Wadatashi ku saabsan Diyaarinta Qorshe Howleedka 2025 ee Hay’adaha Dowladda oo ka furmay Muqdisho

Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa maanta ku qabatay xarunta dhexe shir wadatashi ah oo lagu diyaarinayo Qorshe Howleedka Sanadlaha ee 2025 ee Hay’adaha Dowladda Federaalka. Shirka waxaa si rasmi ah u furay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Maxamed Shire, oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda qorshahan uu u leeyahay isku-dubbaridka hawlaha hay’adaha dowladda si loo gaaro yoolalka istiraatiijiga ah ee qaranka.

Mudane Sayid A. Cabdillaahi, oo ka tirsan Waaxda Qorsheynta, ayaa soo bandhigay qabyo-qoraalka Qorshaha Howleedka 2025. Waxa uu faahfaahin ka bixiyay howlaha muhiimka ah ee la qorsheeyay, jadwalka shaqo, iyo natiijooyinka la filayo, isagoo adkeeyay muhiimada fulinta qorshaha si waafaqsan yoolalka qaranka.

Mudane Cabdullaahi Duqow, oo ka socda Waaxda Kormeerka iyo Qiimeynta, ayaa soo bandhigay warbixin ku saabsan guulihii la gaaray Qiimeynta Qorshaha 9-aad ee Horumarinta Qaranka sannadkii 2024. Waxa uu ka hadlay casharrada laga bartay iyo sida guulahaasi saldhig ugu noqon karaan qorshaha cusub ee 2025.

Intii uu shirku socday, dood furan ayaa lagu falanqeeyay talooyin muhiim ah oo ku saabsan horumarinta qorshaha. Wakiillada hay’adaha dowladda ayaa diiradda saaray arrimaha xoojinta iskaashiga hay’adaha, hagaajinta nidaamyada kormeerka iyo qiimeynta, iyo sidii loo heli lahaa dhaqaale ku filan oo lagu hirgeliyo qorshaha.

Agaasimaha Waaxda Qorsheynta, Mudane Muse Maxamed, ayaa uga mahadceliyay ka qaybgalayaasha dadaalkooda iyo talooyinka wax ku oolka ah ee ay soo bandhigeen. Waxa uu hoosta ka xariiqay sida Wasaaradda uga go’an tahay hirgelinta qorshe wax ku ool ah oo waafaqsan baahiyaha dalka iyo yoolalka qaranka.

 

  

Taliyaha Ciidanka Boliiska oo kormeer Shaqo ku tagay xarunta ay ku howlgalaan Hoggaanka Gaadiidka

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa kormeer shaqo ku tagey Xarunta Gaadiidka oo xarumo ay ku howlgalaan u ah Hoggaanka Gaadiidka , Ciidanka Miino baarka iyo Guutada ilaalada Madaxda ee Boliiska katirsan .

Xarumaha uu kormeerka ku sameeyey Taliyuhu ayuu u kuur galay xaaladooda shaqo waxaana uu Warbixino dhameytiran ka dhageystay saraakiisha hogaanka u haya xarumahaa oo muhiimad gaar ah u leh Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Kormeeradan shaqo ee Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ku tagayo xarumaha ay ku howlgalaan Ciidanka Boliisku ayaa salka ku haya u kuur gelidda xaaladda shaqo iyo la xisaabtanka saraakiisha hogaanka u haysa shaqooyinka loo idmaday.

 

  

Wasiirka Amniga oo baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya qaar ka mid ah gobollada dalka

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Cismaan (Fartaag), ayaa baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya qaar ka mid ah gobollada dalka. Wasiirka ayaa ku boorriyey dhinacyada isku haya colaadaha in ay joojiyaan dagaalka, islamarkaana ay doorbidaan nabadda iyo wada hadalka.

Jeneraal Fartaag ayaa sheegay in dagaallada sokeeye ay dib u dhac ku keenayaan horumarka iyo wadajirka bulshada Soomaaliyeed. Waxa uu ugu baaqay waxgaradka, culimada, iyo odayaasha dhaqanka in ay ku dhaqaaqaan dedaallo lagu xallinayo khilaafaadka, laguna dhiirri-gelinayo dib-u-heshiisiin dhab ah.

Wasiirka ayaa hoosta ka xarriiqay in dowladda federaalka ay ka go’an tahay sidii nabad waarta looga dhalin lahaa dalka, isagoo xusay in Wasaaradda Amniga ay ku howlan tahay qorshayaal lagu taageerayo heshiisiinta iyo ilaalinta amniga. Waxa uu ku baaqay in si wadajir ah looga shaqeeyo sidii loo soo afjari lahaa colaadaha si bulshada Soomaaliyeed ay ugu wada noolaadaan nabad iyo walaaltinimo.

Maxay ka wada hadleen Guddoomiye Amiir iyo Taliyaha Booliska Soomaaliyeed?

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Maxamed Axmed Amiir ayaa kulan looga hadlayay wada-shaqeynta la qaatay taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi iyo guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud.

Kulanka ayaa intiisa badan diiradda lagu saaray wada-shaqeynta Booliska iyo maamulka cusub ee gobolka Banaadir si kor loogu qaado ammaanka iyo nabadgalyada caasimadda dalka ee Muqdisho iyo guud ahaan dalka.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Mr. Amiir ayaa uga mahadceliyay Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi isbeddelada ammaan iyo sida Booliska dalka uga soo dhalaalay muddada kooban ee uu xilka hayo sugidda amniga iyo wada-shaqeynta Booliska iyo shacabka.

Mas’uuliyiin iyo odayaal dhaqameed lala xiriirinayo Dhacdadii Ceelbaraf oo la soo xiray

Wixii ka dambeeyay dhacdadii foosha xumeyd ee ka dhacday deegaanno hoostaga degmada Ceelbaraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa isa soo tarayay howlgallo si wadajir ah ay u sameynayeen ciidamada xoogga dalka, howlgalkaas oo ujeedkiisu ahaa sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa dadkii ka dambeeyay dil loo geystya askar ciidanka qaranka.
Ciidamada ayaa maanta degmada Ceelbaraf ka soo xiray qaar kamid ah Masuuliyiintii maamulka degmada oo uu ku jiro guddoomiyaha Ceelbaraf, odayaal dhaqameed iyo rag kale oo lagu tuhmayo in ay xiriir la leeyihiin dhacdada dilka ah ee loo geystay ciidamo ka tirsan xoogga dalka.
Saraakiisha ciidamada howlgalka sameeyay ayaa sheegay in ragga gacanta lagu soo dhigay la horgeyn doono cadaalladda si loo marsiiyo sharciga. Wasaaradda Gaashaandhiga xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in 48-saac gudahooda lagu soo afjarayo cannaasiirtii ficilkaas foosha xun geysatay, waxaanna digniin loo diray cid kasta oo isku dayda in ay qariso haqsiyaadkii ka dembeeyey dilkii loogu geystay deegaanka Ceelbaraf Askar ka tirsaneed Ciidanka Xoogga Dalka.
Sidoo kale, Maamulka Hirshabeelle ayaa shaqada ka joojiyay maamulkii Degmada Ceel baraf, halkaas oo ah goobta lagu dilay askarta ka tirsanaa Xoogga dalka .

Safiirka JFS ee dalka Turkiga oo xaal-wareysi ugu tegay ardayda wax ka barata magaalada Mersin

Mersin:- Safiirka dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Mudane Danjire Fatxudiin Cali Maxamed oo booqasho ku tagay magaalada Mersin ee dalka Turkiga ayaa kulamo kala duwan la yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka magaalada, madaxda sare ee Jaamacadda Mersin, ganacsato iyo ardayda Soomaaliyeed ee wax ka baratada magaalada Mersin ee dalka Turkiga.

Danjire Fatxudiin oo ugu horreyn si weyn loogu soo dhaweeyay Jaamacadda Mersin ee Turkiga ayaa kulan gaar ah la yeeshay madaxda Jaamacadda Mersin oo in ta badan ay wax ka bartaan ardayda Soomaaliyeed ee magaalada Mersin, waxaana uu warbixin la xiriirta xaalada guud ee ardayda Soomaaliyeed ee halkaas wax ku barata ka dhagaystay guddoomiyaha Jaamacadda Mersin Prof. Dr. Erol Yaşar.

Guddoomiyaha Jaamacadda Mersin Prof. Dr. Erol Yaşar oo safiirka la wadaagay warbixin ku aadan ardayda Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in arday badan oo Soomaaliyeed ay dhigtaan Jaamacadda Mersin, qaar kalena ay horray uga baxeen.

Guddoomiyaha oo safiirka kaga mahadceliyay booqashadiisa ayaa yiri” waxaan aaminsanahay in xariir walaaltino xooggan oo soo jireen uu ka dhaxeeyo Turkiga iyo Soomaaliya, maanta uu heer wanagsan marayo xariirkaasi”.

Dhanka kale safiirka oo kulan la qaatay ardayda Soomaaliyeed ee magaalada Mersin ayaa kula dardaarmay inay hormariyaan waxbarashadooda, iyaga oo ka faa’ideysanaya hannaanka sare ee waxbarasho ee heystan, waxaana uu u sheegay inay yihiin safiirro dalkooda metalaya oo la rabo inay ugu adeegan oo ay dib ugu celiyeen tacliinta ay barteen.

“Waxaan si weyn idinkugu boorinayaa inaad ka faa’ideysataan fursada aad maanta heysatan, waxbarashaddu awoodda wax lagu beddalo, lagu jiheeyo, laguna hago dunida, culuumta kala duwan ee dalka looga baahan yahay ku dadaala oo barta” ayuu yiri danjire Fatxudiin Maxamed Cali.

Ugu dambeyn safiirka ayaa kulan la yeeshay ganacsatada magaalada Mersin, waxaana kulanka diiradda lagu saaray xoojinta xariirka ganacsi ee soo jireen ah iyo in si wadajir ah looga faa’ideysto fursadaha ganacsi ee labada dal, waxaana uu sheegay in safaaraddu ka shaqeyn doono fududeynta isku xirka ganacsiyadda labada dal si loo soo horumariyo ganacsiga heer caalami.

          

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka oo Kormeeray qaar kamid ah Wasaaradaha iyo Hey’adaha Dowladda

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kormeer shaqo ku tagay Wasaaradaha Caafimaadka, Tamarta iyo Biyaha, iyo Hey’adda Diiwaangelinta Dadweynaha (NIRA).

Ujeeddada kormeerka ayaa ahayd kuurgalidda shaqooyinka muhiimka ah ee hey’adahani u hayaan shacabka Soomaaliyeed, iyo in la hubiyo qorshayaashoodu in ay waafaqsan yihiin Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP).

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa ku bogaadiyey dhammaan hey’adaha uu kormeeray shaqada muhiimka ah ee ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed. Isaga oo ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in qorshayaashooda la waafajiyo Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP), si loo gaaro himillada Qaran ee ku saleysan horumar waara.

  

Madaxweynaha JFS oo gaaray dalka Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Jabuuti ee Jamhuuriyadda Jabuuti, ka dib martiqaad uu ka helay dhiggiisa dalkaasi, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Labada Madaxweyne ayaa ka wadahadli doona xoojinta xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal iyo labada shacab, iyagoo diiradda saari doona iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, iyo arrimaha gobolka.

Inta lagu gudajiro booqashadan halka maalin ah ayaa waxaa sidoo kale la iskula soo qaadi doonaa wadaxaajoodyo la xiriira danaha wadaagga ah ee labada Jamhuuriyadood ee walaalaha ah.

     

Wasaaradda arrimaha gudaha XFS oo baaq nabadeed ka soo saartay colaadaha dalka

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshisiinta XFS ayaa baaq nabadeed kasoo saartay colaadaha iyo beegsiga ka baxsan shareecada Islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed ee ka dhacaya qeybo ka mid ah dalka.

” Warxafadeedka ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha ayaa lagu yiri” wasaaraddu waxay ku baaqeysaa in la joojiyo colaadaha,beegsiga iyo barakacinta shacabka ee sababtay khasaaraha lixaadka leh ee isugu jira dhimasho,dhaawac iyo barakicin”.

                                              Halkaan hoose ka akhriso warxaafadeedka: 

GUDDOOMIYAHA G/SHACABKA EE BFS OO SHIR GUDDOOMIYAY KULAN AAN CAADI AHAYN

Guddoomiyah Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kulanka aan caadiga aheyn ee Guddiga Jogtadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ka dhacay xarunta Guddoonka iyo Guddiyadda ee Villa Hargeysa.

Ajendaha kulanka ayaa waxa uu ahaa dhaarinta xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda oo dhowaan la magacaabay iyo sidoo kale xubno ka tirsan Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, waxaana ugu horeyn garsoore ka tirsan maxkamada sare ee dalka uu kulanka ku dhaariyay xubnaha ka tirsan Golaha Wasiirada iyo sidoo kale xubnaha ka tirsan Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha.

Dhinaca kale kulanka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka ayaa looga hadlay colaad beeleedyada kasoo cusboonaaday deegaano ka tirsan gobolada dalka, waxaana Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) uu sheegay in wax laga xumaado ay tahay in xiligan dhiiga muwaadiniin Soomaaliyeed aano qabiil loo daadiyo, wuxuuna ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo.

Ugu dambeyn Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa faray hay’adaha ay quseyso in dadka walaalaha ay dirirtu u dhaxeyso nabad dhex dhigaan wixii tabasho ah ee jirana miiska wada hadalka lagu dhameeyo.