Wakiilada Ururka Caalamiga ah ee Daraasaadka Soomaaliya oo booqday Jaamacadda Umadda

Wafdi ka socday Ururka Caalamiga ah ee Daraasaadka Soomaaliya oo maalmahaan qayb ka ahaa Shirweynaha 15aad ee Ururka Caalamiga ah ee Daraasaadka Soomaaliyeed, ayaa booqday xarumaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho .

Wafdiga waxaa ka mid ahaa Guddoomiyeyaasha Jaamacadaha Jigjiga, Gaarisa, Camuud iyo sidoo kale madax sare oo ka kala socday Jaamacadaha Beder, Burco, Hargeysa iyo masuuliyiin ka socday Djibouti.

Wafdigaasi  waxa ay kulan la yeesheen Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada HTD ee Soomaaliya, mudane, Farah Sheikh Abdulqadir iyo guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Prof. Dr. Xasan Cusman Gacal, iyaga oo ka wada hadlay horumarinta iyo isku xirka waxbarashada sare ee dhinacyadaasi iyo iskaashi laga yeesho xagga  cilmi-baarisyada.

Hey’adda MSF oo warbixin cusub ka soo saartay dagaalka Gaza

Warbixin cusub oo ay soo saareen dhaqaatiirta aan xuduudda laheyn ee MSF ayaa lagu sheegay in ay jiraan calaamado cad oo muujinaya in ciidanka Israel ay ku dhaqaaqeen isir sifeyn lagu hayo dadka reer Falastiin ee ku sugan dhulalka la heysto ee Gaza.

Warbixintaan oo  cinwaan looga dhigay Dabinka dhimashada Gaza ama shirqoolka dhimashada ee Gaza waxaa soo gudbiyay dhaqaatiirta aan xuduudda laheyn ee qeybta Fransiiska MSF.

Hey’adda ayaa sheegtay in dadka Falastiiniyiinta lagu hayo duqeymo aan dgammaad laheyn,isla markaana la burburiyay cisbitaaladii halkaasi iyo kaabayaashii biyaha ee deegaanada Gaza.

Kadib duqeyntii ugu dambeysay ee Israa’iil ku qaadday Yemen, afhayeenka Xuutiyiinta ayaa sheegay in dagaalyahannada kooxdu ay diyaar u yihiin dagaal dheer oo ay la galaan Israa’iil si ay u taageeraan Falastiiniyiinta Gaza.

Dhanka kale Israa’iil ayaa weerar ku qaadday laba iskuul oo ku yaalla magaalada Gaza ,halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 15 falastiiniyiin ah oo ay horay u barakiciyeen dagaalka ka socda Gaza.

Dagaalka Israa’iil ee Gaza waxa uu dilay ugu yaraan 45,129 ,halka uu dhaawac ka soo gaaray 107,338 ,laga soo bilaabo  7 Oktoobar ee 2023.

Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ee 20-ka Disembar

20-ka disember waa astaan ka mid ah maalmaha qaran ee loo dabbaaldego xusuusta dhaxalgalka ah ee umadda,gaar ahaan aasaaska ciidamada Boliiska oo ka mid ah qeybaha ciidamada ee xilka iska saaray difaaca dadka iyo dalka,isla markaana door wax ku oolka ah ka soo qaatay dhalinta miraha xoriyadda ee aan harsaneyno.

Sanadkii 1943-diii ayeey aheyd markii la unkay dhismaha ciidan Boliis ah oo xilligaasi loo arkaayey in ay yihiin kuwa ugu faca weyn ,isla markaana lagama maarmaan u ahaa yagleelidda dhismaha dowlad Soomaaliyeed oo wax la wadaagta dunida inteeda kale.

Marka loo eego waxqabadkooda iyo Waajibaadka qaran ee ay ku howlgalaan ciidanka waa mid cad oo ku qoran dastuurka dalka,waxayna qabtaan shaqooyin adag oo dan u ah dadka,dalka iyo caalamka kuwaas oo ay kamid yihiin:- 1-la dagaallanka dambiyada ka dhaca gudaha iyo dibadda .2-la-dagaallanka argagixisada .3-difaaca dalka.4-Sugidda amniga gudaha dalka iyo 5- Ilaalinta sharciga dalka iyo kan caalamka.

 Ciidamada Boliiska waa hey’adda ugu sareysa ee fulinta sharciga madaniga ah,sidaa aawadeed,waxay xubin firfircoon iyo xiriir shaqo oo dhab ah la wadaagaan ururka caalamiga ah ee boliiska adduunka (Interpool).

Waxaa marag ma doonto ah in ciidamada Boliiska ay yihiin kuwo geesiyaal ah oo lagu faano,isla markaaana guulo ka soo hooyey dagaaladii dhacay sanadihii 1964-tii iyo 1977-dii,ee lagu raadinaayey dhulalkii ku maqnaa gacanta gumeysigii shisheeye.

Waloow bur-burkii ka dhacay dalka 1991-dii uu saameyn ku yeeshay ciidamada ,haddana laga soo bilaabo sanadihii 2000 waxaa lagu guuleystay in dib loo uruuriyo ciidamada, isla markaana la howlgaliyo qeybihii iyo talisyadii uu ka koobnaa ,iyadoo lagu kordhiyay  dhallinyaro  cusub oo dhiirigeliyay soo celinta amniga iyo kala dambeynta.

Haddaba,xuska sanadkaan oo ku beegan sanadguurada81-aad waxa uu ka tarjumayaa aasaaska ciidamada boliiska oo ah hooyada ugu faca weyn ee ciidamada dalka,oyadoo xilligaan shacbiga Soomaaliyeed ay ka muuqdaan sida ay ugu qanacsan yihiin qaabka ay u socdaan howlaha ciidamada iyo dadaalada kale ee ay kaga qeybgalayaan horumarka dalka.

Boolisku waa awoodda labaad ee ay ku faanaan bulshada,waxayna dadaal ugu jiraan soo celinta amniga,sidaa daraadeed waxa ay u baahan yihiin in loo howlgalo sidii loo tayeyn lahaa, isla markaana loogu heli lahaa agab ama qalab ciidan oo ay ku hawl galaan iyo in la siiyo tababarro sare loogu qaadayo xirfaddoda shaqo si mustaqbalka dhow ay u hantaan ammaanka guud ee dalka.

Sidoo kale,ciidamada boliiska waa wehelka shacabka, siddaa daraadeed waxaa habboon in umadda  Soomaaliyeed ay ciidamada kala shaqeeyaan soo celinta xasiloonida dalka iyo raadinta nidaam guud oo horseeda kala dambeyn.

Ugu dambeyntii saraakiisha,saraakiil xigeenada,alifleyda ,dableyda iyo guud ahaan xaasaska ciidamada Boliiska meel kasta oo ay joogaan waxaan u rajeyneynaa  in sanadkaan kiisa kale ay ku gaaraan horumar iyo barwaaqo.

SONNA

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xaflad uga qeybgalay Baydhabo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Koofur Galbeed ayaa caawa magaalada Baydhabo uga qeyb galaya munaasabadda lix sano guurada ka soo wareegtay muddo xil-haynta Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Koofur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

 

                    

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo kulan mira dhal ah la qaatay Wafdi ka socday Midowga Yurub

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye guuto Sahal Cabdullahi Cumar ayaa magaalada Muqdisho kulan gaar ah kula la qaatay Wafdi ka socdo Midowga Yurub oo booqasho ku yimid Dalka

Taliyaha ayaa ugu horeyn wafdiga kaga mahadceliyay booqashada ay Dalka ku so gaareen.

Dhanka kale labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta taageeridda Ciidanka iyo sidii sare loogu qaadi lahaa loona casriyayn lahaa tababarada joogtada ah ay siiyaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Sareeye guuto Sahal Cabdullahi Cumar ayaa Midowga Yurub kaga mahadceliyey doorka ay ka qaateen dagaalka ka dhanka Khawariijta Argagixisada iyo Tababarada joogtada ah ee ay siiyaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

  

Wasiiru-dowlaha Gaadiidka XFS oo kormeeray garoonka Diyaaradaha Baydhabo

Baydhabo -Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Faderalka Soomaliya Cabdikariim Cabdow Xaydar oo maanta kormeer shaqo ku tagay Garoonka, Diyaaradaha iyo Xarunta Duulista hawada ee baydhabo ayaa u kuur galay habsami-socodka shaqada ee ay ku hawlanyihiin, hawl wadeennada madaarka iyo xarunta duulusta baydhabo, waxaana kormeerka ku weheliyeen Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Wasiir ku-xigeenka Gadiidka iyo duulista Hawada maamulka koonfur galbeed Soomaaliya (KGS)

Wasiir Xaydar ayaa sheegay in kormeerkan shaqada ay tahay waajibka shaqo ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Faderalka Soomaaliya, kormeerkan ayaa ah mid quseeyay sare u qaaadida adeegyada duulista iyo hormarinta Garoomada dalka iyo xoojinta wada shaqaynta Wasaaradaha Gaadiidka iyo duulusta hawada ee Maamulada dalka tasoo ah waxyaabaha hortabinta u uleh Xukuumadda DanQaran.

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada (XFS) ayaa dhanka kale sheegay in horumar iyo wax wada qabsiga bulshada Reer Koonfur galbeed ku gaareen kaabayaasha dbaqaale sida Hormarinta Garoonka Diyaaradaha Ee Shaati gaduud iyo xarunta Duulista oo u shaqaynaysa habkii larabay ay tahay mid lagu amaano Madaxda iyo hawlwadeenadda Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista ee (KGS)

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Faderaalka Soomaliya oo gudanaysa wajibaadkeeda, ayaa wada qorshe lagu hormarinayo Xarumaha Duulista garoomada guuda ahaan Dalka.

                       

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka oo kormeeray garoonka Aadan Cadde

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda mudane Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow ayaa kormeer shaqo ku tagay Garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle gaar ahaan qaybaha soo degista iyo bixidda ee Guddaha iyo Dibedda iyo xarunta Waaxda Ajaanibta, bixinta Dal-kugalka iyo Dal-kujooga.

Agaasimaha Guud ayaa kormeerka kadib waxa uu kulan la qaatay isla markaana warbixin ka dhagaystay Agaasimeyaasha, Madaxda xafiisyada iyo Kormeerayaasha Socdaalka iyo Xuduuddaha. Waxa uuna kula dardaarmay horumarinta shaqada iyo in xoogga la saaro wadashaqaynta iyo kala dambaynta nidaamka Shaqada.

       

Safiirka Soomaaliya ee dalka Shiinaha oo booqatay gobolo kala duwan

Beijing– Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee wadanka Shiinaha, Dr. Hodan Cusmaan ayaa booqashooyin muhiim ah ku tagtay gobollo kala duwan oo ka tirsan dalka Shiinaha, iyadoo kulamo la yeelatay ganacsatada, ardayda, iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Guangzhou. Kulamadan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga, wadajirka, iyo horumarinta danaha guud ee bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Shiinaha.

Intii lagu guda jiray booqashoyinkaan Danjire Hodon ayaa dhageysatay warbixinnada jaaliyadda ee ku saabsan xaaladdooda, baahiyaha iyo cabashooyinka jira, Waxayna ballan qaaday in ay qaadan doonto door taageero oo ay ku garab istaagto jaaliyadda, iyadoo ku dhiirrigelisay in wadajirka iyo iskaashiga ay yihiin furaha guusha bulshada Soomaaliyeed.

      

NISA iyo TISS oo Muqdisho ku kala saxiixday heshiis isafgarad ah

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA, mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), ayaa magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay wafdi uu hoggaaminayo Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Tanzania ee TISS, mudane Suleiman Abubakar Mombo, oo booqasho labo maalin ah shalay kusoo gaaray Muqdisho.

Intii ay socotay booqashadan ayay labada dhinac si weyn uga wada hadleen dadaallada wadajirka ah ee looga hortagi karo khataraha ururrada argagixisada iyo xoojinta is-dhaafsiga xoggaha muhiimka ah ee amniga.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo gaaray magaalada Baydhabo

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG dowlad gobolleedka Koofur Galbeed, waxaana Garoonka Diyaaradaha ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) iyo boqolaal Bulshada ku dhaqan magaalada Baydhabo.

Ujeedka Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa la xiriira xoojinta wadashaqeynta Hay’adaha Dowladda ee Heer Federaal iyo heer Dowlad Gobolleed, u kuur galidda horumarrada ka jira Koonfur Galbeed iyo ka qeyb galka Xafladda sanad guurada 6-aad ee ka soo wareegtay Muddada uu Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed hoggaaminayay Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen.