Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Wada-hadallo Rasmi ah kula leh Dhiggiisa Masar Qaahira

Qaahira:-Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Danjire Ahmed Moallim Fiqi, oo shalay gaaray magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar, ayaa wada-hadallo rasmi ah halkaas kula leh dhiggiisa dalka Masar, Mudane Badar Cabdilati.

Wada-hadalladan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhaxeeya labada dal, iyadoo xoogga la saarayo horumarinta iskaashiga dhinacyada muhiimka ah, sida amniga, siyaasadda, waxbarashada, iyo dhaqaalaha.

Cilaaqaadka soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Masar ayaa ku saleysan walaaltinimo iyo iskaashi waxtar leh, kaas oo qayb ka qaadanaya horumarinta labada dal.

Wafdi ka socda Dawladda Soomaaliya oo Maanta u tagaya Addis Ababa sii ambaqaadista Heshiiskii Ankara

Wafdi ka socda Dawladda Soomaaliya, oo uu hoggaaminayo Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda, Mudane Cali Balcad, ayaa maanta gaaraya magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Ethiopia, si ay u sii ambaqaadaan heshiiskii Ankara ee dhexmaray madaxda labada dal.

Ujeedka socdaalka wafdigan ayaa ah xoojinta xiriirka ku dhisan is-ixtiraam iyo wada-shaqeyn dhexmarta Soomaaliya iyo Itoobiya.

Dawladda Soomaaliya waxaa ka go’an inay xiriir wanaagsan la yeelato dalalka deriska ah, iyadoo xiriirkaas saldhig looga dhigayo ixtiraamka buuxa ee madaxbannaanida, midnimada, iyo wadajirka dal kasta.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta kulan kula qaatay Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka isaga oo Warbixin ka dhageystay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa guddiga la wadaagay sida ay dowladda Soomaaliyeed uga go’antahay in dalka laga hirgaliyo doorasho qof iyo cod ah iyadoo awoodda loo celinayo shacabka si ay codkooda ugu soo doortaan madaxda hoggaamineysa.

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa guddiga kula dardaarmay in uu sida ugu dhaqsiyaha badan uga howl galo hirgalinta Doorashooyinka dalka si hufan oo caddaalad ku saleysan maadaama uu Baarlamaanka dhawaan u dhammeystiray dhammaan shuruucdii fududeyneysay.

   

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo gaaray deegaanka Xawaadley ee Gobolka Shabeellaha Dhexe

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee xoogga dalka sareya guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa maanta gaaray deegaanka Xawaadley Gobolka Shabeellaha Dhexe,halkaa oo dhawaan jab xooggan lagu gaarsiiyay khawarijta.

Taliyaha iyo xubnaha sarakiisha ah ee la socda ayaa waxaa halkaa kusoo dhaweyay sarakiisha taliska guutada 3-aad ee ciidanka xoogga,kuwaa warbixin ka siiyay taliyaha xaaladda degaanka.

Taliyaha ayaa intaa kadib  kulama la qaatay sarakiisha iyo ciidanka guutada 3-aad XDS iyo shacabka degaanka oo ka dhageystay baahiyaha iyo xaalada guud ee degaanka xawaadley.

Taliyaha guutada 3-aad ee ciidanka xoogga dalka janaraal Ibraahim Yuusuf Abuurka ayaa taliyaha kaga mahadceliyay boqashadiisa,isagoo sheegay in tani ay dhiirigalin u noqoneyso ciidanka xoogga dalka ee ku sugan degaanka Xawaadley ee Gobolka Shebeellaha Dhexe.

Taliyaha ciidanka Dhulka ee xoogga Dalka sareya guuto Sahal Cabdulaahi Cumar ayaa ciidanka ku bogaadiyay guusha ay gareen iyo Jabka xoogan ay khawaarijta gaarsiiyeen,waxa una kula dar-daaramay inay sii wadaan howalgada dalka looga xoreynayo Argagixisada.

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa degaanka ayaa dhawaan kala waregay xawaadley halkaan jab xooggan ku gaarsiiyay khawaarijta.

 

   

Danjiraha JFS ee Uganda oo casho sharaf ku maamuustay ciyaartoyda xulka Qaranka ee da’doodu ka yar tahay 17 sano,

Danjiraha Soomaaliya ee dalka Uganda Fardowsa Maxamed Qanyare ayaa xalay casho sharaf ku maamuustay ciyaartoyda xulka Qaranka ee da’doodu ka yar tahay 17 sano, kadib guushii ay kasoo hooyeen ciyaar dhex martay iyaga iyo Suudaan.

Danjire Fardowsa ayaa sheegtay in guushii ay soo hooyeen ay farxad weyn u horseeday dhammaan ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Sidoo kale waxa ay kula dardaarantay ciyaartoyda in ay dadaalkooda sii laba jibbaaraan si ay guulo waaweyn uga soo hooyaan kulamada u harsan.

 

Howlgal lagu soo qabtay xubno katirsan khawaarijta oo laga sameeyay gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Hay,adda Nabada sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee (NISA) ayaa xalay howlgallo waxa ay ka sameeyeen xaafaadaha ay ka kooban tahay magaalada Beledweyne ee gobalka Hiiraan.

Howlgalka oo ahaa mid lagu xaqiijinayay Amniga magaalada ayay ciidanku kusoo qabteen Xubna ka tirsan khawaarijta oo ku dhuumaleysanayay xafadaha qaar ee magaalada Beledweyne,iyadoo wali ciidamada ay halkaa ka wadaan howlgallo lagu baacsanayo khawaarijta iyo kooxaha falalka amni darri ka sameeyay xafadaha magaalada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan.

Horjooge ka tirsanaa Khawaarijta oo isku dhiibay ciidamada Dowladda

Horjooge Dooyow Osmaan Ali Oo ka tirsanaa Khawaarijta ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Booliska gaarka ah Koonfur Galbeed ee ku sugan degmada Buur-Hakaba ee gobolka Bay.

Dooyow oo in muddo ah la shaqaynaayey Khawaarijta ayaa kala soo goostay Qori AK47 ah iyo booshkiisa, asagoo sababta Khawaarijta ugu soo baxay ku sheegay in uu kusoo qanci waayey fikirka gurracan ay aaminsan yihiin iyo dhibaato fara badan oo uu kala soo kulmay Khawaarijta.

Dooyow ayaa saaxibadiisa khawaarijta kala tirsanaa ugu baaqay inay isaga soo tagaan nolosha mugdiga ah ay duurka kula jiraan, wuxuunsheegay in si wanaagsan loo soo dhoweeyey.

Ra’iisul wasaare Xamse oo xilka u kala badalay 2-wasiir, wasiir kalena magacaabay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabis iyo isku-shaandhayn ku sameeyay qaar kamid ah Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa wareegto uu soo saaray waxa Mudane Dahir Shire Maxamed, loogu magacaabay Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha, ayaa isku beddalay Wasiirradii Wasaaradaha, Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka iyo Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada.

Marwo Khadiijo Al-maqsuumi, ayaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Xaquuqul Insaanka, halka Mudane Bashiir Maxamed Jaamac ( Bashiir Goobbe) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada.

Sidoo kale, waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu wareegtadiisa ku magacaabay Wasiir Ku Xigeenka wasaaradda Tamarta iyo Biyaha, mudane Cismaan Axmed Macoow.

Wafdiga uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka degmada Garbahaarey ee Gobolka Gado

Garbahaarey:-Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa kulamo la qaatay odayaasha dhaqanka, dhallinyarada iyo ururrada haweenka degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo ,waxaana kulamadaas diiradda lagu saaray sidii bulshada rayidka ah ay uga qeyb qaadan lahayd hirgelinta iyo taageeridda doorashada qof iyo codka ah oo dowladda Soomaaliya ay dalka ka qabaneyso.

Intii uu kulanku socday, odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kale ee bulshada ayaa soo bandhigay talooyin iyo aragtiyo ku saabsan doorkooda ku aadan xaqiijinta doorasho cadaalad ah oo lagu wada qanacsan yahay, bulshada ayaa cadeysay muhiimadda ay leedahay wacyigelinta dadweynaha iyo iskaashiga si loo helo nidaam dimuquraadi ah oo si hufan u shaqeynaya.

Wasiir Fartaag oo kulanka ka hadlay ayaa ku dhiirrigeliyay bulshada in ay door firfircoon ka qaataan geedi socodka dimuquraadiyadda, isagoo xusay in doorashada qof iyo codka ah ay tahay dariiq muhiim ah oo lagu gaarayo cadaalad iyo horumar siyaasadeed oo waara.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in dowladdu ay ku dadaalayso in ay abuurto jawi ku habboon doorashooyinka, si loo xaqiijiyo in codka shacabka uu si buuxda uga dhex muuqdo hoggaanka dalka.

    

Guddoomiyaha SoDMA oo daahfuray kulanka Dib u eegista Howlaha u qabsoomay hay’adda sanadkaan 2024

Guddoomiyaha hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA), Md. Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa daahfuray kulanka Dib u eegista Howlaha SoDMA u qabsoomay sanadkaan sii idlaanaya ee 2024 iyo qorshaha sanadka soo aaddan ee 2025, (SoDMA Internal Review & Retreat Exercise), kaas oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Kulankaan oo ah mid ku qotama isla-xisaabtan iyo is-qiimeyn, ayuu Guddoomiyaha Hay’adda Maxamuud Macallin si weyn ugu boorriyay howl-wadeennada shaqada adag iyo juhdiga xooggan ee ay bixiyeen sanadkaan dhammaadka ah, isagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii laba jibbaaro dadaalka loogu adeegayo dadkeenna nugul.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb-galaya Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Dr. Axmed Cabdi Aadan, Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Bashiir Axmed Salaad, Agaasimayaasha Guud, Agaasimayaasha Waaxaha, La-taliyayaasha iyo howl-wadeenno laf-dhabar u ah howlaha shaqo ee Hay’adda Maareynta Musiibooyinka.