Maxaa looga baahan yahay Soomaaliya inta ay ku fadhiso kursiga Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay?

Agaasimaha Xiriirka Caalamiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Jibriil Afyare oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta Qaranka ayaa si qoto dheer kaga hadlay muhiimadda kursiga golaha ammaanka iyo waxa looga baahan yahay Soomaaliya inta ay ku fadhiso kursigaas.
Agaasime Afyare ayaa sheegay in tallaabada ugu horeyso Soomaaliya laga doonayo in ay tahay qeyb ka noqoshada nabadeynta iyo xasilloonida Geeska Afrika oo aan ku naalno iyo in laga shaqeeyo arrimaha muhiimka ah ee Soomaaliya quseeyo.
” Waxaa looga baahan yahay nabadeynta inaan qeyb ka noqono, waxaa nalooga baahan yahay Geeska Afrika oo ku naalno nabadeyntiisa iyo xasilloonidiisa qeyb inaan ka noqono, tan kale oo nalooga baahan yahay waxay tahay waxa Soomaaliya quseeya gaar ahaan agendaha Soomaaliya quseeya inaan riixno oo aan bar dhamaadka (furintiga) geyno.
Sidoo kale, Agaasimaha Xiriirka Caalamiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jibriil Afyare, ayaa hadalkiisa intaas ku daray in waxyaabaha kale ee Soomaaliya laga doonayo muddada labada sanno ee kursiga ku fadhiso in ay tahay in dadaal xooggan la geliyo sidii dalka looga ciribtiri lahaa argagixisada, iyadoo la kaashanayo taageerada beesha caalamka iyo sidii looga bixi lahaa Chapter 7, oo dad badan aysan ku baraarugsaneyn muhiimadda ay leedahay in marxaladdaas laga gudbo.
” Waxaa ka mid ah argagixisada sida hadda madaxweynaha sheegay, midda kale aan kuu sheegayo waxay tahay Soomaaliya waxay ku jjirtaa chapter 7, dadka badanaa may be in aysan ku baraarugsaneyn, Chapter 7-kaas maxaa uga bixi karnaa?, waxaa uga bixi karnaa inaan labadaas sanno aan ka shaqeyno sababihii kaga bixi lahayn chapter 7-kaas oo ah in xasilloonida, mideynta ummadda Soomaaliya, wanaagga ka socda Soomaaliya iyo wejiga Soomaaliya ay leedahay markaan gudaheenna iyo dhexdeenna ku jirno unbaa dibadda la tegi doonaa,”.
Ugu dambeyn, Agaasime Jabriil Afyare ayaa hoosta ka xariiqay in muddada labada ee Soomaaliya ku fadhiso kursiga Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ka dib, Soomaaliya noqon doonto, Soomaaliya sareysa, sumcad leh, diblomaasiyadda oo kor u kacda iyo in Somaaliya loo qoro nabadeynta iyo xasilloonida iyo in ay kaalin weyn qaadatay wax ka qabashada goobaha dhibaatada ka jirto.

Soomaaliya oo Golaha Ammaanka ka hor caddeysay Mowqifkeeda Qaddiyadda Falastiin

Ka dib markii khamiistii la soo dhaafay si rasmi ah Soomaaliya ugu biirtay Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay kana mid noqotay kana mid noqotay 15-ka xubnood ee aan joogtada ahayn ee Golaha ayaa xalay waxaa la qabtay shirkii koowaad ee golahaas.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa 54-sanno ka dib ka qeyb gashay shirka, iyadoo uu matalayay ergayga Soomaaliya ee UN-ka u fadhiya Danjire Abuukar Cusmaan Baalle, wuxuuna shirka ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneysa.

Ergayga ayaa shirka la tegay mowqifka Soomaaliya ee qaddiyadda Falastiin iyo tacaddiga Israel u geysaneyso dadka rayidka ah.

Mr. Abuukar Baalle ayaa golaha ammaanka ka hor sheegay in Soomaaliya si dhow ula socoto xaaladda Bariga Dhexe gaar ahaan dhulka Falastiin ee Yuhuuddu ay haysato.

” Mudane madaxweyne, Soomaaliya waxay aad uga walaacsan tahay xaaladda Xaaladda Qasa ee suu xumaaneysa iyo dhibaatada joogtada ah ee dadka Falastiin ku hayso colaadda daba dheeraatay ee ay wadaan Israel iyo xullafadeeda,waxayna ku boorineynaa Israel in ay madax u noqoto baaqa xooggan ee caalamka iyo in ay ogolaato gargaarka shacabka dhiban u socda,”.

Danjire Abuukar Baalle oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri” Dadka rayidka ah ee u badan haween iyo carruur waxay wajahaan arrimo caafimaad oo aad u daran oo ay ka mid yihiin cunto yiri iyo nafaqo daro ba’an oo soo food saartay, xaaladdaas in si deg deg ah looga feejignaado,”.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa inta ay kursigani ku fadhiso waxaa laga doonayaa in ay xoogga saarto nabadeynta Geeska Afrika iyo guud ahaan caalamka.

Suuriya oo dooneysa in ay iskaashi la yeelato Imaaraadka, Qatar iyo Urdun

Wasiirka arrimaha dibadda ee Suuriya, Asaad Xasan Al-Shaibaani, ayaa ku dhawaaqay inuu booqan doono dalalka Qatar, Imaaraadka Carabta iyo Urdun, isagoo dhawaan safarkiisii ​​ugu horreeyay ee dibadda ah dhowaan ku tagay dalka Sucuudiga.

Wasiirka ayaa bartiisa bulshada ku sheegay in  uu booqan doono saddexda waddan toddobaadkaan si loo taageero xasilloonida, amniga, soo kabashada dhaqaalaha iyo dhisidda iskaashi ay la yeeshaan dalalkaasi.

Xukuumadda cusub ayaa u hanqal taageysa  inay maal-gashi ka helaan waddamada Khaliijka ee hodanka ah si ay gacan uga geystaan ​​dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha iyo kobcinta dhaqaalaha  oo ku burburay dagaaladii ka jiray dalkaasi muddo toban sano ah.

Sacuudi Carabiya oo todobaadkii hore uu booqdy wasiirka Arrimaha Dibadda Suuriya ayaa durba u muuqata mid door weyn ka qaadaneysa dib u soo nooleynta dalkaasi,gaar ahaan arrimaha bini;aadanimada iyo dib u dhiska dalka.

Taliyaha qaybta 21-aad ee ciidanka xoogga oo gaaray Degmada Wisil ee Gobolka Mudug

Taliyaha qaybta 21-aad ee Ciidanka Dhulka xoogga Dalka Soomaaliyeed Col. mohamed Dhagawayne ayaa Wisil u tagay u kuurgelidda xaaladda ciidanka Xoogga Dalka iyo darawishta Galmudug ee ku sugan degmada Wisil

Taliyaha ayaa kulamo la qaatay Saraakiisha Ciidamada Xoogga, kuwa Daraawiishta iyo madaxda Deegaanka, isagoo ku ammaaney doorkooda ku aadan ciribtirka khawaarijta.

 

    

Mareykanka oo 28 Milyan u qorsheeyey wax ka qabashada Arrimaha Bi’niaadinimmo ee Soomaaliya

Dowladda Mareykanka ayaa sanadkan 28 Milyan u qorshsheysay labo mashruuc oo lagu xoojin doono adkeysiga sugnaanta cuntada Soomaaliya, kaas oo socon doona muddo shan sano ah, sida uu sheegay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Ambassador Richard H. Riley.

“Shanta sano ee soo socota, barnaamijyadan Bi’niaadinimmo waxa ay caawin doonaan in ka badan 80,000 qoys oo Soomaali, kuwaas oo ka shaqeyn doono dhisidda hab-nololeed waara, kobcin dhaqaale, iyo kordhinta kaydkooda iyo hantidooda.” ayuu yiri Richard H. Riley.

Mareykanka ayaa kamid ah dowladaha Soomaaliya ka taageero dhinacyada Amniga iyo Arrimaha bani’aadanimada, isagoo malaayiin dollar ka cafiyey dowladda Soomaaliya.

Ciidanka Xoogga oo Howlgal qorsheysan ka sameeyay degaanno hoostaga Degmada Xudur

Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan Guutada 9-aad, Qeybta 60-aad ayaa howlgal jab xooggan lagu gaarsiiyay khawaarijta waxa ay ka sameyeen degaanno hoostaga Degmada xudur ee  Gobolka Bakool.

Howlgalka ayaa laga fuliyay tuulooyinka kala ah Banjinaay, aboore ilaa teed oo u dhaxeeya Degmooyinka Xudur iyo Ceel-berde,waxaana howlgalka hoggaaminaya
Taliye Ku-xigeenka Guutada 9-aad, Qeybta 60-aad ee Ciidanka Dhulka Xoogga dalka Dhamme Cilmi Aadan Isxaaq, waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa Taliyaha Ururka 96-aad ee Guutada 9-aad Dhamme Dhaahir Maxamed.

Wasaaradda Waxbarashada XFS oo Soo bandhigtay waxqabadkii ugu waaweynaa ee ay hirgelisay sannadkii 2024

Wasaaradda Waxbarashada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay waxqabadkii ugu waaweynaa ee ay ka hirgelisay sannadkii 2024, iyada oo ku tilmaantay guulahaas kuwo taariikhi ah oo qeyb ka ah dib-u-dhiska nidaamka waxbarasho ee dalka.

Sida lagu sheegay warbixinta, Wasaaradda Waxbarashada ayaa ku guuleysatay:

1. 3,000 oo Macallin ayaa markale la shaqaaleysiiyey.

2. 3,000 oo gabdhood ayaa deeq waxbarasho la siiyey.

3. Sharciga Tacliinta Sare ee Dalka ayaa markii ugu horreysay la sameeyey lana ansixiyey.

4. Sannadka aasaasiga ee Jaamacadda ayaa la dhaqan galiyey.

5. Ardayda u dhalatay Dalka aan walaalaha naha ee Sudan ayaa deeq waxbarasho la siiyey.

6. Imtixaanka Qaranka ee Dugsiyada Sare ayaa la gaarsiiyey goobo uuna gaarin wixii ka dambeeyey burburkii dowladda dhexe waxaana kamid goobahaas SSC Khaatumo iyo deegaannada laga xoreeyey Khawaarijta.

7. 250 arday ayaa la siiyey deeq waxbarasho oo gudaha Dalka ah.

8. Shirweynaha 15aad ee Ururka Caalamiga ee Daraasaadka Soomaaliyeed ayaa 35 sano kaddib lagu qabtay Magaalada Muqdisho, shirkaasi oo looga hadlay Dibudhiska Ummadda Soomaaliyeed.

Puntlan iyo saaxiibada caalamka oo weeraray kooxda Daacish ee ku sugan Gobolka bari

Ciidanka Puntlan oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa duqeyn xagga cirka ah iyo weerarro dhanka dhulka ah ku  qaaday kooxda Daacish ee ku sugan buuraleyda Calmiska ee Gobolka Bari.

Howlgalkaan oo ahaa mid qirsheysan ayaa lagu qaaday deegaanka Deylaamo iyo toga ceelka ileed ayaa ,iyadoo la bartilmaameedsaday fariisimo ay leeyihiin kooxda Daacish iyo goobo ay u yaalleen saadka.

Duqeymaha dhanka cirka ah oo ay barbar socdeen weeraro dhanka dhulka ah oo ay fuliyeen cidanka Puntland ayaa lagu waramay in waxyeello ba’an  la gaarsiiyay argagixisada ,isla markaana la burburiyay hub iyo qalab kale oo ah walxaha qarxa.

Afhayeenka ciidanka puntlan Jeneraal Faadhigo ayaa sheegay in ay soo bandhigi doonaan khasaaraha dhimashada iyo qalabka kale ee ay ka qabsadeen  kooxdaasi wuxuuna ugu baaqay shacabka in ay gacan ka geystaan soo afjaridda Daacsih.

Dhowaan ayeey aheyd markii kooxdaasi oo soo wwerartay fariisin ciidan  oo ku yiillay gaaheel laga dilay tiro badan oo maleeshiyo ah oo ay ku jireen 8 kamid ah ajanabiga calooshood u shaqeystayaasha ah.

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

1-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo shacabka ugu hambalyeeyay xubinnimada Soomaaliya ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

2-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgaley munaasabadda sannad-guurada 25-aad ee aas-aaska Jaamacadda SIMAD.

3-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka dib ugu soo laabtey kadib kulan uu magaalada Djibouti kula soo yeeshay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

4-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka tacsiyadeeyay geerida fannaanaddii qaranka, Luul Jeylaani Cali oo ku geeriyootay Mareykanka.

5-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Alle ha u naxariistee Fannaanadii Qaranka, Luul Jeylaani Cali oo ku geeriyootay dalka Mareykanka.

6-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa oo ka qeybgaley munaasabad uu xilka kula wareegayay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Daahir Shire.

7-Ra’iisul Wasaare Xamse  Cabdi Barre ayaa sheegay in  shuruuc laga soo  saari doonaa dadka baraha bulshada ka wada hurinta dagaallada qabaa’ilka  iyo kicinta bulshada.

8-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay meel marisay heshiisyo iyo shuruuc lagu tayeynayo awoodda hey’addaha dowlada, gaar ahaan dhinacyada horumarinta dhaqaalaha dalka.

9-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan la yeeshay haweenka ku bahoobay Ololaha Hooyo u Hiili Qaranka oo looga hadlayey kaalinta ay ku leeyihiin dib-u-heshiisiinta iyo wacyigelinta bulshada ee hirgelinta doorasho qof iyo cod oo laga bilaabi doono gobolka Banaadir.

10-Soomaaliya oo si rasmi ah ugu fariisatey kursiga xubinnimada aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

11-Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in ku biiritaanka Soomaaliya ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay ka tarjumeyso kalsoonida caalamka ku qabo Soomaaliya.

12-Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa kormeer shaqo ku tagay wasaaradaha Xannaanada Xoolaha, Gaashaandhigga, Caafimaadka, Tamarka iyo Biyaha iyo Hay’adda Diiwaangelinta Dadweynaha (NIRA) halkaas oo uu warbixin kaga dhegeystay mas’uuliyiinta hay’adahaasi.

13-Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa ka qeyb galey munaasabadda daah-furka hay’adda Bulsho SACCO oo ka shaqeysa horumarinta ganacsiyada yar yar.

14-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo tacsi u diray qoyskii iyo eheladii ay ka geeriyootay fannaanadda Luul Jeylaani Cali.

15-Wasiirka Amniga Gudaha, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa kulamo kala duwan kula yeeshay magaalada Garbahaarey ee Gobolka Gedo qeybaha kala duwan ee bulshada.

16-Wasiirka Maaliyadda Biixi Imaan Cige iyo Wasiirka Batroolka iyo Daahir Shire Maxamed ayaa yeeshay kulan looga hadlaayay dhameystirka shuruucda ka faa’ideysiga kheyraadka dhulka hoostiisa, si looga faa’iideysto kheyraadka dalka.

17-Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS ayaa digniin ka soo saartay adeegsiga muuqaalada iyo wararka lagu hurinayo colaadaha beelaha dalka ku dhaqan.

18-Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Ilyaas Sheekh Cumar  ayaa Muqdisho ka furay kulan wada-tashi ah oo dhexmaray Wasaaradaha Dastuurka ee dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.

19-Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ka hadlay dhacdadii deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay ku dhinteen ciidamo ka tirsan  Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

20-Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Batroolka Daahir Shire Maxamed ayaa gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

21-Wasiirka Arrimaha Gudaha  Mudane Cali Yuusuf Cali Xooshi ayaa  booqasho shaqo ku tegay magaalada Dhuusamareeb, caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug.

22-Wasiirka Amniga Gudaha  Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya qaar ka mid ah gobollada dalka.

23-Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/ Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa kormeer shaqo ku tagey Xarunta Gaadiidka Booliska ay ku hawlgalaan Hoggaanka Gaadiidka, Ciidanka Miino Baarka iyo Guutada Ilaalada Madaxda ee Booliska ka tirsan.

24-Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Dastuurka Mudane Ilyaas Sheekh Cumar ayaa Muqdisho ka furay shirka  la-tashiga hay’adaha dowladda ee wax ka beddelka Cutubka 5aad ilaa 9aad ee Dastuurka KMG ah.

25-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Amiir ayaa kulan looga hadlayay wada-shaqeynta arrimaha nabadgelyada la qaatay Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi.

26-Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Mudane Fatxudiin Cali Maxamed ayaa magaalada Mersin ee dalka Turkiga kulamo kala duwan kula yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka magaaladaasi.

27-Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa baaq nabadeed kasoo saartay colaadaha iyo beegsiga ka baxsan shareecada Islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed ee ka dhacay  qeybo ka mid ah dalka.

28-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa kulan la yeeshay  culimada Soomaaliyeed si looga  hortago khataraha  colaadaha sokeeya   ee ka socda qaar ka mid ah dalka.

29-Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka & Soohdimaha ayaa kulan is xogwareysi ah la qaatay ururada siyaasada dalka.

30-Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/ Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa Xeebta Liido ee Degmada Cabdicasiis waqti kula qaatay Shacabka caasimada oo maalmaha fasaxa u damaashaad taga Xeebta.

31-Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa oggolaaday Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), kaas oo beddelaya hawlgalkii hore ee ATMIS.

32-Wasaaradda Qorsheynta  ayaa qabatey kulan wadatashi ah oo lagu diyaarinaayey  Qorshe Hawleedka Sanadlaha ee 2025 ee Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

33-Ciidanka Amniga ee Dowlad Goboleedka Puntland ayaa toogtay ku dhowaad 10 ka tirsan maleeshiyaadka argagixisada kooxda Daacish oo isku dayay inay weeraraan xerada ciidanka ee deegaanka Dharjaale ee gobalka Bari.

34-Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa soo bandhigay koox dilal geysatay iyo kuwa ka ganacsanayay maandooriye oo lagu dhibaateeyo bulshada Soomaaliyeed.

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda XFS oo tababar aqoon kororsi ah u xirtay 100 shaqaale

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho kusoo xirtay tababar loogu talagalay in lagu horumariyo aqoonta iyo tayada 100 kamid ah shaqaalaha dowladda,gaar ahaan dhinaca Amniga internetka (Cyber security).

Tababarkaan ayaa diiradda saaraya in sare loo qaado aqoonta iyo xirfadaha shaqalaha dowlada si looga hortago caqabadaha iyo dambiyada ka dhaca khadka tooska ah ee Internetka.

Wajiga koowaad ee tababarka ayaa lagu bilaabay 30 ka mid ah shaqaalaha la qorsheeyay inay ka faa’iideystaan mashruucan, kuwaas oo ka kala socday in ka badan 15 hay’adood oo dowladda ah.

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda ayaa diyaarisay sharciyada ku saabsan Amniga internetka ,yadoo gabo-gabo uu marayo diyaarinta istiraatiijiyadda dhameystirka ee loogu talagalay barnaamijkaan.