Gudoomiyaha gobolka Banaadir oo qaabilay safiirka Sudan

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Dowladda Suudaan u fadhiya Soomaaliya Mr. Ammar Axmed Babiker, iyaga oo kawada hadlay xoojinta iskaashiga iyo wadda shaqeynta labada dhinac, Waxaana kulankan goob joog ka ahaa Gudoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir mudane Ciise Maxamuud Guure.

Safiirka Dowladda Suudaan u fadhiya Soomaaliya Mr. Ammar Ahmed babiker ayaa ugu horeyn ugu hambalyeeyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir mas’uuliyada culus ee loo igmaday islamarkaana ilaahey uga rajeeyay in uu lagarab galo, iyadoo intaas kadib uu safiirka amaanay horumarada isdaba jooga ah ee ka socda Caasimadda, waxa uuna balan qaaday in safaarada Suudaan ay diyaar u tahay sidii Maamulka Gobolka Banaadir ugala shaqeyn laheyd dib u hagaajinta Bulaacadaha biyamareenka ah iyo hirgalinta warshadaha wax soo saarka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa ugu duceeyay ummada reer Suudaan in ilaahey uu dib ugu soo celiyo Xasiloonidii iyo Dowladnimadii looga dayan jiray, isaga oo uga mahadceliyay sida dad reer Suudaan ay ugarab istaageen dad Soomaaliyeed xiliyadii adkaa ee lasoo maray.

Ugu dambeyn Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Amiir ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo barnaamij kaste oo ay Safaarada Suudaan ee Soomaaliya uga qeyb qaadaneyso horumarinta bilicda Caasimadda iyo in fursada shao loo abuuro dhallinyada.

      

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo kormeeray wasaaradda gaashaandhigga

Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jamaac, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Wasaaradda Gaashandhigga si uu u dhiirrigeliyo dadaallada joogtada ah ee lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida dalka, loona taageero ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.

Mudane Saalax ayaa waxaa soo dhaweeyey Wasiirka Gaashandhigga mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur iyo saraakiisha sare ee wasaaradda, isagoo warbixin ka dhageystay mas’uuliyiinta Wasaaradda, oo ka warbixiyay horumarka laga sameeyey tababarka iyo qalabeynta ciidamada, iyo sidoo kale caqabadaha ku hor gudban dadaallada lagu xoojinayo amniga qaranka.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa ku bogaadiyey mas’uuliyiinta iyo saraakiisha ciidamada sida ay uga go’an tahay difaaca dalka iyo ka hortagga khataraha argagixisada.

“Wasaaradda Gaashaandhiggu waa tiir muhiim ah oo lagu dhisayo mustaqbalka Soomaaliya oo nabad iyo horumar leh. Ciidamada qalabka sida waa halyeeyo u taagan difaaca sharafta iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed.” ayuu yiri mudane Saalax Jaamac.

Intaa kadib, Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa booqday qeybaha kala duwan ee Wasaaradda, halkaas oo uu la kulmay shaqaalaha iyo xubno ka tirsan ciidamada qalabka sida, una muujiyay taageero iyo dhiirigelin.

Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada Xukuumadda Federaalka ee ku aaddan xoojinta xiriirka ka dhexeeya hay’adaha dowladda iyo hubinta in howlaha qaranka lagu wado si hufan oo waxtar leh, iyadoo diiradda la saarayo dhismaha dowladnimada iyo sugidda amniga dalka.

       

isra’el oo xannibtay gargaarka kadib roob wata daadad oo ka da’ay Gaza

Qaramada Midoobay ayaa ku eedaysay Israa’iil inay sii waddo hor-istaaga gargaarka bini’aadanimo ee ku socda Gaza,xilli roobab mahiigaan ah oo watay  daadad ay ku dhufteen Gaza.

Qaar kamid ah  dadka barakacayaasha ah ayaa u dhintay qabow aad  u daran oo ka jira Gaza sida ay ku warrameen mas’uuliyiinta maxalliga ah.

Maamulka Falastiiniyiinta ayaa  ka dhawaajiyay in shan maxbuus oo horay loogu qabtay Gaza ay ku dhinteen xabsiga Israel.

Dhinaca kale,ciidamada Israel ayaa afar Falastiiniyiin ah ku dilay weerar ay ku qaadeen Jabalia oo ku taal waqooyiga Qaza ka dib maalin duqeymo ah oo ka dhacay Marinka Gaza ay ku dhinteen ugu yaraan 27 qof.

Qoyska Dr Hussam Abu Safiya oo ah agaasimaha  Cisbitaalka Kamaal Adwan ayaa codsaday in la sii daayo dhaqtarkaasi oo ay horay u qafaasheen ciidamada Israel.

Dagaalka Israa’iil ee Qaza waxaa ku dhintay ugu yaraan 45,541,halka dhaawaca Falastiin lagu sheegay 108,338 tan iyo bishii Oktoobar ee sanadkii 2023.

Khawaarijta Daacish oo jab xooggan lagu gaarsiiyay gobolka Bari

 War ka soo baxay Ciidamada Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada Puntland ee ku sugan deegaanka Dharjaalle ee Gobolka Bari, ayaa lagu sheegay inay saakay fashiliyeen isku day weerar argagixiso oo ay soo maleegeen Khawaarijta dhiigmiiratada ee Daacish, waxaana halkaasi Ciidanku ku dileen oo aysan cidi ka laaban dhammaan kooxdii weerarka soo qaaday oo u badan Ajaanib.

Ciidanka ka howlgala Puntland ayaa goobta ku soo bandhigay Ajaanibta weerarka lagu dilay, hubkoodii iyo jabka xooggaanna ee saaka lagaarsiiyey Argagixisada Daacish.

“Ciidanka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland, ayaa Intaasi kadib hore ugu ruqaansaday qorshaha howlgal Ciribtirka Agragixisada ee halkaas ka socda” ayuu lagu yiri qoraalka ka soo baxay Ciidamada Hawlgalka Ciribtirka Khawaarijta ee Puntland.

Ciidamada Xoogga Dalka oo Howlgal ka dhan ah Khawaarijta ka fuliyay Gobolka Sh/Hoose

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gaar ahaan Ururka 64’aad Guutada 7aad Qaybta 60’aad & Ciidanka Boliiska ee Degmada Walawayn ayaa Si wadajir ah uga fuliyay Howlgal lagu baacsanayey khawaarijta luguna xaqiijinayey ammaanka deegaanno iyo tuulooyin hoostaga Gobolka Shabeelaha Hoose.

Deegaanada Howlgalka laga Sameeyey ayaa kala ah Aybuuley,isgaad,hoo hook, fulaaley,garfaale, Dibati,qabiibiyow,tuhur qaboobey,waraxley,cali boonad,lugud jiliwayne, baladul amiin oo dhamaan ka wada tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose.

Taliyaha Ururka 64 aad ee Guutada 7aad Dhamme Cali Cabdullahi Halac & Taliyaha Saldhiga Boliiska Degmada Walawayn Dhamme Cabdulle Isaaq ayaa si wada jira shacabka ku dhaqan deegaanadaas Faray in ay la shaqeeyaan Ciidamada si loo helo nabad waarta.

Wasiirka amniga XFS oo kulan gaar ah la qaatay Dhallinyarada Garbahaarey

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, oo ay ku wehliyaan Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka Isbeddelka Cimilada Axmed Maxamed Cumar, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xildhibaan Cismaan Libaax, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Xildhibaan Cabdirashiid Olow, Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Amniga iyo Arrimaha Gudaha ee Baarlamaanka Xildhibaan Nuur Affey, iyo Xildhibaan Baa’le, ayaa kulan gaar ah la qaatay dhallinyarada magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo.

Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, ayaa dhallinyarada ku boorriyay inay noqdaan hormuudka isbeddelka bulshada, isaga oo xusay muhiimadda ay dhalinyaradu u leeyihiin mustaqbalka dalka, sidoo kale wuxuu tilmaamay in doorashada qof iyo cod ay tahay fursad muhiim ah oo lagu xaqiijinayo cadaaladda iyo sinnaanta siyaasadeed, isagoo ku adkeeyay dhallinyarada inay wacyigelin u sameeyaan bulshada inteeda kale si loo gaaro ujeeddooyinkaas.

dhinaca kale Xubnaha wafdiga ayaa , dhallinyarada kula dardaarmay inay iska kaashadaan sugidda nabadda, taageeridda dimuquraadiyadda, iyo horumarinta bulshadooda sidoo kalena ay dhalinyaradu yihiin xoogga ugu weyn ee lagu dhisi karo dowladnimo waarta iyo mustaqbal wanaagsan oo ay Soomaaliya ku tallaabsato.

Shir Muqdisho uga furmay Wasaaradda Cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka iyo M/gobolleedyada

Ku-simaha wasiirka ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Amb Ilyaas Sheekh Cumar oo uu weheliyo Wasiir kuxigeenka wasaaradda Mudane Axmed Cabdiraxmaan Xasan ayaa Muqdisho ka furay kulan wada-tashi ah oo u dhexeeya Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS iyo Wasaaradaha Dastuurka ee Dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka.

Shirka ayaa diiradda lagu saaraya dib-u-eegista iyo dhammeystirka dastuurka dalka,xoojinta wada shaqeynta heerarka kala duwan ee dowladda, waxqabadkii hay’adaha dastuurka Labada heer sanadka 2024, caqabadihii jiray, guulihii la gaaray iyo qorshaha istiraatiijiyadda 2025, oo ay ku jirto hirgelinta qorshaha isbeddelka qaranka ee “NTP” iyo mudnaanta howlaha muhiimka ah ee sanadka cusub.

Wasiirada Dastuurka ee maamul-goboleedyada ayaa ballan qaaday xoojinta wada-shaqeynta iyo dhammeystirka dastuurka iyagoo uga mahadceliyay Wasaaradda dadaallada mudnaan siinta dastuurka, Wasiir Amb Ilyaas oo sheegay in madaxda dalka ka go’antahay dhameystirka dastuurka asigoo carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashiga heer federaal iyo dowlad-goboleed si loo xaqiijiyo dastuur wadatashi bulsho ku dhisan wuxuuna ammaanay dardargelinta wada-shaqeynta iyo dadaalka ku aaddan daadajinta dastuurka ilaa heer degmo.

Shir Muqdisho uga furmay Wasaaradda Cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka iyo M/gobolleedyada

Ku-simaha wasiirka ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Amb Ilyaas Sheekh Cumar oo uu weheliyo Wasiir kuxigeenka wasaaradda Mudane Axmed Cabdiraxmaan Xasan ayaa Muqdisho ka furay kulan wada-tashi ah oo dhexmaray Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS iyo Wasaaradaha Dastuurka ee Dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray dib-u-eegista iyo dhammeystirka dastuurka dalka,xoojinta wada shaqeynta heerarka kala duwan ee dowladda, waxqabadkii hay’adaha dastuurka Labada heer sanadka 2024, caqabadihii jiray, guulihii la gaaray iyo qorshaha istiraatiijiyadda 2025, oo ay ku jirto hirgelinta qorshaha isbeddelka qaranka ee “NTP” iyo mudnaanta howlaha muhiimka ah ee sanadka cusub.

Wasiirada Dastuurka ee maamul-goboleedyada ayaa ballan qaaday xoojinta wada-shaqeynta iyo dhammeystirka dastuurka iyagoo uga mahadceliyay Wasaaradda dadaallada mudnaan siinta dastuurka, Wasiir Amb Ilyaas oo sheegay in madaxda dalka ka go’antahay dhameystirka dastuurka ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda iskaashiga heer federaal iyo dowlad-goboleed si loo xaqiijiyo dastuur wadatashi bulsho ku dhisan asaga ku ammaanay dardargelinta wada-shaqeynta iyo dadaalkooda ku aaddan daadajinta dastuurka ilaa heer degmo.

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay 25 Guurada Jaamacadda SIMAD

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay munaasabadda sanad-guurada 25-aad ee aas-aaska Jaamacadda SIMAD.

Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyey aas-aaseyaasha, maamulka, macallimiinta iyo Ardayda Jaamacadda SIMAD rubucu qarni ah ka soo wareegtay hirgelinta Jaamacaddan oo door muuqato ka qaadatay horumarinta aqoonta dhalinyarada Soomaaliyeed iyo kobcinta tacliinta sare ee dalka.

Munaasabadda waxaa sidoo kale ka qeyb galay madaxda dowladda, aqoonyahanno, iyo xubno muhiim ah oo bulshada ka tirsan, kuwaas oo dhammaantood xusay muhiimadda waxbarashada iyo doorka jaamacaduhu ku leeyihiin kobcinta bulshada iyo dhaqaalaha dalka.

Wasiir dowlaha caafimaadka oo xarig jartay qayb cusub oo lagu kordhiyey isbitalka SOS

Wasiir dawlaha wasaaradda Caafimaadka Dr. Maryama Maxamed Xuseen ayaa xarig jartay qeyb cusub oo loogu talagalay carruurta ee Isbitaalka SOS, munaasabadan ayaa ahayd mid ay goob joog ku ahaa Guddomiyaha degmada heliwa, agaasimaha guud ee ha’yadda Tuulada iyo Carruurta ee SOS, agaasimaha machadka umulisooyinka qaranka, agaasimaha isbitallada Keysaney, iyo agaasimayasha isbitaalada Danta guud ee Banadir, iyo Madino hospital.

Munaasabaddan Xarig jarka ayaa muujineysa dedaalka joogtada ah ee Wasaaradda Caafimaadka iyo hay’adaha kale ee ku lug leh caafimaadka carruurta, si loo hubiyo in carruurta Soomaaliyeed ay helaan adeegyo caafimaad oo tayo leh ayadoona Qeybta cusub ee carruurta la filaayo inay wax weyn ka bedesho adeegyada caafimaad ee loo fidiyo carruurta sidookalena la xoojinayo tayada daryeelka caafimaad.

Dr. Mariyama Maxamed Xuseen ayaa carabka ku adkeysay in qeybtaan cusub ay tahay tallaabo muhiim ah oo lagu hormarinayo caafimaadka carruurta Soomaaliyeed, isla markaana loo baahan yahay in la taageero dadaallada kor loogu qaadayo caafimaadka bulshada.

Wasiru dowlaha Wasaarada Caafimaadka Dr. Maryama ayaa ugu dambayn sheegtay in qeybtan cusub ay kaalin weyn ka qaadan doonto daryeelka caafimaad ee carruurta Soomaaliyeed waxayna horseed u noqon dontaa horumar iyo caafimaad wanaagsan.