Duqa Muqdisho oo kulan la qaatay qeybaha Bulshada Caasimadda

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan Talo-wadaag ah kula qaatay qaar ka mid ah Dhallinyarada, Aqoonyahanada, Bahda Caafimaadka iyo xirfadleyaal kale, si uu ugu dhageysto talooyinkooda iyo aragtidooda ku aadan horumarinta Caasimadda.

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay talooyinka iyo aragtiyo la xariira Maamul Wanaaga, Amniga, Nadaafada, Caafimaadka, Waxbarashada, Dib u eegista adeegyada ay bixiso Dowladda Hoose ee Xamar, Dib u furista waddooyinaka dhagxaanta ku go’an, ilaalinta dhulalka danta guud, Xal u helida maareynta biyaha, Dhismaha waddooyinka, Hirgelinta nidaamka Doorashooyinka iyo Xoojinta la dagaalanka Musuqa.

Duqa Muqdisho ayaa hoosta ka xariiqay in hirgelinta siyaasadiisa uu ku biirin doonno talooyinka ay caawa soo gudbiyeen Dhallinyarada iyo Aqoonyahanada, si uu u fuliyo qorshe si wadajir ah ugu yimid bulshada Caasimadda, asigoona ka codsaday in lagala shaqeeyo laguna garab istaago sidii Magaalada Muqdisho uu ula tartan siin lahaa Magaalooyinka kale ee dunida.

 

                       

Horjoogihii Khawaarijta u qaabilsanaa Gobolada oo la dilay

Howlgal gaar ah oo si weyn loo qorsheeyay oo ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo Saaxiibada Caalamka oo ka dhacay deegaanka Kuunyo Barrow ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa lagu qaarajiyay Horjooge Maxamed Mire Jaamac (Abuu Cabdirahmaan) oo ahaa horjoogihii Khawaarijta u qaabilsanaa Gobollada.

Horjooge Abuu Cabdirahmaan ayaa ka mid ahaa horjoogeyaasha ugu sareeya Khawaarijta 15-kii sano ee ugu dambeysay, asagoo horjooge ka soo noqday qaybaha boobka iyo baadda shacabka iyo qaybta maleeshiyaadka, waxaana lagu xasuustaa inuu ahaa aas-aasihii Jabhadii Caanoole oo si qasab ah ugu biirtay Khawaarijta Al-Shabaab 2009-kii.

Dowladda Soomaaliya iyo Saaxiibada Caalamka ayaa in muddo ah ku raad-joogay horjoogahaan iyo horjoogayaal kale oo dhiigyo cab ah, kuwaas oo dhammaantood la haayo macluumaadkooda oo dhamaystiran.

Tallaabadan waxay qayb ka tahay qorshaha dowladda Soomaaliya ee Khawaarijta looga ciribtirayo deegaannada ay ku hareen, sidoo kalana looga dulqaadayo ciqaabta iyo dhibaatada ay ku hayaan bulshada Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Aqalka Dowladda Hoose ku qaabilay Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha dalka oo uu hogaaminaayay Guddoomiyaha Guddigga Mudane Cabdikariin Axmed Xasan.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa guddiga usoo bandhigay Himilooyinka iyo Ahdaafta Siyaasadeed oo uu ka leeyahay Doorashooyinka dalka, gaar ahaan doorashooyin toos ah oo ka dhaca Caasimadda Muqdisho iyo Doorka uu Maamulka Gobolka Banaadir ka qaadanaayo doorashooyinka Dowladdaha Hoose.

Sidoo kale kulanka ayaa lagu soo bandhigay diyaar garowga Maamulka Gobolka Banaadir ee dhinaca Wacyigelinta Bulshada, ka gacan siinta guddiga ee goobaha diiwaangelinta, goobaha codbixinta, iyo in guddiga laga gacan siiyo dhamaan hanaanka diyaarinta kheyraadka ee doorashada ku qabsoomi karto.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa guddiga u xaqiijiyay ka go’naashiyahiisa iyo ka mira-dhalinta Ajandayaasha iyo Qorshaha Doorashooyinka dalka, si Gobolka Banaadir ay ugu dhacdo doorasho qof iyo cod, taasi oo qeyb ka ah qorshayaashiisa hortabinta u leh, asigoona guddiga u cadeeyay in uu ka taageeri doonno dhinac weliba.

Ugu danbeyn Guddoomiyaha Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha Mudane Cabdikariin Axmed Xasan ayaa boogaadiyay hanaanka diyaar-garowga Maamulka Gobolka Banaadir ee ku aadan in doorasho qof iyo cod ee ka dhacdo Caasimada dalka, asigoona sheegay in muddooyinkii ugu danbeeyay ay wadeen la-tashiyo bulsho, kulankaanna uu yahay kii ugu horeeyay oo ay la yeeshaan mid ka mid ah Maamulada dalka.

   

Taliyaha Ciidanka Boliiska oo kulan la qaatay Guddiga madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa kulan la qaatay Guddiga madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, waxaana looga hadlay Doorka Boliiska kaga aadan qabsoomidda Doorashada Qof iyo Cod.

Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa u diyaarsan sugidda amniga Doorashada waxayna awood buuxda u leeyihiin ilaalinta goobaha cod bixinta iyo habsami u socodka Doorashada dhawaan la rajeynayo in Dalka laga hirgeliyo.

 

Israel oo duqeymo ku dishay shan weriye iyo dad kale oo ku sugnaa Gaza

Ciidamada Israa’iil ayaa sii wada duqeymaha ay ku hayaan Gaza, iyagoo shan wariye ku dilay weerar lagu qaaday baabuur ay wateen oo marayay bartamaha xerada qaxootiga ee Nuseirat.

Sidoo kale Israel ayaa duqeymo ku dilay shan rayid ah oo ku sugnaa dhismo ay deggan yihiin oo ku yiillay waqooyiga magaalada Gaza,waxaana weerarkaasi dambe lagu la’yahay ugu yaraan 30 qof.

Dhakhaatiirta Gaxa ayaa sheegaya in saddex carruur ah oo joogay xero lagu soo barakacay  oo ku taal koonfurta Gaza ay u dhinteen qabowga daran ,kadib kolkii Israel ay hor-istaageen cuntada, biyaha iyo sahayda jiilaalka ee ay u baahan yihiin dadka reer Falastiin.

Milatariga Israa’iil ayaa xoojiyay duullaanka ay ku hayaan xerada qaxootiga Tulkarem ee Daanta Galbeed maalin kadib markii ay halkaas ku dileen siddeed qof.

Kooxda Xamaas ayaa Israa’iil ku eedeysay in ay keeneen shuruudo cusub oo la xiriira  wada-hadallada xabbad-joojinta ee socda,halka xafiiska ra’iisal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu isna ku eedeeyay kooxda Falastiiniyiinta in ay abuureen caqabado cusub.

Dagaalka Israa’iil ee Gaza waxaa lagu dilay ugu yaraan 45,361 falastiiniyiin ah, waxaana ku dhaawacmay 107,803 tan iyo bishii Oktoobar ee sanadkii  2023.

Danjire Jabriil oo bogaadiyay horumarka ganacsi ee ay Soomaalidu ku talaabsatay

Nairobi– Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa lagu martiqaaday xaflad casho Sharaf ah oo aad loo soo abaabulay, taas oo lagu soo bandhigayay Waxqabadka sanadka ee shirkada dhismaha Gabeire A Group (GAG).

Shirkadaan oo ah mid ka shaqeeysa howlaha dhismaha iyo Teknoolojiyadda la xiriirta dhismaha ayaa ka howlgasha wadamo badan oo ku yaala Qaaradda Afrika.

Howlaha waaweyn oo ay haatan wado Shirkadaan ayaa waxaa ka mida dhismaha waddo weyn oo laga dhisayo Jasiiradda Madagascar, dhismaha buundooyinka, bulaacado iyo waddooyinka oo iyagana ay ka hergalinayso dalalka Benin, Togo & Jabuuti.

Shirkadaan oo ah mid ay leeyihiin dad Soomaali ah waxa ay gudaha Qaaradda Afrika ka qaabaynaysaa mashruucyo wax ku ool ah, iyada oo la dhisayo waddo 250 km ah oo isku xirta magaalooyinka Antananarivo iyo Toamasina ee dalka Madagascar, taas oo sahlaysa isu socodka badeecadaha, adeegyada iyo dadka.

Danjire Jabriil oo ka ka hadlay xafladda casho sharafta ayaa ugu hambalyeeyay shirkada Gabeire A Group, guulaha la taaban karo oo ay gaartay.

“Shirkadaan waxa ay tusaale u noqon kartaa Ganacsatada Soomaaliyeed oo loo baahan yahay in ganacsigooda ku baahiyaan dalalka Afrika, sababta oo ah Qaaradda Afrika Waxa ay baahi u qabtaan maalgashi iyo ganacsiga dadka Soomaalida”, ayuu yiri Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle

Shirkadaan ayaa in ka badan 500 oo shaqaale xirfad leh shaqaaleeysiisay. Ganacsiga Soomaaliyeed ayaa ah mid si buuxda ugu fidaayo dalka bariga iyo Bartamaha Afrika.

        

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo kormeeray Bankiga dhexe iyo wasaaradaha qaarkood

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kormeer shaqo oo lagu xoojinayo adeegga ay bulshada u hayaan ku tagey Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, iyo Bangiga Dhexe ee Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Ganacsiga ayaa Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka uga warbixiyay dadaallada lagu horumarinayo ganacsiga gudaha iyo dibedda, fududeynta maalgashiga, iyo taageerada warshadaha yar-yar iyo kuwa dhexe si loo xoojiyo koboca dhaqaalaha.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa ku bogaadiyay dhammaan hey’adaha uu booqday shaqada ballaaran ee ay bulshada u hayaan, isaga oo adkeeyay in loo baahan yahay isku-dubbarid iyo wada-shaqayn dheeraad ah, si loo gaaro himilooyinka Qaran.

           

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Asmara Eritrea

Asmara: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea, halkaas oo uu ku soo dhaweeyey dhigiisa Asias Afawerki.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlaya xiriirka labada dhinac, islaashiga dhinacyada ammaanka iyo siyaasadda.

Eritrea waxa ay ka mid tahay dalalka saaxiibka la ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana ay ka mid tahay dalalka lagu tababaro ciidanka qalabka sida.

   

Taliyaha Boliiska oo qaabilay Saraakiil soo dhameystay waxbarashada heerka labaad

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa xafiiskiisa ku soo dhaweeyey Saraakiil kasoo qalin jabiyey waxbarashada heerka labaad (Master Degree) oo dalka Dibadiisa ku maqnaa.

Hogaanka Qorshaha iyo Tababarada ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa ugu horeyn Taliyaha Warbixin ka siiyey soo laabashada Saraakiishan, waxaana ay xaqiijiyeen xafiis ahaan in si wanagsan uga faa’iideysteen fursadda waxbarasho ee dalka dibadiisa ugu maqnaayeen mudada dheer.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa Saraakiisha soo dhameysatay Waxbarashada Hambalyo iyo Bogaadin la wadaagay , waxaana uu qiray in soo laabashadoodu ku soo aaday xilli loo baahnaa qeybna ka noqonayaan qorshaha horumarinta Ciidanka Booliiska si looga faa’ideysto aqoonta ay soo barteen.

Guddoomiyaha G/Banaadir oo shir guddoomiyay kulan gaar ah oo la xariira horumarinta dib udhiska

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa shir gudoomiyay kulan gaar ah oo la xariira horumarinta dib udhiska Caasimadda iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Gudoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee maamulka gobolka Banaadir Mudane Xasan Maxamed Jimcaale ayaa goob joog ka ahaa kulankan, waxaana inta uu socday diiradda lagu saaray dardargalinta mashaariic lagu horumarinayo magaalada, gaar ahaan Dhismaha waddooyinka, Xal u helidda maareynta biyaha roobka iyo Dib u dhiska xarumaha danta guud.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa kula dardaarmay madaxda iyo howl wadeenada waaxda howlaha guud in si daacadnimo iyo Alle ka cabsi kujirta ay uga u gutaan waajibaadkii loo igmaday islamarkaana uu jiri doono islaxisaabtan iyo dabagal la xariira howlaha socda.