoo ay ku soo dhoweysay Danjiraha Soomaaliya ee Uganda, Fardowso Kanyare.

Wafdiga Soomaaliya ayaa ka qeybgalaya Shir Madaxeedka Gaar ah ee Midowga Afrika ee looga hadlayo Barnaamijka Horumarinta Beeraha ee Qorshaha Guud ee Afrika (CAADP). Shirkan heerka sare ah ayaa isu keenaya hoggaamiyeyaasha Afrika si ay uga wada hadlaan istiraatiijiyado wax ku ool ah oo lagu horumarinayo beeraha, loo xoojiyo amniga cuntada, loogana dhigo kobaca dhaqaale mid waara dhammaan qaaradda.

Ka qeybgalka firfircoon ee Soomaaliya waxa uu muujinayaa go’naanta aan leexashada lahayn ee ay u leedahay iskaashiga gobolka iyo go’aankeeda ah inay kaalin ku yeelato dadaallada wadajirka ah ee Afrika ee lagu gaarayo isku filnaanta cuntada iyo adkeysiga.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Kampala

Wasiirka Arrimaha Dibadda, Danjire Axmed Macallin Fiqi, oo uu wehliyo Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Xamza Haadow, ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay Kampala, Uganda, iyadoo ay ku soo dhoweysay Danjiraha Soomaaliya ee Uganda, Fardowso Qanyare.

Wafdiga Soomaaliya ayaa ka qeybgalaya Shir Madaxeedka Gaarka ah ee Midowga Afrika ee looga hadlayo Barnaamijka Horumarinta Beeraha ee Qorshaha Guud ee Afrika (CAADP).

Shirkan heerka sare ah ayaa isu keenaya hoggaamiyeyaasha Afrika si ay uga wada hadlaan istiraatiijiyado wax ku ool ah oo lagu horumarinayo beeraha, loona xoojiyo amniga cuntada, loogana dhigo kobaca dhaqaale mid waara dhammaan Qaaradda.

Ka qeybgalka firfircoon ee Soomaaliya waxa uu muujinayaa ka go’naanta aan leexashada lahayn ee ay u leedahay iskaashiga gobolka iyo go’aankeeda ah inay kaalin ku yeelato dadaallada wadajirka ah ee Afrika ee lagu gaarayo isku filnaanta cuntada iyo adkeysiga.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XJFS oo Kormeeray Wasaaradda Cadaaladda XFS

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda JFS, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, halkaas oo uu kusoo dhaweeyay Wasiirka Wasaaradda, Mudane Xasan Macallin Maxamuud iyo madaxda kale ee wasaaradda.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa kulan gaar ah la qaatay Wasiirka isagoo ka dhageystay warbixinta howlaha wasaaradda oo ay ka mid yihiin dhaqangelinta istiraatiijiyadda cadaaladda dalka, dib-u-habaynta shuruucda iyo latashiyada bulshada ee dhamaystirka dastuurka.

Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa sidoo kale kormeeray waaxaha kala duwan ee wasaaradda, isagoo warbixinno ka dhageystay hormuudka waaxaha, wuxuuna bogaadiyay dedaallada wasaaradda gaar ahaan dib-u-habaynta nidaamka cadaaladda ka qeyb-galinta dadweynaha ee dib-u-eegista dastuurka iyo howlaha muhiimka ah ee wasaaradda ay waddo, isaga oo ku ammaanay hufnaanta iyo shaqada baaxadda leh ee ay qabtaan.

Puntland oo abaabul shacab iyo hawlgallo ka dhan ah khawaarijta ka wadda gobolka bari

Ciidanka Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee deegaanada Puntland ayaa hawlgallo culus ka sameeyay deegaanka Xamurre ee gobolka Bari.

Howlgalkan oo ahaa mid saf mar ah ayey ciidanku ku gaareen deegaannada ku teetsan gobalka bari, hakaas oo ay kooxda khawaarijta ah ee Daacish ka geysato falal lagu dhibaataynaya dadka shacabka ah.

Dhanka kale, Saraakiisha hoggaaminaya hawlgalka ayaa kulamo wacyigelin ah oo ku saabsan wadashaqeynta Ciidanka iyo Shacabka la yeeshay dadka deegaannadaas.

Saraakiisha ayaa shacabka halkaasi ku dhaqan ku war geliyay in ay ka hortagaan fikirrada khawaarijta, iyagoo uga digay in aysan la shaqayn ka fogaadaan ficillada gurracan ee kooxaha nabad-diidka.

Wasiir Cali-xoosh oo bogaadiyay howlaha ay bulshada u hayso hay’adda SoDMA

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali- Xoosh ayaa bogaadiyay shaqada ay hay’adda SoDMA u hayso dadka ay waxyeellada kasoo gaareen abaaraha iyo fatahaadaha ka dib kormeer shaqo oo ku tagay Xarunta dhexe ee Hay’adda Maareynta Muusiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA).

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Mudane Maxamuud Macallin oo Wasiir Cali Xoosh kusoo dhaweeyay Xarunta ayaa Wasiirka siiyay Warbixin ku aaddan arrimaha maaraynta Musiibooyinka dalka oo ay Hay’adda ku guulaysatay muddada ay shaqaynaysay.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale Wasiirka la wadaagay warbixinta xaaladda abaaraha dalka, dedaallada gargaar ee socda iyo qorshayaasha wadajir loogu wajihi karo howlaha bani’aadannimo.

Wasiir Cali Xoosh oo bogaadiyay dedaallada Hay’adda SODMA ayaa faray howlwadeennada hay’adda in la dardargaliyo arrimaha Maareynta Musiibooyinka dalka oo ay SODMA u xilsaaran tahay.

Dhulgariir geystay waxyeello badan oo ku dhuftay Tibet

Wakaaladda wararka Xinhua ee Shiinaha ayaa ku warramaya in dhulgariir xooggan oo ku dhuftay gobolka Tibet ay ku dhinteen ugu yaraan 53 qof, isla markaana uu dhaawac ka soo gaaray 62 qof .

Dhulgariirkaan oo cabirkiisu ahaa 6.8 ayaa ruxay saddex magaalo Changsuo, Quluo iyo Cuoguo oo ku yaal Shigatse ,kuwaas oo ku xeeran degmada Tingri, halkaasina waxaa ku burburay dhismayaal badan, sida ay ku warantay warbaahinta maxalliga ah .

Ilaa 1,500 oo dab damis ah iyo samatabbixiyaal ayaa la geeyay gobolka galbeedka Shiinaha iyo gobolka deriska la ah ee Nepal si ay dadka uga baadi goobaan burburka, sida ay sheegtay Wasaaradda Maareynta Masiibooyinka.

Deegaanada uu ku dhuftay dhulgariirka ayaa la sheegay in ay yihiin tuulooyin buuraleey ah oo aad u fog, waxaana aad u adag in la tago halkaasi sababo la xiriira qabowga jiilaalka iyo suurtagalnimada burbur soo gaaray waddooyinka.

Wasiir Maareeye oo soo xiray kulan lagu dhiirrigelinayo tacbashada beeraha

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS, Xil. Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa soo gabagabeeyay kulan muhiim ah oo lagu dhiirrigelinayo dhallinyarada iyo tacbashada Beeraha.

Wasiirka oo ka hadlayay gabagabada kulanka ayaa sheegay in Barnaamijkan diiradda lagu saarayo dhiirrigelinta dhallinyarada iyo aqoonyahanada Soomaaliyeed si ay door muhiim ah uga qaataan horumarinta iyo tacbashada beeraha.

Wuxuu sheegay in Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS ay u dhaqaaqday dhinaca taageerada beeralayda Soomaaliyeed iyadoo xoogga saareysa kor u qaadista wax soosaarka iyo dhiirrigelinta dhallinyarada xirfadaha leh.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS, Xil. Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa xusay in lafdhabarta dhaqaalaha dalka oo ah beeraha, xoolaha iyo kalluumeysiguba ay haysato dhibaato xooggan oo dhanka maalgelinta ah loona baahan yahay in sare loo soo qaado si dhaqaalaha dalku uu u kobco.

Ugu danbeyntii Wasiirka Wasaaradda ayaa ku celiyay ballanqaadka Wasaaradda ee ku aaddan taageerada beeralayda iyo dhallinyarada, isagoo ku boorriyay dhamaan bulshada Soomaaliyeed in diiradda la saaro horumarinta iyo tayeynta wax soosaarka dalka.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS oo Kormeer shaqo ku yimid Wasaaradda Warfaafinta

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta kormeer shaqo kuyimid Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka Iyo Dalxiiska Soomaaliya, si uu ugu kuurgalo hawlaha baaxadda leh ee wasaaraddu u hayso Shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasara ku-xigeeka waxaa xarunta wasaaradda kusoo dhaweeyay wasiirka wasaaradda Warfaafinta mudane Da’uud Aweys Jaamac, iyo Mas’uuliyiinta kale ee wasaaradda, kuwaas oo uga war bixiyey adeegyada muhiimka ah ee ay bulshada u fidiyaan, gaar ahaan wacyi galinta bulshada iyo kaalinta wasaaradda ee la dagaalanka khawaarijta ee ka socda dalka.

Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa  bogaadiyey doorka muuqda ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS ay ugu jirto dowlad dhiska casriga ah isagoo ku adkeeyay madaxda Wasaaradda muhiimadda ay u leedahay in qorshayaasha wasaaradda lagu waafajiyo Qorshaha Isbeddelka Qaran (NTP).

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa mid mid u booday Warbaahinta Qaranka qeybaheeda kala duwan sida Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA, Radio Muqdisho , Wargeyska Dalka iyo SNTV, isagoo shaqaalaha ku ammaanay doorka wanaagsan ee ay kaga jiraan horumarinta dowlad wanaagga iyo isku xirka dowladda iyo Bulshada Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa ku boorriyey mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha Wasaaradda in ay sii xoojiyaan dadaalladooda, si loo xaqiijiyo himilooyinka Qorshaha Isbeddelka Qaran, loona gaaro horumar waara oo ay ka faa’iidaystaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐫𝐮𝐥-𝐈𝐟𝐭𝐚𝐚 𝐞𝐞 𝐟𝐚𝐭𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐢𝐢𝐧𝐭𝐚

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo dhagax-dhigay xarunta Golaha Culimada Soomaaliyeed ee Daarul-Iftaa, ayaa sheegay in xaruntan ay saldhig u noqon doonto masaa’isha diiniga ah ee loo baahan yahay in loo iftiimiyo dadka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in bulshada Soomaaliyeed ay yihiin kuwa jecel diintooda, isla markaana ay culimadu waligoodba horseed ugu ahaayeen, iyada oo taas laga duulayana la hirgeliyey xaruntan oo baahi weyn loo qabay xilligan.

“Mashaariicda dadka Soomaaliyeed sida weyn ugu baahnaayeen ayey ka mid tahay xaruntan Daarul-Iftaa, waxaana rajeynayaa in uu mashruucani noqdo mid guuleysta, kana shaqeeya midnimada Ummadda Soomaaliyeed”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

Mudane Xamsa ayaa uga mahadceliyey Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka hirgelinta xaruntan, isaga oo xusay in lagu dhisayo iskutashi oo aysan jirin wax kaalmo dibedeed ah oo lagu maalgelinayo.

Muhiimadda ay u leedahay Soomaaliya Xubinnimada Golaha Ammaanka (WARBIXIN)

Ka dib markii khamiistii la soo dhaafay ay si rasmi ah Soomaaliya ugu biirtay Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay kana mid noqotay 15-ka xubnood ee Golahaasi ayaa dhawaan waxaa la qabtay shirkii koowaad ee Golahaasi, waxaana bilowday Xubinnimadan cusub ee Soomaaliya, waxaana laga dhawaajiyay inay Soomaaliya ay ka go’an tahay ilaalinta Axdiga Qaramada Midoobay iyo ka shaqeynta nabadda iyo amniga caalamiga ah.

Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay Mudane Abuukar Daahir Cismaan (Abuukar Baalle) ayaa qoraal kooban oo uu soo saaray ku sheegay, “Waxaa naga go’an inaan ilaalino Axdiga Qaramada Midoobay, waxaana u heellannahay ilaalinta nabadda iyo amniga caalamiga ah.”
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa 54-sanno ka dib ka qeyb gashay shirka, iyadoo uu matalayay ergayga Soomaaliya ee UN-ka u fadhiya Danjire Abuukar Cusmaan Baalle, wuxuuna shirka ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneysa, wuxuuna Ergaygu shirka la tegay mowqifka Soomaaliya ee qaddiyadda Falastiin iyo tacaddiga Israel u geysaneyso dadka Rayidka ah.

Mudane. Abuukar Baalle ayaa Golaha ammaanka ka hor sheegay in Soomaaliya si dhow ula socoto xaaladda Bariga Dhexe gaar ahaan dhulka Falastiin ee Yuhuuddu ay heysato. ” Mudane Madaxweyne, Soomaaliya waxay aad uga walaacsan tahay xaaladda Xaaladda Qasa ee sii xumaaneysa iyo dhibaatada joogtada ah ee dadka Falastiin ku heyso colaadda daba dheeraatay ee ay wadaan Israel iyo xullafadeeda,waxaana ku boorineynaa Israel in ay madax u noqoto baaqa xooggan ee caalamka iyo in ay ogolaato gargaarka shacabka dhiban u socda,”.

Danjire Abuukar Baalle oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri” Dadka Rayidka ah ee u badan Haween iyo Carruur waxay wajahaan arrimo caafimaad oo aad u daran oo ay ka mid yihiin cunto yiri iyo nafaqo daro ba’an oo soo food saartay, xaaladdaasi in si deg deg ah looga feejignaado,”.

Agaasimaha Xiriirka Caalamiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Jibriil Afyare oo wareysi gaar ah siiyay Warbaahinta Qaranka ayaa si qoto dheer kaga hadlay muhiimadda kursiga golaha ammaanka iyo waxa looga baahan yahay Soomaaliya inta ay ku fadhiso kursigaas, wuxuuna sheegay in tallaabada ugu horreyso Soomaaliya laga doonayo in ay tahay qeyb ka noqoshada nabadeynta iyo xasilloonida Geeska Afrika oo aan ku naalno iyo in laga shaqeeyo arrimaha muhiimka ah ee Soomaaliya quseeyo.

” Waxaa looga baahan yahay nabadeynta inaan qeyb ka noqono, waxaa nalooga baahan yahay Geeska Afrika oo ku naalno nabadeyntiisa iyo xasilloonidiisa qeyb inaan ka noqono, tan kale oo nalooga baahan yahay waxay tahay waxa Soomaaliya quseeya gaar ahaan agendaha Soomaaliya quseeya inaan riixno oo aan bar dhamaadka (furintiga) geyno.

Sidoo kale, Agaasimaha Xiriirka Caalamiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jibriil Afyare, ayaa hadalkiisa intaasi ku daray in waxyaabaha kale ee Soomaaliya laga doonayo muddada labada sanno ee kursiga ku fadhiso in ay tahay in dadaal xooggan la geliyo sidii dalka looga ciribtiri lahaa argagixisada, iyadoo la kaashanayo taageerada Beesha Caalamka iyo sidii looga bixi lahaa Chapter 7, oo dad badan aysan ku baraarugsaneyn muhiimadda ay leedahay in marxaladdaasi laga gudbo.

” Waxaa ka mid ah Argagixisada sida hadda Madaxweynahu sheegay, midda kale aan kuu sheegayo waxay tahay Soomaaliya waxay ku jjirtaa chapter 7, dadka badanaa waxaa dhici karta in aysan ku baraarugsaneyn, Chapter 7-kaas maxaa uga bixi karnaa?, waxaa uga bixi karnaa inaan labadaasi sano aan ka shaqeyno sababihii kaga bixi lahayn chapter 7-kaas oo ah in xasilloonida, mideynta Ummadda Soomaaliya, wanaagga ka socda Soomaaliya iyo Wejiga Soomaaliya ay leedahay markaan gudaheenna iyo dhexdeenna ku jirno unbaa dibadda la tegi doonaa,”.

Ugu dambeyn, Agaasime Jabriil Afyare ayaa hoosta ka xariiqay in muddada labada ee Soomaaliya ku fadhiso kursiga Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ka dib, Soomaaliya noqon doonto, Soomaaliya sarreysa, sumcad leh, diblomaasiyadda oo kor u kacda iyo in Somaaliya loo qoro nabadeynta iyo xasilloonida iyo in ay kaalin weyn qaadatay wax ka qabashada goobaha dhibaatada ka jirto.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo shacabka Soomaaliyeed u jeediyey farriin hambalyo ah oo ku aaddan ka-mid-noqoshada Soomaaliya ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey oo ay dalkeenna ugu dambeysay 54 sano ka hor ayaa ka hadlay guulaha ay Soomaaliya ku talaabsatay, wuxuuna Madaxweynuhu ka warbixiyay dadaalka loo soo maray xaqiijinta guushan taariikhiga ah.
Xarunta Dhexe ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa martigelisay munaasabad ballaaran oo lagu maamuusayay fadhiga rasmiga ah ee Soomaaliya ku yeelatay, kursiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, taasoo sidoo kale calaamad u aheyd bilowga shaqada Soomaaliya ee Golahaasi.

Wasiirka, oo munaasabadda khudbad ka jeediyay, ayaa si qoto dheer uga hadlay muhiimadda ay leedahay ka mid noqoshada Soomaaliya ee Golaha Ammaanka, dadaalladii xoogga lahaa ee arrintan lagu gaadhay, iyo ajendayaasha ay Soomaaliya mudnaanta siin doonto intay golahaasi ku jirto, wuxuuna sidoo kale uga mahadceliyay madaxda Qaranka ee uu ugu horreeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Ergada Soomaaliya ee xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa, Ergada Qaramada Midoobay ee New York, iyo dhammaan Diblomaasiyiinta iyo Howlwadeennada Wasaaradda kaalinta weyn ee ay ku lahaayeen guushan muhiimka ah.

Haddaba maxaa laga doonayaa inta ay ku fadhiso Soomaaliya Kursiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay? Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa inta ay kursigani ku fadhiso waxaa laga doonayaa in ay xoogga saarto nabadeynta Geeska Afrika iyo guud ahaan Caalamka.

By. Ruush