Taliyaha Ciidanka Xoogga oo sheegay in la dardargalin doono dagaalka ka dhanka ah khawaarijta

Taliyaha Ciidanka Xoogga S/Gaa Yuusuf Odowaa Raage iyo saraakiil kale oo socdaal shaqo ku maraya deegaanada Gobolka Hiiraan ayaa gaaray degmada Maxaas,gaar ahaan furimaha ay joogaan qeybaha ciidanka .

Taliyaha iyo saraakiishii kale ee la socday waxaa degmadaasi ku soo dhoweeyay maamulka iyo saraakiisha ciidanka,iyagoo boogaadiyay  cutubyo ka tirsan ciidanka iyo kuwa difaaca madaniga ah oo u taagab la dagaalanka kooxaha khawaarijta.

Taliye Odowaa oo safarkiisa shaqo uu la xiriiray u kuurgalidda xaaladda nololeed ee ciidanka,waxa uu  warbixinno ka dhageystay saraakiisha ciidamada xoogga iyo kuwa difaaca madaniga ee k u sugan furimaha dagaalka.

Taliyaha ayaa kula dardaarmay qeybaha ciidanka in ay laba jibaaraan howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha nabad-diidka ee weli ku harsan deegaanada Hiiraan

Masar iyo Ingiriiska oo wadahadallo ka yeeshay arrimaha Gaza, Syria iyo Sudan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Badar Abdelatty iyo la taliyaha amniga qaranka UK Jonathan Powell ayaa magaalada Qaahira  ku yeeshay wadahadal ku aadan xaaladaha iyo  horumarinta Gaza, Suuriya iyo Suudaan.

Kulankii dhinacyadaasi ayaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka Masar iyo UK,iyadoo halkaasi la isku weydaarsaday aragtiyo ku aaddan arrimaha gobolka iyo caalamka.

War-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen Masar iyo Ingiriiska ayaa lagu sheegay in ay lagama maarmaan tahay xal u helidda arrimaha cakiran ee ka jira Gaza,Suuriya iyo Suudaan.

Si gaar ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Badar Abdelatty oo soo saaray bayaan ayaa sheegay in Masar ay daneyneyso baahida loo qabo xabbadjoojin degdeg ah oo laga sameeyo Gaza iyo in gargaar bini’aadanimo la gaarsiiyo halkaasi.

Dhanka arrinta Suuriya wasiirka ayaa qiray taageerada Masaray u heyso Suuriya haddeey ahaan laheyd xasiloonida dalka, ilaalinta hay’adaha qaranka, iyo ixtiraamka midnimada iyo wadajirka dhuleed ee dalkaasi.

Bayaankaasi  ayaa ugu dambeyntii ku baaqay qodobbo ay kamid yihiin xabbad-joojin degdeg ah oo laga sameeyo Suudaan, in la dedejiyo gargaarka bani’aadanimo  iyo in la taageero hay’adaha dawliga ah ee qaranka.

Madaxweynaha JFS oo shacabka la wadaagay Guusha Soomaaliya ee Kursiga QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo shacabka Soomaaliyeed u jeediyey farriin hambalyo ah oo ku aaddan ka-mid-noqoshada Soomaaliya ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey oo ay dalkeenna ugu dambeysay 54 sano ka hor ayaa ka hadlay guulaha ay Soomaaliya ku talaabsatay.

Madaxweynaha ayaa ka warbixiyay dadaalka loo soo maray xaqiijinta guushan taariikhiga ah.

Soomaaliya oo Si Rasmi ah Ugu Fariisatay Kursiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay

Xarunta Dhexe ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa galabta martigelisay munaasabad ballaaran oo lagu maamuusayay fadhiga rasmiga ah ee Soomaaliya ku yeelatay maanta, kursiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, taasoo sidoo kale calaamad u ahayd bilowga shaqada Soomaaliya ee golahaasi.

Munaasabadda waxaa ka qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Danjire Axmed Macallin Fiqi, Xoghayaha Joogtada ah, Agaasimayaasha Waaxyaha, iyo hawlwadeennada wasaaradda.

Wasiirka, oo munaasabadda khudbad ka jeediyay, ayaa si qoto dheer uga hadlay muhiimadda ay leedahay ka mid noqoshada Soomaaliya ee Golaha Ammaanka, dadaalladii xoogga lahaa ee arrintan lagu gaadhay, iyo ajendayaasha ay Soomaaliya mudnaanta siin doonto intay golahaasi ku jirto.

Wuxuu sidoo kale uga mahadceliyay madaxda Qaranka ee uu ugu horreeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ergada Soomaaliya ee xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa, ergada Qaramada Midoobay ee New York, iyo dhammaan diblomaasiyiinta iyo hawlwadeennada wasaaradda kaalinta weyn ee ay ku lahaayeen guushan muhiimka ah.

Wadahadallo muhiim ah oo u bilowday Sacuudi Carabiya iyo Suuriya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalka Suriya Asaad Al-Shaibani iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa ku sugan Dalka Sacuudi Carabiya,iyagoo wadahadallo lagu soo celinayo xiriirka labada dal la leh madaxda  boqortooyada Sacuudiga.

Wasiirka ayaa waxaa safarkiisa ku wehelinaya Wasiirka Difaaca Murhaf Abu Qasra iyo Madaxa Adeegga Sirdoonka Guud Anas Khattab,kuwaas oo maalinimadii shalay gaarat Sacuudiga.

Wafdigaan oo ah Diblumaasiyiintii ugu sarreeyay ee booqda Sacuudiga yaa ujeedkoodu yahay in dib loo furo bog cusub ama dib loo cusbooneysiiyo xiriirkii gobolka.

Booqashadan oo bilaabatay galinkii dambe ee shalay ayaa ku soo beegantay wax ka yar hal bil markii madaxweynihii hore ee Suuriya Bashaar Al-asad ay xoogaga fallaagada xukunka ka tuureen 8-dii December.

“Waxaan hadda joogaa Boqortooyada aan walaalaha nahay ee Sacuudi Carabiya,waxaan rajaynaynaa inaan furno bog cusub oo khuseeya xiriirka Suuriya iyo Sacuudiga kaas oo ku habboon taariikhda dheer ee ay wadaagaan labada waddan” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Suuriya.

Booqashada Wafdiga ka socda Suuriya ayaa yimid xilli wasiirka Aeeimaha Dibadda Sacuudiga uu casuumaad u fidiyay sida ay ku warantay warbaahinta dawladda Suuriya.

Al-Shaibani ayaa 21-kii December loo magacaabay wasiirka arrimaha dibadda dowladda ku meel gaarka ah ee Suuriya, isagoo noqday dublamaasigii ugu horreeyay ee taga Sacuudi CArabiya tan iyo markii la afgambiyay Al-Asad.

Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada oo Booqday Maktabadda Degmada Garbahaarey

Garbahaarey: Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Cabdirashiid Maxamed Ducaale oo Booqday Maktabadda Degmada Garbahaarey.

Garbahaarey, Gobolka Gedo – Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha, iyo Tacliinta Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa booqday maktabadda ugu weyn degmada Garbahaarey. Booqashadan ayaa ahayd mid muhiim ah oo qeyb ka ah dedaalka lagu xoojinayo tayada waxbarashada iyo dhaqanka akhriska ee dalka.

Wasiirka ayaa ku ammaanay bulshada degmada Garbahaarey dadaalka ay ku bixiyeen kobcinta akhriska iyo kor u qaadista fursadaha waxbarasho, isagoo sheegay in maktabaddu tahay il muhiim ah oo gacan ka geysan karta kobcinta aqoonta ardayda iyo bulshada inteeda kale.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo kulan la qaatay hoggaanka Ciidanka Ilaalinta Deegaanka Dowladda Hoose ee Xamar

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa kulan gaar ah maanta la qaatay hoggaanka Ciidanka Ilaalinta Deegaanka Dowladda Hoose ee Xamar kaas oo la xiriiray islaxisaabtan shaqo iyo dardaaran ku aadan fulinta howlaha loo igmaday, waxaana goob joog ka ahaa kulankan Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo Agaasimaha guud ee xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Ismaaciil Cali Sheikh Nuur.

Taliyaha Ciidanka Ilaalinta Deegaanka Dowladda Hoose ee Xamar Janaraal Maxamed Carabow Cali ayaa ugu horeyn warbixin kooban ka bixiyay qaabka uu u howlgalo Ciidanka Ilaalinta Deegaanka, qeybaha uu ka kooban yahay, isbedelka dhinaca tayada ciidanka iyo caqabadaha heysta ee u baahan in laga gudbo.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa faray saraakiisha Ciidanka Ilaalinta Deegaanka in ay dardargaliyaan ilaalinta nadaafada, bilicda Caasimadda, kor u qaadista dakhliga iyo in loo turo oo si dabacsan loola dhaqmo bulshada magaalada.

  

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey magacaabista Guddoomiyaha Hey’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Soomaaliyeed

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee ku aaddan magacaabista Guddoomiyaha Hey’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Soomaaliyeed, kaas noqon doona Mudane Axmed Xuseen Cilmi.

Sidoo kale, Golaha Wasiirrada, ayaa ansixiyay soo jeedinta Wasaaradda Maaliyadda ee ah in Marwo Xaniifa Maxamed Ibraahim, ay xubin ka noqoto Guddiga Sare ee Bangiga dhexe ee Soomaaliya.

Shirka Golaha oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha dalka, Mundane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo la xiriira, qiimeynta wax-qabadka Wasaaradaha Dowladda— sharciga nidaamka Xukuumadda iyo abaabulka iyo wacyigelinta bulshada ee ku aaddan doorashooyinka qof iyo codka ah ee la doonayo in dalkeenna laga hirgaliyo.

 

  

Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray waddo laga hirgeliyay Degmada Kaaraan

Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo Guddoomiyaha Degmada Kaaraan Faarax Cadaani Maxamed ayaa xarigga ka jaray waddo Interlock ah oo loogu magac daray Eng Axmed Sheekh Hassan, taasoo laga hirgeliyay Waaxda Wajeer ee Degmada Kaaraan.

Munaasabadda furitaanka waddada cusub ayaa waxaa ka soo qeybgalay dad badan oo ka kala yimid qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmada.

Waddadan oo muhiimad gaar ah u leh horumarinta kaabayaasha degmada, ayaa waxaa la filayaa inay kaalin weyn ka qaadato isku socodka dadka iyo gaadiidka.

Soomaaliya oo 54 Sano ka dib xubin ka noqotey Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay

New York) Dowladda Soomaaliya ayaa maanta xubin aan joogto ahayn kaga mid noqotey Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ka dib muddo 54 sano ah.

Xubinnimadan ayaa si rasmi ah u bilaabmatay maanta 2-da Janaayo, waxaana la filaya in Soomaaliya ay ka qayb qaadato arrimaha amniga iyo nabadda caalamiga ah mudada ay xubin ka tahay Golaha, taasoo socon doonto ilaa 2026.

Tallaabadan ayaa waji cusub u yeelaysa Soomaaliya, oo muddo dheer la daalaa-dhacaysay khilaafyo, dagaallo sokeeye, abaaro, iyo colaado soo noqnoqda, waana guul ka dhalatay adkaysiga iyo midnimada dadka Soomaaliyeed, sida ay sheegeen madaxda dalka.

Ku biirista Soomaaliya ee Golaha Ammaanka ayaa sidoo kale muujinaysa go’aanka dowladda in si wax ku ool ah ay Soomaaliya ula falgasho bulshada caalamka.

Dadweynaha Soomaaliyeed ee ku nool magaalooyinka, tuulooyinka, iyo deegaanada miyiga ayaa dhankooda si weyn uga qayb qaatay dabaaldegga guushan taariikhiga ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in maanta ay tahay “maalin taariikhi ah” oo loogu dabaaldegayo guusha waddanka, isagoo xusay in 54 sano ka dib, Soomaaliya ay mar kale ka mid noqotay xubnaha aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Madaxweynaha ayaa ku tilmaamay guushaani inay tahay mid muujinaysa “adkeysiga, midnimada, iyo go’aan qaadashada” dadka Soomaaliyeed, isagoo intaas ku daray in Soomaaliya ay sii wadi doonto ka shaqeynta horumarka.

Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa mahadnaq u diray dadka Soomaaliyeed ee ka qeyb qaatay guushan. “Waxaan u dirayaa mahadnaq dhammaan Soomaalida ka qeyb qaatay safarkan dheer,” ayuu yiri. “Laga soo bilaabo bulshada qurbo-joogta ah illaa kuwa ku sugan gudaha dalka, adkeysigaaga, go’aan qaadashadaada, iyo taageeradaada ayaa noo suurtagalisay guushan.”

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay bixisay dhammaan deymihii Qaramada Midoobay ay ku lahaayeen dalka muddo 34 sano ah. “Bixinta deyntan oo muddo dheer socotay waxay muujineysaa go’aankeena ku aaddan in aan buuxinno waajibaadka caalamiga ah iyo diyaar garowgeena in aan u hoggaansano mabaadi’da maamul wanaagga.”

Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka xusuusiyey waajibaadka ka imaanaya tallaabadan, isagoo yiri: “Xubinimada Soomaaliya ee Golaha Ammaanka waxaa daba socda sharaf iyo sidoo kale mas’uuliyad adag,”

“Soomaaliya waxay si aan kala go’ lahayn uga shaqeyn doontaa horumarinta nabadda, dhiirrigelinta caddaaladda, iyo xoojinta maamul wanaagga. Waxaan hubin doonaa in go’aanada saameynta ku leh dalka iyo gobolka ay ka tarjumaan codadka shacabka Soomaaliyeed.” ayuu ku daray Madaxweynaha JFS.

Madaxweynaha ayaa ku boorriyey dhammaan shacabka Soomaaliyeed inay u arkaan fursadaan mid dalka u horseedaysa horumar.

“Maanta ma ahan oo kaliya dabaaldeg aan uga faraxsannahay halkii aan ka soo gudubnay,” ayuu yiri. “Sidoo kale waa xusuusin waddada aan wali u baahanahay inaan qaadno. Waa inaan sii dulqaadanaa, oo aan xoojinaa midnimada si aan uga faa’ideysanno doorka cusub ee aan caalamka ka qaadnay. Iyadoo ay nala joogaan saaxiibada caalamiga ah, waxaan soo bandhigi doonaa qorshe cad oo la jaanqaadaya go’aankeena ku aaddan caddaalad, nabad, iyo horumar.”

Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si gaar ah u tilmaamay ruuxa adkeysiga ee dadka Soomaaliyeed: “Aan sii wadno safarkan iyadoo ay noo hagayaan rajada iyo go’aan qaadashada, iyadoo aan ku saleysaneyno wadajir, waddaniyad, iyo daacadnimo. Guulaha aan gaarno waxay ku saleysan yihiin midnimadeena. Wadajir ayaan jiilasha soo socda ugu dhisi karnaa mustaqbal ifaya. Ilaahay ha ina caawiyo inaan dunida ka muujino in Soomaaliya ay diyaar u tahay ka qeyb qaadashada nabadda iyo amniga caalamiga ah.”