Wasiiru Dowlaha Howla guud XFS oo ka qeyb galay shirka Wasiirada Howla guud ee Jaamacadda Carabta

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Howla guud dib u dhiska iyo Guriyeynta ee XFS Xildhibaan Siciid Maxamed Maxamuud (Xayd) ayaa ka qeyb galay shirka Wasiirada Howla guud ee Jaamacadda Carabta oo lagu qabtay dalka Algeria.

Shirka Wasiiradda Howla Guud ee Jaamacadda Carabta ayaa ahaa meertadii 8-aad kalfadhigii 41-aad iyado sanadkana ay marti gelisay Dowladda Algeria waxeyna diirrada lagu saaray dib u dhiska wadamada soo kabanaya ee ay Soomaaliya ku jirto wasiirada ayaa isla qaatay in Dowladda Somaliya laga caawiyo dib u dhiska xarumaha Dowladda.

Wasiiru dowlaha wasaaradda Howla guud dib u dhiska iyo Guriyeynta ee XFS Mudane. Xayd oo shirka ka hadlay ayaa Wasiirada dhigiisa ah ee Jaamacadda Carabta uga mahadcelinayay sida ay Dowladda Soomaaliya u garab taaganyihiin isaga oo hoosta ka riiqay in Dowladda Somaliyeed ay hayso wadadii dib u dhiska iyo horumarka ayna ka soo kabatay inta badan mar xaladihii ay soo martay.

Intu shirku waxa kale oo ka soo qeyb galay wasiirka Howla guud dib u dhiska iyo Guriyeynta Dalka Shiinaha waxana laysku af gartay in uu u heshiis iskaashi wada galaan Wasiirada howlaha guud ee wadamada Jaamacadda carabta iyo wasiirka Howlaha Guud ee Shiinaha waxana uu dhici doona sanadka soo socdo kaaso si rasmi ah loo wado saxiixi doono.

Aqoonyahan Faysal Rooble oo faah faahiyay guusha diblomaasiyadeed ee ay Soomaaliya ka gaartay shirkii Ankara iyo halgankii la galay

 Aqoonyahan Faysal Rooble oo falanqeeya arrimaha Geeska Afrika iyo Badda Cas oo waretsi gaar ah siiyay warbaahinta Qaranka ayaa faah faahiyay guusha diblomaasiyadeed ee ay Soomaaliya ka gaartay shirkii Ankara iyo halgankii Soomaaliya u gashay difaaca qarannimada, midnimada iyo madax bannaanida dalka.

 

Aqooyan Faysal Rooble ayaa marka hore sheegay in shirka Ankara uu daba-socday shirar kan ka horeeyay oo ka dhacay magaalada Nairobi, kaas oo gogol xaar u ahaa shir labaad oo Ankara ka qabsoomay, kaas oo is-hor-fariisan mas’uuliyiinta labada ee Soomaaliya iyo Itoobiya,laakiin shirka saddexaad oo dhacay 12 December 2024, kaas oo go’aan kama dambeys oo heshiis lagu gaaray laga soo saaray.

”Sida la socoto shirkan Ankara wuxuu daba socday shirar ka horeeyay oo kii ugu horeeyay Nairobi ka bilowday oo inaba ambaqaadin, kii labaad Ankara ayuu ahaa runtii inkastoo is-hor-fariisan mas’uuliyiinta labada dal, laakiin loo kala warqaadayay,islamarkaana qodobada muhiimka ah shirkaas lagaga hadlay la iskuna afgaran waayay dhinaca loo socdo,shir kalaa ka dambeeyay isagana waa cakirnaa go’aan lagama gaarin, is-afgarashana lama helin, balse waxaad mooddaa midba midka ka dambeeyay inuu u  sii gogol xaarayay kan hadda Ankara ka dhacay 12 December 2024, kaas hadda waxa ka soo baxay Bayaan heshiisna ma ahan,MOU,heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya ma ahan waa Bayaan caddeynaya labada dhinac in ay is-afartaan oo dhibtii ka dhaxeysay ka heshiiyaan oo meel lagu ogaado heerkaas ayaa la taagan yahay,”.

Sidoo kale, Aqoonyahan Feysal Rooble ayaa wareysigiisa si qoto dheer kaga hadlay nuxurka heshiiska labada ay ku gaareen magaalada Ankara, kaas oo uu garwadeyn ka ahaa Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayip Erdogan una dhaxeeyey.

” Qacda ugu horeysa waxaa weeye in Itoobiya shirarkii ugu horeeyay ee la isugu yimid dib uga laabatay luqmatul xajarka dib u liqday dhaqaaqday arrimihii ay ku dhegneyd oo aanay xaq u lahayn,markaa shanta qodob ee muhiimka ah ee meesha ku tuugan, midi waa kan sheegay oo hadda ima hor yaalo, laakiin arrimaha ugu waa saddex koow Itoobiya shirarkii la isugu yimid laga soo bilaabo maalintii Kenya ilaa kuwii aan joogay ilaa kan maanta waxaa intaa diidaneyd erayga oranaya muqaddasnimada midnimada Soomaaliya, doorkan sida aan warka ku hayo is-jiid-jiid badan iyo is-riix-riix badan oo Aby ka dhaqaaqi waayay ugu dambeyn wuu saxiixay, waxay u diidayeen midnimada Soomaaliya in ay muqaddas tahayna wax kalaa miiska u saaran,”.

Kulanka Ankara ee dhexmaray madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Aby Ahmed ayaa waxaa labada dhinac ay ku heshiiyeen iyadoo lagu saleynayo War Murtiyeedka wadajirka ee shirka ka soo baxay in dhammaan arrimahii la isku haystey sida heshiiskii kihilaafka dhaliyay meesha laga saarey, ayna yihiin taariikh tagtey, labada dalna ay u bilaabaneyso bog cusub oo ku saleysan is qaddarin iyo dhowrista qaranimada, madaxbanaanida , midnimada iyo wadajirka dhuleed ee labada dal.

War Murtiyeedka ayaa waxaa sidoo kale lagu xusay in heshiis kasta oo dhacaya ay khasab tahay in loo soo maro Dowladda Federaalka ee Soomaliya, dhammaan qeybaha kal duwan ee Bulshada Soomaaliyeed ayaa soo dhoweeyay heshiiska iyo sida madaxweyne Xasan Sheekh u difaacay qarannimada, midnimada iyo madax bannaanida dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa “waxaan rajeynayaa Guddoomiyaha cusub xilka la wareegay in uu noqdo guddoomiyihii ugu danbeeyey ee magacaabis ku yimaada”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in caasimadda ay ka bilaaban doonaan doorashooyinka qof iyo cod ee dalka laga qabanayo, isla markaana uu guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ee xilka la wareegay noqon doono kii ugu danbeeyey ee ku yimaada magacaabis, taas oo muhiim u ah geeddi-socodka dimoqraadiyadda iyo xoojinta matalaadda shacabka.

“Waxaa naga go’an in talada dadka dib loogu celiyo oo magaalada Muqdisho dadkeedu ay soo doortaan hoggaankii matali lahaa, waxaana rajeynayaa Guddoomiyaha cusub ee caawa xilka la wareegay in uu noqdo guddoomiyihii ugu danbeeyey ee magacaabis ku yimaada”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka hadlayey munaasabadda uu xilka kula wareegayey Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir in uu si hufan oo daacadnimo leh ugu adeeggo bulshada Gobolka Banaadir, uuna sii wado dadaallada lagu horumarinayo amniga, nadaafadda, bilicda iyo adeegyada bulshada ee caasimadda Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyey Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Mudane Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale, doorkii muhiimka ahaa ee uu ka soo qaatay horumarinta caasimadda intii uu xilka hayey.

Ra’iisul Wasaare Xamsa “waxaan rajeynayaa Guddoomiyaha cusub xilka la wareegay in uu noqdo guddoomiyihii ugu danbeeyey ee magacaabis ku yimaada”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in caasimadda ay ka bilaaban doonaan doorashooyinka qof iyo cod ee dalka laga qabanayo, isla markaana uu guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ee xilka la wareegay noqon doono kii ugu danbeeyey ee ku yimaada magacaabis, taas oo muhiim u ah geeddi-socodka dimoqraadiyadda iyo xoojinta matalaadda shacabka.

“Waxaa naga go’an in talada dadka dib loogu celiyo oo magaalada Muqdisho dadkeedu ay soo doortaan hoggaankii matali lahaa, waxaana rajeynayaa Guddoomiyaha cusub ee caawa xilka la wareegay in uu noqdo guddoomiyihii ugu danbeeyey ee magacaabis ku yimaada”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka hadlayey munaasabadda uu xilka kula wareegayey Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir in uu si hufan oo daacadnimo leh ugu adeeggo bulshada Gobolka Banaadir, uuna sii wado dadaallada lagu horumarinayo amniga, nadaafadda, bilicda iyo adeegyada bulshada ee caasimadda Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyey Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Mudane Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale, doorkii muhiimka ahaa ee uu ka soo qaatay horumarinta caasimadda intii uu xilka hayey.

Soomaaliya iyo Tansaaniya oo Xoojinaya Xiriirkooda Ka Hor Saxiixa Heshiiska Is-Afgaradka

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Hamza Haadow , oo ay wehliyaan Agaasimaha Waaxda Afrika, Cabdulkadir Maxamuud Yuusuf (Burgal), iyo Safiirka Soomaaliya ee Tansaaniya, Danjire Ilyaas Cali Xasan, ayaa casho sharaf rasmi ah u sameeyay Kooxda Farsamada Dowladda Tansaaniya ee booqashada ku joogta Muqdisho.

Cashada oo lagu gogol xaadhayay munaasabadda saxiixa Heshiiska Is-Afgaradka (MOU) ee labada dal, oo dhici doonta maanta oo 18-ka Diseembar ah, ayaa noqotay fursad ay labada dhinac ku yeeshaan wadahadallo miro-dhal ah, is-weydaarsadaan salaan iyo khibrado kala duwan. Kulankani wuxuu xoojiyay fahamka labada dhinac, isagoo aasaas adag u dhigay iskaashi dhow oo dhexmara labada waddan.

Munaasabaddan ayaa muujinaysa sida ay Soomaaliya uga go’an tahay dhisidda iskaashi waara oo ay la yeesho Tansaaniya, taas oo horseedi doonta horumar wadajir ah, iskaashi goboleed iyo xiriir diblomaasiyadeed oo qoto dheer.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka 2-aad ee dalka oo guddoomiyey kulan ku saabsan mashariicda horumarinta Muqdisho

Ra’iisul wasaare ku xigeenka 2-aad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa guddoomiyey shir muhiim ah oo looga hadlayay u diyaar garowga munaasabadda Daahfurka Dhismaha Horumarinta Muqdishada Cusub iyo Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Muqdisho oo la qaban doono 19ka Diseembar 2024.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa sheegay in Mashruucyadan oo leh muhiimmad qaran, ay xoojin doonaan kobaca dhaqaalaha iyo horumarka Muqdisho, iyada oo ay magaalada u beddelayaan xarun ganacsi oo heer caalami ah.

Shirkan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiirrada, Agaasimeyaasha iyo Masuuliyiinta kala ee ka qeyb qaadanaya fulinta mashariicda horumarineed ee wejiga koowaad ee qorshahan, iyadoo looga dhageystay warbixinno khubarada daraasadaha kala duwan ku sameeyay mashariicda horumarinta Muqdishada cusub.

  

Taliska xoogga dalka oo soo dhaweeyey Taliye xigeenka Militariga Tanzania

Taliyaha Ciidanka XDS S/gaas Odawa Yuusuf Raage ayaa Taliska Ciidanka Xoogga Dalka kusoo Dhaweeyey Taliye Xigeenka Ciidanka Milatariga ee Wadanka Tansaniya S/guud Salum Haji Othman..

Taliye Xigeenka Ciidanka Milatariga ee Wadanka Tansaniya S/guud Salum Haji Othman ayaa salaan sharaf ka qaatay Cutubyo ka tirsan Ciidanka XDS.

Soo dhawaynta ka dib Wafdiga Taliye Xigeenka ayaa waxa xafiiskiisa ku qaabilay Taliyaha Ciidanka XDS S/gaas Odawa Yuusuf Raage waxayna yeesheen kullan looga hadlaayey iskaashiga Labada Dal ee Dhanka Ciidanka.

  

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay mashruuca casriga ah ee Gateway

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho ka dhagax-dhigay mashruuca casriga ah ee Gateway Complex, kaas oo ay maalgelinayaan ganacsato Soomaaliyeed, qeyb weyn ka qaadan doono horumarinta dhaqaalaha, ganacsiga iyo fursad siinta shirkadaha waaweyn ee caalamka ah si ay ugu soo dhiirradan maalgashiga dalkeenna.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyey munaasabadda lagu dhagax-dhigayey mashruucan ayaa ganacsatada Soomaaliyeed ee soo hindistay aragtidaan casriga ah ku bogaadiyey daddaallada ay ku bixinayaan kobcinta dhaqaalaha, dib u yagleelida quruxda caasimadda, magaca iyo wajiga cusub ee dalkeenna si uu caalamku u arko wax qabsigeenna, taas oo door ka qaadaneysa in Soomaaliya ay ku soo hirtaan ganacsato badan oo heer caalami ah.

“Gobolka Geeska Afrika Dalkeenna ayaa ugu mustaqbal fiican, isaga ayaana hoggaamin doono mustaqbalka, maalgashi marka laga hadlayana mustaqbalka ayaa diirradda la saara howl maanta taagan ma’ahan waxa xoogga la saarayo arrin fog, taas oo qaadan karto sannado, Soomaaliya maanta waxa ay cagta saartay dhabbaha horumarka, iyada oo ka soo kabaneysa marxaladihii adkaa ee uu soo maray dalkeenna.Waa hubaal in guulaha aan gaarnay ka badan aan xaqiijin karnay laga soo billaabo 2000, balse caqabado waaweyn ayaa jiray oo mar kasta dib inoo dhigayey.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in dowladda uu hoggaamiyo ay ahmiyad weyn siineyso maalgashiga, si dalkeenna uu u gaaro isku filnaasho dhaqan-dhaqaale oo waara, isaga oo ganacsatada Soomaaliyeed ee dibadaha maalgashada ku booriyey in ay dalkooda maalgeliyaan si dadka Soomaaliyed ay ula tartamaan ummadaha horumaray.

“Soomaaliya maanta waa meel ay maalgashadayaasha caalamku ay ku tartamayaan sidii ay u soo wada aadi lahaayeen, mashruucyada heerka caalami ah ee hakadka ku jira waxaa ka mid ah maalgelinta hooteelo waaweyn, suuqyo casri ah, dekado, garoomo diyaareed iyo kheyraadka Dabiiciga ah, dowladda Soomaaliyana inta badan waa dhammeystirtay sharciyadii lagu hagi lahaa ee damaannad qaadayey maalgashigooda, waxaana ku dhiirrigelineyna ganacsatadeenna in ay aaminaan dalkooda oo fursadaha jira ka faa’iideystaan”

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dul istaagay caqbadaha ku gedaaman horumarka, taas oo lid ku noqon karta sharciga dalka u degsan, dhaqankeenna suuban iyo khiyamka bulshada ee aan kaga tilmaaman nahay ummadaha kale, isaga oo ganacsatada uga baaqay in ay iska ilaaliya wax kasta oo dhaawici karo diinta.

“dowladnimada waxaa aas-aas u ah in dadka waxa ay leeyihiin u ilaaliso ay ku taagan yihin ummadda jiritaankeeda sida diinta, dhaqanka suuban, afka, difaacdo xuuquuqdooda iyo in ay adeegyo u fidiso sida caafimaad, waxbarasho, biyo, koronto iyo xqaiijinta amniga muwaadinka”

Madaxweynaha oo ka duulaya muhiimadda uu leeyahay dadka iyo dowladda Soomaaliyeed maalgelinta mashruucaan weyn ee Gateway ayaa ganacsatada hirgelineysa ku adkeeyey in ay si deg deg ah u soo dhammeytiran qorshaha dhismahaan ka kooban qeybaha kala duwan, sida Hoteel casriya, suuq, isbitaal, maasaajid, hool Shirar caalamiga ah martigeliya iyo goobo kale oo heer sare ah.

         

Wasiirka Kheyraadka iyo Dalxiiska Tanzania oo Soomaaliya soo gaartay

Wasiirka Kheyraadka iyo Dalxiiska ee dalka Tanzania Dr. Pindi Chana ayaa maanta soo gaartay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, waxaana garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyey Safiirka Soomaaliya ee dalka Tanzania Danjire Ilyaas Cali Xasan, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Cabdullaahi Xayir Ducaale, Agaasimaha Waaxda Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Cabdulqaadir Maxamuud Yuusuf iyo masuuliyiin kale.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Cabdullaahi Xayir Ducaale oo warbaahinta kula hadlay garoonka ayaa sheegay in Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo Wasiirka Kheyraadka iyo Dalxiiska Tanzania Marwo Pindi Chana ay Muqdisho ku kala saxiixa doonaan heshiis ku saabsan horumarinta iyo iskaashiga dalxiiska labada dalka ee Soomaaliya iyo Tanzania.

    

Madaxweynaha JFS oo la kulmay Ergeyga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee dowladda Shiinaha Wakiilka uga ah Geeska Afrika Xue Bing oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Danjire Xue Bing ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada waddan ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, siyaasadda, diblomaasiyadda, ganacsiga iyo waxbrashada si loo kobciyo danaha ay wadaagaan Soomaaliya iyo Shiinaha.

Madaxweynaha ayaa danjiraha la wadaagay horumarada uu gaaray dalkeena iyo fursadaha maalgashi ee ka bannaan, taas oo ay wadaagi karaan Soomaaliya iyo Shiinaha, waxa uu xusay in Soomaaliya waqtigan u diyaarsantahay la falgelidda caqabadaha iyo fursadaha isku sidkan ee ka imaan kara heer Gobol iyo kuwa caalamiga ah.

Dhankiisa, Danjire Xue Bing ayaa uga mahadceliyey Madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed soo dhaweynta wanaagsan ee ay u fidiyeen isaga iyo wafdigiisa, waxaana uu bogaadiyey guulaha ay ku tallaabsatay Dowladda Federaalka ee dhinaca amniga, la dagaallanka Argagixisada iyo xaqiijinta nabadda iyo horumarka Geeska Afrika, taas oo ku saleysan daris wanaag, is ixtiraam iyo nabad ku wada noolaanshaha dalalka Gobolka.