Madaxweynaha JFS oo casho sharaf u sameeyay Aqoonyahannada ka qaybgalay Shirweynaha 15aad ee Daraasaadka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa casho sharaf ku maamuusay aqoonyahannada, cilmi-baarayaasha iyo mas’uuliyiinta ka qeyb-galay Shirweynaha 15-aad ee Ururka Caalamiga ah Daraasaadka Soomaaliyeed oo lagu soo gabagabeeyey magaalada Muqdisho.

Shirkan oo markii ugu dambeysay la qabtay 35 sano ka hor ayaa sanadkan lagu soo bandhigay daraasaad muhiim ah oo ku saabsan dib-u-dhiska dowladnimada, kobcinta dhaqaalaha iyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey ka qeyb-galayaasha doorkooda muhiimka ah ee ku aaddan horumarinta cilmi-baarista iyo xal-u-helidda caqabadaha jira, isagoo adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la hirgeliyo talooyinkii iyo daraasaadkii kasoo baxay shirkan, si loo xaqiijiyo horumar waara oo lagu gaari karo isku filnaansho bulsho iyo mid dhaqaale.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ka qeyb-galayaasha ku dhiirrigeliyey doorkooda iyo dadaalkooda ku aaddan horumarinta dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Soomaaliya iyo Thailand oo xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal

Nairobi – Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle, Safiir ku-xigeenka Safaaradda Mukhtaar Mahad Daa’uud iyo diblomaasiyiin ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ku soo dhaweeyay Safirka Thailand ee dalalka Soomaaliya iyo Kenya Marwa, Morakot Janemathukorn.

Labada Safiir ayaa ka wada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka Soomaaliya iyo Thailand oo in muddo ah soo jiray, isla markaana Thailand ay ka mid tahay wadamada Soomaaliya ay badeecaha kala duwan ka doonan jireen burburkii ka hor, haatanna ay Safaaraddu ku guuleysatay dib u soo celinta xiriirka labada dal.

Safirka Thailand ee dalalka Soomaaliya iyo Kenya Marwa, Morakot Janemathukorn oo la hadashay Warbaahinta ayaa tilmaamtay ujeedka booqashadeeda uu la xiriiro sare u qaadidda xiriirka labada dal.

“Waxaan booqashadeyda an ugu imid Safiir jabriil iyo Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya aan uga wada hadalnay arrimo kala duwan oo ay ugu horeyso sidii aan u xoojin lahayn cilaaqaadka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Thailand, iyo kaalmo caafimaad oo aan Safaaradda Soomaaliya soo gaarsiinay”.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa xusay in Wafdiga Safiirka ay isla meel dhigeen sidii sare loogu qaadi lahaa xiriirka labada dal, isagoo inta ku daray inay ka guddoomeen deeq dawo ah oo loogu talagalay shacabka Soomaaliyeed.

Danjire Jabriil Ibrahim Cabdulle ayaa shaaciyay in dowladda Thailand ay tababaro siineyso shaqaalaha dowladda, si sare loogu qaado aqoontooda.

Ugu dambeyn Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa xusay in horaanta sanadka cusub la filayo in Wafdi heer Wasiiro ah oo ka socda Soomaaliya ay booqan doonaan dalka Thailand, kaasi oo qeyb ka ah dadaallada Soomaaliya ee ku aadan xoojinta xiriirka labada dhinac.

Dhawaan ayay ahayd markiii Danjire Jabriil uu socdaal ku tegay dalka Thailand, kaasi oo salka ku hayay in dowlada Thailand ay u soo bandhigto shacabka Soomaaliyeed adeegyada caafimaad ee casriga ah ee ka jira dalka Thailand, taasi oo fursad u noqon karta Shacabka Soomaaliyeed  ee ay la soo darsaan cudurada aan lagu daaweyn karin dalka gudihiisa ee adeegyada caafimaad dalka dibsdiisa u raadsada uu wadanka Thailand ka mid noqon karo dalalka u furan muwadiniinta Soomaaliyeed ee u baahan adeegyo caafimaad oo tayo leh.

                       

Wasaaradda arrimaha dibadda oo soo dhaweyn u samaysay wafdi ka socda Tanzania

Wasiirka arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukumadda Fedaraalka Soomaaliya Danjire Axmed Macalin Fiqi ayaa caawa kulan casho iyo soo dhaweyn ah u sameeyay wafdi ka socday wadanka Tanzania oo maanta soo gaaray dalka.

kulanka waxaa ka qeybgalay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Daa’uud Aweys, Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dr. Cali Xaaji , Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Janaraal Odawaa Yuusuf Raage, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka, Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania Ilyaas Cali Xasan, masuuliyiinta ka socotay dalka Tanzania iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee XFS danjire Axmed Macalin Fiqi oo soo dhaweeyay Wafdiga ka socoday dalka Tanzania, ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Tanzania ay yeelan doonaan xiriir qoto dheer oo ku dhisan iskaashi iyo wax wada qabsi.

Dhinaca kale Wasiirka arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga bariga Afrika Mahmuud Kombo ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay soo dhaweynta diiran ee loo sameeyay isaga iyo wafdigiisa , isagoo intaas ku daray in labada dal ay kala saxiixan doonaan heshiisyo muhiim ah oo ay ka wada faa’iideysan doonaan shucuubta labada wadan.

       

Agaasimihii hore ee hay’adda socdaalka oo laga sagootiyey xarunta hay’adda

Agaasimaha guud ee hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda mudane Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow ayaa kulan sagootin ah ugu sameeyay xarunta dhexe Agaasimihii Guud hore Mudane Axmed Siciid Maxamed.

Kulankan oo isugu jiray sagootin iyo isbarasho ayaa waxa kasoo qayb galay Agaasime Kuxigeenada Guud, Lataliyeyaasha iyo Agaasime Waaxeedyadda Hay’adda. Agaasimaha Guud ayaa ugu horrayn uga mahadceliyay Agaasimihii hore waxqabadkiisa mudadii uu joogay xafiiska, Sidoo kale Agaasimaha ayaa ka codsaday wadashaqaynta madaxda kala duwan ee hay’adda.

Agaasimaha guud ee hore mudane Axmed Siciid Maxamed ayaa dhankiisa uga mahadceliyay Mas’uuliyiinta kala duwan ee Hay’adda wadashaqaynta joogtada ahayd ee kala dhaxeysay mudada uu joogay xafiiska, waxa uuna sidoo kale ku dhiirageliyay in ay si daacadnimo leh ula shaqeeyaan agaasimaha guud.

    

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo ka qaybgalay bandhigga warbixinta saboolnimada dalka

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayey warbixin ka hadlaysay heerarka saboolnimada, taas oo ay iska kaashadeen Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada iyo hay’adda tirakoobka Qaranka.

Warbixinta ayaa soo bandhigaysa heerarka saboolnimada ee ka jira Soomaaliya iyo saameynta ay ku leedahay dhinacyada nolosha, sida waxbarashada, caafimaadka, iyo helitaanka adeegyada aasaasiga ah. Warbixintan ayaa qayb ka ah dadaallada dowladda ee lagu yaraynayo saboolnimada, iyadoo la isticmaalayo xog sugan oo horseedi karta qaadashada tallaabooyin wax ku ool ah.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa khudbaddiisa ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la fahmo saboolnimada dhinacyadeeda kala duwan si loo dejiyo siyaasado waxtar leh oo wax ka taraya horumarinta nolosha shacabka Soomaaliyeed.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in ay hormuud u noqoto dadaallada lagu yareynayo saboolnimada, iyadoo la xoojinayo siyaasadaha iyo barnaamijyada u adeegaya danta guud.   

DF oo dalka dib ugu soo celisay dhallinyaro laga soo badbaadiyey xabsiyo muddo dheer ay ku jireen

Dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa Midowga Yurub iyo IOM ayaa maanta dalka dib ugu soo celisay 147 muwaadin oo si tahriib ah ku tagay dalka Libya, waxaana laga soo badbaadiyey xabsiyo ay muddo dheer ku jireen iyo kooxo madax-furasho u heystay.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhalinyaradaan ka kala dejisay magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa, masuuliyiin ka tirsan dowladda ayaa ku soo dhaweysay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Maryan Yaasiin Xaaji Ergayga Gaarka ah ee Xafiiska Madaxweynaha JFS u qaabilsan Muhaajiriinta iyo Xuquuqda Caruurta oo ka hadashay hawlaha soo celinta Gurmadka dhalinyarada tahriibayaasha ah waxaana ay ugu baaqday in ay la xiriiraan safaaradda Soomaaliya ee dalka Libya.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa xoogga saareysa sidii dhallinyarada Soomaaliya ee ku dhibaateysan dalalka caalamka gaar ahaan dalalka Liibiya iyo Suudaan dib ugu soo celin lahayd ugana badbaadin lahayd dhibaatada ay tahriibka kala kulmaan, waxay dhawaan dalka ku soo celiyay ku dhwaad 100- dhallinyaro Soomaaliyeed oo laga soo badbaadiyay xeebaha Jaziiradda Madagascar.

             

Ra’iisul Wasaare Xamsa “Waxaan rabnaa in xoogga la saaro sidii Baasaboorkeennu ula tartami lahaa kuwa Caalamka”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda looga fadhiyo sidii Baasaboorka Soomaaliga uu u noqon lahaa mid la tartama baasaboorrada kale ee casriga ah ee dunida.

“Agaasimaha cusub ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, waxaa horyaalla shaqooyin badan oo ay kamid tahay hufnaanta Hey’adda, maadaama ay tahay mid kamid ah hey’adaha ugu sarreeya ee bixiya adeegga bulshada, waana halka ay cid walba ka eegayso adeegga ay dowladdu u hayso shacabka Soomaaliyeed”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayey munaasabad uu xilka kula wareegayey Agaasimaha cusub ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Mudane Mustaf Sheekh Cali (Dhuxuloow).

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyey Agaasimihii hore ee hey’adda shaqadii muhiimka ahayd ee uu dalka u soo qabtay muddadii uu xilka hayey, isaga oo kula dardaarmay agaasimaha cusub ee xilka la wareegay in uu dadaalkiisa galiyo horumarinta iyo tayeynta adeegga ay hey’addu bixiso.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo gaaray magaalada Baydhabo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaaladda Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Wafdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxaa Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah Ee Shaatigaduud kusoo dhoweeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), wasiiro Iyo xildhibaano ka tirsan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Magaaladda Baydhabo.

Wafdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Maxamed (Eelay), Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) iyo Xildhibaano waxay Magaaladda Baydhabo uga qeyb geli doonaan xuska sanad guurada lixaad ee Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

Ra’iisal wasaaraha XFS oo ka qeyb galay Munaasabad uu xilka kula wareegayo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qeyb galaya Munaasabad uu xilka kula wareegayo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Mudane Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow oo lagu qabtay Xarunta Hay’adda ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka ayaa ka qeyb galaya Munaasabad xil-wareejinta, agaasimihii ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Axmed Siciid Maxamed ayaa muddadii uu xafiiska joogay dardargeliyay howlaha baasaboor bixinta isla markaana waxa uu sidoo kale saraakiisha ku booriyay in muwaadiniinta loo fududeeyo adeega loo haayo loona turo dadka jilicsan oo soo doonto adeegga baasaboor bixinta.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha ee magacaabista Agaasimaha guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, in uu noqdo Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow.

Shirweynaha Meertada 15-aad ee ururka caalamiga ah ee Daraasaadka Soomaaliyeed oo maanta la soo gabagabeynayo

Shirweynaha Meertada 15-aad ee ururka caalamiga ah ee Daraasaadka Soomaaliyeed ayaa maanta lagu wadaa in lagu soo gabagabeeyo magaalada Muqdisho oo saddexdii maalin ee u dambeysay uu ka socday.

Shirka oo maalintii afaraad galay, ayaa maanta waxaa diiradda lagu saarayaa n lagu dhammeystiro in lagu dhammeystiro qeyb ka mid ah cilmi-baarisyo muhiim u ah daraasaadka iyo marxaladaha kala duwan ee waxbarashada dalkeennu soo martay.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya doona cilmibaarayaal Soomaaliyeed iyo kuwo caalami ah, kuwaas oo markii ugu horeysay ka qeyb galaya madashan oo lagu qabanayo magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, waxaana madasha barbar socon doona dood-wadaagyo muhiim ah oo su’aallo lagu weydiin doono aqoonyanada ka madasha ka jooga oo looga hadli doono dhinacyada dhaqaalaha, cadaalladda iyo tacliinta.

Prof. Maxamed Cumar Dalxa  oo ka mid ah aqoonayada Soomaaliya kana qeyb galaya shirweynaha Meeryada 15-aad ee ururka caalamiga ah ee Daraasaadka Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in maalmihii uu shirkan socday aqoonyahanada Soomaaliyeed ay isku dhaafsadeen cilmi baarisyo iyo xogo muhiim u ah soo kabashada dalkeenna.

Gelinka dambe ee maanta ayaa la filayaa inuu soo xiro Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo ay weheliyaan qaar ka mid ah xubnaha golihiisa wasiirada.