Israel oo duqeysay Qaza dhinacna kala xaajooneysa Xamaas

Ciidamada Israel ayaa sii wada duqeymaha ay ku hayaan Gaza, iyagoo ugu yaraan todobo falastiiniyiin ah ku dilay Rafah iyo Bureij,kadib markii saacadihii u dambeeyay ay weeraro xagga cirka ah ku qaadeen deegaanadaasi oo dhaca Gaza.

Duqeymahan cusub ayaa daba socday saddex maalmood oo weerarro xooggan ay Israel ku dileen ilaa 200 oo Falastiiniyiin ah oo ku sugnaa marinka Gaza.

Weerarada ka imaanaya ciidamada Israel ayaa sii socda,xilli siddeed carruur ah ay u dhinteen qabowga jiilaalka ee ka jira  Gaza.

Qoysaska reer  Falastiin ayaa u  adkaysanaya cimilada qabow,iyadoo Israel ay sii waddo xaddidaadda gelitaanka sahayda bani’aadanimo  ee hey’adaha samofalka ay ugu talagaleen in la gaarsiiyo dadka ku barakacay dagaalada ka jira Gaza.

Dhanka kale,waxaa socda wadahadallo u dhexeeya Xamaas iyo Israel,inkastoo labada dhinac ay ku muransan yihiin  faahfaahinta heshiiska xabbad-joojinta iyo sida ay u daneynayaan soo afjaridda dagaalka.

Xamaas ayaa dooneysa in si buuxda loo gaaro heshiis xabbad-joojin ah,isla markaana la is-dhaafsado maxaabiista,halka Israeliyiintu aysan daacad ka aheyn in la gaaro xabad joojin rasmi ah.

Tirada Falastiiniyiinta ee ku dhintay dagaalka  Gaza ayaa lagu sheegay  ugu yaraan 45,805,halka  dhaawacana lagu qiyaasay 109,064.

 

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la qaatay ku xigeenka Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Md. Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay ku xigeenka Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya George Conway oo horkacayay madax ka socotay hay’adaha kala duwan ee Qaramada Midoobay oo ay ku jirto OCHA.

Kulankan ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xaaladda abaaraha ee dalka, qorsheyaasha ka jawaabista baahiyaha bini’aadannimo ee sanadka 2025, iyo sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta hay’adaha gargaarka iyo Hay’adda SoDMA.

Sidoo kale, kulanka ayaa looga wadahadlay sidii loo abaabuli lahaa shir guud oo lagu uruurinayo dhaqaale lagu taageero dadka nugul ee ay saameeyeen abaaraha iyo xaaladaha kale ee dalka ka taagan.

 

Taliyaha Ciidanka Boliiska oo kormeeray Ciidan tababar ku qaadanayo Xerada Ciidanka Birmadka ee Boliiska

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa Xerada Ciidanka Birmadka Boliiska ku kormeeray Ciidamo Tababar uga socdo xeradaa.

Saraakiisha Hogaanka u haysa Ciidamada Tababarku u socdo oo ugu horeeyo Taliyaha Ciidanka Birmadka Boliiska G/le Daahir Maxamed Tuuryare ayaa Taliyaha soo dhaweeyey waxaana uu salaan sharaf ka qaatay Kooxda Baanda Muusikada iyo Ciidamada katirsan Birmadka Boliiska ee la Tababarayo.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa sheegay in Ciidamadan qeyb ka noqonayaan xoojinta Amniga Dalka,isagoona kula dardaarmay in si wanagsan uga faa’ideystaan Tababarka .

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada XFS oo kormeeray xarunta Hay’adda SoDMA

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA) Md. Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku soo dhaweeyay Wasiirka Wasaaradda Degaanka iyo Isbeddalka Cimilada, Sareeye-Guud Bashiir Maxamed Cabdi (Bashiir Goobbe). Booqashadan ayaa timid xilli Wasiir Bashiir uu maanta si rasmi ah ula wareegay xilka Wasaaradda.

Wasiirka waxaa is faahfaahsan warbixin looga siiyay Xarunta Qaran ee Bixisa Digniinaha Halis Wadareedka, halka lala wadaagay xaaladaha abaaraha bilowga ah ee ka jira inta badan gobollada dalka.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Maxamuud Macallin ayaa wasiirka cusub ugu rajeeyay guul, wada-shaqeyn dhow iyo is-kaashiga wanaagsan, halka Wasiirku ballan-qaaday inuu wada shaqeyn dhab ah la yeelan doono Hey’adda SoDMA.

       

Xubno ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay howlgal ka dhacay Gobolka Jubbada Hoose

Hawlgalkan oo ay wadajir isaga kaashadeen Ciidanka Qaranka Soomaaliya iyo Ciidamada Cirka ee Mareykanka ayaa ka dhacay deegaanka Beerxaani oo qiyaastii 35km waqooyi galbeed ka xiga magaalada Kismaayo ee xarunta ku meelgaarka ee Jubbaland.

Hawlagalkan lagu burburiyay koox ka tirsan Khawaarijta oo soo abaabulay isla markaana damacsanaa inay soo qaadaan weerar qorsheysan ayaa waxaa looga hortagey waxyeeladii ay doonayeen inay geystaan. Xogta khasaaraha horudhaca ah ee gaaray cadowga inta la xaqiijiyay ayaa gaaraysa ilaa 10 dhimasho ah, mana jirin wax khasaare ah oo soo gaaray rayidka.

Ciidanka Qaranka Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada Caalamka oo Ciidanka Mareykanka ay qeyb weyn ka yihiin, ayaa waxaa ka go’an ciribtirka Khawaarijta iyo ka hortagga weerarada abaabulan ee kooxdu ku doonayso in ay ku dhibaatayso shacabka Soomaaliyeed.

Halkan Hoose ka Akhriso Warxsaxaafadeedka:-

Tababar loo soo gabogabeeyay agaasimayaasha 10-ka hay’adood ee ugu heshiis gelidda badan Dowladda

Ku-xigeenka Hantidhowraha Guud ee JFS, Mudane Abdijamal Ismail Mohamed ayaa furay soona xiray tababar uu wajigiisa koowaad Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS maanta u soo gabagabeeyey agaasimayaasha 10ka hay’adood ee ugu heshiisyo gelidda badan dowladda, kuwaas oo ay shaqadoodu tahay in ay diiwaangeliyaan heshiisyada ay dowladdu gasho.

Tababarkan, oo socday laba maalin, ayaa ku saabsanaa ‘’ Hirgelinta nidaamka maareynta heshiisyada’’ ( Contract Managementa System – CMS), taas oo qayb ka ah dedaallada socda ee lagu hormarinayo “Habka Maareynta Heshiisyada Hay’adaha Dowladda.

CMS, waa nidaam looga guurayo habka qadiimiga ah ee diiwaangelinta heshiisyada, iyada oo la adeegsanayo hab dhijitaal ah, kaas oo u taagan horumarinta hagaajinta waxtarka howlaha dowladda, u hoggaansanaanta shuruucda, iyo hufnaanta maareynta heshiisyada dowladda.

           

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐞𝐞𝐠𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐐𝐨𝐲𝐬𝐤𝐚

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa si rasmi ah xilalka ugu kala wareejiyey Wasiirrada Wasaaradaha Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada iyo Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ay kaalin muhiim ka qaadanayso dedaalka adduunyadu ugu jirto in xal waara loo helo saameynta isbeddelka Cimilada iyo wax-ka qabashada iyo maareynta dhibaatooyinka deegaanka, halka dhinaca kale Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka uu sheegay inay fure u tahay ilaalinta xuquuqda bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan haweenka iyo carruurta.

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa hoosta ka xarriiqay baahida loo qabo wada-shaqeyn dhow oo dhex marta wasaaradaha, si loo xaqiijiyo ujeeddooyinka Xukuumadda ee ku saleysan horumarinta deegaanka, isbeddelka cimilada, kobcinta xuquuqda aadanaha, iyo taageerada bulshada nugul.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa labada Wasiir uga mahadceliyey shaqadii muhiimka ahayd ee ay soo qabteen, wuxuunna kula dardaamay inay shacabka Soomaaliyeed ugu adeegaan si hufan.

 

         

Mas’uuliyiin katirsan dowladda oo ka qeyb galay Salaada Janaasada (AUN) askartii lagu dilay degmada Ceelbaraf

Baled weyne;-Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS Daahir Shire Maxamed ,Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage ,Taliyaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ,masuuliyiin kale iyo duubabka dhaqanka ayaa magaalada Beledweyne uga qeyb galay salaadda janaasada AUN askartii dhowaan lagu dilay degmada Ceelbaraf ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Askartaan ayaa dhawaan iyaga oo maraya degaan hoostaga degmada ceelbaraf waxaa jidka u galay kooxa mannaxayaal dad qalato ah kuwaa oo halkaa ku dilay,waxana maxkamadda ciidanka soo sàartay waaran soo qabasha ah dadkii ka dambeeyay dilkaa foosha xun  si sharciga loo horgeeyo.

 

     

Safaaradda JFS ee Serbia oo dirtay hambalyo ku aaddan sanad-guurada 61-aad Wakaaladda SONNA

Safaaradda Soomaaliya ee Serbia ayaa uga hambalyeysay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed SONNA sanad-guuradeedii 61-aad oo ku beegan Janaayo 5, iyagoo bogaadiyay doorka ay ka qaadatay isku xirka Soomaaliya iyo caalamka tan iyo 1964.

Qoraal ay soo dhigtay barta Twitter-ka (X) ayay safaaraddu ku sheegtay in SONNA ay ka gudubtay caqabado badan, isla markaana ay u rajeynayaan guul iyo horumar sanadka 2025.

Wakaaladda Wararka SONNA oo u dabbaaldegtay xuska 61-aad (warbixin)

Wakaaladaha wararka waa hey’ado u xilsaaran ururita iyo habeynta wararka iyo guud ahaan raadinta  macluuumaadka kale ee loo gudbiyo bulsho weynta caalamka,waxayna wakaaladuhu u qeybsamaan kuwo caaalami ah oo ay maamulaan shirkado ama hey’ado gaar ah iyo kuwo dowli ah.

Wakaaladahaan waa kuwo xirfad ahaan ku shaqeysta warbaahinta, waxayna leeyihiin macaamiil badan oo ku xiran xarumahooda caadiga ah sida wargeysyada,Idaacadaha, taleefishinada iyo shabakadaha kale ee ku shaqeeya qalabka Internetka ee fududeeya maclumaadka laga helo Webside-yada iyo baraha bulshada.

Marka laga yimaado wakaaladaha caalamiga ah oo loo aqoonsan yahay Associated Press (AP), AFP , Reuters, United Press iyo Tass,waxaa jira waakaalado dowliga ah oo badanaa ay gacanta ku hayaan xukuumadaha,kuwaas oo ku hadla afka dowladda, waxayna gudbiyaan wararka caadiga ah iyo siyaasadaha dowladaha.

Guud ahaan wakaaladahaan waxa ay ka shaqeeyaan sidii loo kasban lahaa kalsoonida dadka ,isla markaana looga fogaan lahaa wararka beenta ah ee dhaawici kara xogta saxda ah ee muuqaalada dhacdooyinka u gudbaya macaamiisha.

Qeybahaan waxaa loo tixgeliyaa in ay yihiin adeeg wareed (news wire), kuwaas oo wadaaga dhaqan ahaan mas’uuliyad macquul ah oo tilmaameysa in helitaanka wararka iyo dhacdooyinka loo tiiriyo ama loo nisbeeyo afhayeen ama ilo muhiim ah oo lagu kalsoonaan karo.

Haddaba,Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed oo ka mid ah kuwa dowliga ah waxay maanta u dabbaaldageysaa xuska sanadguurada 61-aad ee ka soo wareegatay dhismaha wakaalad dhinaca wararka u qaabilsan Dowladnimada Soomaaliya .

Wakaaladda SONNA waxaa la aasaasay 5-tii Janaayo ee sanadkii 1964-tii, waana adeegga ugu weyn xagga wararka ee ay maamulaan wasaaradda Warfaafinta Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya .

Dhismaha Wakaaladdaan ayaa yimid xilli ay dalka ka jireen 2- Idaacadood oo kala ahaa:- Raadiyo Hargeysa oo la furay 1943-dii iyo Raadiyo Muqdisho oo isna la daah-furay 1951-dii,kuwaas oo wax ku gudbin jiray afka Soomaaliga iyo dhowr luqadood oo kale.

Wakaaladda Wararka SONNA waa hey’adda ugu sareysa  warbaahinta oo u xilsaaran ururinta wararka gudaha iyo  ,dibadda, xaqiijinta dhacdooyinka iyo bixinta akhbaraadka ay u baahan yihiin raadiyaha, telefishanka, wargeyska iyo xarumaha kale ee gaarka ah.

Marka loo eego Howsha Wakaaladda waa warbaahin shaqeysa 24-saac , waxayna xiriirro shaqo la leedahay dalal badan sida Dowladaha Islaamka,Jaamacadda Carabta, Midowga Afrika iyo kuwa caalamiga ah.

SONNA ayaa ah  isha wararka ,waxeyna ku shaqeysaa daacadnimo, dhex-dhexaadnimo iyo dabagal,iyadoo gudbisa wararka iyo dhacdooyinka xiisaha u leh bulshada Soomaaliyeed iyo kuwa caalamka.

Wasaaradda Warfafinta waxay dadaal ku bixisay sidii loo  hormarin lahaa qeybaha warbaahinta ,gaar ahaan wakaaladda wararka SONNA si loo helo aqoon lagu kaabo howsha warbaahinta ,iyada oo loo marayo qaab farsamo oo casriyeysan.

Dhowr iyo tobankii sano ee u dambeeyay wakaaladda wararka waxa ay ku tallaabsatay guullo wax ku ool ah,kadib markii  madaxda wakaaladda ay heshiisyo cusub la soo galeen wakaaladaha wararka ee dalalka Shiinaha,Turkiga, Raashiya,Suudaan, ,Qadar,Kuweyt, Imaaraadka ,Sacuudiga,Bulgariya iyo kuwo kale.

Adeegga wakaaladda ee xilligaan waxaa lagu saleeyay habka casriga ah ee ay u howlgalaan wakaaladaha wararka caalamka,gaar ahaan nidaamka shaqo ee aan looga maarmin habka diijitaalka internetka,kaas oo si dhaqso ah u gaari kara daafaha dunida.

Qorshaha ku talagal ee mustaqbalka waa in wakaaladda wararka SONNA ay dib u soo celiso dhammaan xiriiradii ay la laheyd dalalka dunida.

Waxaa jira qorshayaal la doonayo in SONNA xilligaan iyo mustaqbalka soo socda ay ku howlgalaan waxaana kamid ah:-1-in hawsha SONNA la  gaarsiyo Gobolada dalka iyo dibadaha iyadoo kor loo qaadayo aqoonta shaqaalihii hore iyo kuwa cusub ee ku soo biiraya wakaaladda.

2 –la socodka wararka ay daabacaan wakaaladaha iyo warbaahinada kale ee  caalamka.

3 –diyaarinta warar xaqiiqo ah oo ka turjumaya danta bulshada,gaar ahaan xilligga ay dhacayaan.

4 – kordhinta qalabka saxaafadda ee ay ku howlgalaan wakaaladda wararka SONNA.

5 – in danjirayaasha ku sugan dalka la siiyo warar ku qoran buletiinka oo ku hadlaya luqadaha Ingiriiska,carabiga Talyaaniga iyo kuwo kale,

6 –in ay diiwaangeliso dhacdooyinka,iyadoo lala kaashanaayo hay’adaha wararka ee goboladaa iyo caalamka.

7– tixgelinta qiyamka iyo dhaqanka dadka Soomaaliyeed,gaar ahaan xilliyada faafinta wararka.

8 – in kor loo qaado aqoonta shaqaalaha si ay u sameeyaan wax soo saar ka badan shaqada ay hadda qabtaan.

Iyadoo laga faa’idesanaayo fursadda xuska maalinta Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed,waxaa halkaan hambalyo ku aadan munaasabadda maalintaan hambalyo diray madaxda wasiirka wasaaradda Warfaafinta XFS,iyagoo maamulka iyo shaqaalaha Wakaalada Wararka SONNA kala qeybgalay dabbaaldegga xuska sanadguurada 61-aad ee ka soo  wareegatay aasaaska wakaaladda SONNA.

Gabagabadii Wasiirka iyo madaxda kale ee wasaaradda Warfaafinta XFS waxa ay maamulka iyo shaqaalaha SONNA kula dardaarmeen in ay labalaabaan howlaha dhinaca warbaahinta ee ay u hayaan umadda,iyagoo u rajeeyeen in sanadkaan kisa kale ay ku gaaraan horumar iyo barwaaqo.

 

SONNA