Howsha Dhaqidda ama Sifaynta Kelyaha (Dialysis)

kolka Qofka lagu sameynayo Kelyo Dhaqis, waxaa la galiyaa laba Tuubo oo mataano ah oo mid isku ah oo mid waliba howl gaar ah qabaneyso, iyadoo la galinayo Xididka Arooraha ah (vein) ee Qoorta, laabta ama bowdada midkood, iyada oo la isticmaalayo suuxdinta gaarka ah (local anesthesia) inta lagu gudo jiro sifeynta Kilyaha.

Dhiigga ayaa waxa uu ka soo baxayaa jirka isaga oo soo raacaya Tuubada cas, wuxuu dhex maraa Aaladda sifeynta, waxa uuna ku soo noqdaa tuubada Buluugga, xaaladaas ayuu qofka ku sugnaanayaan ilaa 4 saacadood,  isaga oo saaran Sariir dusheeda oo waliba bilaa dhaqdhaqaaq ah.

Qofka ayaa loo sameeyaa howsha Sifeynta Kelyaha Todobaadkii Seddex jeer, taasoo noqonaysa Bishiiba 12 Mar, haddii Saacad ahaana loo xisaabiyo waxay noqonaysaa wadarta guud 48 saacadood Bil kasta.

Waxaa intaasi ka sii daran waxaa baxaya kharash badan oo Boqolaal Doolar ah Bishii, taasoo aysan ka bixi karin Dadka dhaqaalahoodu hooseeya. !Adiga, aniga iyo guud ahaan Dadka caafimaadka qaba ee aan qabin cudurka kidney failure (Kilyaha oo howlgab noqda) ma Qiyaasi kartaa inta jeer ee Kelyahaada ay isa sifeeyaan?

Qiyaasii Lixdan jeer ayay maalintii Kelyahaada si Automatic ah isu meyraan, sida dhaqaaqiirta ay sheegaan. Howshaas ayaa waxay dhacdaa innaga oo aanan dareemin wax dhibaato ah ama xanuun ah oo waliba cidna meel na seexin, Tubooyina nagu xirin, mana jirto kharash nooga baxa howshaasi weyn oo la’aanteed qofka uusan noolaan Karin. !!

Waxaan heysanaa Nicmooyin badan oo aan la tirin karin, lana koobi karin . الحمدلله

وَإِن تَعُدُّوا نِعْمَةَ اللَّهِ لَا تُحْصُوهَا ۗ إِنَّ اللَّهَ لَغَفُورٌ رَّحِيمٌ (18) سورة النحل

Taliyaha Ciidanka Booliiska oo Xeebta Liido waqti kula qaatay Shacabka Caasimadda

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa maanta Xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis waxa uu waqti kula qaatay Shacabka Muqdisho oo maalmaha fasaxa u damaashaad taga Xeebta .

Shacabkii iyo masuuliyiintii kala duwanaa oo  Taliyuhu Xeebta kula kulmay ayuu si farxadi ku dheehan tahay waqti kula qaatay, waxaana uu shacabka ku booriyey in nabadooda ilaashadaan maadama nabaddu fure u tahay nolosha.

Taliyaha Ciidanka Booliiska oo Xeebta Liido waqti kula qaatay Shacabka Caasimadda

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa maanta Xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis waxa uu waqti kula qaatay Shacabka Muqdisho oo maalmaha fasaxa u damaashaad taga Xeebta .

Shacabkii iyo masuuliyiin kala duwan oo uu Taliyuhu Xeebta kula kulmay ayuu si farxadi ku dheehan tahay waqti kula qaatay, waxaana uu shacabka ku booriyey in nabadooda ilaashadaan maadama nabaddu fure u tahay nolosha.   

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo oggolaaday Daabolidda Hawlgalka AUSSOM ee Soomaaliya

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa oggolaaday in dalka lagu soo daabulo shaqaalaha Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), kaas oo beddelaya hawlgalkii hore ee ATMIS.

Hawlgalkan cusub ayaa taageero ka heli doona UNSOS.

Golaha Ammaanka ayaa sidoo kale xaqiijiyay go’aankiisa ku aaddan in la taageero xasilloonida, amniga, iyo dagaalka lagula jiro kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo ka hadlay dhacdadii Ceelbaraf

Ceelbaraf: Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, isagoo ka hadlay weerarkii ka dhacay deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay ku dhinteen ciidamo ka tirsan xoogga dalka.

Wasiirka ayaa tacsi u diray ehellada iyo qoysaska ciidankii ku dhintay weerarka, wuxuuna caafimaad u rajeeyay askartii dhaawacyadu soo gaareen.

“Waxaan murugada la qaybsanayaa qoysaska iyo ehellada geesiyaasha naftooda u huray difaaca dalka. Ciidanka dhaawaca ah waxaan u rajeynayaa caafimaad degdeg ah,” ayuu yiri wasiir Cabdulqaadir.

Wasiirka ayaa sheegay in tallaabo degdeg ah laga qaadi doono kooxihii ka dambeeyay weerarka, isagoo ballan qaaday in 48 saacadood gudahood la soo qaban doono dambiilayaasha.

“Waxaan rabaa in aan halkan ka caddeeyo in cid walba oo ku lug leh falkaas aysan ku harsan doonin geyiga Soomaaliyeed iyaga oo xor ah,” ayuu ku adkeeyay wasiirka.

Shirkadda Rotana oo ku dhawaaqday in ay Muqdisho ka dhiseyso hotel Five Star ah

Maamulka Shirkadda Rotana oo ah shirkad maamusha hoteello badan oo ku yaalla dunida ayaa ku dhawaaqday dhismaha Hotelkii u horreyay oo Five Star ah oo laga hirgallinaayo Magaalada Muqdisho.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Imaaraadka Carabta Amb Xuseen Cabdi Xalane iyo Mas’uuliyiinta ayaa goobjoogayaal ka ahaa saxiixa heshiiskaasi oo dhexmaray Maamulaha Premier Bank Jabriil Hassan Mohamed iyo madaxda shirkaddaasi.

Mashruuca lagu dhisayo Hotelka Rotana iyo adeegyada kale ee casriga ah ee uu yeelanayo Mashruuca Gateway Complex ayaa noqon doona mid taariikhi ah oo daabooli doona baahida kala duwan ee dhanka ganacsiga iyo adeegyo bulsho sida hoolalka shirarka,cisbitaal,dugsi,qolal la jiifto iyo mool.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan Muqdisho ka daahfurtay Mashruuca Gateway Complex, kaas oo muhiim u ah dowlad dhiska casriga ah ee Soomaaliya.

Shirkadda Rotana Hotel Management Corporation PJSC waa shirkad maamusha huteello badan oo ku yaal qaar kamid ah dalalka  Bariga Dhexe,kuwa Balkanska, Afrika, iyo Turkiga.

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

1-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Ayaa qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Midowday ee Tanzania, Mudane Mohamud Thabit Kombo iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku jooga dalka.

2-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daah-furay Hindisaha Muqdishada cusub, kaasi oo isugu jira dhismaha garoon diyaaradeed casri ah, dekad caalami ah iyo aagga dhaqaalaha Muqdisho.

3-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Muqdisho ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha  u qaabilsan Geeska Afrika Xue Bing.

4-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho ka dhagax-dhigay mashruuca casriga ah ee Gateway Complex, kaas oo ay maalgelinayaan ganacsato Soomaaliyeed, qeyb weynna ka qaadan doonto horumarinta dhaqaalaha iyo ganacsiga.

5-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey Shirka Golaha Amniga Qaranka oo looga hadley xaaladda amniga dalka, dagaalka argagixisada, hawlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya ee ATMIS iyo diyaar garowga howlgalka cusub ee AUSSOM.

6-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Daah-furay, Shirweynaha 15-aad ee Ururka Caalamiga ah ee Daraasaadka Soomaaliyeed, kaas oo Muqdisho lagu qabtay muddo 35 sanno ah kaddib.

7-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ka qeybgaley munaasabad uu xilka kula wareegayey Guddoomiyaha cusub ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Amiir.

8-Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa furay Shirweyanaha Iskaashiga Dowladda, Ganacsatada iyo Bulshada ee Qorshaha Ka Hortagga iyo la Dagaallanka Maalgelinta Argagixisada.

9-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa magaalada Baydhabo uga qeyb galaya munaasabadda lix sanno guurada ka soo wareegtay muddada xil-haynta Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Koofur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

10- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo guddoomiyay shir heerkiisu sareeyo oo looha hadley istaraatiijiyadda warbaahinta qaranka.

11- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka  Saalax Axmed Jaamac oo kormeer ku tagay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa bogaadiyay guulaha diblomaasiyadeed ee Soomaaliya ka gaartay ee saaxadda caalamka.

12- Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Saalax Axmed Jaamac oo kormeer shaqo ku tagey Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda ayaa u  kuur-galay habsami u socodka shaqada ay Wasaaraddu u hayso bulshada.

13- Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayey warbixin ka hadlaysay heerarka saboolnimada, taas oo ay iska kaashadeen Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Hey’adda Istaatiistikada Qaranka.

14- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa ka qeybgaley munaasabad ay Soomaaliya iyo Tanzania ku kala saxiixdeen heshiisyo iskaashi iyo xoojinta xiriirka labada dal.

15- Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa casho sharaf ugu sameeyay magaalada Muqdisho wafdiga ballaaran ee uu horkacayao Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Tanzania Mudane Maxamuud Thaabit Kombo.

16- Golaha Wasiirrada ayaa yeeshay kulan gaar ah oo  lagu soo bandhigay qaar kamid ah qodobbada Dastuurka ee dib-u-eegista lagu sameynayo iyo kuwii horey loogu sameeyey.

17- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe  ayaa  warxibinno  ka dhageystay  Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha.

18- Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa kulan la qaatay Guddiga La-socodka Dib-u-eegista Dastuurka BJFS iyo Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka.

19- Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa baaq nabadeed u dirtay  beelaha walaalaha ah ee colaadda ku dhexmartay  Magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag.

20- Wasaaradda Waxbarashada  ayaa  Magaalada Muqdisho ka daah furtay barnaamijka  dib-u-eegis loogu sameynayo Qorshaha Horumarinta Waxbarashada  Soomaaliya (2022-2026).

21- Wasiir  Ku-Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Isaaq Maxamuud Mursal ayaa dalka kusoo dhaweeyey ergeyga gaarka ah ee  dowladda Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika danjire Xue Bing.

22- Danjiraha  Soomaaliya  u fadhiya dalka shiinaha Dr. Hodan Cismaan Cabdi ayaa kulan iyo is-xog wareysi la yeeletay ganacstada iyo jaaliyada Soomaliyeed ee ku nool magaalada Yiwu ee dalka Shiinaha.

23- Waqtigii Dowladda Federaalka Soomaaliya u qabatey diiwaan gelinta weriyeyaasha ka hawlgala hay’adaha warbaahinta caalamiga  oo maanta ku eg.

24- Wasiirka  Beeraha iyo Waraabka  Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa furay kulan aqoon is-weydaarsi  oo lagu xaqiijinayey baahiyaha iyo awoodda oo ay ka qeybgaleen wasaaradaha heer maamul Goballeed.

25- Wasiirka Qorsheynta  Maxamuud Sheekh Faarax  Beene Beene ayaa kulan la yeeshay guddoomiyeyaasha cusub ee Kooxda Deeq-Bixiyeyaasha Soomaaliya oo kala matalayay dalalka Britain, Switzerland iyo Sweden.

26- Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka   Xasan Macallim Maxamuud oo la kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee  dalka Turkiga ayaa  ka warbixiyey horumarka laga gaarey dib-u-habeynta cadaaladda, geedi-socodka dhammeystirka dastuurka.

27- Wasiirka Hawlaha Guud Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa  sagoontin u sameeyay 25 injineer oo daraasad ku soo sameyn doona waddooyinka burbursan ee gobollada dalka.

28- Safiirka Soomaaliya u fadhiya  ee dalka Masar ahna wakiilka joogtada ah  ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Cali Cabdi Awaare ayaa kulan la yeeshay Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta Mudane Maxamed Axmed Al-yamaaxi.

29- Bayaan ka soo baxay Hay’adda Nabad Sugidda NISA ayaa lagu sheegay in lagu raad jooga xogta Xasan Cali Maxamed oo loo yaqaano Xasan Afgooye kaas oo Al-Shabaab u qaabilsan dabagalka lacagaha baadda ah iyo xiriirka shirkadaha.

Safiirka Soomaaliya ee Uganda oo boogaadisay wiil Soomaali ah oo galay kaalinta 2 aad ee tartanka feerka

Safiirka Soomaaliya ee dalka Uganda Amb. Fardowsa Maxamed Qanyare ayaa ka qayb gashay daawashada tartanka feerka ee heerka dhexe,kaas oo uu wiil Soomaali ah ka galay kaalinta labaad tartan ka dhacay Magaalada Kampala ee dalkaasi.

Xiritaankii tartankaasi kadib,Safiirka ayaa Kulan dhiirigalin ah la qaadatay Cabdo Mudalib oo ku guuleystay kaalinta labaad ee feerka dhexe,waxayna intaa ku daray in guushaasi ay Soomaaliya uga dhigan tahay kaalinta koowaad.

Fardowsa Maxamed ayaa sheegtay in ay ku faraxsan tahay dhallinyarada Somaaliyeed ee dadaalka ugu jira horumarkooda,iyadoo xustay in ay garabtaagan tahay cid kasta oo dooneysa in ay guul u soo hooyaan dalka.

Cabdul Mudalib waxa uu ka qeybgalay 12 tartan oo xagga feerka ah,wuxuuna kaligii dadaal ku bixiyay Sidii guul u qalanta Soomaaliya uu u keeni lahaa.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo qabatay kulan la xiriiray falanqeynta baaqii Ankara

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya ayaa qabatay kulan heer sare ah oo ay ka soo qeybgaleen aqoonyahanno Soomaali ah,kaas oo khuseeyay Baaqkii Ankara ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya:

Kulankaan xasaasiga ah waxaa isugu yimid mas’uuliyiin iyo khubaro caan ah si ay u qiimeeyaan saameynta Baaqa Ankara ku leeyahay iskaashiga gobolka, iyadoo diiradda la saarayo dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo diblomaasiyadda.

Soo bandhigidda fikradaha kulankaasi  oo uu daadihinayay Agaasimaha Xafiiska Qurbajoogta Ibraahim Guure Maxamed, ayaa lagu muujiyay sida hagar la’aanta ah ee ay Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta iskaashiga gobolka iyo horumarinta hadafka istiraatiijiyadeed ee siyaasadda dibadda.

Kulankaasi oo inta badan lagu fallanqeeyay Isbarbardhigga nuxurka uu xambaarsan yahay Baaqii Ankara waxaa Ka qaybgalay Danjire Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga,Wasiir ku xigeenka Isaaq Maxamuud Mursal,Xoghayaha Joogtada ah Xamza Aadan Xaadoow iyo Ku-simaha Safiirka Suudaan danjire Ammar Ahmed Babiker.

 

Israel oo in ka badan 60 ruux ku dishay Gaza iyo Yemen

Agaasimaha cisbitaalka Kamaal Adwan ee woqooyiga Gaza ayaa sheegay in ilaa 50 qof ay ku dhinteen duqeyn ay Israel  ku fulisay dhismo ku dhow cisbitaalkaasi oo ay ku sugnaayeen dad barakacayaal ah.

Dadka la dilay ayaa la sheegay in ay ku jireen shan ka mid ah shaqaalaha caafimaadka,kadib  weerar cagga cirka ah oo ay Israa’iil ku qaaday halkaasi sida ay ku warrantay wakaaladda wararka Falastiin ee Wafa.

Dagaalka Israel ka sokoow  cunuggii afraad oo falastiiniyiin ah ayaa u dhintay qabow ba’an oo ka jira Gaza 72-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo boqolaal kun oo qof oo ku barakacay dagaalka Israa’iil ay u halgamayaan inay kullaalaan   teendhooyin jilicsan, sida ay sheegtay Wafa.

Dhanka kale ugu yaraan lix qof ayaa lagu dilay duqeymihii ugu dambeeyay ee Israa’iil ay ka geysatay Yemen,sida uu xaqiijiyay Madaxa Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Caafimaadka Adduunka (WHO) oo ku sugnaa Magaalada Sanca.

Tirada dhimashada Gaza ayaa ma gaartay 45,399 ,halka dhaawaca lagu sheegay 107,940 tan iyo Oktoobar 7, 2023.