Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed oo baaq ka soo saaray colaad beeleedyada

Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed oo kulan weyne ku qabtay xarunta Wasaaradda arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee XFS ayaa baaq nabadeed oo ay ku mideysanyihiin kasoo saaray colaadaha ka dhacaya qeybo ka mid ah dalka.

Odayaasha dhaqanka ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay colaadaha, lagu daadinayo dhiigga muslimka, iyagoo ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo lagana shaqeeyo xal u helidda xasaradaha taagan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo booqday Xarunta Wasaaradda Caafimaadka ee Galmudug

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Cali Yuusuf (Cali Xoosh) oo dhiirraglinaya dedaallada wadajirka ee Arrimaha Xasilinta gaar ahaan adeegga caafimaadka deegaannada laga xoreeyay khawaarijta ayaa tagay Xarunta Wasaaradda Caafimaadka ee Dowlad Goboleedka Galmudug.

Wasiirka Caafimaadka Galmudug Dr. Cabdiwali Cabdullaahi Jaamac ayaa kusoo dhaweeyay Xarunta Wasaaradda, isagoo Wasiir iyo masuuliyiintii kale ee la socday Warbixin ka siiyey doorka dedaallada Xasilinta ay ka qaadato Wasaaradda.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Haweenka Ololaha Hooyo u hiilli Qaranka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa kula yeeshay Haweenka Ololaha Hooyo u hiilli Qaranka kulan looga hadlay kaalinta ay ku leeyihiin dib-u-heshiisiinta iyo wacyigelinta bulshada ee hirgelinta doorasho qof iyo cod oo laga bilaabi doono gobolka Banaadir.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa ku bogaadiyey Haweenka Soomaaliyeed doorka muuqda ee ay ka qaateen difaaca dalka, sugidda amniga— garab istaagga ciidamadda qalabka sida, xallinta khilaafaadka, horumarka dalka iyo dowlad dhiska Soomaaliya.

“Haweenka Soomaaliyeed waxaan uga mahadcelinayaa doorka ay ka qaateen dagaalka Khawaarijta dalka looga sifeynayo, aniga oo u qiraya kaalinta ay ku leeyihiin dhiirrigelinta ciidamada ku sugan furimaha dagaalka, taas oo ah mid muuqata oo muhiim u ah dib-u xoreynta dalkeenna”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlayey haweenkii uu la kulmay.

Mudane Xamsa, ayaa xusay in haweenka Soomaaliyeed laga doonayo waqtigan in si wadajir ah loo hirgeliyo hiigsiga Qarankeenna, si aynu uga dhabayno Soomaaliya nabad ah, xasilloon, oo horumar waara gaarta.

 

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo hakisay Wax-ka-beddelka Xogta Baasaboorka si Ku-meel-gaar ah

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in muddo seddex bilood ah, oo ka bilaabanaysa 1-da Janaayo ilaa 31-ka Maarso 2025, si ku-meel-gaar ah loo hakiyey hawlaha wax-ka-beddelka xogta baasaboorka, gaar ahaan kuwa la xiriira burinta ama beddelidda macluumaadka ku jira baasaboorka.

Go’aankan, oo ay hay’addu sheegtay inuu yahay mid ku saleysan horumarinta iyo tayeynta baasaboorka Soomaaliga, ayaa loogu talagalay in dib-u-eegis lagu sameeyo habraacyada iyo farsamooyinka la xiriira wax-ka-beddelka xogta baasaboorka.
Hay’adda ayaa tilmaantay in arrintan ay tahay tallaabo loo qaaday ilaalinta iyo kor-u-qaadidda sumcadda baasaboorka Soomaaliyeed ee caalamka.

Bilowga sanadka cusub Israel oo Gaza ku dishay 17 ruux

Duqeymaha aan kala joogsiga lahayn ee Israel ay ka waddo Gaza ayaa sii socda,iyadoo manta oo ah kowda bisha Janaayo ee sanadka cusub, la dilay ugu yaraan 17 falastiiniyiin ah oo ku sugnaa waqooyiga Jabalia iyo xerada dhexe ee al-Bureij.

Duqeymanka Israel ee Gaza ayaa imaanaya xilli roobab culus oo maalmo socday ay daadad ku sameeyeen boqollaal hooy oo cooshado ah waxaana sii kordhaya dhibaatooyinka heysta dadka barakacay ee reer Falastiin.

Waxaa soo baxaya qeylo dhaan ku saabsan in gurmad degdeg ah oo dhinacyo badan loo fidiyo dadka reer Gaza oo waqtigaan la ildaran qabow aad u daran oo sababay dhimashada dad u badan carruur.

Qaramada Midoobay ayaa Israel ka dalbaday in ay joojiyaan sii waddidda xaddidaadda gelitaanka gargaarka bini’aadanimo ee ku socda Gaza,iyagoo dhinaca kale xusay in  weerarrada Israa’iil ee isbitaallada Gaza ay keeneen burbur ku yimid adeegyadii caafimaad iyo in ay kordhaan tirade dhimashada ee dadka rayidka ah.

Sidoo kale,Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in aysan heyn wax caddeymo ah oo la xiriira in kooxah Falastiin ay ku dhex  dagaalamaan cisbitaalada iyo goobaha barakacayaasha sida ay ku doodayaan ciidamada Israel.

Tirada dhimashada ee Falastiin ayaa gaartay ugu yaraan 45,541,halka dhaawaca lagu sheegay 108,338 tan iyo bishii Oktoobar ee sanadkii 2023.

Madaxweynaha Galmudug oo Dhagax Dhigay Dhismaha Cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye oo uu wehliyo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Hon Ali Yusuf Ali – Xoosh ayaa dhagax dhigay Dhismaha Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug.

Munaasabadda Dhagaxdhigga, waxaa sidoo kale kasoo qaybgalay Wasiir ku xigeenka Warfaafinta XFX Mudane Cabdiraxman Yuusuf Al-cadaala, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha Galmudug Cumar Axmed Diiriye iyo mas’uuliyiin kale.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyey geerida Fanaanadda Luul Jeylaani

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee ay ka baxday, Alle ha u naxariistee, Luul Jeylaani Cali oo ka mid ahayd hobolada Qaranka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa ku tilmaamay Marxuumaddula in ay ahayd hobol Soomaaliyeed oo kaalin ku leheyd fanka iyo dhaqanka Soomaaliyeed, iyadoo mudadii ay ku guda jirtay hal-abuurka iyo suugaanta ay dadaal ku bixisay dhiirrigelinta wadaniyadda, nabadda iyo midnimada ummadda.

Madaxweynaha ayaa Alle uga baryey Marxuumad Luul Jeylaani in uu hooygeeda ka yeelo Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo bahda Fanka iyo Suugaanta Soomaaliyeed ee ay ka tirsanayd.

Taliye Odawaa oo kormeer ku maraya furimaha dagaalka Khawaarijta

Ceeldheer: Taliyaha ciidanka xoogga dalka S/Gaas Odowaa Yuusuf Raage ayaa kormeer uu ugu kuurgelayo xaaladooda ugu tagay Ciidamada xoogga dalka iyo ciidamada dadka degaanka ee ka hawlgala degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Taliyaha ayaa ciidamada ku bogaadiyey intii uu joogay Ceeldheer in dadkooda iyo dalkooda ay Khawaarijta ka difaacaan, kana xoreeyaan deegaanada ay weli ku harsan yihiin.

Taliyaha xoogga oo ku jira safar uu ku marayo furimaha dagaalka ee gobollada dhexe ee dalka ayaa Ceeldheer uga sii gudbay degmooyin kale oo Xarardheere ay ugu horeyso, isagoo u kuurgelaya xaaladaha ay ku sugan yihiin ciidamada qaranka iyo deegaanka ee dagaalka kula jira Khawaarijta.

     

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo kulan la qaatay guddiga doorashooyinka

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta kulan la qaatay guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo soohdimaha, si loo dardargeliyo shaqooyinka Qaran ee horyaala guddiga.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii dalka loo gaarsiin lahaa doorasho ay dadweynuhu codeeyaan, taas oo ah hadaf Qaran oo xukuumaddu leedahay.

“Xukuumadda DanQaran waxa ka go’an in ay Guddiga ka taageerto fududeynta hawlaha la xidhiidha hirgelinta heerarka kala duwan ee doorashooyinka qof iyo cod” ayuu yiri mudane Saalax Axmed.

Guddiga ayaa Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka uga warbixiyey baaxadda shaqooyinka muhiimka ah ee horyaal iyo farsamooyinka ay tahay in loo maro, si looga miradhaliyo

Safiirka Soomaaliya ee dalka Masar oo la kulmay wasiirka arrimaha dibadda Sudan

Qaahira: Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Masar ahna wakiilka joogtada ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Cali Cabdi Awaare ayaa kulan kula qaatay xarunta safaaradda Sudan ee dalka Masar mudane Cali Yusuf Al-shariif wasiirka arrimaha dibadda dalka Sudan iyo Danjiraha Dalka Sudan u fadhiya Masar Gen. Cimaad Eldiin Mustafa.

Wasiirka ayaa horaantii bogaadiyay xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya labada dal, wuxuuna ka mahad-celiyay sida sharafta leh ee loo qaabilay jaaliyadda Sudan ee ku dhaqan Somalia.

Sidoo kale, wasiirka ayaa warbixin guud ka bixiyay xaaladda siyaasadeed ee Sudan.

Dhanka kale, Danjire Awaare ayaa adkeeyay xiriirka adag ee labada dal iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan, wuxuuna uga mahadceliyay kulanka is xog-waraysiga .