Baydhabo oo laga hirgaliyey xabsi cusub oo casri ah

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen oo uu wehliyo wasiirka wasaaradda Cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka XFS mudane Xassan Macallim Maxamuud ayaa maanta daahfuray xabsiga cusub ee magaalada Baydhabo, kaas oo qaab casri ah loo dhisay.

Xafladda howlgelinta xabsiga waxaa Wasiirka ku wehliyay madax ka tirsan Wasaaradda oo ay ka mid yihiin wasiir dowlaha wasaaradda mudane Ilyaas Sheekh Cumar Abuubakar iyo xoghayaha Joogtada ah ee wasaaradda mudane Faysal Aadan Xassan.

Sidoo kale xafladda waxaa ka qayb galay  madax ka socotay labada gole ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo Saraakiisha Laamaha amniga iyo Asluubta Labada heer.

Wasiir Xassan Macallin oo hadal ka jeediyay xafladda ayaa sheegay in howlgelinta xabsiga cusub ee Baydhabo ay tahay tallaabo weyn oo ka mid ah dadaallada dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan horumarinta adeegyada, hagaajinta xaaladaha xabsiyada iyo dhowrista xuquuqda maxaabiista.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay mashruuca casriga ah ee Gateway

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho ka dhagax-dhigay mashruuca casriga ah ee Gateway Complex, kaas oo ay maalgelinayaan ganacsato Soomaaliyeed, qeyb weyn ka qaadan doono horumarinta dhaqaalaha, ganacsiga iyo fursad siinta shirkadaha waaweyn ee caalamka ah si ay ugu soo dhiirradan maalgashiga dalkeenna.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyey munaasabadda lagu dhagax-dhigayey mashruucan ayaa ganacsatada Soomaaliyeed ee soo hindistay aragtidaan casriga ah ku bogaadiyey daddaallada ay ku bixinayaan kobcinta dhaqaalaha, dib u yagleelida quruxda caasimadda, magaca iyo wajiga cusub ee dalkeenna si uu caalamku u arko wax qabsigeenna, taas oo door ka qaadaneysa in Soomaaliya ay ku soo hirtaan ganacsato badan oo heer caalami ah.

“Gobolka Geeska Afrika Dalkeenna ayaa ugu mustaqbal fiican, isaga ayaana hoggaamin doono mustaqbalka, maalgashi marka laga hadlayana mustaqbalka ayaa diirradda la saara howl maanta taagan ma’ahan waxa xoogga la saarayo arrin fog, taas oo qaadan karto sannado, Soomaaliya maanta waxa ay cagta saartay dhabbaha horumarka, iyada oo ka soo kabaneysa marxaladihii adkaa ee uu soo maray dalkeenna.Waa hubaal in guulaha aan gaarnay ka badan aan xaqiijin karnay laga soo billaabo 2000, balse caqabado waaweyn ayaa jiray oo mar kasta dib inoo dhigayey.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in dowladda uu hoggaamiyo ay ahmiyad weyn siineyso maalgashiga, si dalkeenna uu u gaaro isku filnaasho dhaqan-dhaqaale oo waara, isaga oo ganacsatada Soomaaliyeed ee dibadaha maalgashada ku booriyey in ay dalkooda maalgeliyaan si dadka Soomaaliyed ay ula tartamaan ummadaha horumaray.

“Soomaaliya maanta waa meel ay maalgashadayaasha caalamku ay ku tartamayaan sidii ay u soo wada aadi lahaayeen, mashruucyada heerka caalami ah ee hakadka ku jira waxaa ka mid ah maalgelinta hooteelo waaweyn, suuqyo casri ah, dekado, garoomo diyaareed iyo kheyraadka Dabiiciga ah, dowladda Soomaaliyana inta badan waa dhammeystirtay sharciyadii lagu hagi lahaa ee damaannad qaadayey maalgashigooda, waxaana ku dhiirrigelineyna ganacsatadeenna in ay aaminaan dalkooda oo fursadaha jira ka faa’iideystaan”

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dul istaagay caqbadaha ku gedaaman horumarka, taas oo lid ku noqon karta sharciga dalka u degsan, dhaqankeenna suuban iyo khiyamka bulshada ee aan kaga tilmaaman nahay ummadaha kale, isaga oo ganacsatada uga baaqay in ay iska ilaaliya wax kasta oo dhaawici karo diinta.

“dowladnimada waxaa aas-aas u ah in dadka waxa ay leeyihiin u ilaaliso ay ku taagan yihin ummadda jiritaankeeda sida diinta, dhaqanka suuban, afka, difaacdo xuuquuqdooda iyo in ay adeegyo u fidiso sida caafimaad, waxbarasho, biyo, koronto iyo xqaiijinta amniga muwaadinka”

Madaxweynaha oo ka duulaya muhiimadda uu leeyahay dadka iyo dowladda Soomaaliyeed maalgelinta mashruucaan weyn ee Gateway ayaa ganacsatada hirgelineysa ku adkeeyey in ay si deg deg ah u soo dhammeytiran qorshaha dhismahaan ka kooban qeybaha kala duwan, sida Hoteel casriya, suuq, isbitaal, maasaajid, hool Shirar caalamiga ah martigeliya iyo goobo kale oo heer sare ah.

Madaxweynaha JFS oo la kulmay Ergeyga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee dowladda Shiinaha Wakiilka uga ah Geeska Afrika Xue Bing oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Danjire Xue Bing ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada waddan ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, siyaasadda, diblomaasiyadda, ganacsiga iyo waxbrashada si loo kobciyo danaha ay wadaagaan Soomaaliya iyo Shiinaha.

Madaxweynaha ayaa danjiraha la wadaagay horumarada uu gaaray dalkeena iyo fursadaha maalgashi ee ka bannaan, taas oo ay wadaagi karaan Soomaaliya iyo Shiinaha, waxa uu xusay in Soomaaliya waqtigan u diyaarsantahay la falgelidda caqabadaha iyo fursadaha isku sidkan ee ka imaan kara heer Gobol iyo kuwa caalamiga ah.

Dhankiisa, Danjire Xue Bing ayaa uga mahadceliyey Madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed soo dhaweynta wanaagsan ee ay u fidiyeen isaga iyo wafdigiisa, waxaana uu bogaadiyey guulaha ay ku tallaabsatay Dowladda Federaalka ee dhinaca amniga, la dagaallanka Argagixisada iyo xaqiijinta nabadda iyo horumarka Geeska Afrika, taas oo ku saleysan daris wanaag, is ixtiraam iyo nabad ku wada noolaanshaha dalalka Gobolka.

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS oo gaaray magaalada Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo caasimadda ku-meel-gaarka ah ee Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Wafdiga Wasiirka waxaa kusoo dhaweeyay garoonka Shaati-Gaduud ee Magaalada Baydhabo Xubno ka socda bahda Cadaaladda Koonfur Galbeed oo uu horkacayay Wasiirka Cadaaladda Maamulka Mudane Cabdiqaadir Yuusuf Cabdi Nuur.

Ujeedka safarka ayaa ah ka qeybgalka xafladda howlgelinta xabsiga cusub ee Baydhabo, howlgalinta xabsigan ayaa qeyb ka ah dadaallada dib-u-habeynta adeegyada Asluubta iyadoo la xaqiijinayo xuquuqda maxaabiista lana tayeynayo xarumaha lagu xannaaneeyo eedeysanayaasha iyo dambiilayaasha.

Xubnaha Wafiga ee la socdo Wasiirka waxaa kamid ah wasiiru-dowlaha Wasaaradda Cadaaladda, Mudane Ilyaash Sheekh Cumar, Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda, Mudane Faysal Aadan Xasan iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda.

 

Wasiirka Qorshaynta XFS oo kulan la qaatay guddoomiyeyaasha cusub ee Kooxda Deeq-bixiyeyaasha Soomaaliya

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene), oo uu weheliyo Kusimaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Cabdifataax Xasan, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyeyaasha cusub ee Kooxda Deeq-bixiyeyaasha Soomaaliya (Somalia Donor Group – SDG) oo kala ah: Chris Pycroft (FCDO – UK), Martina Durrer (Switzerland), iyo Anna Saleem (Sweden).

Kulankan ayaa looga hadlay arrimaha mudnaanta u leh horumarinta dalka, oo ay ka mid yihiin: Dhammeystirka Qorshaha Isbeddelka Qaran (QIQ: 2025–2029), Horumarinta maalgelin waarta si loo xaqiijiyo joogtaynta mashaariicda, Xoojinta ka-qaybgalka shirkadaha gaarka loo leeyahay, iyo Hormarinta tirakoobka qaran, oo ah aasaaska qorsheynta saxda ah.

Wasiirka Qorshaynta XFS iyo guddoomiyeyaasha cusub ee Kooxda Deeq-bixiyeyaasha Soomaaliya ayaa waxaa ay hoosta ka xariiqeen doorka muhiimka ah ee Kooxda Deeq-bixiyeyaasha Soomaaliya ay ku leeyihiin hirgelinta mudnaanta 2025 iyo horumar waara.

Ugu dambeyn, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene) iyo wakiiladda ka socday Deeq-bixiyeyaasha Soomaaliya ayaa isla qaatay in shirka iskuduwidda la qabto Febraayo 2025, si loo mideeyo dadaallada horumarineed iyo istiraatiijiyadaha lagu gaarayo yoolalka mustaqbalka.

Shirweynaha 15aad ee Daraasaadka Soomaaliya oo maalintiisa 3-aad galay

Shirweynaha Meertada 15-aad ee Ururka Caalamiga ah ee Daraasaadka Soomaaliyeed ayaa maalintiisa 3-aad galay, kaas oo lagu soo bandhigay warbixinno iyo doodo muhiim u ah dowlad dhiska casriga ah.

Shirweynahan ayaa shalay inta badan xoogga lagu saaray doodo la xiriira ka Fekeridda Dib-u-habeynta Soomaalinimada, Daraasaadka Soomaaliyeed iyo Mustaqbalka Sheekooyinka Wadaagga.

Sidoo kale waxaa iyadana halkaas lagu soo bandhigay doodo ku qotoma Islaamka iyo Dowlad dhiska-Casriga ah, Doorka ay waxbarashada kuleedahay dibudhiska Ummadda Soomaaliyeed iyo doorka Teknoolojiyada Dijitalka ah ee Maamulka, Waxbarashada iyo Ka-qaybgalka Bulshada.

Wasiir hore ee Waxbarashada Puntland ahna Agaasimaha Guud ee Hill Institute, mudane Cali Xaaji Warsame oo hadal jeedin ka sameeyay shirweynaha ayaa ka hadlay mowduuc ku saabsan Muhiimadda Iskaashiga dawladda iyo ganacsiga gaarka ah ee Jaamacadaha iyo ganacsiga si loo Hagaajiyo fursadaha ardayda ka Baxda jaamacadaha.

Shirweynaha meertada 15-aad ee Ururka caalamiga ah ee Daraasaadka Soomaaliyeed, oo markiisii ugu horreysay la qabtay sanadkii 1979-kii ayaa sanadkan waxaa ka qayb galaya, in ka badan 400 oo ergo ah, kuwaasi oo isugu jira aqoonyahanno Soomaaliyeed, cilmi baarayaal caalami ah iyo qaar kamid ah mas’uuliyiinta Jaamacadaha geeska Afrika, waxaana gabagabada Shirkan laga soo saaridoona, Daraasado ku saabsan hurumarinta waxbarashada dalka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan la qaatay guddiga Madabanaan ee doorashooyinka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, waxaanna Guddoomiyaha Guddiga Cabdikariin Axmed Xasan uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka u faahfaahiyay shaqooyinka guddiga gaar ahaan waxyaabihii u qabsoomay tan iyo markii la magacaabay iyo sidoo kale qorshayaasha u degsan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa xubnaha guddiga ku bogaadiyay shaqada adag ee ay qaranka u hayaan, waxaana uu xubnaha guddiga u sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay ka sugayaan in ay dalka ka hirgeliyaan doorasho qof iyo cod ah si ay dadka Soomaaliyeed codkooda ugu doortaan hogaanka wadanka.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa ugu dambeyn xubnaha Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha kula dardaarmay in ay dardargeliyaan shaqada qaran ee loo igmaday.

Kulan dib-u-eegis loogu sameynayo Qorshaha Horumarinta Waxbarashada (2022-2026) oo Muqdisho ka furmay

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daahfurtay kulan labo cisho soconaya oo dib-u-eegis loogu sameynayo Qorshaha Horumarinta Waxbarashada (2022-2026).

Kulanka waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin ka tirsan Wasaaradaha Waxbarashada Heer Federal, Dawlad Goboleed iyo Gobolka Banaadir, saamileyda waxbarashada, hay’adaha waxbarashada gaarka loo leeyahay, hay’adaha caalamiga iyo kuwa maxalliga ah ee ka shaqeeya horumarinta Waxbarashada iyo ururada Bulshada Rayidka ah.

Kulanka oo ay si rasmi ah u furtay Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare Xildhibaan Nuura Mustaf Mukhtaar ayaa inta uu socdo waxaa diiradda lagu saarayaa waxyaabaha qabsoomay muddadii 2da sano iyo barka ahayd iyo caqabadaha lala kulmay, waxaana la filayaa in ay ka soo baxaan talooyin wax ku ool ah oo waddada u xaaraya in dib-u-qaabeyn lagu sameeyo Qorshaha Horumarinta Waxbarashada, ulana jaanqaado Qorshaha Isbeddelka Qaranka (2025-2029).

Guddoomiyaha aqalka sare oo kulan la yeeshay gudiyada dib u eegista Dastuurka

Guddoomiyaha golaha aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Mudane Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde, ayaa kulan la qaatay Guddiga la-socodka dib u eegista Dastuurka BJFS iyo Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo hirgelinta Dastuurka.

Xubnaha Guddiyada ku howlan dib-u-eegista Dastuurka ayaa warbixin ka siiyay Guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa la tashiyadii iyo soo jeedinta waxka bedelka cutubyada 5aad ilaa 9aad ee Dastuurka oo hadda maraya wajigii 2aad.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa bogaadiyay una mahadceliyay Guddiyada ku howlan dib u eegista Dastuurka.

Safiirka Soomaaliya ee Masar oo la kulmayGuddoomiyaha Baarlamaanka Carabta

Qaahira: Safiirka Jamhuuriyadda FederaalkaSoomaaliya ee dalka Masar ahna wakiilka joogtada ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Cali Cabdi Awaare ayaa maanta booqasho ugu tagay Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta Mudane Maxamed Axmed Al-yamaaxi.

Gudoomiyaha Baarlamaaka Carabta ayaa soo dhoweyn ka dib ku celiyey in ay si adag u garab istaagayaan Soomaaliya dhinac kasta, waxayna isla soo qaadeen Arrimaha ka tagaan gobolka.

Danjire Awaare ayaa uga mahad celiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta garab istaagga joogtada ah ee Soomaaliya.