Madaxwene Deni oo dhagax dhigay Isbitaal casri ah oo Garoowe laga hirgalinayo

Garoowe: Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Garoowe ka dhagax dhigay Isbitaalka ugu weyn Puntland ee International Healthcare System (IHS).

Mudane Deni ayaa boggaadiyay dhismaha Isbitaalkan casriga ah oo noqonaya kii u horeeyey ee noociisa ah islamarkaana laga hirgeliyo deegaaannada Puntland isaga oo dabooli doona baahiyihii Caafimaad ee loo aadi jiray dalka dibediisa.

Madaxweynaha ayaa muujiyey sida ay uga go’an tahay garab istaaga, soo dhoweynta iyo dhiirigelinta cid walba oo maalgashanaysa dalkooda, isaga oo si gaar ah ugu mahadceliyey Dr. Darman Aden, MD, FACP oo ka socday Shirkada IHS Health Care System.

   

Guddoomiyaha SoDMA oo shir jaraa’id qabtay ayaa ku dhawaaqay in dalku galay marxalad abaar oo adag

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Md. Maxamuud Macallin Cabdulle oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta dhexe ee Hay’adda SoDMA, ayaa ku dhawaaqay in dalku galay marxalad abaar oo adag, loona baahan yahay gurmad iyo dadaal aan kala har lahayn, kadib markii uu baaqday xilli roobaadkii Dayrta ee la filayay bilihii September, October iyo November.

Sida ay muujinayaan warbixinnadii u danbeeyay, in ka badan 5.98 milyan oo qof ayaa hadda u baahan gargaar bani’aadannimo iyo garab istaag deg-deg ah, 3.2 million oo dadkaas nugul ka mid ah ayaa wajahaya xaalad halis ah, ku dhawaad 200,000 oo qof ayaa abaarta awgeed kaga barakacay guryahoodii si ay nolol u raadsadaan, halka 1.4 milyan oo xoolo ah ay abaaruhu galaafteen.

Hay’adda SoDMA oo ka jawaabeysa saameynta abaartaan oo ah mid xaddigeedu weyn yahay ayaa Saddexdii bilood ee la soo dhaafay gargaar gaarsiisay 2.1 milyan oo qof, kuwaas oo wali u baahan ka-war-qab iyo gacan-qabad bani’aadannimo, iyadoo 1.45 bilyan oo dollar loo baahan yahay si wax looga qabto abaarta oo saameysay in ka badan 13 gobol oo ka mid ah 18-ka gobol ee dalka.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka, Maxamuud Macallin ayaa ugu baaqay hay’adaha Dowladda, dadka Soomaaliyeed ee wax heysta iyo deeq-bixiyayaasha, in wadajir loogu istaago u qareemidda gargaarka iyo sidii looga hortagi lahaa in abaartu ka gudubto xaddiga ay hadda joogto, halka uu u mahad-celiyay dowladaha iyo deeq-bixiyayaasha taageerada muujiyay.

Wasaaradda Warfaafinta oo war-saxaafadeed ka soo saartay colaadda Sokeeye ee ka aloosan qeyba ka mid ah gobollada dalka.

WAR SAXAAFADEED

Muqdisho(SONNA):-Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay aad uga xun tahay dhibaatooyinka ka dhashay colaadaha sokeeye ee ka aloosan gobolada dalka.

Wasaaradda waxa ay si dhow ula socotaa Aaladaha Baraha bulshada iyo Warbaahinta ee loo adeegsanayo hurinta colaadaha oo ay sida qaldan u isticmaalayaan shaqsiyaadka ka qeyb qaadanaya kicinta dagaalada.

Faafinta Filimada, Sawirada, Codadka, Qoraallada naxdinta leh iyo kuwa sii hurinaya colaadaha waxaa lagu mamnuucay baahintooda shareecada Islaamka, shuruucda dalka, Xeerarka caalamiga ah iyo siyaasadaha shirkadaha baraha bulshada, wasaaradda oo gudanaysa waajibka saaran waxay halkaan digniin ugu jeedinaysaa isticmaalayaasha Baraha bulshada ee ka qeyb qaadanaya fitnada iyo hurinta colaadaha, dowladda waxa ay qaadi doontaa tallaabo sharciga waafaqsan oo lagu xakamaynayo qofkasta iyo aalad kasta oo loo adeegsado hurinta dagaalada sokeeye.

Muwaadin kasta maanta waxaa mas’uuliyad ka saaran yahay ka hortaga hurinta colaadaha iyo ka shaqeynta nabadeynta dadkeena walaalaha ah ee dhiigooda qubaya, Shacabka Soomaaliyeed waxaan ku wargalinaynaa in ay wasaaradda la soo wadaagaan baraha dagaalada lagu hurinayo, waxaana ay noogu soo diri karaan [email protected]

Wasaaraddu waxa ay u mahadcelinaysaa Warbaahinta iyo isticmaalayasha Baraha Bulshada ee gudbinaya fariimaha wanaagsan ee wacyigalinta ah, kuwaas ayaana ah tusaalaha wanaagsan ee maanta loo baahan yahay.

Ugu dambeyn, hay’adaha Qaranka ee Sharci Fulinta ah oo ay ugu horeeyaan Booliiska iyo Xeer ilaalinta waxay heegan ugu jiraan qaadista tallaabooyinka ku haboon xilligan.

 

Ra’iisul Wasaare Xamze “Waa dad qalato kuwa laayay wiilashii Qaranka difaacayay ,waana fool xumo aan weli hore noo soo marin si deg deg ah ayaana sharciga loo horgeynayaa”.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo ka hadlay munaasabad uu xilka kula wareegayay wasiirka cusub ee wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS  ayaa sheegay in nasiib darro weyn ay tahay in nafta la dhaafo dad aan waxba galabsan oo qaarkood kamid ah ciidanka Amniga Dalka ka shaqeynaya.

Ra’iisul Wasaare  Xamsa ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dilkii dhowaan Degmada Ceel Baraf ee Gobolka Shabeelaha Dhexe Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle loogu geystay ciidamo katirsan kuwa Xoogga Dalka, arrintaas oo falcelin dhalisay.

“Wiil Soomaaliyeed oo naftiisa kuu huray oo Habeen & Maalin kuu taagan in uu ku difaaco in aad disho, Foolxumo ka xun ma jirto, In Soomaali is disho waa cudurradeenna mid kamid ah” Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyay “Waa wax aad u xun qof adiga ku difaacayo oo naftiisa kuu huray oo adiga ku difaacayo inaad qalato”.

Ra’iisul wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay in arrintan ay tahay mid ka fog dadnimada qofka diinta, wuxuuna ugu baaqay shacabka in laamaha amniga ku gacan siiyo soo qabashada raggii ka dambeeyay falkaasi si sharciga loo horgeeyo.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xilka u kala wareejiyey Wasiirka cusub iyo Wasiirkii hore ee Batroolka iyo Macdanta

Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ansixisey heshiisyo iyo shuruuc lagu tayeynayo awoodda hey’addaha dowlada, gaar ahaan dhinacyada horumarinta dhaqaalaha dalka.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlay mubaasabad ay xilka kula kala wareegayeen Wasiirka cusub ee Wasaaradda Bartoolka iyo Macdanta Mudane Daahir Shire Maxamed iyo Wasiirkii hore Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed, ayaa xusay in Wasaaradda looga fadhiyo dhammaystirka qorshooyinka Xukuumadda DanQaran ee ku aaddan soo saarista shidaalka.

“Waxaan rabnaa in wasaaraddani dhabaha u xaarto sidii shacabka Soomaaliyeed loogu sameyn lahaa jiho dhaqaale oo sax ah, la iskuna lahayn karo, maadama uu dalkeennu burbursanaa mudo dheer, meeshana ay ka baxeen kaabayaashii muhiimka ahaa ee uu dalku lahaa”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Mudane Xamsa ayaa u mahad celiyey Wasiirkii hore ee Wasaaradda sidii masuuliyadda lahayd ee uu ugu adeeggay Qaranka muddadii uu xilka hayey, waxa uuna Alle uga baryey Wasiirka cusub in uu u fududeeyo shaqada adag ee loo hortaalla.

       

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo daahfuray kulanka ansaxinta miisaaniyadda sanadka 2025

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa maanta daahfuray kulanka ansaxinta miisaaniyadda sanadka 2025 oo tiradeedu tahay 101,274,78 (Boqol iyo kow Milyan, Laba boqol Todobaatan iyo Kun 78 dollar) waxaana miisaaniyadan si gacan taag ah ku ansaxiyay 42-xubin , waxaa diiday 5-xubin halka ay ka aamuseen 9-xubin oo katirsan Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

Kulankan Ansaxinta Miisaaniyada ah oo ka dhacay aqalka Dowladda Hoose ee Xamar waxaa goob joog ka ahaa Gudoomiye ku-xigeenada Maamulka Banaadir, Agaasimayaal, Guddoomiyaasha ururada Haweenka iyo dhallinyarada Gobolka Banaadir iyo guddoomiyaasha degmooyinka, iyada oo goobta lagu soo bandhigay macluumaad dhameystiran oo la xariira heerarkii kala duwanaa oo ay soo martay miisaaniyada iyo horumarka laga sameeyay kobaca daqliga.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa warbaahinta la wadaagay tirada ansaxinta miisaaniyada ayaa ku amaanay howl wadeenada Maamulka Gobolka Banaadir Iyo Dowladda ee Xamar sida ay isaga xilsaareen kor u qaadista kobaca dhaqaalaha iyo diyaarinta miisaaniyada lagu howlgali doono sanadka 2025.

Ciidanka NISA oo howlgal lagu xaqiijinayo Amniga ka sameeyay Magaalada Baydhabo

Ciidanka Hay’ada Nabad Sugida Iyo Sirdoonka qeybta Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Magaalada Baydhabo ka sameeyey Howlgal lagu xaqiijinaayo Amniga Magaalada.

Ciidanka ayaa baaritaano ku sameeyey Gawaarida isticmaala Wadooyinka Magaalada.Inta uu howlgalka socday ayaa taliyaha Ciidanka Nabadsugida Gobolka Baay Abdifatah isxaq Adan ayaa kormeeray Goobaha Ganacsiga Magaalada asagoona Ganacsatada ku booriyey ka shaqeynta amniga guud ee Magaalada.

Taliska Ciidanka Dhulka oo wada dardar-gelinta dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Janeraal Sahal Cabdullahi Cumar oo ku sugan gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa wada dardar-gelinta dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta, isagoo maanta kormeer ku tegay saldhiyada deegaanka Garsaalo oo hoos taga degmada Jowhar, halkaas oo ciidanka xoogga iyo saraakiisha hoggaamineysa uu kula shiray.

Saraakiisha Guutooyinka 3-aad iyo 25-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Taliyaha ku soo dhaweeyey deegaankaas, wuxuuna faray inay sii xoojiyaan dagaalka dalka looga ciribtirayo Khawaarijta.

Shir ku saabsan la-tashiga hay’adaha dowladda ee wax ka beddelka cutubka 5-aad iyo 9-aad ee Dastuurka oo Muqdisho ka furmay

Ku-simaha Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amb Ilyaas Sheekh Cumar oo ay weheliyaan Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Mudane Axmed Cabdiraxmaan Xasan iyo madax ka tirsan Guddiyada Dastuurka ayaa maanta Muqdisho ka furay shir la-tashiga hay’adaha dowladda ee wax kabaddelka Cutubka 5aad ilaa 9aad ee Dastuurka.

Shirkaan oo ay soo agaasimeen hey’adaha u xilsaaran dastuurka ayaa diiradda lagu saaray talooyin ku saabsan wax-ka-beddelka cutubyada 5aad ilaa 9aad, ka qeyb-galaasha ayaa soo jeediyay talooyin xoojinaya geeddi-socodka dib-u-eegista si loo helo dastuur dhamaystiran oo lagu wada qanacsan yahay.

Wasiir Amb Ilyaas Sheekh Cumar ayaa sheegay in madaxda Dalka ugu sarreysa ee uu ugu horreeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ka go’an tahay dhameystirka dastuurka dhammaadka sanadka 2025, wasiirka ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyay in latashiyada la ballaarinayo dal iyo dibad si loo joogteeyo ra’yi qaadashada ummadda Soomaaliyeed.

      

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah oo booqday Xarunta Guud ee Hay’adda NIRA

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Xil. Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Soomaaliya, Mudane Cabdixakiim Maxamed Yuusuf, ayaa maanta booqasho gaar ah ku tagay Xarunta Guud ee Hay’adda NIRA.

Wasiiru Dowladaha iyo Agaasimaha Guud ee madaxtooyada Qaranka ayaa warbixin la xiriirta shaqada Hay’adda ka dhegaystay Maareeyaha hay’adda NIRA mudane Cabdiweli Cali Cabdulle (Timacadde) iyo hawl-wadeennada kala duwan ee NIRA.

Mas’uuliyiinta ayaa booqday Goobta Mashiinnada Daabacaadda Kaarka Aqoonsiga ee Lafta ah, Waaxda Teknaloojiyadda iyo Nidaamyada, iyo Xarunta Kaydka Xogta ee NIRA.