Madaxweynaha Pakistan oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha Soomaaliya

Islamabad: Madaxweynaha dalka Pakistan mudane Asif Cali Zardari ayaa warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay safiirka cusub ee dalkeenna Soomaaliya ku matalidoona dalka Pakistan Danjire Sheekh Nuur Maxamed Xasan.

Dalalka Pakistan iyo Soomaaliya ayaa leh xariir soojireen ah oo ku dhisan walaaltinimo iyo saaxiibtimo.   

Hay’adda duulista rayidka oo baaritaan ku haysa diyaarad shalay lagu afduubay Kismaayo

Hay’adda duulista rayidka ayaa sheegtay in fal xadgudub ki ah sharciyada duulista rayidka oo shalay ka dhacay Kismaayo uu maanta keenay in diyaaradihii aadi jiray Kismaayo ay ku dhiira waayaan.

War-saxaafadeed ka soo baxay Hay’adda ayaa lagu sheegay inay baaritaan ku hayso falkaas.

Wasiiru Dowlaha arrimaha dibadda XFS oo Adis-ababa kula kulmay dhiggiisa Itoobiya

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar ayaa maanta kulan laba geesood ah la yeeshay dhiggiisa Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga Itoobiya, Danjire Mesganu Arega.

Intii uu socday kulanka, labada Wasiir waxay markale xaqiijiyeen go’aankooda ku aaddan in la xoojiyo wadahadalka iyo xiriirka shaqo ee labada dal, iyagoo sidoo ballanqaaday ilaalinta madax bannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee dalalkooda.

Wadahadalka ayaa la qabtay iyada oo lagu salaynayo Baaqa Ankara ee 11-kii Diseembar 2024, iyo qaab dhismeedka fulinta qodobadiisa.

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS Mudane Cali Balcad ayaa muujiyay dareenka cabashada iyo cambaareynta ficillada Ciidanka Itoobiya ee ka dhacay Doolow ee gobolka Gedo.

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Itoobiya, Danjire Mesganu Arega Dhankiisa ayaa ka jawaabay isagoo muujiyay sida ay dowladda Itoobiya diyaar ugu tahay in baaritaan degdeg ah lagu sameeyo dhacdadaas, wuxuuna xaqiijiyay rabitaankooda ah inay la shaqeeyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya,si looga hortago dhacdooyin kale mustaqbalka.

Qodobada kale ee laga wada hadlay waxaa ka mid ahaa ilaalinta nabadda iyo amniga gobolka, iyada oo lala dagaallamayo argagixisada, iyo sidoo kale xoojinta xiriirka labada dal si la isku waafajiyo dadaallada hirgelinta buuxda ee Baaqa Ankara, kaas oo ah tallaabo wanaagsan oo lagu xallinayo khilaafaadka u dhexeeya labada dal tan iyo Janaayo 2024.

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka oo la kulmay culumaa’udiinka Soomaaliyeed

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka iyo soohdimaha ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay culumaa’udiinka Soomaaliyeed, iyagoo kala hadlay doorka kaga aaddan arrimaha doorashooyinka .

Kulanka oo uu shir-guddoominayay guddoomiyaha guddiga Mudane Cabdikariim Axmed Xasan ayaa ujeeddadiisu waxay ahayd latashiga Culummada iyo dhageysiga talooyinkooda ku aaddan hirgelinta doorashooyinka dalka ee qof iyo cod

Culumaa’udiinka Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay qabashada doorasho qof iyo cod ah iyo in awoodda dib loogu soo celiyo shacabka si ay ula xisaabtamaan mas’uulka ay doortaan, waxayna uga mahadceliyeen dowladda federaalka dadaalka ay gelineyso in dalkan doorasho qof iyo cod ah ka qabsoonto.

Wasaaradda arrimaha gudaha XFS maanta martigelisay kulan la xiriira wacygelinta doorashooyinka

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS ayaa maanta martigelisay kulan la xiriira wacygelinta doorashooyinka iyada oo ay goobjoog ka ahaayeen Wasiirka Arrimaha Gudaha, mudane  Cali Yuusuf Cali Xoosh, Wasiirka Warfaafinta mudane Daa’uud Aweys, Wasiir Kuxigeenka Waaaaradda Arrimaha Gudaha mudane Abdihakim Ashkir, Guddoomiyaha Guddiga Madaxabbaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha mudane Cabdikariim Axmed Xasan iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye,

Inta uu shirku socday Agaasimaha Guud ee Wasaaradda mudane Caydaruus Macalin iyo Agaasimaha Xiriirka iyo Lafalgalka Dadweynaha mudane Gurbiye ayaa soo bandhigay dardargelinta wacyigelinta doorashada iyo kaalimaha hay’adaha kala duwan.

Kulankan ayaa intiisa badan daarnaa xoojinta karaanka Howlwadeennada ka howlgala xafiisyada warbaahinta si waxsoo saarkooda uu u noqdo kuwa faaido u leh Dowladnimada, sahlaya isku Xirka Dowladda iyo shacabka taas oo ku salaysan isku dheelli tirnaan iyo isla xisaabtan.

Qurba joogta Soomaaliyeed oo soo dhoweeyay fursadda loo siiyay in ay aragtidooda ku biiriyaan wax ka beddelka Dastuurka

Hay’adaha u xil saaran Dastuurka ee kala ah, wasaaradda cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka, Guddiga Madaxa bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka iyo Guddiga la socodka Dastuurka ee labada Aqal ee( BFS), ayaa shir latashi ah Kuna Saabsan soo jeedinta wax-kabadelka Dastuurka cutubyadiisa 5aad ilaa 9aad la yeeshay Bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Bristol ee dalka Ingiriiska.

Shirkaan oo ah kii Seddaxaad oo ay Hay’adaha u xil saaran Dastuurka la qaataan Qurba-joogta ku nool dalka dibeddiisa ayaa looga dhagaystay Ka-qayb galayaasha Talooyinkooda iyo aragtidooda ku aadan Qodobada Dastuurka ee cutubyada 5aad iyo 9aad, Sidoo kalana lala wadaagay geedi socodka guud ahaan Dastuurka iyo heerarkii uusoo Maray.

Qurba-joogta Soomaaliyeed ayaa soo dhawaysay fursadda loo siiyay in ay Aragtidooda ku biiriyaan soo eedinta Wax-kabadelka Dastuurka, iyagoo Shirka Latashiga kusoo bandhigay Aragtidooda.

    

Ciidamada amniga Galmudug oo gacanta ku dhigay nin loo heysto dilka L/Xidigle Xasan Quuri

Ciidamada ammaanka Galmudug ayaa gacanta ku soo dhigay nin loo heysto inuu xalay dil u geystay L/Xidigle Xasan Quuri oo ahaa Sarkaal ka tirsan Booliska Soomaaliya, qeybta Galmudug.

Dilka Sarkaalka, ayaa xalay ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug, waxaana howlgal ay fuliyeen ciidamada amniga lagu soo qabtay ninkaan.

Saraakiisha hoggaamineysay ciidamada howlgalkan fuliyay ayaa warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay in hadda uu ku socdo baaritaanka eedeysanaha la soo qabtay,islamarkaana sida ugu dhaqsiyaha badan sharciga loo horkeeni doono.

Taliyaha Saldhigga Booliiska magaalada Dhuusamareeb Dhamme Nuur Cilmi oo la hadlay Warbaahinta ayaa faah faahiyay eedeysanayaal loo soo qabtay dilkii xalay loo geestay Alle ha unaxariistee L/Xidigle Xasan Quuri oo ka tirsaan Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, qeybta Galmudug.
Wuxuu sheegay in marxuumka la dilay xilli uu goobtiisa shaqo ka rawaxay, islamarkaana uu ku sii jeeday gurigiisa, wuxuuna hadalkiisa intaas ku daray in gacanta lagu haayo koox eedeysanayaal ah halka kuwo kale oo la tuhmayana lagu daba jiro iyagana gacanta lagu soo dhigi doono.

 

DFS: Eedaysane Axmed Madoobe waa lagula xisaabtamayaa weerarada uu ku hayo Shacabka Jubbaland

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dawladda Federaalka Soomaaliya, waxa ay si dhow ula socotaa tacadiyada tiro beelka ah ee Eedaysane Axmed Maxamed Islaam uu kula kacayo Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Deegaanada Jubbaland.

Tacadiyadiisa oo ahaa kuwa muddaba soo tixnaa waxaa u danbeeyay mid uu ku qaaday Shacabka ku nool deegaanka Kulbiyoow ee Gobalka Jubbada Hoose, kuwaas oo ahaa dad isku abaabulay in ay Khawaarijta iska caabiyaan, balse nasiib-darro uu Axmed Madoobe iyagii weeraray, isla markaana u gaystay dil, dhaawac, jir dil iyo dhac intaba.

Falkaan waxa uu daba socdaa falal noocaan oo kale ah, kuwaas oo uu ka gaystay Magaalooyinka Kismaayo, Raaskambooni, Dhoobleey iyo Afmadoow.

Sidoo kale, waxa uu Eedaysane Axmed Madoobe ku hawlanyahay in uu iska horkeeno shacabka u diyaarsan in ay Khawaarijta ka difaacdaan deegaanadooda, iyada oo la ogyahay in uu duulaanadiisa u kaalmaysto Khawaarijta oo markasta marin u ah gacanna ku siya wax yeelaynta Shacabka reer Jubbaland ee xorta ka ah Khawaarijta.

Falalkiisu waa kuwa loo diin-waan galiyay, waana lagula xisaabtamayaa mana noqon doonaan kuwa la iska hilmaamo. Shacabka Jubaland waxaan ugu yeeraynaa midnimo, adkaysi iyo wadajir.

Waxaan halkaan tacsi uga diraynaa Shacabkii uu Eedaysane Madoobe ku laayay, kuwii uu dhaawacay iyo kuwa u afduuban ee ku dhaqan deeganada kala duwan ee Jubbaland.

Dawladda Soomaaliya waxaa ka go’an in la suuliyo dhaqamada noocaan ah, isla markaana sharciga lasoo taago kuwa ka danbeeya ee dhiig miratada ah.

–DHAMAAD–

Soomaaliya iyo Masar oo ku heshiiyey iskaashi istiraatiiji ah

Qaahira: Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan heer sare ah la yeeshay Dr. Badr Abdel Aty, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, oo ka dhacay magaalada Qaahira. Kulanka waxa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo raadinta fursado iskaashi oo cusub, iyada oo lagu heshiiyay in xiriirka la gaarsiiyo heer istiraatiiji. Labada dhinac ayaa sidoo kale isku afgartay in la xoojiyo iskaashiga ganacsiga iyo dhaqaalaha iyada oo loo marayo Madasha Soomaaliya iyo Masar, oo lagu qaban doono Qaahira Janaayo 2025.

Intii lagu jiray wada hadalka, Wasiirka Arrimaha Dibadda Danjire Fiqi waxa uu bogaadiyay doorka muhiimka ah ee Masar ay ku leedahay taageeridda dadaallada dib-u-dhiska Soomaaliya iyo sida ay uga go’an tahay ilaalinta madax-bannaanida, midnimada, iyo dhuleed ee Soomaaliya. Waxa uu mar kale xaqiijiyay sida Soomaaliya uga go’an tahay dhammaan heshiisyada ay la gashay Masar, isaga oo hoosta ka xarriiqay muhiimadda iskaashiga joogtada ah ee lagu gaari karo xasilloonida iyo horumarka gobolka.

Dhankiisa, Dr. Badr Abdel Aty ayaa mar kale xaqiijiyay sida Masar uga go’an tahay taageeridda madax-bannaanida, midnimada, iyo dhuleed ee Soomaaliya, si waafaqsan sharciga caalamiga ah. Waxa uu hoosta ka xarriiqay dadaallada joogtada ah ee Masar ku bixinayso taageeridda dawladda iyo hay’adaha Soomaaliya, isaga oo carabka ku adkeeyay in la xoojiyo xiriir xooggan oo waara oo dhex mara labada dal.

             

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo kormeeray wasaaradda Qorsheynta

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Salaax Axmed Jaamac, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay xarunta Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo horumarinta Dhaqaalaha. Intii uu kormeerka ku jiray, wuxuu warbixin ka dhageystay hoggaanka Wasaaradda oo faahfaahiyay shaqooyinka muhiimka ah ee Wasaaradda, guulaha la gaaray, iyo qorshayaasha mustaqbalka ee lagu horumarinayo dalka.

Warbixinta ayaa xoogga lagu saaray Qorshaha Isbeddelka Qaranka, qorsheynta istiraatiijiga ah, maalgashiga, kormeerka iyo qiimeynta mashaariicda, iyo mashaariicda horumarineed ee lagu taageerayo bulshada Soomaaliyeed.

Mudane Salaax Axmed Jaamac ayaa sidoo kale booqday waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda iyo Hay’adda Istaatistikada Qaranka, isagoo si dhow ugu kuur-galay hawlaha shaqo ee socda una bogaadiyay shaqaalaha dadaalkooda iyo doorka muhiimka ah ee ay ku leeyihiin hirgelinta waajibaadka Qaranka.

Booqashadan shaqo ayaa qeyb ka ah kormeerada ay madaxda qaranka ku kor-joogteeyaan hufnaanta hay’adaha dowladda iyo horumarinta adeegyada bulshada.