Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo Garbahaarey lagu soo dhaweeyay

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane General Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, ayaa maanta gaaray magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo. Wafdiga ayaa ka kooban wasiirro, Xildhibaanno, iyo saraakiil ciidan oo heer sare ah.

Ujeedka booqashada wafdigan ayaa la xiriira dardargelinta howlaha amniga ee gobolka Gedo, xoojinta wada shaqeynta hay’adaha amniga iyo bulshada deegaanka, iyo qiimeynta xaaladda guud ee nabadgelyada ee magaalada Garbahaarey.

Waxaa lagu wadaa in wafdigu ay kulamo muhiim ah la yeeshaan maamulka gobolka, waxgaradka, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada si looga wada shaqeeyo qorsheyaasha amniga iyo horumarinta gobolka. Kulamadan ayaa sidoo kale diiradda lagu saari doonaa xoojinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab

Waxaa si weyn loogu soo dhaweeyey wafdiga magaalada Garbahaarey, iyadoo shacabka iyo maamulka Degmadda muujiyeen taageerada ay u hayaan dowladda Federalka Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir: “Hindisaha Muqdishada Cusub wuxuu fure u yahay Horumarka Dalka”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daah-furay Madashada Hindisaha Horumarinta Muqdishada cusub iyo dhismaha Airporka cusub ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in Hindisaha lagu horumarinaayo Muqdishada cusub isla markaana lagu dhisaayo Garoonka cusub ee Diyaaradaha iyo aaga dhaqaalaha dalka uu muhiimad weyn u leeyahay dalka oo idil.

Mudane Amiir ayaa xusay in Hindisahaan uu yahay Rajada iyo Hiigsiga Ummada Soomaaliyeed, taasi oo abuureysa Maalgeshi Caalami ah, Xiriir ay Soomaaliya la yeelato caalamka iyo kor u qaadida dhaqaalaha dalka.

Duqa Muqdisho ayaa adkeeyay aragtidiisa fog ee uu ka leeyahay Gobolka Banaadir iyo Caasimada Muqdisho ee ah meel Nabdoon, Nadiif ah iyo in dhalinyaradeedu ay helaan fursado shaqo, taasi oo bilaw u noqoneysa Hidisahaan lagu horumarinaayo Caasimada.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo daahfuray hindisaha horumarinta “Muqdishada Cusub”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qaybgalay munaasabad lagu daahfurayay hindisaha horumarinta “Muqdishada Cusub,” oo ay ku jiraan dhismaha garoon diyaaradeed casri ah, dekad cusub, iyo aag dhaqaale oo muhiim u ah horumarinta caasimadda.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay ganacsatada Soomaaliyeed iyo kuwa ajaanibta ah ee door muhiim ah ka qaatay mashruucan, kaas oo qorshihiisu socday tan iyo shan sano ka hor.

“Ganacsatada Soomaaliyeed waxay door weyn ka ciyaareen dib u dhiska dalka, xilli aysan jirin dowlad xooggan, iyagoo keenay adeegyo muhiim ah oo aan ka jirin meelo badan oo caalamka ah,” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in mashruuca Muqdishada Cusub uu ka koobnaan doono garoon diyaaradeed iyo dekad casri ah, kuwaas oo qayb ka noqon doona aag dhaqaale oo la filayo inuu saameyn weyn ku yeesho horumarinta dhaqaalaha dalka.

Mashruucan, oo qiimihiisu gaarayo $100 milyan, ayaa loo bandhigi doonaa maalgashadayaasha caalamka iyo kuwa gudaha.

“Waxaan rabnaa in mashruucan uu noqdo mid ay dadka Soomaaliyeed si wadajir ah uga faa’iideystaan,” ayuu raaciyay Madaxweynaha.

Mudane Xasan Sheekh ayaa sidoo kale tilmaamay in mashruuca Muqdishada Cusub uu horseedi doono shaqo-abuur ballaaran oo loo sameeyo dhalinyarada Soomaaliyeed, isaga oo xusay in mashaariicdan horumarineed la gaarsiin doono gobollada kale ee dalka si loo ballaariyo saameynta togan ee ay ku yeelan karaan bulshooyinka.

 

Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha oo la kulantay Ganacsatada, Ardayda, iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Magaalada Guangzhou

Guangzhou:  Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha, Dr. Hodan Osman, ayaa toddobaadkan ku guda jirtay booqashooyin ay ku qiimeyneyso xaaladaha jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool gobollada kala duwan ee Shiinaha. Intii lagu guda jiray booqashadeeda magaalada Guangzhou, waxay la kulantay ganacsatada, iyo ardayda Soomaaliyeed si ay uga wada hadlaan cabashooyinkooda iyo inay ka shaqeeyaan iskaashi wadajir ah.

Ganacsatada ayaa soo bandhigay caqabado ku saabsan helitaanka fiisaha ganacsiga ee baasaboorka Soomaaliga, iyagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sameeyo Rugta Ganacsatada Soomaaliyeed ee Shiinaha. Dhanka kale, ardayda ayaa codsaday in la sameeyo xafiis gaar ah oo matala xuquuqdooda iyo baahidooda.

Danjiraha ayaa balan qaaday inay cabashooyinkooda gaarsiin doonto hay’adaha ay khuseyso, iyadoo jaaliyadda u xaqiijisay in ay diyaar u tahay inay ka shaqeyso danta guud. Sidoo kale, waxay ku dhiirrigelisay ganacsatada inay xoogga saaraan dhoofinta khayraadka Soomaaliya, taasoo sare u qaadi karta dhaqaalaha dalka, iyagoo dhowraya shuruucda waddanka ay ku sugan yihiin.

Danjiraha ayaa hoosta ka xariiqday in Safaaradda Soomaaliya ay diyaar u tahay mar walba in ay taageerto jaaliyadda, iyadoo albaabada safaaradda u furan yihiin qof kasta oo u baahan. Tallaabooyinkan firfircoon ayaa muujinaya sida ay safaaraddu ugu go’an tahay mideynta jaaliyadda iyo horumarinta nolosha Soomaalida ku nool Shiinaha.

  

Wasiirka Gaadiidka XFS oo ka hadashay fursadaha uu keeni doono Garoonka Cusub ee Muqdisho

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fardowsa Cusmaan Cigaal, ayaa ka hadashay fursadaha ka dhalan doona mashruuca cusub ee “Muqdishada Cusub,” kaas oo lagu daah-furay munaasabad weyn oo ka dhacday caasimadda.

Marwo Fardowsa ayaa sheegtay in dhismaha garoonka cusub ee diyaaradaha uu xal u noqon doono duruufaha duulimaadka ee dalka ka jira, iyada oo tilmaantay muhiimadda uu mashruucani u leeyahay horumarinta isku socodka gudaha iyo kan caalamiga ah.

“Anaga oo ka tirsan Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, maanta waxa ay noo tahay maalin taariikhi ah. Riyo aan muddo dheer ku riyoonaynay ayaa maanta dhab u noqotay,” ayay tiri wasiirka.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka warbixisay horumarka uu sanadihii u dambeeyay sameeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, kaas oo haatan u adeegaya 60% duulimaadyada dalka. Waxay sheegtay in kor u kaca adeegyada garoonka uu caddayn u yahay baahida sii kordheysa ee adeegyada duulimaadka.

“Sanadihii la soo dhaafay, waxaan aragnay tirada duulimaadyada oo si aad ah u sii kordheysa, waxaana rajeyneynaa in tiradaas ay sii laba-laaban doonto marka la howlgeliyo garoonka cusub ee diyaaradaha Muqdisho,” ayay raacisay wasiirka.

Mashruucan cusub ayaa la filayaa in uu kor u qaado isku xirnaanta Soomaaliya iyo caalamka, isaga oo abuuri doona fursado shaqo, xoojin doona ganacsiga, isla markaana sare u qaadi doona dhaqaalaha guud ee dalka.

Wasiirka ayaa ku adkeysatay in dadaallada Wasaaradda ay diiradda saarayaan sidii loo horumarin lahaa kaabayaasha dhaqaalaha ee muhiimka u ah horumarka dalka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka warbixiyay heshiisyada ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Tansaaniya

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Jamhuuriyadda Midowday ee Tansaaniya ayaa wada-hadallo heer sare ah ku yeeshay magaalada Muqdisho, kuwaas oo lagu xoojinayo xiriirka taariikhiga ah ee ka dhaxeeya labada dal.

Shirkan ayaa daba socday heshiisyadii iskaashiga iyo isfahamkii ay maanta gaareen labada dowladood, waxaana diiradda lagu saaray sidii loo sii amba-qaadi lahaa iskaashiga dhinacyo kala duwan oo muhiim u ah labada waddan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo furitaanka shirka ka hadlay ayaa ka warbixiyay xiriirka qotoda dheer ee Soomaaliya iyo Tansaaniya, isagoo xusay kaalintii ay hoggaamiyeyaashii hore ee labada dal, Julius Nyerere iyo Aadan Cabdulle Cismaan, ka qaateen dhismaha midnimada iyo horumarka qaran.

“Xiriirka Soomaaliya iyo Tansaaniya ma ahan oo kaliya mid diblomaasiyadeed, waa walaaltinimo qoto dheer oo ku dhisan is-ixtiraam iyo u adeegidda danta guud,” ayuu yiri wasiirka. “Waxaan haysanaa fursad taariikhi ah oo aan ku dhisi karno tusaale cusub oo iskaashi ah oo bariga Afrika ka hana qaada.”

Wasiir Fiqi ayaa sidoo kale ka hadlay horumarka ay Soomaaliya ka sameysay dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, iyo isku-dhafka gobolka. Waxa uu xusay diyaar-garowga doorashada qof iyo cod ee ugu horreysay tan iyo 1969-kii iyo sida ay Soomaaliya uga go’an tahay in ay sii xoojiso iskaashiga gobolka.

“Waa muhiim in heshiisyada aan gaarno ay noqdaan kuwo dhab ah, la fulin karo, oo leh yoolal cad iyo hab-raacyo lagu qiimeeyo guulaha la gaaro,” ayuu yiri wasiirka.

Soomaaliya iyo Tanzania oo heshiisyo muhiim ah ku kala saxiixday Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Midowday ee Tanzania ayaa ku heshiiyay iskaashi ballaaran oo ku aaddan arrimo muhiim ah, kaddib markii ay magaalada Muqdisho ku kala saxiixdeen shan heshiis is afgarad (MOUs) oo muhiim ah.

Munaasabadda saxiixa heshiisyadan oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa noqotay mid ku muujinaysa sare u kaca xiriirka labada dal iyo wadajirka horumarka ay ka wada shaqeynayaan.

Heshiisyada Muhiimka ah ee la Saxiixay

1. Iskaashiga Guud ee Arrimaha Dibadda
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Tansaaniya, Mudane Mahmoud Thabit Kombo, ayaa kala saxiixday heshiis dhigaya qaab-dhismeed lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed. Heshiiskan wuxuu xoogga saarayaa iskaashiga xasilloonida gobolka, is-dhaafsiga aqoonta, iyo dadaallada lagu taageerayo nabadda iyo horumarka caalamiga ah.

2. Iskaashiga Arrimaha Caafimaadka
Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadam Abubakar, iyo Wasiirka Ku-xigeenka Caafimaadka ee Tansaaniya, Dr. Godwin Oloyce Mollel, ayaa kala saxiixday heshiis lagu horumarinayo nidaamyada caafimaadka ee labada dal. Heshiiskan wuxuu diiradda saarayaa la dagaallanka cudurrada faafa, is-dhaafsiga aqoonta caafimaadka guud, iyo xoojinta adeegyada caafimaad ee loo fidiyo bulshooyinka nugul.

3. Horumarinta Dalxiiska
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka, iyo Dalxiiska Soomaaliya, Mudane Da’uud Aweys Jaamac, iyo Wasiirka Dalxiiska iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee Tansaaniya, Dr. Pindi Hazara Chana, ayaa kala saxiixday heshiis lagu horumarinayo dalxiiska. Heshiisku wuxuu xooga saaraya is-dhaafsiga dhaqanka, ololayaasha suuq-geynta dalxiiska wadajirka ah, iyo dhiirrigelinta fursadaha maalgashiga si loogu soo bandhigo hiddaha iyo dhaqanka gaarka ah ee labada dal.

4. Iskaashiga Difaaca iyo Amniga
Wasiirka Difaaca Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, iyo dhiggiisa Tansaaniya ayaa kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo iskaashiga difaaca. Heshiiskan wuxuu xoogga saaraya horumarinta awoodaha difaaca, tababarrada wadajirka ah, iyo iskaashiga amniga si loo gaaro xasillooni iyo ammaan goboleed.

5. Iskaashiga Waxbarashada
Heshiis kale oo muhiim ah ayaa diiradda saaray iskaashiga dhanka waxbarashada, kaas oo ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Tansaaniya. Heshiiskan wuxuu xooga saaraya is-dhaafsiga aqoonta, bixinta deeqaha waxbarashada, iyo abuurista barnaamijyo wadajir ah oo lagu xoojinayo nidaamyada waxbarasho ee labada dal. Waxa kale oo uu dhiirrigelinayaa awood-siinta dhalinyarada iyada oo loo marayo horumarinta xirfadaha iyo is-dhaafsiga aqoonta si loo gaaro horumar waara.

   

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xaaladda dalka Suudaan ka dhagaystay siihayaha safaradda Jamhuuriyadda Suudaan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaabilay Siihayaha Safaaradda dalka aan walaalaha nahay ee Suudaan Mudane Cammaar Axmed Baabakir oo uga warbixiyey xaaladda dalkaas, howlgallada ciidan iyo saameynta xiriirka Labada dal.

Danjire Baabakir ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha sida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay u soo dhaweeyeen muwaadiniinta reer Suudaan ee kusoo qaxay dagaallada ka socda dalkaas, isagoo tilmaamay in Soomaalidu, shacab iyo dowladba ay walaalnimo iyo farxad ku qaabileen walaalahooda reer Suudaan ee soo gaaray dalka.

Sidoo kale, sii hayaha Danjiraha ayaa u soo gudbiyay Madaxweyne Xasan Sheekh salaan iyo farriin uu uga siday walaalkiis, Hoggaaniyaha Golaha Sare ee dalka Suudaan Mudane Cabdifataax Al-Burhaan.

Dhankiisa, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay ahmiyadda xiriirka taariikhiga ah ee labada shacab, isagoo sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay abaal weyn u hayaan dhiggooda Suudaan, kuwaas oo si mug leh uga qayb qaatay taageeridda Soomaaliya xilliyadii adkaa, gaar ahaan fursadaha waxbarashada ee ardayda Soomaaliyeed iyo tababarida hay’adaha amniga.

Ugu dambeyntii, Madaxweynanaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xasan Sheekh ayaa sheegay in Soomaaliya ay dadaal ku bixinayso nabadda iyo xasilloonida dalka walaalaha ah ee Suudaan, maadaama degganaanshihiisa uu muhiim u yahay gobolka oo idil.

Israel oo duqeysay Gaza iyo goobo muhiim ah oo ku yaalla Yemen

Ciidamada Israa’iil ayaa sii wada duqeymaha ay ku hayaan Qaza, iyagoo dhulka go’doonsan ee woqooyiga ku dilay ugu yaraan 16 falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan carruur iyo dhakhtar ka howlgali jiray isbitaalka al-Ahli Arab.

Maamulka Falastiiniyiinta (PA) ayaa dhankooda sheegay in ay sii wadaan  duullaanka ay ku hayaan goobaha ciidamada Israel ay ka joogaaan dhulka la heysto ee Daanta Galbeed, taas oo qayb ka ah hawlgal lagu tilmaamay in looga golleeyahay in lagu ciribtiro sharci-darrada halkaas.

Qaramada Midoobay ayaa xustay in Israel ay mar kale diidday codsi ahaa in ay gargaarka u sii deyso dadka gaajoonaya ee ku nool Beit Hanoon, Beit Lahiya iyo Jabalia, kuwaas oo Israel ay go’doomin ku hayso in ka badan 70 maalmood.

Dhanka kale,milatariga Israel ayaa weeraray Xuuthiyiinta Yemen, iyaga oo dilay ugu yaraan sagaal qof ka dib markii ay duqeeyeen laba xarun oo kuwa korontada ah, deked iyo xarun shidaal oo ku taal Xudeydah, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha dalkaasi.

Weerarrada Israa’iil ee Yemen ayaa yimid saacado kadib markii millatariga Israel ay sheegeen in ay soo rideen gantaal laga soo tuuray Yemen.

Dagaalka Israel ee Gaxa ayaa galaaftay 45,097 ,halka dhaawaca lagu sheegay 107,244 tan iyo 7-dii Oktoobar ee 2023-kii.

Soomaaliya oo Martigelisay Wafdi Heer Sare ah oo ka socda Dalka Tanzania

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa casho sharaf u sameysay mas’uuliyiin sar-sare oo ka tirsan dowladda Tanzania, iyadoo la xoojinayo xiriirkii diblomaasiyadeed ee soo jireenka ah iyo sidii loo sahamin lahaa wadashaqeynta dhinacyada muhiimka ah.

Munaasabadda ayaa waxaa hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Danjire Ahmed Moallim Fiqi oo uu wehliyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Tanzania, Danjire Maxamuud Thabit Kombo, labada dhinac ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay sii xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo xaqiijinta danaha wadaagga ah ee dhinacyada horumarka, amniga, iyo isdhexgalka Gobolka.

Mas’uuliyiintii kale ee ka soo qeybgashay waxaa ka mid ahaa Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka, Fanka iyo Isboortiga ee Tanzania, Mudane Dr. Pindi Hazara Chana, iyo masuuliyiin kale kuwaas oo diiradda saaray horumarinta iskaashiga dalxiiska ee labada dal.

Wadashaqeynta caafimaadka ayaa si weyn u soo muuqatay, iyadoo Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya, iyo Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Tansaaniya, ay ka qeybgaleen munaasabadda.

Dhinaca difaaca, Taliyaha Ciidanka Difaaca Soomaaliya, Sarreeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage, ayaa la kulmay Taliye ku-xigeenka Ciidanka Difaaca Tansaaniya, General Salum Haji Othman, si ay uga wada tashadaan istaraatiijiyadaha kor loogu qaadayo amniga iyo horumarinta nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Casho sharaftan ayaa waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Mudane Xamse Xaadow, Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ay wehliyaan Agaasime Waaxeedyo ka kala socday Wasaaradaha Arrimaha Dibadda, Caafimaadka, Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska.

Munaasabaddan heerka sare ahi waxa ay muujinayaa sida ay Soomaaliya iyo Tanzania uga go’an tahay kobcinta xidhiidh diblomaasiyadeed oo xooggan, horumarinta labada dhinac, iyo iskaashiga gobolka si ay uga faa’iidaystaan labada dhinac.