Soomaaliya oo la wareegtay xilka Guddoomiyaha Golaha Wasiirrada Gaashaandhigga ee EASF

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dowladda Rwanda kala wareegtay Hoggaanka Ciidanka Heeganka ee Bariga Afrika (EASF) oo ah urur goboleed uu waajibaadkiisu yahay kor u qaadista nabadda iyo ammaanka gobolka Bariga Afrika, kana mid ah shanta ciidan goboleed ee ciidamada heeganka ah ee Afrika (EASF) oo ka kooban militari, boolis iyo qaybo rayid ah.

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa dhiggiisa dalka Rwanda mudane Juvenal Marizamunda kala wareegay xilka Guddoomiyaha Golaha Wasiirada Gaashaandhigga iyo Amniga ee Gobolka Bariga Afrika, intii uu socday shirka sanadlaha ee 33-aad ee dejinta Siyaasadaha EASF oo ay iskugu yimaadeen Madaxda dalalka EASF oo ka dhacay Magaalada Kigali ee Dalka Rwanda.

Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay guddoominaysa Golaha Wasiirrada Gaashaandhigga ee EASF, iyadoo ay kasoo wareegtay 20 sano markii la aasaasay ururkan.

Wasiirka Gaashaandhigga JFS Cabdulqaadir Maxamed ayaa u mahadceliyey gudoomiyaha uu xilka kala wareegay, wuxuuna ballan qaaday in Soomaaliya ka go’an tahay wada shaqaynta dhammaan dawladaha xubnaha ka ah EASF. Wuxuuna Wasiirku casuumaad u fidiyey in kalafadhiga xiga ay Soomaaliya ku marti gelin doono.

 

Xulka Qaranka ee 17-jirada Soomaaliya oo guul ka gaaray ciyaar xiiso badan ay la yeesheen dhiggooda Suudaan

Xulka Qaranka ee 17 jirada Soomaaliya ayaa guul ka gaaray kulan xiiso leh oo ay la ciyaareen dhigooda 17 jirada dalka Suudaan oo ah martigaliyaasha Koobka qaramada qaaradda Afrika. ciyaarta galabta ayaa ka dhacday magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda.
Xulka qaranka dalkeenna ayaa 1-0 uga badiyay xulka qaranka Suudaan, waxaana ciyaarta oo aheyd mid adag u suurtagashay in xulka Qaranka ee 17-jirada Soomaaliya ay helaan goolkooda koowaad, taas oo ugu dambeyn keentay in ay iyagu guusha raacdo.
Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Uganda ayaa si weyn ugu dabaaldegay guusha xulka Qaranka 17-jirada, Soomaaliya ee galabta ka dib ciyaar ku soo idlaatay magaalada Kampala, waxayna sheegeen in ay ku faraxsan yihiin guushaas, waxayna tilmaameen in ay ku bogaadinayaan ciyaaryahanada da’da yar in ay Guruubyada ka soo baxaan.
   

Madaxweynaha JFS”Gacan Khawaarijta ayaan kula dagaalameynaa ,gacanna doorasho ayaan ku qabaneynaa ,mana hakineyno dagaalka cadowga”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay arrimaha geeddi socodka doorashooyinka dalka iyo dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa caddeeyay in 56-sanno ka dib, dalka doorasho qof iyo cod ah ay ka dhaceyso, wuxuuna ciidamada BooliIska Soomaaliya ugu baaqay in ay u diyaarawbaan sugidda amniga iyo nabad galyada muuwaadiniinta codeyneysa.

” Waxaan ugu hambalyeynayo waxay tahay, diyaargarowga ka muuqda doorashada in ay u diyaargarowbeen amnigeeda sidii ay u sugu lahaayeen, waxaan leeyahay sii xoojiya sii diyaargarowba, Ilaahey idimkiisa dalku doorashadu waa ay ka dhaceysaa haddii uu Alle yiraahdo, 56-sanno ka dib muwaadinka Soomaaliyeed aayihiisa iyo masiirkiisa in gacantiisa ay ku soo noqoto howl aad iyo aad u sahlan ama u dhib yar ma ahan, howshaas waa howl qaran iyo ummadda dhan ay u taagan tahay booliskana intaas ayuu ka mid yahay, laakiin shaqo mucayin oo aan sahlaneyn oo laga yaabo gabdho iyo rag Boolis ah ay naftooda u huraan laga yaabo waaye, kan codeynaya iyo kan codeynta maamula iyo dhammaan ay dareemayaan in ay codeeyaan markaas khatar ku ahayn,” ayuu yiri madaxweynaha JFS.

Dhanka kale, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay la dagaallanka argagixisada, isagoo carabka ku adkeeyay in gacanna ay Khawaarijta kula dagaallamayaan gacanna doorashada lagu qabanayo.

“Gacan Khawaarijta ayaan kula dagaalameynaa ,gacanna doorasho ayaan ku qabaneynaa ,mana hakineyno dagaalka cadowga” muwaadiniinta wali meelaha argagixisada xukunta jooga xaq ayay u leeyihiin in ay codeeyaan, sidaas daraateed waa in aan ka dulqaadnaa dulinimada argagaxisadu ku dulheyso si qalbi nadiif ah oo dhiiran ugu helaan in ay mustaqbalkooda ugu codeeyaan, waxaan shacabka Soomaaliyeed ka balan qaadnay qof aanay dooran inaan xukumin,”

Ugu dambeyn, madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ayaa tilmaamay inaan jirin meel kale oo loo noqonaayo, dalkanna uu leeyahay Dowladda, islamarkaanna aanay ogolaan doonin in arrimaha Soomaaliya dibadda loo qaado. Madaxweynaha ayaa hadalkaan ka jeediyay munaasabadda xuska sanad-guurada 81-aad ee ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo ka qabsoontay magaalada Muqdisho.

Xuutiyiinta oo gantaal la beegsaday Tel Aviv iyo xasuuqa Israel oo weli ka socda Gaza

Milatariga Israel ayaa sheegay in gantaal laga soo tuuray Yemen uu ku dhacay aagga Tel Aviv ka dib markii nidaamyada difaaca cirka ay awoodi waayeen inay ka hortagaan gantaalkaasi.

Weerarkaasi gantaal oo la sheegay in uu aargoosi u yahay duqeymo dhowaan lala beegsaday goobo muhiim ah oo ku yiillay Yemen ayaa lagu waramay in uu geystay dhaawac soo gaaray 16 ruux,isla,sida ay ku warameen saraakiisha Israel.

Dhanka kale dhakhaatiirta caafimaadka ee Gaza ayaa sheegay in weerarrada cirka Israa’iil ee dhacay shalay oo Jimco ah  lagu dilay yaraan 25 falastiiniyiin ,halka 24 kii sac ee u dambeeyay tirade dhimashada dadkaasi ka dhigeysa 77 qof sida ay  xaqiijiyeen Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza.

Hey’adda UNICEF ayaa sheegtay in 96 boqolkiiba haweenka iyo carruurta ku nool deegaanada Gaza ay la ildaran yihiin xanuunno,dhaawacyo iyo qabow,isla markaana aysan awoodin in ay daboolaan  baahiyahooda nololeed.

Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqul insaanka ee dhulka la haysto ee Falastiin ayaa wax laga xishoodo ku tilmaamay go’aanka Sweden ee ah joojinta dhaqaalihii ay siin jirtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiin ee UNRWA .

Illaa 45,206 falastiiniyiin ah ayaa ku dhintay dagaalka Gaza,halka uu dhaawac ka soo gaaray 107,512 ruux  tan iyo bishii  Oktoobar sanadkii tagay.

Wasiirka Amniga XFS iyo mas’uuliyiin kale oo kormeerey dugsiga tababarka Ciidamada ee degmada Garbahaarey

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, oo ay wehliyaan Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Isbeddelka Cimilada, Mudane Axmed Maxamed Cumar, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Xildhibaan Cismaan Libaax, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Xildhibaan Cabdirashiid Olow, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Amniga iyo Arrimaha Gudaha ee Baarlamaanka, Xildhibaan Nuur Affey, ayaa maanta booqday dugsiga tababarka ciidamada ee degmada Garbahaarey.

Booqashadan ayaa ahayd mid loogu kuur galayey tababarka ay muddo saddex bilood ah qaadanayeen askar cusub oo lagu diyaarinayo dugsiga tababarka ee Garbahaarey. Wafdiga ayaa u kuurgalay habka tababarka, tayada waxbarashada ciidanka, iyo diyaar garowga loogu jiro sugidda amniga gobolka Gedo iyo guud ahaan dalka.

Wasiirka Amniga Gudaha, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, oo khudbad ka jeediyay dugsiga tababarka, ayaa ku amaanay askarta dadaalkooda iyo sida ay ugu diyaarsan yihiin in ay qayb ka noqdaan sugidda amniga iyo difaaca dalka. Wuxuu hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay ciidanku u leeyihiin nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya, isaga oo ballan qaaday in dowladda federaalka ay sii wadi doonto taageerada ciidamada si loo helo ciidan tayo leh oo u adeegaya shacabka.

Sidoo kale, xubnaha kale ee wafdiga ka tirsan ayaa dhiirrigelin u jeediyay askarta tababarka ku jirta, iyagoo ku bogaadiyay dulqaadkooda iyo go’aankooda ku aaddan difaaca dalkooda. Waxay sheegeen in tababarkan uu qayb weyn ka yahay dadaallada lagu xoojinayo awoodda ciidamada qaranka si loo sugo amniga dalka oo dhan.

Booqashadan ayaa muujineysa sida dowladda federaalka uga go’an tahay tayeynta ciidamada iyo sare u qaadista awooddooda si ay uga hortagaan khataraha amni ee ka jira dalka.

 

    

‘Hindisahaan waa Rajada iyo Hiigsiga Soomaalida’ (WARBIXIN)

Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan daah-furay ‘Hindisaha Muqdishada cusub’, kaasi oo isugu jira dhismaha Garoon diyaaradeed casri ah, Dekad caalami ah iyo Aagga dhaqaalaha Muqdisho, marka haddii aan wax yar ku faahfaahiyo mashruuca Muqdishada cusub iyo waxa laga filaayo.

Muqdishadaan cusub waa deegaanka Garoonka iyo Dekadda ugu weyn dalka oo isu jiri doona masaafo 7km ah, islamarkaana ay si toos ah ugu tiirsanaan doonaan qaar ka mid ah Wadamada ku dhow Soomaaliya. Mashruucan oo garoonkiisa laga hirgelinayo Waqooyiga Muqdisho gaar ahaan deegaanka Haawaay ayaa ku kacaya in ku dhow $600 milyan iyo dheeraad waxaana maalgelinaya shirkado isugu jira Ganacsatada Soomaaliyeed iyo kuwo Ajaanib ah.

Labada magaalo ee Muqdishada hadda iyo tan cusub waxaa isku xiri doona waddo laami ah oo hadda ka sii gudbeysa degmada Kaaraan sida la xaqiijiyay mashruucaan waxaa ku lamaanan Waddooyin laamiyo ah kuwii ugu dheeraa ee burburkii kadib, kuwaasi oo Badeecadaha loo marsiin doona Gobollada Dalka, iyadoo Mashruucan, oo qiimihiisu gaarayo $100 milyan, ayaa loo bandhigi doonaa maalgashadayaasha caalamka iyo kuwa gudaha.

Haddaba Madaxweynaha JFS mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daah-furay Hindisaha Muqdishada cusub, kaasi oo isugu jira dhismaha Garoon diyaaradeed casri ah, Dekad caalami ah iyo Aagga dhaqaalaha Muqdisho ama “Muqdishada Cusub,” kuwaasi oo muhiim u ah horumarinta caasimadda, wuxuuna bogaadiyay Ganacsatada Soomaaliyeed iyo kuwa ajaanibta ah ee door muhiim ah ka qaatay mashruucan, kaasi oo qorshihiisu socday tan iyo shan sano ka hor.

“Ganacsatada Soomaaliyeed waxay door weyn ka ciyaareen dib u dhiska dalka, xilli aysan jirin dowlad xooggan, iyagoo keenay adeegyo muhiim ah oo aan ka jirin meelo badan oo caalamka ah,” ayuu yiri Madaxweynaha. wuxuuna sheegay in mashruuca Muqdishada Cusub uu ka koobnaan doono garoon diyaaradeed iyo dekad casri ah, kuwaasi oo qeyb ka noqon doona Aag dhaqaale oo la filayo inuu saameyn weyn ku yeesho horumarinta dhaqaalaha dalka.

“Waxaan rabnaa in mashruucan uu noqdo mid ay dadka Soomaaliyeed si wadajir ah uga faa’iideystaan,” ayuu raaciyay Madaxweynaha, wuxuuna sidoo kale tilmaamay in mashruuca Muqdishada Cusub uu horseedi doono shaqo-abuur ballaaran oo loo sameeyo dhalinyarada Soomaaliyeed, isaga oo xusay in mashaariicdan horumarineed la gaarsiin doono gobollada kale ee dalka si loo ballaariyo saameynta togan ee ay ku yeelan karaan bulshooyinka.

“Hindisaha Muqdishada Cusub wuxuu fure u yahay Horumarka Dalka”, sidaasi waxaa yiri:-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir oo madasha ka hadlayay ayaa sheegay in Hindisaha lagu horumarinaayo Muqdishada cusub, isla markaana lagu dhisaayo Garoonka cusub ee Diyaaradaha iyo Aaga dhaqaalaha dalka uu muhiimad weyn u leeyahay dalka oo idil.

Mudane Amiir ayaa xusay in Hindisahaan uu yahay Rajada iyo Hiigsiga Ummada Soomaaliyeed, taasi oo abuureysa Maalgeshi Caalami ah, Xiriir ay Soomaaliya la yeelato caalamka iyo kor u qaadida dhaqaalaha dalka, wuxuuna adkeeyay aragtidiisa fog ee uu ka leeyahay Gobolka Banaadir iyo Caasimada Muqdisho ee ah meel Nabdoon, Nadiif ah iyo in dhalinyaradeedu ay helaan fursado shaqo, taasi oo bilow u noqoneysa Hidisahaan lagu horumarinaayo Caasimada.

“Anaga oo ka tirsan Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, maanta waxa ay noo tahay maalin taariikhi ah. Riyo aan muddo dheer ku riyoonaynay ayaa maanta dhab u noqotay,” ayay tiri Wasiir Fowsiyo,waxayna sidoo kale ka warbixisay horumarka uu sanadihii u dambeeyay sameeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, kaasi oo haatan u adeegaya 60% duulimaadyada dalka, waxayna sheegtay in kor u kaca adeegyada garoonka uu caddayn u yahay baahida sii kordheysa ee adeegyada duulimaadka.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fardowsa Cusmaan Cigaal, ayaa ka hadashay fursadaha ka dhalan doona mashruuca cusub ee “Muqdishada Cusub,” kaasi oo lagu daah-furay munaasabad weyn oo ka dhacday caasimadda, waxayna intaasi ku dartay in dhismaha garoonka cusub ee diyaaradaha uu xal u noqon doono duruufaha duulimaadka ee dalka ka jira, iyada oo tilmaantay muhiimadda uu mashruucani u leeyahay horumarinta isku socodka gudaha iyo kan caalamiga ahba.

“Sanadihii la soo dhaafay, waxaan aragnay tirada duulimaadyada oo si aad ah u sii kordheysa, waxaana rajeyneynaa in tiradaasi ay sii laba-laaban doonto marka la howlgeliyo garoonka cusub ee diyaaradaha Muqdisho,” ayay raacisay Wasiirka, waxayna ku adkeysatay in dadaallada Wasaaradda ay diiradda saarayaan sidii loo horumarin lahaa kaabayaasha dhaqaalaha ee muhiimka u ah horumarka dalka.

Mashruucan cusub ayaa la filayaa in uu kor u qaado isku xirnaanta Soomaaliya iyo caalamka, isaga oo abuuri doona fursado shaqo, xoojin doona ganacsiga, isla markaana sare u qaadi doona dhaqaalaha guud ee dalka.

“Dadbaa waxa dhaqan ka jecel

Wixii dhumay oo tegee

Dhismaha korayiyo rajada

Miyaan dhaayahoodu qaban?”, Abwaan Osmaan Guure ayaa Tixdaan ku muujiyay aragtida uu ka qabo mashruucaan.

By. C/lahi Ruush

Madaxweynaha JFS oo Ganacsatada ku Bogaadiyay sida ay uga go’antahay hirgalinta Mashruuca Muqdishada Cusub

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo caawa casho sharaf la qaatay ganacsatada Soomaaliyeed ayaa ku bogaadiyey sida ay u doonayaan hirgelinta qorshaha Muqdishada cusub oo beddeli doonta muuqaalka caasimadda.

Madaxweyne Xasan ayaa tilmaamay in mashruucan waddaniga ah uu yahay mid dhammaan ganacsatada Soomaaliyeed ay qayb muhiim ah ku yeelanayan, taas oo xaqiijinaysa in qorshahan uu noqdo mid Soomaali leedahay, oo berito ay ku faani karaan jiilasha soo socda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ganacsatada uga mahadceliyey kaalinta muuqata ee ay ku leeyihiin dalka, gaar ahaan doorka ay ka qaadanayaan kobcinta dhaqaalaha, shaqo abuurka, iyo xoojinta nabadda. Waxa uuna ku dhiirrigeliyey in ay si hagar la’aan ah u bixiyaan canshuurta, ugana qeyb qaataan dib u dhiska dalka.

Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa dhankooda ballanqaaday in ay kaalin weyn ku yeeshaan mashaariicda qaranka, iyagoo ka duulaya qorsheyaasha lagu xoojinayo dib u dhiska iyo horumarka dhaqaale ee dalka.

     

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay wafdi sare oo ka socday Dowladda Algeria

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada ku qaabilay Wasiirka Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Aljeeriya Mudane Kamel Badari iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho rasmi ah ku yimid dalka.

Madaxweynaha ayaa ka guddoomay wafdigan farriin iyo salaan ay uga sideen Madaxweynaha dalka aan walaalaha nahay ee Aljeeriya Mudane Cabdilmajiid Tabbuune, iyagoo la wadaagay warbixin ku saabsan xaaladda dalkaas iyo sida ay uga go’an tahay Madaxdiisa sare u qaadidda xiriirka ay la wadaagaan Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo bandhigay sida Soomaaliya ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiga labada dal iyo doorka muhiimka ah ee ay ka qaadanayso horumarinta midnimada iyo isdhexgalka Qaaradda Afrika.

 

Wasiirka Howlaha Guud XFS “Qorshaha dib u dhiska waddooyinka iyo casriyeynta magaalada meel fiican ayeey marayaan”

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS Dr Cilmi Maxamuud oo ka qeybgalay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa sheegay in wadanku uu ka soo kabsananaayo burburkii sokeeye ee ka dhacay dalka,isla markaana ay socdaan  mashaariic dib u dhis oo lagu hagaajinaayo kaabayaasha dhaqaale ee lagama maarmaanka u ah shacabka.

“Dalku wuxuu ku yaalla goob Istaraatiiji ah oo ku xiran dalalka geeska Afrika,sidaa daraadeed waa lama huraan in la sameeyo waddooyin dhaadheer oo gaara xuduudaha,kana qeybqaata kala wareejinta badeecooyinka iyo adeegyada kale” ayuu yiri wasiirka Howlaha Guud.

Wasiirka ayaa xusay in wasaaradda ay waddo qorshayaal dhow iyo kuwo fog oo loogu talagalay dhameystirka kaabayaasha dhaqaalaha sida waddooyinka buundooyinka iyo adeegyada kale ee ku xiran nolosha dadka.

Wasiirka ayaa qiray in lagu guda jiro qorshaha qaran ee daraasaadka dalka,sidaa aawadeedna, iyadoo la kaashanaayo dalalka daneeya Soomaaliya mustaqbalka dhow loo gudbi doono dhismaha guryo laga hirgaliyo magaalooyinka oo ay degi karaan dadka caadiga ah iyo kuwa u shaqeeya dowladda.

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

1-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Ayaa qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Midowday ee Tanzania, Mudane Mohamud Thabit Kombo iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku jooga dalka.

2-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daah-furay Hindisaha Muqdishada cusub, kaasi oo isugu jira dhismaha garoon diyaaradeed casri ah, dekad caalami ah iyo aagga dhaqaalaha Muqdisho.

3-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Muqdisho ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha  u qaabilsan Geeska Afrika Xue Bing.

4-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho ka dhagax-dhigay mashruuca casriga ah ee Gateway Complex, kaas oo ay maalgelinayaan ganacsato Soomaaliyeed, qeyb weynna ka qaadan doonto horumarinta dhaqaalaha iyo ganacsiga.

5-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey Shirka Golaha Amniga Qaranka oo looga hadley xaaladda amniga dalka, dagaalka argagixisada, hawlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya ee ATMIS iyo diyaar garowga howlgalka cusub ee AUSSOM.

6-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Daah-furay, Shirweynaha 15-aad ee Ururka Caalamiga ah ee Daraasaadka Soomaaliyeed, kaas oo Muqdisho lagu qabtay muddo 35 sanno ah kaddib.

7-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ka qeybgaley munaasabad uu xilka kula wareegayey Guddoomiyaha cusub ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Amiir.

8-Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa furay Shirweyanaha Iskaashiga Dowladda, Ganacsatada iyo Bulshada ee Qorshaha Ka Hortagga iyo la Dagaallanka Maalgelinta Argagixisada.

9-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa magaalada Baydhabo uga qeyb galaya munaasabadda lix sanno guurada ka soo wareegtay muddada xil-haynta Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Koofur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

10-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo guddoomiyay shir heerkiisu sareeyo oo looha hadley istaraatiijiyadda warbaahinta qaranka.

11-  Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka  Saalax Axmed Jaamac oo kormeer ku tagay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa bogaadiyay guulaha diblomaasiyadeed ee Soomaaliya ka gaartay ee saaxadda caalamka.

12-Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Saalax Axmed Jaamac oo kormeer shaqo ku tagey Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda ayaa u  kuur-galay habsami u socodka shaqada ay Wasaaraddu u hayso bulshada.

13-Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayey warbixin ka hadlaysay heerarka saboolnimada, taas oo ay iska kaashadeen Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Hey’adda Istaatiistikada Qaranka.

14-Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa ka qeybgaley munaasabad ay Soomaaliya iyo Tanzania ku kala saxiixdeen heshiisyo iskaashi iyo xoojinta xiriirka labada dal.

15-Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa casho sharaf ugu sameeyay magaalada Muqdisho wafdiga ballaaran ee uu horkacayao Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Tanzania Mudane Maxamuud Thaabit Kombo.

16-Golaha Wasiirrada ayaa yeeshay kulan gaar ah oo  lagu soo bandhigay qaar kamid ah qodobbada Dastuurka ee dib-u-eegista lagu sameynayo iyo kuwii horey loogu sameeyey.

17-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe  ayaa  warxibinno  ka dhageystay  Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha.

18-Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa kulan la qaatay Guddiga La-socodka Dib-u-eegista Dastuurka BJFS iyo Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka.

19-Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa baaq nabadeed u dirtay  beelaha walaalaha ah ee colaadda ku dhexmartay  Magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag.

20-Wasaaradda Waxbarashada  ayaa  Magaalada Muqdisho ka daah furtay barnaamijka  dib-u-eegis loogu sameynayo Qorshaha Horumarinta Waxbarashada  Soomaaliya (2022-2026).

21-Wasiir  Ku-Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Isaaq Maxamuud Mursal ayaa dalka kusoo dhaweeyey ergeyga gaarka ah ee  dowladda Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika danjire Xue Bing .

22-Danjiraha  Soomaaliya  u fadhiya dalka shiinaha Dr. Hodan Cismaan Cabdi ayaa kulan iyo is-xog wareysi la yeeletay ganacstada iyo jaaliyada Soomaliyeed ee ku nool magaalada Yiwu ee dalka Shiinaha.

23-Waqtigii Dowladda Federaalka Soomaaliya u qabatey diiwaan gelinta weriyeyaasha ka hawlgala hay’adaha warbaahinta caalamiga  oo maanta ku eg.

24-Wasiirka  Beeraha iyo Waraabka  Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa furay kulan aqoon is-weydaarsi  oo lagu xaqiijinayey baahiyaha iyo awoodda oo ay ka qeybgaleen wasaaradaha heer maamul Goballeed.

25-Wasiirka Qorsheynta  Maxamuud Sheekh Faarax  Beene Beene ayaa kulan la yeeshay guddoomiyeyaasha cusub ee Kooxda Deeq-Bixiyeyaasha Soomaaliya oo kala matalayay dalalka Britain, Switzerland iyo Sweden.

26-Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka   Xasan Macallim Maxamuud oo la kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee  dalka Turkiga ayaa  ka warbixiyey horumarka laga gaarey dib-u-habeynta cadaaladda, geedi-socodka dhammeystirka dastuurka.

27-Wasiirka Hawlaha Guud Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa  sagoontin u sameeyay 25 injineer oo daraasad ku soo sameyn doona waddooyinka burbursan ee gobollada dalka.

28-Safiirka Soomaaliya u fadhiya  ee dalka Masar ahna wakiilka joogtada ah  ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Cali Cabdi Awaare ayaa kulan la yeeshay Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta Mudane Maxamed Axmed Al-yamaaxi.

29-Bayaan ka soo baxay Hay’adda Nabad Sugidda NISA ayaa lagu sheegay in lagu raad jooga xogta Xasan Cali Maxamed oo loo yaqaano Xasan Afgooye kaas oo Al-Shabaab u qaabilsan dabagalka lacagaha baadda ah iyo xiriirka shirkadaha.